Ma Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga
-Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud- -Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-England-UK-
sharifhassan50@yahoo.com
Ayaan daradii, Qaran gabkii iyo heeryadii gumeeysiga ayaa
xarun ka furatay Dalkeena hooyo, maadaama Dowladda Itoobiya oo si
Cad Xaq-daro ah,Duulimaad qaawan ku heeystaan Dalkeena Hooyo iyo
Xulufadooda Khaayiniinta ah, Kaba-qaadyadda ah ka Furaan Caasimada
Dalkeena hooyo Muqdisho, weliba Guri qaranku lahaa ku dhegan ama
ku yaala meel ahamiyadeeda leh, Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne
Ku Xigeenkii Dalka-Mudane-Ismaaciil Cali Abokor,W.Warfaafinta iyo
Hanaantida(Raadiyo Muqdisho),Waa Wadnaha Magaaladda Muqdisho.
Sawirkaas ayaa Tusaale cad ama Tilmaan ka bixinaaya Madax ku
Sheega,dalka iyo Dadkaba Gacanta ku geliyeey,Damiir-laawayaasha,
Dagaal Oogayaasha, Qabqablayaasha waaweyn,Somaali ku sheega,Diinta
iyo Dal kaba ku ridoodeey,Furidda Safaarada ayaa ujeedo weyn ka
Dameeysaa,Waana meesha Dalka looga Talinaayo,Waa Sharciyeenta iyo
Karaamo dumeeynta Ummmadda Somaaliyeed,Safaarada waa Cadeeynta is
dhiibidda khaayiniinta iyo Dhiiri gelinta Muqaawadda Xaqa u taagan
Difaacadda Diintooda,Dalkooda iyo Karaamadda Ummadooda
-Calankan Gumeeysiga oo kala lusha
Goobta ugu sareeysay Caasimadeena Muqdisho wuxuu bedel u tahay ama
Kaalintiisii ku jiraa Calankii Qaaliga ahaa-Bulugleey,laakiin ma
Dhaceeyso in uu halkaas suraan doono, ma dhaceeyso in ka baban
doona Maxtooyadda dhinaceeda ama dhici doonto in Safaaradaasu eey
Noqon doonto Goobta Dalkeena looga taliyo, kuwa sidaas aaminsana
waa Caqli xumayaal,waa Dadnimo laawayaal,waa Gumeeysi u adeegayaal
waa Khaayiniin Maxkamadeeynta Mudan, Itoobiya iyo Rajiimka Zanaawi
weey Khaldameen Mrakii eey Halkaas Xusheen, weey Khaldameen markii
eey Duulimaadka Qaawan ku soo qaadan Dalkeena Qaaliga ah,Laakiin
Somaaliyeey waxaa is weeydiin mudan ayaa ka masuul ah arrintaa?.
Masuuliyadda Dulimaadka iyo Qabsashadda Gumeeysiga waxaa leh
Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed ha joogeen Gudaha iyo Debedahaba
ha ayaadeen Aqoonyahan,Culimaa,udiin,Saraakiil Ciidan,Haween iyo
Dhalinyaro, waayo waxeey dayacna Dalkeenii Qaaliga ahaa,Ciidii
Karaamada weyn laheyd, waxeeynu ka badan weeynay Qabyaalad,Colaad
Sokeeye iyo Daadinta Dhiigeena, Qabqablle u hiilinta iyo Xumaan
ka talinta waana helnay Waajibkeenii iyo abaalkeweniiba,Maanta
Looma baahna arrintuna ma taagna Caadifad kooban iyo laab la kac
ee waxaa loo baahan yahay Talo Wanaagsan,Caqliyeeysan iyo Hanaan
Hogaamineed Kartidiida,Daacadnimadiisa iyo Dadnimadiisa leh oo
Sida ku haboon isgu xiri karaaya Qeybaha kala duwan ee Bulshadeena
una Dul-qaadan karaaya Waqtiga adag iyo Rafaadka Jirra,Hogaan leh
Aragti Somaaliyeed, Caqiido Adag iyo Qiiro Wadaniyadeed dhab ah.
Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed waxaa looga baahan yahay in
eey la yimaadaan Arrimahan:-
1-Hanaan Midnimo.
2-Howl Gal Wacyi gelineed.
3-Daacadnimo Iyo Wadda Jir Walaalnimo.
4-Garashadda iyo Gudashadda Masuuliyadda ina Saaran.
5-Nooleeynta Qiiradda iyo Dareenka Wadaniyadeed oo Caqliga ku
Saleeysan(Caadifad Maya).
6-Hanashadda Xarunta Hogaamineed, Iyo In Codkeena Aduunka Gaaro.
7-Muujinta Cududeena Codeed iyo Dhaqaalleba.
8-Ka Fogaanshadda Waxyaabaha Ummadda kala Fogeeynaaya.
9-Taageeridda Buuxdda ee Muqaawadda Xaqa ah.
10-U Gargaaridda Dadkeena Tabaaleeysan.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 28/05/2007-
sharifhassan50@yahoo.com
Afeef: Aragtid qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
May 29, 2007
Bayaanka
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed In Sida ugu Dhaqsaha badan Itoobiya ugala Baxdo
Dalka... Akhri...
Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya
ka taagaya Xamar: May 27, 2007
Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal
- 05
December 2006
Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la
taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha:
VOA]
- Bereket Simon,
advisor to Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi, said on
05 December 2006
“Technically, we are war with Somalia. Everybody knows it is them who
declared jihad on Ethiopia. So technically speaking, we are at war with them
based on their declaration of war. Now, we have asserted our rights to
defend ourselves,”...[VOA]
-
Listen to Butty
interview with Bereket Simon
GEFKII
GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo
dhisay Kenya oo gumeysata NFD oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD &
SoomaaliGalbeed aysan Gumaysi ku jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu
horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata
SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo arintaas..
[
DHEGEYSO HADALKII GEEDI]..
AKhri Qoraaladii arrintaas
lag aqoray
|