SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR

Jawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo...

Beenin: Qoraal Lagu Khaldayo Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne, Wasiirka Caafimaadka DGPL...

Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

  • Qoraaga "Musuqumaasuq la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigi doonaa qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...

May 23, 2007

dhegaweyne
Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" iyo Wasaaradda Caafimaadka DGPL

Ugu horayn, waxaan halkan ku cadaynayaa in qoraal lagu been abuuranayo taariikhda dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne oo May 6, 2007 kusoo baxay SomaliTalk.com ee ay soo qoreen saddex qof oo uu hoggaaminayo Dr. Duwe oo kala ah: Dr. Xasan Faarax Jibriil (Xasan Duwe), Cabdiraxmaan Mowliid Cabdi (Munishiibiyo) iyo Idil Maxamuud Jaamac oo sheegay in ay ku nool-yihiin magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Ugu horayn waxay sheegeen in Dr. Dhegaweyne uu yahay dhakhtar "ku shaqeynanyay muddo ka badan shan iyo labaatan sanno (25 years)". Taas oo sida muuqata haddii hadalkooda loo raaco noqoneysa in Dr. Dhegaweyne uu Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ka qalin jebiyey sannadkii 1982. Laakiin Xaqiiqo ahaan sannadkaasi waxa uu ahaa markii uu dhamaystay Dugsigii Sare ee Shabeelle ee magaalada Jawhar, waa sida uu sheegtay Dr. Dhegaweyne qudhiisu'e, isla sannadkaas iyo kii xigeyna (1982-83) uu soo maray Baraanmijkii Shaqo Qaran oo ardayda loo diri jirey ka hor inta aysan gelin Jaamacadda. Ogsoonow wasiirku waxa uu Gaalkacyo ku dhashay December 31, 1961, sida uu isagu sheegtay.

Xaqiiqadu waxay tahay in Dr. Dhegaweyne uu Jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed qaybtiida Caafimaadka uu galay sannadkii 1983, waxana uu Jaamacadda dhamaystay, sida uu isagu sheegay, sannadkii 1990, sida aad ku arki doontid tixraaca hoose*.

Sida la ogsoon yahay waxaa Jaamacaddii Soomaaliya laga qalin jebin jirey bilaha ugu dambeeya ee sannadka, gaar ahaan wixii ka dambeeya Oktoobar. Sidoo kale waxaa la ogyahay in dagaalkii Soomaaliya uu dhacay bishii December 1990. Waxaa xilligaas laga jogaa ilaa 16-sano iyo lix bilood. Sidaa daraadeed miyaan la oran karin Dr. Duwe iyo kooxdiisa haddii loo raaco in uu Dhegaweyne dhakhtarnimo ku shaqaynayey 16-ka sano ee ka soo wareegtey bilowgii dagaalka, in tiradaas ay ka maqan tahay 9-sano oo kale oo wax yar dhiman. Waa su'aale, mudane, Dr. Duwe, xaggee sagaalkaas sano kaga dareysaan taariikhda wasiirka, sow arrintaasi been qayaxan oo aad Dhakhtarka Soomaaliyeed ka sheegteen ma aha? - Taas waxaa laga rabaa kooxda Dr. Duwe in ay caddeeyaan sababta ay beenta qayaxan uga sheegayaan Wasiirka Caafimaadka DGPL ee xukuumada Cadde jagadaas u dhiibtey January 2005.

Marka beentaas qayaxan laga reebo, qoraalkii Dr. Duwe iyo saaxibadiis, waxaa ka soo baxaya in uu yahay qoraal aan meel uu ku jihaysan yahay lahayn. Waxay ka hadleen qabiil in lagu riixayo wasiirka. Waxaase ka dahsoon in qofku marka uu mas'uuliyada u qabto shacabka uusan u adeegayn qabiilka uu ka dhashay oo keliya ee uu u siman yahay shacabka oo dhan. Haddii la arko khaladkiisana aan looga gabanayn "Armaa la yiraahdaa qabiil ayaa lagu riixayaa ee yaan wax laga sheegay." Waan aarrintaas tan Dr. Duwe iyo kooxdiisa iyo boqolaal wax ku soo bartay Soomaaliya geysey Australia iyo qurbaha oo kaa soo qixisay dalkeenii hooyo sharafta lagu lahaanjirey, ilaa haddana dalka ka dhigtay mid dib u dhac iyo is qabqabsi ragaadiyey.

Haddii aan in yar xusuusiyo Dr. Duwe iyo saaxibadiis: Puntland waxaa si baahsan oo xitaa uu Madaxweynuhu u qiray ugu fiday musuqmaasuq iyo in aan wasiirada lala xisaabtamin, in wasiiradu hagradeen hawshoodu loo xir saaray, oo ilaaween shacabkii. Haddaba, ka muwaadin ahaan, haddii musuqmaasuq baahey aan ka hadlay, macneheedu ma ahan in qabiil lagu riixayo wasiirka, ee wax ayaa la tusaalaynayaa si uu ugu baraarugo mas'uuliyadiisa oo uu dib ugu xusuusto sababtii xilka loogu dhiibey.

Dr. Duwe, waxaan ku weydiinayaa: weli si fiican ma ugu fiirsatay sawirada laga qaado wasiirada Puntland ee jooga ilaha dhaqaalaha dalka. Ma u fiirsatay haddii sawirkoodu qabto dad shacab ah oo ag maraaya iyaga in ay wasiiradu u muuqanayaan sidi Maroodi cayiley, halka shacabku u muuqanayaa sagaaro caato ah. Haddii taas farta lagu fiiqo ma qabiilbaa cid lagu riixey, mase hantidii qaranka oo meeshii ku haboonayn laga leexiyey ayaa laga hadlay?. Tan kale dib u raac qoraaladaydii 'Musuqmaasuq La Dirir' ee aan kaga hadlay dhawrka wasiir, iina sheeg qabiilka aad ka hadleysid ee la beegsaday. Mudane, Dr. Duwe, waxaa haboon in aqoontu kaa xoreysto hab fikirkii qaxa ina baday.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan dabeecadda ay dhowaan la soo bexeen koox loo bixiyey "qalin-ku-maal" kuwaas oo ammaan xad-dhaaf ah u jeediyaan madaxda Soomaaliyeed, taas bedelkeedana jago looga magacaabo Soomaaliya ayadoo aan loo eegin qofkani booskaas ma u qalmaa. Haddaba waxaan sugeynaa xilliga uu wasiirka Caafimaadku jago u magacaabi doono Dr. Duwe iyo saaxiibadiis.

Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2007

Akhri: Qoraalkii Dr. Duwe ku difaacayey Dhegaweyne.....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD