SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Cali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!

Waxaa Qoray Bashiir. M. Xersi

    Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah madax-weynayaashii burburka madax-weynihii ugu horeeyey ee xilka qabta ka dib markii laga saaray Dalka taliskii kaligi-taliga Ciidanka ee Maxamed Siyaad Barre, Cali mahdi oo xilkan luugu dhiibay shir ka dhacay Dalka Jabuuti(Djibouti) oo ay isgu yimadeen badi Ururadii hubaysnaa ee ku soo jabhadeeyey nidaamkii rajiimka ee ka talinayey Dalka, isagoo taageero ballaaran ka helaya koosxdii Maafanaysto(Manifesto), balse markii uu Dalka yimid si toos ah uu ugu soo hor jeestay qabqale Maxamed Faarax Caydiid, is marin waagi ka dhashay qilaafka labada hogaamiye-kooxeed wuxuu isu rogay Xabad iyo dagaallo qaraar oo ay ku naf waayeen kumanaan Soomaali ah keenayna qaxa iyo bara-kaca kumanaan kale.

Dagaaladan oo faraha looga gubtay laguna hoobtay ka dib Cali Mahdi wuxuu isu bedelay dhakowyada qabqablayaasha Magaalada Muqdisha ka jira kuwooda ugu tugtugta roon, wuxuu dhex-boodi jiray siyaasad mindhi cireedkaa ka taagneed guud ahaan Dalka gaar ahaan magaalada Muqdsha oo si firfircoon uga qayb qaatay dhiira galinta Qabyaaladda, kala fogaynta Beelaha, iyo iska hor keenka Qabiilada, sidoo kale wuxuu dhex mushaaxi jiray falakaa gurracan in badan ku soo hal kacsaday kagana soo gudbay xaalado ad-adag iyo marxalado qalafsam oo kala duwan ee soo martay, taasna wuxuu kala siman yahay kalana mid yahay ninkii ay sida weyn isaga soo her jeedeen ee Qabqable Maxamed Faarax Caydiid iyo siyaasiyiin  Beeleedyada hadda hor booda maamulka Dalka .

    Mudane Cali Mahdi wuxuu ku caan baxay inuu qayb lixaad leh ka qaatay dagaaladii la magac baxay (Afar Biloodka) oo si weyn loogu soo xasuusto marka magaciisa la soo hadal qaado, dagaalkan oo xusuus naxdin iyo tiiranyo leh ku reebay dad badan oo Soomaali ah, iyo kaalintii mugta lahayd ee uu ka qaatay guud ahaan dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Koofurta Dalka gaar ahaan kuwii ka ka dhacay Magaalada Muqdisha.

    Mudaned Cali Mahdi oo lagu bartay falalkaa iyo kuwo ka sii xun ayaa mar qura waxaa ka soo yeertay inuu isaga fogaaday Siyaasadda kana baxay Masraxa siyaasadda Dalka, ka dib markii ay ka soo hoos bexeen Qabqablayaal yar yar oo ka dhaga adayg inay fuliyaan siyaasaddiisa, kuna dhamaatay in Barqa-cad Gurigiisii la bililiqaystay lana booboo hantidii taallay Guriga, wixii xilligaas ka dambeeyey Cali Mahdi wuxuu isaga baxay siyaasadda guud ee Dalka gar ahaan tii Gobalka Banaadir ee uu dhiigga badan u daad shay dad badanna u dilay.

    Mudane Cali Mahdi Maxamed oo inta badan ka qayb galay shirarkii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay Dalka dibaddiisa gar ahaan shirarkii ka kala dhacay Dalalka: Jabuuti(Djibouti) oo iyadu qabatay shirkii ugu horreeyey burburkii Dawladda ka dib ee Cali Mahdi loogu doortay Madax-weyne iyo kii la magax baxay shirkii Carta ee lagu soo dhisay Dawladdii C/qaasim, Dalka Xabashida (Ethiopia) oo iyana qabatay shirar dhowr ah, Masar(Egypt) oo iyana qabatay shirkii ku caan baxay shirkii Qaahira(Cairo) oo dhacay sabadii 98-dii, iyo kii ugu dambeyey ee ka dhacay Dalka Kenya ee lagu soo dhisay Dawladda madax-wene C/laahi Yuusuf, Cali Mahdi oo intii ay shirarkaas socdeen aan si rasmi ah wali u dhicin inuu shirarkaas qaadoco ama isaga boxo marka laga reebo kii ka dhacay Magaalada Eldoret ee Dalka Kenya.

    Mudane Cali Mahdi oo ka mid ahaa ergadii ka qayb galaysay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay 15/10/02 Magaalada Eldoret ee ku taal duleedka Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi (Nairobi), shirkan oo ay ka soo wada qayb galeen guud ahaan qabqablayaaasha Soomaalida siiiba kuwii gacan saarka la lahaa Xabashida ee ku bahoobay Ururka la magac baxay SRRC-iida, Cali Mahdi ayaa markii shirku muddo socday isaga baxay oo isaga huleeelay goobtii shirku ka socday iyo guud ahaan Dalka Kenya, maruu faahfaahin ka bixinayey sababta ku keentay inuu isaga boxo shirka wuxuu ku dooday inaan shirka Soomaalidu u madax bannaanayn maamulkiisa usanna gacanta ugu jirin, isagoo eedda fara galinta shirka duasha uga tuuray Ururka IGAD, si toos ahna u sheegay inay fara galin cad ku hayso qaab socodka shirka Dawladda Xabashida, taas oo sida muuqata u cuntami waysay Cali Mahdi dabadeedna ku dhalisay inuu shirka qaadaco.

    Mudane Cali Mahdi shirka uu qadoco oo kaliya kuma ekaysan balse wuxuu niyad xumo ka muujiyey natiijada iyo rajada uu yeelan karo shirkaas, balse waxbaa is bedelay sida muuqata, is bedelkii ka dhacay Dalka ee ku soo gashay Xabashidu Wadanka xoogga ka gadaal, waxaad mooddaa in mawqifkii Cali Mahdi wax weyn iska bedeleen, maxaa yeelay ugu horrayn wuxuu ku jiray xubno kulan kula qaatay Madax-weynaha Dawaldda Empagathi C/laahi yuusuf Degmada Afgooye, waa xilli ay Xabashidii uu uga soo carooday mija xaabinta shirka iyo maroqsiga maamulkiisa ay isku baahiyeen guud ahaan Dalka gaar ahaan dhex mushaaxayaan waddooyinka caasimadda Dalka ee Muqdisha, iyadoon Cali Mahdi laga hayn wax hadal uu ka yiri soo galidda Xabashida dalka diidmo iyo ogalaasho toona!.

    Maalmo ka dib markii Mdax-weyne C/laahi culays ay ku saareen Dalalka reer galbeed inuu wada-hadal la furo dhaqdhaqaaqyada ka soo hor jeeda , wuxuu ka caddeeyey Magaalada Adis Ababa (Addis Ababa) ee xarunta Dalka Xabashida( Ethiopia) maruu ka qayb galayey shir madaxeedka Dallaka Afrika inuu qabanayo shir weyne Qaran ee dib-u-heshiisiineed oo la isugu keenayo ergo badan, shirkan oo muddo ahaan loo qabtay inuu furmay 17-ka bishan April ee foodda nagu soo haysa, waxaa shir gudoon loogu magacaabay Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isagu aan marnaba shaki galin taxadarna aan ka muujin bal inuu diido ama ka caga jiido iska daaye!, haddaba su’aashu waxay tahay: Cali Mahdi ma Shaluu Qaldanaa mise Maanta ayuu Saxan yahay?! Micnaha ma shaluu qaldanaa oo manta ayuu dib u saxayaa qaladkiisii shalay? Maxaa yeelay sida aan soo sheegnay Cali Mahdi wuxuu shirkii Nayroobi (Nairobi) uga soo baxay ugana soo qalab qaatay inaysan Soomaalidu u madax bannaanayn hanaan socodka shirka ayna ku fara galinayso Dawladda Xabashidu, sidaas darteed waxay tahay su’aashu mar haddii ay shalay hawlahaaga kuu dhafi waysay maantooy ciidan kugu dhex joogto muxuu xaalku noqonayaa?! Ma madax banaanida ayaa sii yaraanaysa mise way sii koe dhaysaa?!

    La yaabku wuxuu ka jiraa Cali Mahdi ma shalay markuu shirka ka soo baxayey ayuu saxnaa mise manta oo uu aqbalayey inuu shir guddoomiyo shir-weynaha ay Xabashida ilaalinayso?!, waxaa iska cad inuu muuqdo is bedel weyn oo ku yimid hanaanka uu Cali Mahdi ku saleeyey sayaasaddiisa shalay markii uu ka soo baxayey shirka, iyo maanta oo loo magacaabay inuu daadihoyo shir-weynaha nabadaynta, balse nimaad shalay ka waysay: war arimahayga iidaa oo faraha igala bax? Maanta oo uu xooga ballaaran kugu dul degan yahay miyuu kaa daynayaa fara galinta ama kuu dhaafayaa arimahaaga?!, jawaabta waa : maya ayaan filayaa, haddaba waan arki doonnaa hadduu qabsoomo shirka in shir-gudoomiye Cali Mahdi u madax bannaanaado soo xulidda ergooyinka ka qayb galaya shirka, qaab socodka shirka, ajandayaasha looga hadlayao, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shirka. 

    Sida iskaba cad Dawladda Empagathi asalba waxay ahayd Dawlad qabqablayaashu ay si weyn uga dhex muuqdeen dhammaan dagaal oogayaashii iyo gacan ku dhiiglayaashii gabod falka u gaystay Umadda Soomaaliyeed, iyadoo sidaa ay tahay haddana waxaa loo magacaabay guddoonka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ruug caddaagii qabqablayaasha oo ah Cali mahdi Maxamed, bal waa yaabe C/laahi Yuusuf ma wuxuu wayey qof nadiif ka ah dambi oon ka qayb qaadan dagaaladii sokeeye oo ka hufan daadinta dhiigga Soomaalida.

     Waxaa la mida magaacibadda jagadaan xilka loo dhiibay Xuseen Maxamed Caydiid oo isna kol sii horraysay loo xil saaray: Madaxa guddiga dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta, nabadda uu Xuseen ku soo dabaalayo dalka waa mid noocee ah,  dadkase uu nabadaynayo waa kuwama?, mise wuxuu iloobay tacadiyadii ay ka gaysteen isaga iyo Aabihii Caydiid Gobalada Baay iyo Bakool ee ka dhanka ahaa bulshada ku dhaqan gobaladaa.

    Murtibaa waxay leedahay: Shimbirba Shimbirkiisa ayuu la duulaa, haddaan ka shidaal qaadanno oraahdan waxaan qiyaasi karnaa ama fahmi karnaa sababta loogu dhiibay xilalkaan xasaasiga ah raggaas gacan ku dhiig layaasha ah iyo dagaal oogayaashaa maxaa yeelay marba hadduu Madax-weynihiiba yahay isna qabqable dagaal iyo gacan ku dhiigle waxaa hubaal ah inowsan soo dhawaysanayn dad aan jaadkiisa oo kale ahayn , murti kale ayaa iyana oranaysa: Hal Booli ah Nirig Xalaala ma Dhasho!, sidaa owgeed haddii madaxii dalka ugu sarrayey yahay qabqable dagaal waxa ka hooseyana waa shaki la’aan inay noqonayaan qabqablayaal ama inuusan waxaan qabqable ahayn soo dhawaysanayn.

Bashiir m. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Tripoli-Libya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com