WARBIXIN:-
SHIRAR KA DHACAY
MAGAALADA CEELBUH OO
LAGAGA HADLAY
ARIMAHA DEGAANKA.
CEELBUH:- Shirar
beeleedyo
ayaa todobaadkii
hore ka dhacayy
magaalada Ceelbuh ee
ku taal gobolka
Sanaag shirkaas oo
ahaa mid si weyn loo
soo agaasimay
waxaana aad loogu
falanqeeyey arimaha
Deegaanka iyo Dhuxul
shidida sidii lagu
joojin lahaa waxaana
isla markaan shirkan
laga soo saaray
go'aamo ku saabsan
ilaalinta iyo
horumarinta degaanka
.
Arimahaas
saamaynta ku yeeshay
shirarkaas ayaa waxa
ugu weynaa iyadoo si
aad ah dhuxul looga
shidayo Soolka ka
badbaadey gacmaha ka
xaq daran ee gubidda
iyo goynta geedaha
oo si arxan darro ah
loo rujinayo
dureemada , loona
gubayo galoolka,
soolka sida ba'an
faraha loogula jiro
ayaa waxa ka mid ah
:
Damal-waraabe
Xaaris.
Maygaag.
Mindhicir.
Gooxdheere.
Qodax.
Ubaglayaal

Sida aad ku
aragtaan Sawirkan
kore waxaa shirka
kasoo qeyb galey
odayaal iyo waxgarad
iyo weliba aqoon
yahano dibada iyo
dalkaba ka yimi.
Go'aamadaas oo ay
ku saxiixnaayeen
odayaal faro badan
iyo aqoonyahan kale
ayaa waxay u
qornaayeen sida :-
- Waxan beesha
Warsangeli ugu
baaqaynaa meel
marinta
go'aamadii
shirkii Buraan
ee la saxiixay
20.07.2006, ee
mamnuucayey
xaalufinta
degaanka.
- Waxan
taageero buuxda
u haynaa
mashaariicda
horumarinta
degaanka beesha
Warsangeli sida
mashruuca
muhiimka ah ee
dekedda
Laasqoray iyo
mashruuca
dooxada Xubeera.
- Waxan
dhallinta beesha
Maxamed Naallaye
uga digaynaa
iney ka mid
noqdaan kuwa
guba ama gooya
degaanka beesha
Warsangeli,
cidii lagu soo
eedeeyona waa in
la xidho lana
dhaqan celiyo.
- Waxan ugu
baaqaynaa
beelaha kale ee
Warsangeli iney
nala qaataan
arintan, si loo
badbaadiyo
degaanka
Warsangeli ee la
gubayo lana
goynayo.
- Waxan
hay'adaha
wadaniga ah,
maamulada iyo
qurba joogta
Warsangeliba ugu
baaqaynaa iney
shaqo abuur u
sameeyaan
dhallinta
dhibaatada ku
haysa degaanka
ee gubta ama
goysa dhirta ,
si ay uga
kaaftoomaan
arimahaas dhibta
ku ah degaanka
- Waxan u
mahad celinaynaa
hay'adda Horn
Relief oo wacyi
gelin iyo gacan
kaleba ka
geysata
ilaalinta
degaanka.

Prof. Axmed
Faarax Cali (
Xaaji-bidaar) oo
shirweynaha u
sharaxaya ahmiyadda
degaanka

Sawirka aad
aragtaan waa
Nabadoon
MaxamuudAxmed Yusuf
oo ku magac dheer
Maxamuud Xawar oo ka
mid ah Nabadoonada
sida weyn looga
yaqaano gobolka
Sanaag oo shirkan
bal libaaxa ka
cayaarey.
Magacyada
Odayaasha iyo
Aqoonyahanka
go'aamadan soo
saaray :
NB. Maxamuud
Axmed Yuusuf (
Xawar).
Ciise Dhaaye
Jibriil.
Xasan Maxamed Cabdi
Jibriil Dhaaye
Jibriil.
Xasan Nuur Ciise (
Xasan Guure).
C/laahi Cabdi
Saalax.
Maxamuud Xasan
Cirro-nuug
Ciise Galaasle.
Xasan Cali Maxamed
C/laahi Dhaaye
Jibriil
Badmaax Jaamac
Ciyoon.
Siciid Badmaax
Jaamac
Cabdi Xaaji
Yuusuf.(Bidix)
Maxamuud Axmed
Saalax
Maxamed Cali Barre .
Muuse Maxamed Cabdi
Ibraahim Cali Xasan
Muuse Maxamed Irgin.
Ciise Saalax
Darmaan.
Cismaan Nuur Ciise.
Cabdi Ciise Saalax.
Siciid Dhaaye
Jibriil.
Prof. Axmed Faarax
Cali (xaaji).
Maxamuud Faarax
Cali.
Maxamed Ismaaciil
Jaamac.
C/rashiid Maxamed
Jaamac.
Yuusuf Saalax
Maxamuud
Maxamuud Ciyoon /
Badhan
Waxaa
Manchester-UK idinka
Soo gudbinaya
C/Risaaq Shirwac--
Xubin ka mid ah
Bahda LaasqorayNet