DABBAAL-DEG PUNTLAND?: WAA WAXAAN LOO NOQON DOONIN!
Maxamed Xirsi
hermoham@aol.com
Hooyo ayaa waxaa laga wariyey in ay wiilkeedii
ku tiri: Allow iga aamusi. Waa habaar culus ee ay hooyo ku
tiraahdo wiilkeeda iyadoo la ogyahay in ay hooyo kastaa ay u
ducayso wiilkeeda xataa haddii uu yahay wax ma tare oo waa tii
la yiri: habari curadkeeda cay uma quurto (Haddii adan qisadan
aqoon akhristow, fadlan waydii saaxiibkaa).
Puntland waxay ku dhawaaqday in ay tahay Dawlad
Goboleed muddo hadda laga joogo 9 sannadood. Sannadkaan oo ay
sagaal jirsatey ayaa waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 17
Agoosto 2007 degmada Camden ee London oo ah magaalo madaxda
dalka Ingiriiska lagu qabtay kulan ay yimaadeen dad aan ku
qiyaasay 60 ilaa 70 qof.
Kulanka oo cinwaan looga dhigay Dabbaaldegga
Sannadguurada 9aad ee Puntland laguna faafiyey Shabakada
Puntlandpost ka hor hal toddobaad, ayaa waxaa qabanqaabadiisa
sheegtay koox wiilal badidood aad u dhallinyar iskuna magacaabay
“Ururka Dhallinyarada Puntlan”.
Waxaa haddaba ugu horrayn is weydiin leh:
-
maxaa keenay in Puntland loo dabbaaldego
kaliya sannadka 9aad ee aasaaskeedii:
-
maxaa dabbaaldegga loogu qaban waayey isla
Puntland?
Imaanshihii shirka iyo noocyada dadkii ka soo
qayb-galay
Ballanta bilowga shirku waxay ahayd 3dii saac ee
galabnimo taasoo ku qornayd warqadihii casumaadda hase yeeshee
waxaa shirkii la furay ka dib 7dii fiidnimo, micnaha 4 saacadood
ka dib.
Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii goobta tegey
hase yeeshee aan haysan casumaad maadaama an sida badan tago
goobaha kulammada ay isugu tagaan Jaaliyada London oo an ka mid
ahay hadba intii aan ka gaaro, haddii uusan ahayn kulan cid u
khaas ah.
Walow ka soo qaybgalayaasha shirku ay u
badnaayeen dhallinyaro iyo da’ dhexaad rag iyo dumarba, haddana
waxaa joogey tiro fiican oo ah dadka ay da’doodu ka weyntahay 50
jir una badnaa ragga, anigu waxaan ku jiraa qaybtan dambe ee
gar-caddaha ah.
Waxaan shirka ka dhex aqooday tiro aqoonley
ah.
Maxaa ka dhacay furitaankii shirka?
Shirkii waxaa furay wiil dhallin yar isla
markaana ka digay in aan shirka laga oggolayn in lagu soo qaado
ama looga hadlo “wax siyaasad ah, qadaf loo geysto dad iyo
ammaan u jeedda cid khaas ah midna.
Dhallinyaradii waxay u yeereen dhowr qof oo ay
ku sheegeen in ay yihiin marti sharaf khaas ah ayna fariisiyeen
kuraasta mudnaanta ama miiska ka soo horjeeda dadweynaha.
Ka dib erayo furitaan iyo muqaddamo ah, waxay
dhallinyaradii hadalkii mid-mid u siiyeen kooxdii marti sharafta
lagu magacaabay, kuwaasoo badidood ammaanay Puntland hase
yeeshee uusan midkoodna soo qaadin wax dhaliil ah ama dhibaato
ka jirta dalka.
Waxaa shirka telefoon kula soo
hadlay Janan Cadde Muuse oo hadda haya jagada madaxtinnimada
Puntland iyo ninka u qaabbilsan guddoomiyaha baarlamaanka
(parliament speaker) oo iyaguna shirka bogaadiyey. Walow aan si
fiican loo maqlayn laynkii telefoonka waxaa ka mid ahaa erayadii
aan ka maqlay Cadde Muuse: “waxaannu wadnaa mashaariic badan”;
“ha dhegaysanina waxa ay dalka ka sheegayaan website/yadu” iyo
“annagu waannu tagaynaaye dalka cid u soo dira”.
Ka qaybgalkaygii dooddii kulanka
Anigu waxaan waydiistey in la’ii oggolaado in
aan hadlo waxaana lay siiyey 7 daqiiqo.
Waxyaalihii aan shirka ku taartay (contribution)
waxaa ka mid ahaa:
-
mas’uuliinta waxaa laga doonayaa in ay
gutaan waajibkooda ee maaha in lagu ammaano ama loogu
hambalyeeyo
-
dal iyo maamul dawli ah midna ma socon
karaan haddii aan la dhowrin qawaaniinta loo jideeyey
dalkaas anigoo tilmaamay in ilaha qawaaniinteennu ay yihiin:
-
In shirka lagu xuso in ay Ethiopia
qabsatay aanna ka xumahay in aan kulanka lagu soo qaadin
Somalida lagu xasuuqayo Koofurta Somalia ayna ahayd in
laga xumaado loona diro tacsi
-
In aysan dhallinyaradu ku daba lumin
dariiqyada siyaasadaha khaldan ee ay ku hungoobeen
nimanka sheegta siyaasiyiintu
-
In dadkii shirkaan ku aaddiyey 17ka
Agoosto ay yihiin kuwo aan waxba kala socon maalmaha
murugada leh ee soo mara Puntland sidii dhacdadii
naxdinta xanuunka badnayd ee isla maalintaas oo kale
2002dii dil siyaasadeed loogu gaystey Madax-dhaqameed
caan ah (Suldaan Axmed Hurre) iyo kuwo kale isla
waqtiyaashaas.
Intaa ka dib nin dhallin yaro ah oo hadalka
qaybinayey ayaa iigu geystey hadallo qadaf ah hase yeeshee waxaa
taas iga raalli galiyey dad badan oo joogey kulanka.
Gunaanad
Aragtidayda, wuxuu kulankani iila ekaa mid ay
ujeeddadiisu ka duwan tahay sida ay u soo jeediyeen wiilasha
yaryari.
Waxaa wiilasha ka muuqdey calaamado laga garan
karo in ay arrinta Dabbaaldeggu ahay fikrad laga leeyahay dan
kale hase yeeshee iyaga loo soo dhiibtey oo ay ka dambeeyaan
niman waaweyn oo iyagu diiddan in ay ilaa hadda dibedda isa soo
dhigaan markaana wiilasha masaakiinta ah ka dhiganaya waxa loo
yaqaan “yool-baar”.
Sida ay garan karto cid kasta oo caqli u saaxiib
ahi, barnaamij loogu talo galay in loogu dabbaaldego dal, kaasoo
waliba dhacay 9 sano ka dib curashadii dalkaas, waxaynnu ka
filan karney in looga doodo arrimaha wajiyada badan oo uu dal
leeyahay ee barnaamijyada horumarka sida: dhaqaalaha, arrimaha
bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, caddaaladda iyo
siyaasadda, ammaanka/difaaca iwm. Iyo sidoo kale wixii dhaliilo
ah ee ay la dhutinayaan arrimaha aan soo taxay.
Kulankaani wuxuu ahaa mid gebi ahaanba ka
qaawan, aan loogu talo galin laguna xusin arrimahaas aasaasiga u
ah nolosha bulsho meel ku nool.
Haddii uusan haddaba shirku ahayn mid ku shuqul
leh “dabbaaldeg Puntland”, waxaa inoo soo baxaysa inuu ahaa mid
laga leeyahay dan kale sida aan soo sheegay ama oohintu orgiga
ka weyn.
Dan siyaasadeed?
Danta kaliya ee aan anigu saadaalin karaa waxay
tahay mid siyaasadeed oo halkaas la gashay cidda wadata, amase
xeel dagaal.
Sida aynnu la soconno, waxaa bilihii la soo
dhaafay lagu hadaaqayey in ay Puntland ka dhici doonto doorasho
xukuumad ama maamul cusub.
Waxaa dhici karta in uu shirkani yahay tartan
(campaign) ay bilaabeen nimanka haddaba hoggaanka u haya
Puntland amase kuwo cusub oo iyana hadd hunguriyeeyey
madaxtinnimada dalka.
Si kasta ha ahaatee, waxay London oo dalkaas u
jirta masaafo ka badan 10 kun oo mayl ay nasiib u yeelatay in ay
noqoto halkii uu xilligan ka bilaaban lahaa tartanka taliska
Puntland. Mase laga yaabaa in nin ka mid ah qaxootigeenna
Jaaliyadda London uu nasiib u yeesho jagada u sarraysa Puntland
markaana uu inaga caawino helitaanka sharciga degganaanshaha
dalkan Britain isla markaana uu noqdo mid inooga dhego fudud
inoogana xurmo badan kuwii isaga uga horreeyey jagada, mise
wuxuu noqon doonaa mid haweystey meel rag u xiran oo hala rooruu
run moodey ka dibna oran doonaa “anaaba kab geeyey”.
Arrintu si ay noqotaba, dabbaaldeg dambe ee
Puntland wuxuu noqday dhabbe halaq maray iyo waxaan loo noqon
dooni!
Maxamed Xirsi
hermoham@aol.com