SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

ARDEYDII JAAMACADA PRETORIA EE SOMALILAND KASOOLAABTEY OO SEMINAAR KUQABTEY PRETORIA.

Waxaa diyaariyey, 
Saeed Furaa, 
Pretoria, South Africa 
E-mail: somalilandjournalist@yahoo.com 


“Dadka reer Somaliland waa umad qalbi xaadhan oo cafis iyo wadanoolaansho kucaanbaxdey”James Mill 

Jamhuuriya, Pretoria, Seminaar  ey wada qabanqaabiyeen Xarunta Xuquuqda Bini-aadamka ee Jaamacada Pretoria (Centre for Human Rights) & Jaamacadda weyn ee UNISA (University of South Africa) oo loogahadley horumaradda Nabadeed, Siyaasadeed, Dhaqaaleed, Tacliimeed, i.w.m ee ey gaadhey Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kadhacey xarunta Jaamacadda Pretoria Arbacadii (16-May-07). 

Seminaarka oo ey kaqeybgaleen Macalimiin Jaamacadeed, Bahda Saxaafada (Radioga SABC da ee K/Africa & suxufiyo kale oo Mareykan ah, & Somaliland), Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa, ardey Jaamacadaha K/Africa waxkabarta oo kakalayimid wadamo badan oo Africa kuyaala, sida Somaliland, Somaliya, Ethopia, Eriteria, Kenya, Tanzania, Uganda, Congo, Congo DRC, Senegal, Rwanda, Ivory coast, Benin, Chad, Cameroon, Nigeria, Zimbabwe, Lesotho, Swaziland, Namibia & South Africa. 

Aqoon-isweydaarsiga waxaa bandhigyo kakalajeediyey ardeyda toban ka-ahaa oo dhowaan kasoolaabtey Somaliland, ugu-horeyntii waxaa bandhig sawireed halkaasi soobandhigey Mudane James Millya oo udhashey Tanzania, sawiro aad uqiimobadan oo tilmaam buuxda kabixinaya Somaliland oo isugujira burburkii Hargeisa, & Hargeisa manta, sawiro kusaabsan amniga Somaliland sida lacagta sarifka ee suuqyada Somaliland, meelaha dalxiiska,  golaha guurtida, isaga oo sheegey sikaftan ah Mudane Millya in uu isna kamidyahey Golaha Guurtida SL, sawiro Markey lakulmeen wasiirka waxbarashada Mudane Hassan H.M Hassan & Waziirka Cadaalada Mudane Casoowe, iyo ugudanbeyntii Madaxweyne Rayaale oo uu kutilmaamey in uu yahey madaxweyne mutadaawac ah oo dalkiisa uguntadey, “wey adagtahey lakulanka madaxweynayaasha Africa, laakiin Madaxweyne Rayaale waa madaxweyne qiimobadan oo soodhaweyn aad ufiicana natusey markii aan lakulaney”, Mudane James Millya, isaga oo kusoogabogabeeyey hadalkiisa “dadka reer somaliland waa umad qalbi xaadhan oo cafis iyo wadanoolaansho kucaanbaxdey, waxaa sigaar ah iigulayaab iyo amakaag noqotey, inkasta oo sixun loogumaadey intii dowladii Koonfurta Somaliya ee Siyaad Barre, hadana manta waxaad arkeysaa dad badan oo soomaali ah oo Hargeisa iyo gobolada Sland kabuuxa oo kashaqeysta, xataa dadkii kasooqaxey dagaaladan ugudanbeeyey ee Muqdisho ayaa jooga Hargeisa oo sifiican loogusoodhaweyey” ayuu kusoogabogabeeyey.  Waxaa isna goobtaasi bandhig kasoojeediyey Mudane Armond Tanoh oo udhashey Ivorycoast, wuxuu kahadley Mudane Tanoh xasuuqii loogeystey R.Somaliland dowladii Siyaad Bare, taariikhdii halgankii Mujaahidiintii SNM, markii la aasaasey SNM, iyo sidii dowlada Somaliland ey uguguuleysatey in ey hubka ugadhigaan mujaahidiinta oo ey unoqdeen ciidanka qaranka Somaliland, “arinka uguyaabka badan ee lama iloobaanka ahi waa in dadka Somaliland ey waxkaste iyagu qabsadeen gudahooda, dalkii dibudhiskiisa, ciidankii SNM sida nabadgelyada ah ee ey hubka loogadhigey, arimahan oodhami waa arimo mucjiso igunoqdey” Mudane Tanoh.  Waxa uu mudane Tanoh kusoo gabogabeeyey bandhigiisii cajiibka badnaa fariin uu udirayo wadamada qaarada Africa “ugudanbeyntii, qof waxa uu odhankaraa in ey iminka waqtigan lajoogo ey wadamada Africa lagudboontahey in ey ICTIRAAFAAN Somaliland”. 

Bandhigkalle oo ey kagahadashey Nabadgelyada, Suluxa, horumarka dhinacyadabadan ee Somaliland eygaadhey, halkaasi kasoobandhigtey Marwo Geraldine Geraldo oo Namibia udhalatey “mudanayaal & marwooyin, gelinkan danbe ee manta waxa aan kelmado basiid ah idiinku sharxidoonaa sababaha ey Somaliland ugahorumareen dhinacyada amniga” ayey kubilowdey marwo Geraldine oo sikalsooni ey kudheehantahey ugahadashey mawduuceeda, waxey tilmaamtey in markii ey tageen Hargeisa ey soodhaweyn diiran kaheleen guud ahaan dadka reer Somaliland, gaar ahaan maamulka, macalimiinta & ardeyda Jaamacada Hargeisa “booqashadayadii jaamacada Hargeisa waxey noosaamaxdey in aan lakulano ardey badan oo waxkaweydiino horumarada badan ee Somaliland gaadhey sidey kusuurtogashey, waxaa qiso cajiib igunoqotey iisheegey mid kamid ah ardeydaa Jaamacad Hargeisa wuxuuna iisheegey in markii Biriijka Hargeisa daadku qaadey in mujtamaca kunool hargeisa oo caawimo kaheley qurbojooga R.Somaliland ey kudhiseen biriijkii iskaa wax uqabso, dowladda Somaliland mey heynin dhaqaale ey kudhisto biriijka sidaas ayey dadka r.sl ugukaceen oo udhiseen” Marwo Geraldine.  Waxey kale oo sheegtey dhinaca nabada oo ey kagahadashey taariikhda shirarkii kaladuwanaa ee qabiilada R.Somaliland ey suluxa kudhaliyeen iyo kaalinta lama iloobaanka ah ee golaha guurtida Sland ey kaciyaareen mandaqada Somaliland iyo nabadeynta beelaha wada dega. 

ugudanbeyntii, maalinka jimcaha 18 may, Somaliland gude iyo dibadba waxey udabaaldagidoonaan sanadguuradii 16aad ee gooni isutaaga Somaliland, tani waa mar ey tahey in laxasuusiyo Africa xaqiiqda & dhabta kajirta Somaliland, intabadan ee eynu kusheegno Somaliland keydka ugufiican ee Q.Africa “Somaliland as Africa’s best kept secret”, waa intabadanee eynu lumineyno waqti, tan oo macnaheeduyahey in eynaan u maqsuudin Somaliland iyo waxey uqalanto” ayey kusoogabogabeeysey hadalkeedii. 

Waxaa ugudanbeyntii khudbad xasaasi ah madashaasi kajeediyey mudane Iqbal Jhazbay oo kasocdey jaamacada UNISA, islamar ahaantaana xidhiidhaya Somaliland & K/Africa, Jhazbay waa khabiir falanqeeya arimaha bariga dhexe wuxuuna katirsanyahey xisbiga talada wadanka K/Africa gancanta kuhaya ee ANCda.  Mudane Iqbal waxa uu kussookoobey hadalkiisa Afar xaraf (Four R’s),!.  1:  Reconciliation: heshiis & suluxa beelaha wada dega Somaliland, Jam. Somaliland waxa wada dega beelo badan markaa uguhoreyn waxaa siwadajir ah loogaadhey heshiis unoqdey sal horumarada kale ee mandaqada Somaliland kajira.  Heshiiskani waa arimaha ey Somaliland inbadan kagahoreysey Somaliya & meelo kale oo Africa kuyaalba.

2:  Reconstruction: dib udhiska Somaliland, Somaliland sida ey soo arkeen ardeydii nasiibka u heshey in ey booqdaan iyo dadka ka akhrista warbaahintaba burbur laxadle ayaa kadhacey halkaasi oo ey ugeysteen dowladii hore, markii ey dadka Somaliland kusoolaabteen waxey bilaabeen in ey dalkooda dhistaan iyagoon cidna sugin meelna kamey helin taageero, Hargeisa iyo magaalooyinka kale Somaliland waxaa loodhisey si aad u quruxbadan sidaad soo aragteenba. 

3:  Religion: ama diinta ey kudhaqmaan R.Somaliland oo ah DIINTA ISLAAMKA, sida diinta iyo dhaqanka Somaliland uu uwada socdo ayaa iyaduna kadhigtey Somaliland mid meelobadan kahorumarta

4:  Recognition:  ama Ictiraaf: ictiraafka oo ah baahiweyn oo kajirta Somaliland, waxa uu tilmaamey dadaalkaweyn ee dowlada & dadka reer Somaliland ee gudo iyo dibadba ey ugujiraan in ey helaan aqoonsi caalami ah, waxa kale oo uutilmaamey mudane Jhazbay, xiriika Somaliland ey laleedahey wadamada Jaarka, Somaliya, Ethopia, Jabouti iyo wadamada kale sida Kenya oo xildhibaano barlamaankeeda ahi ey booqdeen Somaliland kanacawinayaan in ey Somaliland hesho Aqoonsi caalami-ah, Ghana oo ah madaxa AU ee iminka oo dhowaan  dabaaldagii sanadguuradeedii 50naad somalilandna kaqeybgashey xiriir sxbtinimona kadhaxeeyo, South Africa iyo xiriirka saaxibtinimo ee udhaxeeya labada dal, waxa uukalee uusheegey Iqbal dowladaha R.Europe sida Sweden oo kale oo sigaar ah ulamacaamileysa Somaliland, dowladaha kale sida ingiriska iyo wadamo kalle.

Mudane Iqbal waxa uugabogabadii mahadcelin balaadhan ujeediyey sooqabanqaabiyaasha seminarka & dhamaan ardeydii Somaliland booqatey iyo guud ahaanba dadkii kasooqeygaley seminaarkaasi. 

Waxaa isna halkaasi hadalo qiimobadan kajeediyey Mudane Geoff Hill oo ah suxufi & qoraa caaan ah, wuxuu ushaqeeyaa wargeys kasoobaxa Washington, mudane Geof oo isna booqdey Somaliland ayaa isagoo kawaramaya dhibaatooyinka iyo aafooyinka r.somaliland kasoogaadhey dowladii Siyaad Bare, wuxuu yidhi “dad tirobadan oo r.somaliland ah ayaa laguxasuuqey oo dhegta dhiiga loodarey taliskii Siyaad Bare, hadii aad Hargeisa tagtid oo iskadaa waxkallee aad sidaa gacantaada ugukalaxaadhid carada waxaa kuusoobaxaya lafihii dadkii lagumaadey, xataa hadii aad boodhka afuuftid waxaa kuusoomuuqanaya dad lafahood, dadkaasi waa dadkii la xasuuqey, waxaan idiinsheegayaa in aanu xasuuqu keliya kadhicin Rwanda, ama Burundi ama DRC laakiin Somaliland waxaa kadhacey xasuuq xun intii dowladii hore ey maamuleysey Soomaaliya” ayuu si uu udiirnaxayo dadkaasi lagumaadey usheegey mudane Geoff oo asal ahaan kasoojeeda wadanka Zimbabwe. 

Su’aalaha iyo falanqeynta waxey ubadnaayeen ICTIRAAFKA SOMALILAND & WELIBA SIDII WADAMADA AFRICA EY AQOONSI BUUXDA USIINLAHAAYEEN SOMALILAND, mudane kasocdey Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa oo magaciisa iigusheegey S.A.Maxamed ayaa isagoo kuhadlaya magaca Jaaliyada SL ee K/Africa iyo qurbajooga R.SL gaar ahaan ururka SL Forum oo uusheegey in uu kamidyahey , isna halkaa mahadcelin balaadhan ugajeediyey dhamaan qabanqabiyaasha xaflada, ardeyda kasoolaabatey SL, bahda saxaafada iyo dhamaan akhyaarta rag iyo dumarbaleh ee kasooqeybgaley seminaarkaasi, halkani waxaa kacadaatey in dadaalka ey ugujiraan R.Somaliland in ey beesha caalamka kahelaan ictiraaf aaney kali ku aheyn ee sida ardeydan iyo jaamiciyyiintan iyo suxufiyadan oo kale waxaa jira dad malaayiin iyo malaayiin qof ah oo kukalanool daafaha aduunweynaha oo dadaal weyn ugujira sidii caalamku ey u aqoonsanlahaayeen Somaliland. 

Ardeyda oo jooga xarunta AU da ee Addis-Ababa, waa midkamid ah sawiradii ey soobandhigeen. 

Ardeydeyda Jaamacadda Pretoria ee booqdey Somaliland 24 maarso waxey kalyihiin 

  1. James Millya (Tanzania)
  2. Lorato Rammule (South Africa)
  3. Patrica Achan (Uganda)
  4. Horace Adjolohoun (Benin)
  5. Polo Chabane (Lesotho)
  6. Geraldine Geraldo (Namibia)
  7. Armand Tanoh (Ivory-Coast)
  8. Prince Zongwe (DRC)
  9. Rino Kamidi (DRC)
  10. Buhle Dube (Swaziland)

N.B: Ardeyda J. Pretoria waxey mahadcelin balaaran udirayaan guud ahaan R.Somaliland, gaar ahaan Jaamacadda Hargeisa, Machadyada Hargeisa, Waziirada tacliinta & cadaalada ee SL, bahda saxaafada, sida diiran ee ey ugusoodhaweeyeen SL, (HAPPY 16TH ANNIVERSARY). 

Waxaa diyaariyey, 
Saeed Furaa, 
Pretoria, 
South Africa 
E-mail: somalilandjournalist@yahoo.com 

May 21, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com