Somalinimadu maxay la qeyma
tahay maanta?
Abdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@yahoo.com
Aarhus - Denmark
MA WAXAAN KU JIRNAA 1990-KII MISE WAA
SANADDA 2007?
Waxaa ii muuqda Masawir lamid ah mid inta badan
dadka Somaliyeed ay hore usoo arkeen, ama usoo mareen, waana muuqaal aad u yaab
badan, iyada oo dadka wax qoraa ay sheegaan in taariikhdu ay soo noq noqoto.
Marnaba ma fileyn in dadweynaha Muqdisho ku sugnaa ay ku dhowaad 17 sano kadib
mari doonaan wadadii ay mareen kal hore qeybo kamid ah Bulshada ku dhaqneyd
Caasimada Somalia, waana dib udhac taariikheed oo xoog leh. Wax yaabaha badanaa
iga yaabiya ayaa kamid ah dhacda kastaa oo dhacda in aanan looga faaideysan
dhanka fiican, amaba lagu cibra qaadan. Waxaa ii Muuqata in Somalidu ayan weli
baraarugin marka laga eego dhinacyo badan, oo badanaa laga cabiro horumarka
bulshada.
Waxaan dareemayaa kadib marka aan la sheekeystey dadweyne Somaliyeed oo aan kula
kulmay meelo kala duwan oo Europe iyo Asia ah, kulana kulmay marxalado kala
duwan, sida Marxalado Diini, kuwo Social, iyo siyaabo kaleba in dareenka
Somalinimadu uu yahay mid sii dhimanayo, oo ay ka harsan tahay wax yar oo waayo
waayo ah.
Somaliya waxaa ay noqotay goob sheeko lagu xuso, hadalkana lagu gobaadsado,
kaliya marka ay wada joogaan dad kala qolo ah oo kala xishoonaya, hase ahaatee
xaqiiqda aan ka hadlayo waa mid qofwalbaa uu ogyahay. Waxaa nasiib daro ah in
qofka Somaliga ah uusan ka tarjumi karin dareenka uu aaminsanyahay sida uu doono
ha u muuqdo.
Waxa Somalida ku nool wadanka Dibediisa meel kastaa ha ahaatee heysta ee ah
sheeko bedelka ama haye isku dhaafsiinta la is yiraahdo marka howlo xasaasi ah
laga wada hadlao, ay tahay dhibaatada ugu weyn ee luminaya wadajirka Somalida
hadiiba la heli lahaa. Waxaan badanaa u fiirsadaa shirarka iyo doodaha Somalida
dhexmara, waxaa qofkii waxbadan ka garanaya Antropology ama aqriyeyba uu
dareemayaa Somalidu waxa ay tahay.
Waxaa wax laga naxo ah in dad badan ay u leedayaan rabitaanka qof ama labo,
iyada oo la heli karay in wanaag looga faaideyto, oo maalinka beri ah loo
shaqeeyo. Waxaan la yaabaa dad cadaan iyo Ajnebiba ah oo aan wax wada baran
jirney, hadana aan wada shaqeyno in ay badanaa eegaan saacada ama Calendarka ay
sitaan marka ay dareemaan in ay waxqabsadaan xiliyada shaqadu ay gebo geboda
tahay.
Waxaan badanaa dareemaa in Dadku ay eegaan shaqada u taal maalinka beri ah inta
ayan gogosha tegin oo ayan seexan, waxaana wax iga yaabiyey ah in Somalidu ay
saacad gudaheed meelo badan isu maraan iyaga oo aanan hore ugu sii talo gelin.
Waxaa dhacda badanaa in la weeydiyo in ay balan hore u sameeysteen iyo inkale,
waana marka kaliya ee uu qofku dareemo waxoogaa ceeb ah.
Waxaan u arkaa fudeyd badan in uu nagu jiro, degenaan teeniina ay baaba'day.
Waxyaabaha u sababta ah ee aan saa u noqonay ayaan aad u jeclaan lahaa in aan
waxbadan ka ogaado, sababtoo ah maanta Muqdisho laga qaxeen, hadaanu wax u
fiirsan laheyn, markastaa oo aan howlgaleynana saacadaha iyo Kalenderka aanu
eegi laheyn. Waxaa nasiib daro ah in idaacadaha oo dhan ay sheegaan 17 sano
kadib oo Muqdisho mar kale laga qaxayo.
Waxaa yaab leh in dadku ay durbadiiba u boodaan yaa eeda leh, hadaad u fiirsato
dhalaanka yar yar ee aanan gaarin in ay dareenkooda ka tarjumaan waxaa ay
yiraahdaan, marka ay wax dhacaan It is your Fault ama Det et din skyld.
Sababtuna waxaa lagu sheegaa in ayan maskaxdooda u bisleyn rog rogida ama
baarista sababaha keenay in ay wax dhacaan.
Somalida waxaa ay beryahaan u badatay in wixii dhacaa xagga eedeynta iyo dambi
meeleynta laga raaco. In fadeexad iyo is ceebeyn ay weli Domination ku heyso
maskaxda Somalida ayaa ii Muuqda, waxaanse Jeclaan lahaa waa hadii la heli karo
in aanu degenaan muujino, wixii xunna aanu inkirno hadii wanaaga ay naga hor
istaagayaan, hadaan sixi karnana aanu mar kale saxno kuna Cibro qaadano.
Abdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@yahoo.com
Aarhus - Denmark
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 1, 2007
|