SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  PL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
  • Jaaliyada Puntland ee Minnesota oo ergay udirtay Puntland
  • Madaxweynaha puntland oo xilka kaxayuubiyey wasiirkii amniga DGP.

Jaaliyada Puntland ee Minnesota oo ergay udirtay Puntland

Waxaa shirar soconayey July 4 -20 oo si gooni gooni ah ay isu arkayeen jaaliyadda Puntland ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka qaybaha kala duwan ee jaaliyaddu ka kooban tahay haday noqon lahayd aqoonyahanada, odoyaasha, haweenka, culimaa’udiinka iyo dhalinyarada iyo indheergaradkaba shirkaasoo looga hadlay arimaha Puntland iyo sidii jaaliyadda dibadu ay qayb libaax uga gaysan lahayd, haday noqoto dhanka horumarka degaanka, talo siinta maamulka iyo shacabkaba, sixida wixii khalada e jira haday noqoto dhanka shacabka iyo dhanka maamulkaba.
 
WDoodo dhaadheer oo maalmo socday kadib waxaa jaaliyaddu isla garatay in la diro ergay gaara oo matala jaaliyadda, xambaarsana nuxurkii shirarkaas maadaama aanan taleefan la diro oo qura lagu koobi Karin, iyo iyadoo la isla gartay in si loo tuso maamulka Puntland iyo shacabkaba sida ay lama huraanka utahay in talooyinkii shirarkaas ka soo baxay muhiimada uu degaanka u leedahay ayaa la go’aan saday in la diro ergay gaara oo fariin qoraala gaarsiin doona madaxda maamul goboleedka Puntland, isimada degaanka iyo shacabka ku nool degaankaba, taasoo ah dareenka ay qabaan jaaliyadda Puntland ee ku nool qurbaha gaar ahaan kuwooda ku nool gobolka Minnesota ee Maraykanka.

Waxyaabihii looga hadlay shirarkaas oo aan halkan lagu soo wada koobi Karin ayaan wax yar ka iftiiminaynaa waana sidan hoos ku qoran.

1- Arimaha adeega bulshada loo qabto.
2- Horumarinta degaanka sida waxbarashada, caafimaadka iyo bilicda degaanka
3- Arimaha siyaasada Puntland iyoin maamulku ka dhabeeyo balanqaadkii ahaa in la furo axsaab siyaasadeed.
4- Deris wanaaga degaanada ku dhaw dhaw iyo guud ahaan Soomaali weyn wax la qaybsigeedba.
5- Arimaha dhaqaalaha iyo sidii wax weyn looga badali lahaa qaabka hada uu yahay.
6- Ka jafid boorka habacsanaanta ka jirta maamulka dhexdiisa iyo abuurin xafiis ama hay’ad xiriirisa jaaliyada iyo maamulgoboleedka Puntland oo muhiim weyn ulahaa jaaliyadda dibada hada ka horna hore uga codsaday madaxda maamulka samaynta ugu yaraan xafiis xiriiriya jaaliyada iyo maamulka.

Hadaba waxaa loo doontay in fariintaas uu xambaaro oo uu noqdo ergayga jaalidda matalaya mudane C/risaaq Maxed Dirir (Ducaysane).

Hadaba habeenkii taariikhdu ahayd July 20 Jimce fiidkii ayaa waxaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo sagootin ahayd ah ka dhacday magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis/St.paul xafladaas oo ay ka soo wada qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyada Puntland ay ka kooban tahay ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo runtii aad moodo kuligood in nuxurka hadalkoodu ahaa sidii Puntland ay ugaari lahayd meel sare shacabka ku noolna noloshooda iyo niyadoodaba sare loogu qaadi lahaa iyo in maamulku ay saxaan khaladaadka muuqda een la inkiri Karin jaaliyadduna aysan insha ka eegan waxa ka socda degaankii ay ka yimaadeen ee Puntland ee wixii ay tari karaan ay taraan. Ugu dambayntii waxaa lagu taageeray shirka ka socda caasimada dalkii Soomaaliya ee Muqdihso ee nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, waxayna shirkaas urajeeyeen jaaliyaddu in shirkaas uu eebe ka dhigo mid ummada Soomaaliyeed quluubtooda uu eebe isu soo dumo oo ku walaaleeyo wixii mugdi ah ee dhexdooda ku jirayna uu eebe ka saaro.

Fiiro gaara, jaaliyadda dibadu gaar ahaan kuwa Minnesota waxay ka codsanayaan maamulka,isimada iyo shacabka degaankuba inay si fiican usoo dhaweeyaan ergaygaas gaarka ah oo jaaliyaddu soo xilsaaratay, ayna usoo dhiibaan wixii talo iyo fariimo ah oo ay iyaguna dhankooda usoo gudbinayaan ergaygaas.

Maxamed Xuseen
EMail: mxuseen@yahoo.com

Madaxweynaha puntland oo xilka kaxayuubiyey wasiirkii amniga DGP.

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Gen.Cade Muuse ayaa wuxuu xilkii wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland Axmed Cabdi Xaabsade.

Madaxweynaha ayaa wuxuu warqad uu soo saaray ku sheegay in uu xilka qaadistan sameeyey markii uu waxyaabo badan eegay.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay lambarkeedu ahaa 126,kuna Taariikheysan 22-July-007 oo maanta ku beegan.

Cade Muuse wuxuu sheegay markuu arkay Xaaladaha siyaasadeed ee Puntland iyo amniga in uu xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Puntland Xaabsade ,dhawaana wasiir cusub la magacaabi doono.

Qoraalka Madaxweynaha lama sheegin waxyaabaha shaqada looga qaaday Xaabsade oo ka mid ahaa Xukuumado badan oo soo maray deegaanada Puntland,balse waxaa lasheegay in arintan lasameeyey markii la arkay xaalada guud ee deegaanada dawlad gobaleedka Puntland.

Wasiirka Shaqada laga qaaday ayaa wuxuu bilihii ugu danbeeyey ku sugnaa Magaalada Buuhoodle oo uu ka waday hawlo nabadeed ,isagoo dhexdhexaadinayay labo beelood oo halkaasi wada daga dagaalona dhexmaraan.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa wuxuu ka qeybqaatay hawlo lugu soo celiyay kala danbeyntii Puntland markii ay dhaceen dagaalo Sakooye oo dhexmaray ciidamo kala duwan.

bashiir cumar cali/gaalkacayo
bashiir137@hotmail.com
somalitalk.com

Wareegtadii hoos ka akhri
 

Cadde Muuse oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Amniga ee DGPL

Wareegto maanta [July 22, 2007] ka soo baxday madaxtooyada DGPL, oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa shaaca looga qaaday in xilkii laga qaaday wasiirkii Aminga DGPL, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade).

Wareegtada oo ay saxaafadda u soo bandhigtay madaxtooyada DGPL ayaa xil ka qaadistay wasiirka u cuskatay "Kaddib markii uu madaxweynaha DGPL arkay "Duruufaha Siyaasadeed iyo amni ee Puntland" iyo "dastuurka Puntland" iyo "baahida loo qabo isbeddel lagu sameeyo xukuumadda" ayuu madaxweynuhu xeeriyey in uu xilkii ka qaaday Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa wasiirkii Amniga ee DGPL.

Isbeddelka wareegtadu xusday ma cadayn in wasiiro kale xukunka laga qaadi doono iyo in kale, waxa keliya oo ay xustay in "baahi loo qabo isbeddel lagu sameeyo xukuumadda".

Waatan wareegtadii Cadde Muuse xilka kaga qaaday wasiirka ee maxadtooyada DGPL soo bandhigtay:

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com