Jaaliyadda Ogaadeeniya
ee K/Africa oo Banaanbaxey
Tacadiyadda Laguhayo
Shacabka Soomaalidda Kililka
5aad ee Ethopia.

Pretoria, Khudbadii
Jumcadda (20th July 2007) ee
Masjidka Metro ee
Magaaloweynta Pretoria waxey
kusaabsaneyd DULMIGA
(Oppression), waxaa
masaajidkaa isuguyimid
Soomaalitirobadan oo
kakalatimid goboladda
K/Africa oo kabanaanbaxaya
dulmiga dowladda daalimiinta
ah ee Ethopia ey kuhayso
shacabweynaha Kililka 5aad
ee dalkaasi degan, sida uu
ii xaqiijiyey C/laahi Carte
oo kamid ahaa
qabanqaabiyaashii
banaanbaxaasi.
Banaanbaxa oo ey
qabanqaabisey Jaaliyadda
Ogaadeeniya ee K/Africa ayaa
waxa kasooqeybgaley dad tiro
ahaan kor udhaafey boqol
ruux oo isugujira Haween,
Caruur, Dhalinyaro iyo
Waayeelba, banaanbaxayaasha
oo watey calamadda kililka
5aad ee Ethopia iyo Somaliya
ayaa si-nidaamsan oo
nabadgelyo ah uga hordhigey
Qasriga Mataxtooyadda
K/Africa.

Banaanbaxayaasha oo watey
boodhadh tirobadan oo ey
kumuujiyanayaan tacadiyadda
iyo dulmiga dowladda Ethopia
kuheyso dadka Somaliyeed ee
Ogaadeeniya, waxaa kamid
ahaa “Xasuuqii Qabridahare”,
“Jooji xadhiga & ciqaabta
dadka shicibka ah”,
“Ha-xorowdo Ogaadeeniya” iyo
qaarkaloo badan.

Sida hay’adaha Xuquuqul
Insaanku kuwaramayaan,
ciidamadda Ethopia ayaa
dilal iyo tacadiyo kadhan ah
bini-aadanimadda kulakacey
Soomaalida kudhaqan gobolka
Ogaadeeniya ee Ethopia.



Waxaa diyaariyey,
Saeed furaa,
Freelance Journalist,
South AFrica
somalilandjournalist@yahoo.com