Shirkii 2aad ee Soomaalida Qurbaha Degan oo London Ka Dhacaya
Gudiga qabanqaabada ee lagu doortay shirkii 1aad ee Leicester ka
dhacay ayaa shaaca ka qaaday in shirkii 2aad lagu qaban doono magaalada
London taariikhdu marka ay tahay 27-28 August 2007.
Shirkani wuxuu dhammaystir u yahay shirkii hore ee Leicester ka
dhacay 6-8 April 2007 iyadoo shirkani lagu aasaasi doono Dhaqdhaqaaqa
Soomaalida Qurbaha. Ka qaybgalayaasha waxay ka iman doonaan wadamo kala
duwan oo ku yaalla daafaha dunida, waxayna ka doodi doonaan oo qiimayn
doonaan xaaladda uu haatan dalkii hooyo ku sugan yahay, iyadoo sidoo
kalena halkaas lagu ansixin doono barnaamijka siyaasadeed iyo cahdiga
ururka cusub ee Dhaqdhaqaaqa Soomalida Qurbaha.
Ka qaybgalayaasha oo noqon doono oo qura ciddii martiqaad ka haysata
gudiga qabanqaabada ayaa laguwadaa inay ka midaysan yihin ugu yaraan
dhawr qodob oo asaasi ah:-
1.In Soomaaliya Gumaysi ku jirto
2. In gumaysiga lagu saaro waddo kasta oo xalaal ah.
3. Awood qaybsiga inuu ku salaysnaado hannaan karti iyo degaan ee aan
lagu salayn qabiil iyo 4.5.
Mohamoud Nur
Chairperson of SCSC
mohahnur@yahoo.co.uk