Wararkii: Aug 19, 2007
-
Cali Cabdow “Janddy Frazier waa
Haweenay Jahwareersan oo ku fashilantay Siyaasadda Muqdisho
-
C/llaahi Yuusuf “150 Milyan oo
Doolar ayay Dowladda Mareykanka soomaaliya…
-
Qaraxyo iyo Israsaaseyn ka dhacday
Muqdisho
-
Dagaal u dhexeeya Beelaha Murusade
iyo Xawaalde oo ka dhacay
-
Magaalada Asmara oo uu ka socdo
qabanqaabada shirka ay..
-
Shirkii dib u heshiisiinta oo mar
kale dib u furmay
-
Xulka Qaranka Soomaa-liya oo looga
badiyey labo gool
Cali Cabdow “Janddy Frazier waa Haweenay Jahwareersan oo ku
fashilantay Siyaasadda Muqdisho
Wasiirka War-faafinta Dowladda Ereteriya
Cali Cabdow aya si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Kaaliyaha
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Afrika ee Mareykanka Janddy Frazier oo
ahaa in Dowladda Ereteriya ay ku sifowday in ay taageerto waxa ay
ugu yeertay kooxo argagixiso ah, waxa uuna Wasiirku sheegay in
Haweyneydaasi tahay mid jahwareersan oo ku fashilan tahay arrimaha
Soomaaliya. “Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah
Dowladda Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyey “Waan ka
xumahay in aan u jawaabo Haweeneydaasi, haddana waxaan leeyahay,
waxaad ku fashilantay arrimihii ka taagnaa Soomaaliya”.
Cali Cabdow waxa uu sheegay in Dowladda
Ereteriya ay taageereyso sidii meel la isugu keeni lahaa kooxaha
isku haya Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dhawaan Magaalada Asmara
lagu qaban doono shir ay ka soo qaybgalayaan dhamaan kooxaha
Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan
Soomaaliya ay horseed u tahay caddowga Ummadda Soomaaliyeed ee
Itoobiya oo aan dooneyn qaran Soomaaliyeed. Cali Cadow waxa uu
ahseegay in Dowladda Ereteriya aysan aqoonsaneyn wax Dowlad ah oo ka
jira Soomaaliya. Waxaa maalmahan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya
Mareykanka iyo Ereteriya, iyadoo dowladda Mareykanka ay dhowr jeer
ku eedeeysay Ereteriya in ay qalalaaso ka wado gudaha Soomaaliya,
sidoo kale Qaramada Midoobey warbixin ay soo saartay waxay ku
sheegtay Dowladda Ereteriya in ay hub siiso kooxaha ka soo horjeeda
Dowladda Federalka.
C/llaahi Yuusuf “150 Milyan oo Doolar ayay Dowladda Mareykanka
soomaaliya…
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay dib
ugu soo laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu Magalada
Nayroobi gaaray halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay madaxweynaha
wadnka Kenya iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka, waxa uuna
Madaxweynaha markii uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayey
safarkaasi, waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kordhisay
dhaqaalihii ay keeneysay Soomaliya, isagoo sheegay in sanadkaan
Soomaaliya la siin doono 150 Milyan oo Doolar oo uu sheegay in wax
looga qaban doono Hawlaha Dowladda.
Mar wax laga weydiiyey, qalalaasaha iyo
rabshadaha ka taagan Muqdisho, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in
Dowladdu ay sii wadi doonto hawlaha nabadda lagu sugayo ee Muqdisho
ka socda.
Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu
tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Agaasimihii
Idaacadda Horn AFrik Cali Iimaan Sharmaake iyo Madaxiii Idaacadda
Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, isagoo oo arrintaasi ka hadlayana
waxa uu yiri “Waxaan islahaa waa la xiri Idaacadda, balse waxaad
muujiseen Karti, halkaasna ka sii wada hawshiina shacabka u sheega
wixii wanaagsan”.
Qaraxyo iyo Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho maalmahan
dambe marti u noqotay qaraxyada iyo israsaaseynta ay wadaan
kooxaha ka soo horjeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada
Itoobiya.
Qarax si weyn looga maqlay Magaalada
Muqdisho ayaa lal beegsaday gaari ay saarnayeen Guddoomiye ku
xigeenkii Siyaasadda Gobalka Banadir C/llaahi Firinbi iyo
Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag, waxan qaraxasi ku dhaawacmay,
Guddoomiyihii degmad Hawlwadaag Yuusuf Geele oo la dhigay
Isbitaalka Banaadir, sidoo kale qarax ayaa waxaa isna ka
badbaaday guddoomiyaha Wardhiigley Xasan Xashaas, waxaana
qaraxaasi ku dhaawacmay gabr Wadada mareysay, sidoo kale qarax
ka dhacay agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa waxaa ku
dhaawacmay labo askari, dhowr kale oo dadka rayidka ahna
waxyeelo ayaa ka soo gaartay, sidoo kale nin rayid ah ayaa lagu
dilay Suuqa Bakaaraha lama garnayo sababaha loo dilay.
Dagaal u dhexeeya Beelaha Murusade iyo Xawaalde oo ka dhacay
Wararka naga soo gaaraya Gobalada
dhexe waxay sheegayaan in dagaal mar kale uu dhex maray
maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Beelaha Murusade iyo Xawaadle,
waxa uuna dagaalka xoogiisu ka dhacay deegaanka Goobo oo u
dhexeeya Magaalooyinka Maxaas iyo Ceel-Buur, waxaana dagaalkaan
la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo 10 qofood oo labada dhinac
ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 15 qofood.
Dagalkaan ayaa waxa uu ku soo
beegmay xli ay socotay waan waan u dhexeysay labada beelood oo
ay wadeen Odoyaal.
Dagaalkaan ayaa sabab u ah labada
beelood oo isku haysta dhul daaqsin ah.
Dagaalkan oo soo noqnoqday dhowr
jeer ayaa ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa
iyo 30 qofood.
Dagaalkaan ayaa sidoo kale waxa uu
ku soo beegmay xili uu Magaalada Muqdisho ka socdo shir dib u
heshiisiin ah oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo
Ugaasyada labada Beelood e dirirtu u dhexeyso ee ku sugan
Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhowr jeer ay jireen
baaqyo ay ku dalbanayaan in dirirta la joojiyo
Magaalada Asmara oo uu ka socdo qabanqaabada shirka ay..
Waxaa Magaalada Asmara ee dalka
Ereteriya ka socda qabanqaabada shir dib u heshiisin ah oo ay
isugu imaan doonaan xubno ka socda baarlamaanka xorta ah,
mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Siyaasiyiin
kale oo ka kala imaan doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Inkastoo aan la ogeyn qarshka ku
baxaya shirkaasi cidda bixineysa ayaa haddana guddoomiyaha
maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu
sheegay in qarashkaasi ay bixinayaan shacabka Soomaaliyeed ee
jecel nabadda.
Maalmahan waxaa wadamo ka tirsan
Yurub iyo Carabta Marayey xubno ka tirsan Baarlamaanka Xorta ah
iyo Maxaakiimta Islaamiga ah kuwaas oo taageero u raadinayey
shirka, sidoo kale waxaa Gobalad Jubooyinka soo gaaray xubno ka
tirsan Barlamaanka Xorta ah, kuwaas oo Bulshada ku
dhiiragelinayey in ay taageeraan shirka dhawaan ka bilaaban
doona dalka Ereteriya.
Warar ayaa waxay sheegayan in
shirkaasi uu bilaaban doono 7-da Bishan soo socota ee fooda nagu
soo haysa, hase yeeshee xubnaha qabanqaabinay shirkaasi ayaa
qaarkood aaminsan yihiin in shirka la qabto marka uu dhamaado
Ramadaanku, halka kuwo kalana ay soo jeediyeen in la shirka la
furo inta uusan Ramadaanku bilaaban.
Dowladda Ereteriya ayaa Dowlada
Mareykanka waxay ku eedeysay in ay gacan siineyso kooxaha ka soo
horjeeda Dowladda, isla markaanka ay qayb ka tahay dowladaha
qalalaasaha ka wadaan Soomaaliya, hase yeeshee Ereteriya ayaa
dhankeeda sheegtayin qaska ay mas’uul ka yihiin Mareykanka iyo
Itoobiya.
Shirkii dib u heshiisiinta oo mar kale dib u furmay
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta
Gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho mar kale dib uga furmay
shirkii dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka hadaly
xubno uu ka mid ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas
Khaliif, waxa uuna sheegay in uu dhex dhexaad ka yahay siyaasaddaha
is haya ee ka jira Soomaaliya.
“Haddii shir lagugu martiqaado in waajib
ah in aad timaadid oo waxa aad qabto halkaasi ka sheegto” ayuu yiri
Ugaas khaliif oo sheegay in shirka loo baahan yahay in lag soo
qaybgeliy dhamaan Beelaha Soomaalyeed si uu noqdo Miro dhal”.
Shirka waxaa hakad geliyey kadib markii
Beelaha qaarkood ay sheegeen in aysan ku qancsaneyn qaabka uu u
socdo shirka, sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in shirka loo
hakiyey dhaqaale xumo.
Cali Mahdi Max’ed ayaa malmahan waday
kulamo uu la lahaa beelaha Soomaaliyeed kaas oo uu ku qancinayey in
ay ka qaybgalaan shirka dib u heshiisiin qaran ee Soomaaliyeed.
Xaruntii Idaacadda Horn AFrika ee Baladweyne oo la xiray
Iyadoo dhawaan la dilay Agaasimihii
Idaacadda Horn Afrika iyo madixii Capital Voice ayaa haddana wararka
naga soo gaaray baladweyne waxay sheegayaan in xaruntii ay Idaacadda
Horn Afrika albaabada la isugu dhiftay kadib markii uu sidaasi amray
maamulka cusub ee gobalka Hiiraan.
Idaacadda oo si toos ah ugu xirneyd
xarunta weyn ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa halkaasi lagu qabtay
labo weriye oo ka tirsan Idaacadda Horn Afrik oo lagu kala magacaabo
Cilmi Max’ed Waare iyo Sowdo Xuseen, kuwaas oo haatan ku jira
Xabsiga Magaalada Baladweyne.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha
loo xiray weriyayaashaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in loo
xiray kaddib markii ay sii deyn waayeen shir jaraa’id oo uu qabtay
mid ka mid ah Mas’uuliyiinta gobalka Hiiraan.
Dowladda Federaalka ayaa xarig ku haysa
Idaacadda Madaxa banaan ee ka jira Soomaaliya, waxaana dhawaan
albaabada la isugu dhiftay Idaacadda Warsan ee ka jirtay magaalada
Baydhabo, sidoo kale waxaa dhawaan la xiriray weriyayal ka tirsan
Idaacadda Shabeele.
Xulka Qaranka Soomaa-liya oo looga badiyey labo gool
Cayaar ka tirsan tartanka Bariga iyo
Bartamaha Afrika ee da’doodu tahay 17-jirada ayaa shalay waxa uu ka
furmay dalka Burundi waxan cayaartii ugu horeysay wada yeshay
xulalka Rwanda iyo Soomaaliya.
Cayaartaan oo bilaabatay waqtiga
Muqdisho markay ahayd 2:00 Duhurnimo, ayaa waxaa ka soo qaybgalay
dadweyne aad u fara badan, waxaan qaybtii hore ee cayaarta xulka
qaranka Soomaaliya uu soo bandhigay cayaar ka yaabisay
daawadayaashii, balse qaybtii labd markii la isugu laabtay ayaa
Tababare Farayare, waxa uu xulka u soo jeediyey in ay halkaasi ka
sii wadaan farsamdoodii, hase yeeshee, Cimilada oo aad u kululeyd
ayaa xulka qaranka waxaa qaybihii dambe lag dhaliyey labo gool oo
deg deg ah, waxayna cayaarta ku soo gebagabowday 2-0, sida uu noo
sheegay madaxa Wafdiga Salaad Macallin (Salaad Gaab) oo sheegay in
xulka uu soo bandhigay cayaar si aad ah looga maqsuuday.
Maalinta Beri ah ayaa kulankooda labaad
waxay la yeelan doonaan Xulka wadanka Burundi waxayna cayaartaasi
bilaabmi doontaa 2:00 Duhurnimo.