SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri


Xafladii Qabsashada Soomaaliya 

FAALLO: May 30, 2007

Way farabadan yihiin Maalmaha naxdinta leh ee is daba jooga guud ahaan aduunka gaar ahaana Soomaaliya, doraad ayey ahayd 5-27-07 markii Caasimada Soomaaliya lagu soo bandhigay dabaal dag lagu maldahayey magac Safaaradeed, balse inta caqliga fayow iyo wadaniguba ay ka akhrisanayeen inay tahay dabbaal daggii qabsashada Soomaaliya.  

Marka hore aan dul istaagno ku digashadii (Seyoum Mesfin) iyo nacamlayntii Geedi. Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in lajoogo Addis Tigreegana marti looyahay, hadana markaad aragtid geedaha Mirimiriga oo muqdisho caanka ku tahay ayaad isleedahay maya adaa dayeysan. Si kale hadaan u dhigno Xaflada waxaa lagu furayaa af Amxaari waxaana soo dhawaynaya dadka hadlaya nin Tigree ah waxaana hadalka furaya Tigree kale waa, wasiirka ka socda Maamulka Zanawi, kadib na Geedi oo sheegta inuu yahay Ra'iisul Wasaare ayaa u jiibanaya.


Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar: May 27, 2007
Calankaas oo ah kii cusbaa ee ay Itoobiya xiddigta shanta gees leh ku dartay
intii Soomaaliya ay dagaaladu ka socdeen...

Sawirada Calan saarkii Itoobiya ee Xamar ka eeg halkan

Hadaladii digashada ahaa waxaa ka mid ahaa maanta aad baan ugu faraxsanahay inaan dagaalkii lix iyo tobankii sano ee ugu danbeeyey aan idinkula jiray  idinkaga guulaysanay idinkuna qabsaday(waa sida ay latahay). Isagoo sii wata wuxuu yiri meesha way kabaxday colaadii inoo dhaxaysay ee soo jireenka ahayd maadaama  aan Muqdisho siiba madaxtooyadii Ismaaciil Cali Abokor aan maanta calan kamuday. Sidoo kale waxaa layaab ahayd markuu isu rogay inuu diinta Islaamka sharaxaad kabixiyo ama noqdo Shiikh isagu ka Fatwoonaya waxa banaan iyo waxa aan banaanayn, ama cida khaldan iyo kuwa saxan! Sida markuu lahaa diinta waalagu gabanayaa ama dano shaydaan nimo ayaa lagu fulinayaa.  

Geedi hadaladiisa markaad eegto waxaa kuusoo baxaya inaadan waxba ka oran, waayo mid mid dhaama malahan, waxaan ku soo xasuustaa Geedi hadaladiisa xikmadii Soomaaliyeed ee oranaysay" Maxamud   markaad aragto Maxamed Maandhow" anagoo layaaban kuwii hore ayaa geedi lakeenay, awal hal dhaban ayaan gacan ku haynay hada labadiiba waan kuhaynaa. Wuxuu yiri geedi waxaan nahay walaalo, daris iyo Saaxiibo. Wuxuu intaa raacshay wax bini aadam isa siiyo wixii ugu qaalisanaa ayey noo hureen oo dhiigoodii ayey noo daadiyeen, waana mida maanta suura galisay in Caasimadii Soomaaliya Gurigii Madaxwayne ku xigaynkii hore Calanka Itoobiya ka taaganayso. Waxaa kaloo kasoo fakaday hadal aan doonayo inaad meel ku qorataan " Waxaa dhamaaday colaadii magac u yaalka ahayd ee labada dal ka dhaxaysay". 

:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

Sidaan horay u xusnay hadalada is waydaarsan qolada faraxsan iyo kuwa maahsan intaba hadaad dhuuxdo waxaa kuusoo baxaya sida wax u jiraan. Wasiirka diganaya waxaa ciidamadiisu si xaqdaro ah ku haystaan soomaaliya 186 maalmood gaar ahaana Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxay haystaan 154 maalmood (Maanta oo ku beegan May 30, 2007). Wuxuu sheegay waxa naga dhexeeya Sida xuduuda, dhaqanka iyo diinta. Waa layaab e goormaa Tigree Diin iyo dhaqan nagala dhexeeyey? Waxaa naga dhexeeya oo kaliya xuduud, mawadaagno diin iyo dhaqan toona Tigreega tusaale; waxay cunaan hilibka ciiriin, anana waan karsanaa, waa gaalo anana Muslim baan nahay. Markaan saas leeyahay Itoobiya ma oran doodo yeysan kaa sirgaxan, Itoobiya waa dhul balaaran Tigreeguna waxay ka yihiin dadka laga tirada badan yahay, Muslimiinta iyo qowmiyadaha kale ayaa ka badan. 

Danta Wasiirku lahaa waxay ahayd in la isku beego maalintii Tigreegu Addis -Abbaba qabsaday iyo Xaflada Qabsashada Soomaaliya, arinta labaad oo laga lahaa waxay ahayd in shacabka Addis lagu dajiyo in Soomaaliya loo qabtay Calankoodiina   looga taagay si farxadooda ay ugu sii biirsadaan, arinta sadexaad waxay ahayd kuwa dhoohan iyo cid alla iyo cidii maan gaab ah oo umalaynaysa in Zanawi dowlad u dhisayo, in loo tuso Itoobiya inay Safaarad  furatay oo dowlad u dhistay Soomaliya ee aysan qabsan,  iyo arinta ugu muhiimsan oo ahayd ku digasho. 

Hadalka geedi kuma cusba dhagaha umada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba, waxaa lagu soo xasuusanayaa hadalii uu hada kahor yiri " Wax dhul ah oo lagumaystaa majiraan gobalada Soomali Galbeed iyo kuwa Kenya ku maqana xoriyadooda ayey haystaan. Dhoohaanta Geedi wuxuu yiri waxay noo hureen dhiigoodii qaaliga ahaa! Ma 'iyagaa dantooda u huray iyo inay wiiqeen "cadowgoodii" mise aday wax ku tarayeen? " waxaase xasuusin mudan marna maxusaan Tigreegu saaxiib tinimada geedi ku wardinayo. Malaha wali magaarin heerkii laga rabay. Uma baahna geedi in wax badan laga yiraahdo isagaa mucaarad isugu filan kaliya waxaan kusoo koobaynaa " waa ninka Caasimadii uu xukumilhaa Airokobtar dagaal oo Itoobiya leedahay lagu geyey" Waxaa iyana xusid sida uu 'u jidbaysan yahay ama u marqaan sanyahay, wuxuu yiri waa Safaaradii ugu horaysay, waxaana jirtay in Yemen wax la isla malookeeyey. Maxaa kuu baxay in sheekadu Safaarad ka wayn tahay Safaaradaha maxaa kala duway ama se loo ilaaway kuwii hore?. Hada kahor joornaal Yurub laga leeyahay ayaa wuxuu ka qoray ninka isaga iyo xilkiisu kala wayn yihiin.  

Madareentay Goobta calanka laga mutay, waa xuduntii magaalada gaar ahaan waa gurigii madaxdii 77 jabisay Itoobiya. Waa lagugu dulaysanayaa, sida caadiga ah ee aan lawada socono " hada   caadi majiree" dowladuhu Safaarada hooda guryey u gataan ama si ku meel gaar ah ayey u kiraystaan guri si khaasa loo leeyahay oo aan ahayn hantidii dadwaynaha, sababtuna waxay tahay gurigaan dan uma hayo ummada wadankaas daggan ee wuxuu u shaqaynayaa wadankiisii. Ma waxaad is leedahay muxuu yahay guriga laga hadlayaa   wadan dhan ayaa maqan? Waa gar su'aashaadu, waxaase loo jeedaa kuwa dhoohan ee meesha jooga sida ay u dareemi la yihiin in wuxuun ay xeeriyaan oo ay dareemaan   in ummadu ay  xasuusan tahay Hantidii Qarankoodii katagay. 


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii  Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

Meles Zenawi:: Waraysi la faafiyey May 29, 2007 ayuu Meles Zenawi markale ku caddeeyey in sababta ay Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga (Ethiopia) ammaankooda ay ku xejisanayeen, hadalkaas oo ka duwan kuwa uu ku andacoodo Geedi oo sheega in Itoobiya ay garab siineyso DFKMG... Akhri

Seyoum Mesfin"Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya waa kuwo xoreyn ee ma aha kuwo gumeysi" Sidaas waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Itobiya, Seyoum Mesfin, oo intaas raaciyey " In ciidamada Itoobiya aysan ka baxay Soomaaliya....."
May 29, 2007

Ugu danbayntii  Ma ilowdeen hadalkii Mingistu " Itoobiya hadaad waxkasta oo libina iga inkirtaan waxayd naan iga inkiri Karin inaan burburiyey cadowgiinii ugu waynaa Soomaaliya" ma ilowdeen hadalkii lataliyaha Zanawi Bereket Simon uu ka lahaa Washington maruu lahad layey VOA "Dec 5, 2006:  Itoobiya waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya" kuwii ka horeeyey iskaba daa. 

 Soomaaliyeey Soomaliya waa lahaystaa, qolodaan maahsana waa wakiilo waxaa ka daacad ah sida loogu soo dhawaynayo gurigoodii. Majirto wax la yiraahdo Dowlad oo maanta ummada Soomaaliyeed leedahay, waxaan ku jiraa gacan gumaysi Karzai 3 (C/laahi) iyo Geedi waa wakiilo ama barasaabyo Zanaawi wakiil u ah ee qof walowba is xilqaan oo u fakar sidii wadankaaga iyo dadkaaga aad u xoraysan lahayd.  

Hadaan Su'aal is waydiino Zanaawi mahaysan karaa Soomaaliya? Intaadan jawaabin xasuusnow Elatareeya oo ka tira yar ayaa laga fara marooqsaday.  

Waxaan ubaahanahay inaan u istaago difaaca dalkeena iyo dadkeena af iyo adinba. Midna xasuusnow Zanaawi xabad buu kusoo galay Soomaaliya iyadii uun buuna ku baxayaa si kale oo Tigree ku baxayo majirto. Taas waxaa daliil kuugu ah miyaad maqashay hadaaqii beenta ahaa ee la oran jiray way baxayaan? Xafladaan muhiim bay u ahayd iyaga maxaa loo sheegi waayey goorta ay baxayaan? Waxaase su'aal kale ah Itoobiyaan ma kabaxaan meel dhiig uga daatay in xoog looga saaro ma'ahan e? Waxaa kaloo su'aal muhiim ah Tigreegu maxay Soomaaliya kasoo dooneen? Iyagaa ka jawaabaya Zanaawi ayaa dhowr goor ku celceliyey "waxaan dagaalka u soo qaadnay is difaacayaga", Hala samro halgan dheerna haloo diyaar garoobo illaah idinkii waa la guulaysan doonaa.

Lasoco Maqaalka danbe "Imisa ayaa kolkosha la isku sidayaa".

Xasan Dhooye (Abu Xafso)
dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2007

Tixraac:

Halkan ka dhegeyso Calan Saarkii Itoobiya ee Muqdisho (British Broadcasting Corporation)

Halkan ka dhegeyso in Safaarada Yemen laga Horfuray Tan Itoobiya (Voice of America)

May 27, 207: Sawirada Calan saarkii Safarada Itoobiya ee Muqdisho ka eeg halkan



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com