CABDULLAAHI
GABAYGAAD DIRTEED
Waxaa
tiriyey:
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Jawaab ku
socota: Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud
(Abdullahi Spanish)
-
Cabdullaahi gabaygaad dirteed, dunida
gaarsiisay
- Dadka kale
ha joogee aniga, wuu i daakhilayee
-
Markii aan
daalacday wadnuhu, wuu i doorsamayee
-
-
Dorraad
shaliyo haddeer, daaro mana galinee
- Darintii
la ii dhigay barkimo, diiday dhinaciiyee
- Sheekhyadu
ku daakire sidaan, daal ku soojeeday
-
-
Dibnahayga
dheef uma furoo, layba dacareeyee
-
Dacaamkii la
ii dhigay anaan, dooninoon rabinee
-
Wax la dubiyo
raashinkii, layba dacreeyee
-
-
Hadh dugsoon
anigaan galinoo, daayay noloshiiyee
-
Duhirkii
baqoolaha intaan, doowga kor u qaaday
-
Oon duurka
xulay baan jar dheer siiba daadegayee
-
-
Dariiquba
wuxuu ii ahaan, dowyo godod dheeree
-
Qalbigay
dillaacsamay markaan, dayay dhulkeeniiye
-
Sida adi laguu
daaray baan u danqanayaayee
-
-
Doofaarta
raacdiyo axmaar, qoodhi daba taagay
-
Ninkii aan ka
durkin iblays, dabala’ weeyaanee
-
-
Waxba
diihaanyo ciil, dibnaha hays gooynin
-
Duni waa
wareegtaa sidii, damalka hooskiisee
-
Nabsigii
diinku sidayee, waayo soo daahay
-
Maruubuu daf
soo oranoo, daaha yuurariyee
-
-
Axmed gureey
ragguu duuliyiyo, duubcadad jamani
-
Sayidkiyo
darwiishkuu sengaha, dookhu kuu tabayo
-
Maruun bay ka
daahiri arlada, doog sidiisiiyee
-
-
Maruunbaan
diyaaradaha laliyo, miigyo soo diriyee
-
Maruunbaan
intaan xamar daf dhaho, aan ku daakiriye
-
Dekaddii
Markaadiyo marbaan, Jawhar soo degiyee
-
- Da’
yartiyo shabaabkiyo, wixii dumar haweenaada
- Sidii
Darwiishkii intaan, duub cad wada siiyo
- Maruunbay
dushaa uga dhici, daabbad orad weynee
-
- Shanta
kala dab raacdee, laysku dari waayay
- Maruunbuu
Allaha daa’imkaa, isku soo duwiyee
-
- Melazahaa
dayuuska ahiyo, eeyda daba taagan
- Maruunbaan
intaan dacay ka xiro, aan dullaysaniyee
-
- Fanax
durugtay Geedigaas lihiyo, doxorrayaashiisa
- Diinnaari
Ina Yeey iyo, dowlad kuba sheegga
- Maruubaan
intaan dabin u dhigo, ay ku daadaniyee
-
- Dadka yaga
rafaadsan ee, diilalyadu hayso
- Dhaxntiyo
dabaylahaas, diifta uba yeelay
- Maruunbaan
intaan dogob u shido, ay ku diirsaniye
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 2, 207


|