Wararkii:
July 25, 2007
- Ciidamada
Itoobiya oo fal
aad u xun ka
gaystay
deegaanka
warshaddii hore
ee Caanaha
- Qaraxyo ay
dad ku dhinteen
oo ka dhacay
saacadihii la
soo dhaafay
Muqdisho
- Saalax
Badbaado “Nin
Nambar Afar iyo
Kaaraan aan dhex
dhexaad ka aheyn
sidee buu
Soomaali isugu
keeni karaa …”
- Hay’adda
Manhal oo deeq
raashin
gaarsiisay dad
ku jira Xerada
Carbiska ee
deegaanka
Afgooye
- Dowladda
Talyaaniga oo
Baydhabo ka soo
dejisay deeq ay
ugu talagashay
in dadka
dagaalada ka
Barakacay
- Banaanbax
lagu taageerayey
shirka dib u
heshiisiinta
qaran ee
Muqdisho ka
soconaya oo ka
dhacay Muqdisho
- Xubnihii
ugu horeeyey
Gudiga isku
Xirka
Haweenka
Soomaaliyeed
oo lagu
doortey
Magaalada
baydhabo
Ciidamada
Itoobiya oo fal
aad u xun ka
gaystay
deegaanka
warshaddii hore
ee Caanaha
Ciidamada
Dowladda
Itoobiya ee ku
sugan Magaalada
Muqdisho ayaa
iyaga oo
lugeynaya kuna
hubeysan qoryo
culus waxay soo
gaareen guri ku
yaala Warshadda
Caanaha ee
Degmada Hodan,
waxaana
xiligaasi hor
kacayey Wiil
Dhallinyaro ah
oo indha ka
xirnaa, kaas oo
geeyey Guriga ay
ciidamada
Itoobiya falka
xun ka
sameeyeen.
Ciidamada ayaa
markii ay guriga
tageen waxay ugu
tageen labo
dhallinyaro ah
oo la sheegay in
ay ka mid
ahaayeen
Maxaakiimtii
Islaamiga,
markii labada
nin gacanta ku
dhigeen ayay
gurigii dab
qabadsiiyeen,
iyagoo meel
isugu keenay
kitaabadii ay
akhrisan jireen
labada
dhallinyarada
ah, waxaana
falkaasi si aad
ah uga carooday
dadkii
deegaanka, kuna
tilmaamay fal
aad u fool xun.
Ciidamada
Itoobiya ayaa
labadii
dhallinyaro
horey u watay,
ilaa iyo haddana
lama garanayo
meel ay la
aadeen.
Bishii Juun ayay
ahayd markii
Ciidamada
Itoobiya ee ku
sugan agagaarka
Kulliyaddii hore
Jaale Siyaad ay
halkaasi ku
dileen saddex
wiil oo Walaalo
ah, sidoo kale
Ciidamada
Itoobiya ayaa
Isbitaalka Shifa
kala baxay dhowr
qof oo dhaawac
ahaa, kuwaas oo
lagu tuhmayey in
ay la
shaqeeynayeen
maamulkii
Maxaakiimta
Islaamiga, hase
yeehsee wareegto
uu dhawaan soo
saaray
Madaxweyne
C/llalhi Yuusuf
Axmed ayaa waxa
uu ku cafiyey
dhamaan dadkii
la shaqeynayey
ama taageersanaa
Maxaakiimta,
lama ganaranayo
sababaha ay
ciidamada
Itoobiya iyo
kuwa Dowladda u
ugaarsanayaan
ama u
dhibaateynayaan
dadkii
taageersanaa
Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Qaraxyo ay
dad ku dhinteen
oo ka dhacay
saacadihii la
soo dhaafay
Muqdisho
Qaraxyo ay dad
ku dhinteen ayaa
shalay ka dhacay
Magalada
Muqdiso, waxa
uuna qarixii ugu
weynaa ka dhcay
agagaarka
Baar-ubax,
waxaana ku
dhintay saddex
qofood oo
saddexduba
ahaayeen kuwo
rayid ah oo ay
ku jirto
Haweenay Uur eh,
sidoo kale
fiidnimadii
xalay ayaa waxaa
qarax lala
beegsaday gaari
ay saarnaayeen
ciidamada
Dowladda oo
marayay
Kaasa-balbalaare,
waxaana ku
dhaawacmay ilaa
iyo afar Askari,
hase yeeshee
rasaas ay fureen
ciidamada
Dowladda ayaa
waxaa la sheegay
in ay waxyeelo
ka soo gaartay
dad rayid ah
iyagoo marayey
wadada.
Waxaa maalinba
maalinta ka
dambeysa sii
xoogeysanaya
qaraxyada iyo
dilalka loo
gaysanayo
ciidamada
Dowladda iyo
kuwa Itoobiya.
Saalax
Badbaado “Nin
Nambar Afar iyo
Kaaraan aan dhex
dhexaad ka aheyn
sidee buu
Soomaali isugu
keeni karaa …”
Siyaasiga caanka
ah Saalax Nuux
Badbaado oo
horey xildhibaan
uga ahaa
Dowladdii Carta
ayaa si kulul u
beeniyey qoraal
sheegayey in
lagu daray
liiska Ergada
gobalada Waqooyi
ee Beesha Isaaq
kaga qaybgalay
shirka dib u
heshisiinta
Beelaha
Soomaaliyeed ee
haatan ka socda
Magaalada
Muqdisho.
“Liiskaas waan
arkay mana
garanayo cid igu
darsatay,
waxaana ummadda
u sheegayaa in
aan ka qaybgelin
shirkaasi oo ah
mid aan ummadda
Soomaaliyeed
isku keeneen”
ayuu yiri Saalax
Badbaado oo
intaa raaciyey
“Shirka haddii
uu yahay shir
beeleed, maxay u
hogaamin waayeen
odoyaasha
dhaqanka ee laga
yaqaano
geyigeena, waan
tan ay
hogaaminayaan
Siyaasiyin uu
hormuud u yahay
Cali Mahdi
Max’ed”.
Saalax Badbaado
waxa uu sheegay
in shirkaasi uu
yahay shir aan
wax natiijo ahi
ka soo bixi
dooni, dadka
hogaaminayana ay
yihiin dad aan
isku keeni Karin
bulshada
Soomaaliyeed.
Mar uu la
hadlayey dadka
reer Waqooyiga,
waxa uu yiri
“Anaga ayaa
haatan ka soo
soconaya
Muqdisho iyo
xaalkeeda ee ha
adinku ha isku
imaanina”,
Saalax Badaado
waxa uu intaasi
ku sii daray
“Aniga kama soo
horjeedi
midnimada
Ummadda
Soomaaliyeed,
waxaana jeclahay
in ay midoobaan
Koonfur iyo
Waqooyi,
waxaanse aad uga
xumahay waxa ka
taagan Koofurta
Soomaaliya”,
waxa uuna
intaasi sii daba
dhigay “nin u
hiilinaya Nambar
Afar iyo Kaaraan
miyaad Soomaali
isku keenaya”.
Siyaasiyiin fara
badan ayaa
durbaba
mucaaraday
shirka dib u
heshisiinta
Beelaha
Soomaaliyeed ee
haatan Muqdisho
ka socda ee
galay maalintii
shanaad, iyadoo
haatan Beelaha
ay ka wada
hadlayaan sidii
ay u xalili
lahaayeen wixii
khilaafaad ah ee
horey u dhex
maray.
Hay’adda
Manhal oo deeq
raashin
gaarsiisay dad
ku jira Xerada
Carbiska ee
deegaanka
Afgooye
Waxaa maalintii
shalay ahayd
deeq raashin la
gaarsiyey dadka
soo barakacay ee
ku jira xerada
Carbiska ee
Deegaanka
Afgooye, waxaana
deeqdasi isku
soo uruuriyey
jaaliyadda
Soomaaliyeed ee
ku nool
Magaalada
Washington,
waxaana
qaybinteeda loo
xilsaaray
Hay’adda Manhal
Al-Kheyriya.
Ilaa iyo 650
qoys ayaa
qoyskiiba waxaa
la siiyey 25
kiilo oo Bariis
ah, 25 kiilo oo
ah Bur ah iyo
6-Liitar oo
Saliid ah,
waxaana
raashinkaas si
weyn u soo
dhaweeyey
dadweynaha
deegaanka oo
sheegay in ay
tahay deeqdii
ugu balaarneed,
iyagoo u
mahadceliyey
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee
ku nool dalka
Mareykanka gaar
ahaan Magaalada
Caasimadda ah ee
Washington.
Deeqdaan ayaa
waxaa
ammaankeeda
sugayey ciidanka
nabadgelyada
Degmada Afgooye,
waxa uuna
sheegay
Agaasimaha
Hay’adda Manhal
Cumar Sheekh
Axmed in
deeqdaani ay ugu
talagaleen in la
siiyo dadkaasi
dhibaateysan ee
ay soo
barakaciyeen
dagaalada, waxaa
kaloo uu sheegay
in maanta
Isbitaalada
Madiina iyo
Keydsaney ay
gaarsiin doonaan
lacago deeqo ah
oo ka timid
jaaliyadda
Soomaaliyeed ee
ku nool dalka
Mareykanka gaar
ahaan Magaalada
Washington.
Hooyo ka mid ah
dadkii la siiyey
raashinka oo u
warameysay
saxaafadda ayaa
waxay tiri,
‘waxaan u
mahadcelinayaa
dadka
Soomaaliyeed ee
ku nool
Mareykanka,
waxaana ka
rajeyneynaa in
deeqo noocaan oo
kale ah mar kale
na soo
gaarsiiyaan.
Dadka
Soomaaliyeed ee
ku nool Dibadaha
ayaa waayadan
dambe waxaa
looga bartay in
ay deeqo kala
duwan soo
gaarsiiyaan
ummadda
Soomaaliyeed ee
dhibaatadu
haysato, waxayna
arrintaani laba
jibaarantay
sanadahan dambe,
waayo waagii
hore dadka
Soomaaliyeed,
waxay
mucaawinooyin ka
sugi jireen
hay’ado samafal
iyo Dowlado.
Dowladda
Talyaaniga oo
Baydhabo ka soo
dejisay deeq ay
ugu talagashay
in dadka
dagaalada ka
Barakacay
Diyaarado siday
deeq oo laga
leeyahay
Dowladda
Talyaaniga ayaa
shalay ka soo
degay garoonka
Diyaaradaha ee
Magaalada
Baydhabo.
Deeqdaas oo
isugu jiray
Raashin,
Teendhooyin
Bustayaal Bacaha
laga galo Roobka
iyo daawooyin
ayay Dowladda
Talyaaniga ugu
talagashay in
loo qaybiyo
dadka
Soomaaliyeed ee
ku barakacay
dagaalada.
Deeqdaan ayaa
waxaa guddoomay
maamulka Gobalka
Bay, waxa uuna
uga mahadceliyey
Dowladda
Talyaaniga sida
ay mar kasta u
garab taagan
shacabka
Soomaaliyeed.
Deeqdaan waxay
ka mid tahay
Deeqo Dowladda
Talyaaniga ugu
talagashay
shacabka
Soomaaliyeed ee
dagaalado
aafeeyeen,
waxaana la
filayaa maalmaha
soo socda in
Baydhabo ay soo
gaaraan
diyaarado sida
deeqo kala
duwan.
Ma ahan markii
ugu horeysay ee
ay Dowladda
Talyaaniga deeqo
soo gaarsiiso
shacabka
Soomaaliyeed.
Magaalada
Baydhabo ayaa
waxaa gaaray dad
fara badan oo ka
barakacay
dagaaladii
dhawaan ka
dhacay Magaalada
Muqdisho kuwaas
oo ku
dhibaateysan
Magaalada
Baydhabo,
waxaana la
filayaa in
maamulka gobalka
Bay uu si deg
deg ah u qaybiyo
deeqdaasi.
Banaanbax
lagu taageerayey
shirka dib u
heshiisiinta
qaran ee
Muqdisho ka
soconaya oo ka
dhacay Muqdisho
Maalintii shalay
ahayd ayaa
Garoona Banadir
Statdium waxaa
ka dhacay
banaanbax lagu
taageerayo
shirka dib u
heshisiinta
Muqdisho,
waxaana soo
qaban-qaabiyey
maamulka gobalka
Banaadir, iyadoo
ay ka qaybgaleen
qaybaha kala
duwan ee
Bulshada,
waxayna ddku
intooda badan
siteen fanaanado
ay ku qornaayeen
ha hir galo
shirka dib u
heshiisiinta
Soomaaliyeed.
Banaanbaxaan
ayaa waxaa ugu
horey ka hadlay
guddoomiyaha
Gobalka Banaadir
Max’ed Dheere oo
sheegay in
banaanbaxaani uu
ka tarjumayo
rabitaanka qaran
Soomaaliyeed,
isagoo sheegay
in gobalka
Banaadir uu ku
soo dhaweynayo
ergooyinka ka
yimid gobalada
dalka si loo
muujinayo dib u
heshisiin dhab
ah.
Max’ed Dheere
waxa uu u soo
jeediyey kooxaha
wax tuuraya in
ay ka soo
qaybgalaan
shirkaan oo
waxay tabanayaan
halkaan ka soo
jeediyan.
Shirkaas waxaa
sidoo kale ka
hadlay
guddoomiyaha
shirka dib u
heshiisiinta
beelaha
Soomaliyeed Cali
Mahdi Max’ed oo
sheegay in
shirka uu haatan
ku socdo sidii
loogu talagalay,
beeluhuna ay
xalinayaan wixii
khilafaad ah ee
horey u dhex
maray.
Cali Mahdi waxa
uu sheegay in
banaanbaxaani uu
beeninayo
wararkii
maalmahan la
faafinayey ee
ahaa in shirka
dib u
heshisiinta loo
dhameyn ama ay
koox gaar ah
wadato.
W/D: Amiin
Yuusuf Khasaaro
e-mail:amiinkhasaaro@hotmail.com
Xubnihii
ugu horeeyey
Gudiga isku
Xirka
Haweenka
Soomaaliyeed
oo lagu
doortey
Magaalada
baydhabo
Siminaar ay
ka
faa'iideysanayeen
54 xubnood
oo ka kala
socda sideed
gobol oo ka
mid ah
Gobolada
Koofureed ee
Soomaaliya
uu soo
qabanqaabiyey
Mac-hadka
Nolosha iyo
Nabada
islamarkaana
uu
Maalgeliyey
isla
Mac-hadka
Goobjoogna
ay ka ahayd
Wasaarada
Haweenka
Horumainta
Qoyska iyo
Caruunta,
ayna
fulineysay
Dalada
Haweenka iyo
Horumarinta
Gobolka
Baay, oo
socdey mudo
3 maalmood
ayaa lgu soo
gebagebeeyey
Hoolka
shirarka
Caalin
Center ee
Gobolka
Baay.
Siminaarkan
oo ay u
jeedadiisu
ahayd kor u
qaadida
doorka
Haweenka
arimaha
nabadeynta
iyo
Dibu-heshiisiinta,
Sare u
qaadida
aqoonta
Haweenka
xalinta
khilaafaadka,
iyo sidii ay
u sameysan
lahaayeen
Gudi Haween
oo iska xira
Haweenka
Soomaalida
ayaa mudadii
uu socdey
waxaa
casharo ka
bixineyey
Madaxa
Mac-hadka
Nolosha iyo
Nabada Md,
Cabdi Aadan
Cali (Cabdi
Dheere) iyo
Maxamed
Xasan Biixi
ayna
fududeeyayaal
ka ahaayeen
qaar ka mid
ah Dalada
Haweenka
Gobolka
Baay.

Agaasimaha
Guud ee
Wasaarada
haweenka
Marwo
Jamiilo oo
gebagebadii
ka hadashey
xiritaankii
Siminaarka
ayaa waxay
tiri
"Xuquuqda
Haweenka ma
aha mid
codsi,
laakiin waa
mid qasab oo
waajib ah,
sidoo kale
waxay keloo
sheegtey in
Haweenka
qaybahaooda
kala duwan
ay la soo
xiriiri
karaan
Wasaarada,
gaar ahaan
Haweenka
Saxaafada ku
jira ayna
dooneyso
inay isla
shaqeeyaan
sidii
hawlaha
haweenka kor
loogu
qaadi".

Gunaanadkii
siminaarka
ayaa waxaa
laga soo
saarey Baaq,
Taageero
Shirka Dibu-
heshiisiint
iyo waxaa
lagu doortey
Sideed
xubnood oo
ka kala
socdey Baay,
Banaadir,
Bakool,
Labada
Shabeelle,
labada jubba
iyo Geddo,
xubnihii loo
doortey ayaa
waxaa ka mid
ahaa Safiyo
Abukar
Karaani
(Banaadir),
Xaliimo
Cabdi Abiyow
(J, dhexe),
Caasho
Abuukar
Cismaan(Sh,
hoose),
Maryan
Sheekh Cabdi
(Sh, Dhexe),
Maano Huudow
Cismaan(Baay),
Xaliimo
Faarax
Godane(J,hoose),
Nimco Isaaq
Maxamed
(Bakool),
Batuulo
Ibraahim
Xasan
(Geddo).

Xubnahaan la
doortey ayaa
waxay la
shaqeyndoonaan
Wasaarada
Haweenka
DFKMG,
Haweenka
Baarlamaanka
FKMG iyo
Ururada
Haweenka ee
Bulshada
Rayidka
Soomaaliyeed,
waxayna
Hawshaan
gudan
doonaann
mudo Halsano
ah.

Madaxa
Mac-hadka
Nolosha iyo
Nabada Md,
Cabdi Dheere
oo aan
su'aaloo
kooban aan
ka weydiiyey
ayaa sheegey
ayaa wuxuu
yiri "kuma
koobnaandoono
intaan oo
keli ah
balse,
xubnahaan la
doortey
maadaama
aanu
aasaaska
Gudiga Isku
xirka
Haweenka
Soomaaliyeed
aanu wax ka
lahayn, si
ay wax tar u
noqdaan,
Ujeedadeenuna
waa kor u
qaadida
doorka
Haweenka
Soomaaliyeed
xaga Nabada
iyo
Wacyigelinta,
waxaana inoo
qorsheysan
inaan
Gobolada
kale sida
Puntland,
Gaalkacyo,
Galgaduud iy
Baladweyne
aan u qabano
Siminaar
noocaan oo
kale.