SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
Wararkii: Aug 18, 2007
  • Labo saldhig oo Baarlamaanka xorta iyo Maxaakiimta Islaamiga ka sameysanayaan Deegaano ay ka mid yihiin.

  • Dowladda Mareykanka oo ku cadaadineysa Itoobiya in ay ciidamadeeda ku sii hayso Soomaaliya

  • Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku dhamaaday is afgaranwaa

  • Iska hor imaad dhex maray Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta

  • Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya……


    Waxaa isku soo dubaridey
    Amiin Yuusuf Khasaaro
    amiinkhasaaro@hotmail.com

Labo saldhig oo Baarlamaanka xorta iyo Maxaakiimta Islaamiga ka sameysanayaan Deegaano ay ka mid yihiin.

Waxaa maalmahan socday dadaalo ay wadeen Baarlamaanka la magacbaxay Baarlamaanka xorta iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaasoo ku aadan sidii ay uga sameynsan lahaayeen dalka gudihiisa labo saldhig oo ay ku uruuriyaan ciidamo ka hortaga ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dowladda Federaalka.

Dowladda Ereteriya ayaa labada dhinac ku cadaadisay in ay ka hawlgalaan dalka gudihiisa si Barnaamijyadooda uga hirgelinayaan gudaha dalka.

Saraakiil ka tirsan labada dhinac ayaa noo sheegay in saldhigyadaasi laga sameyn doono deegaano ka tirsan degmada Bu’aale iyo waliba inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye.

Baarlamaanka xorta ah ayaa isagu saldhigiisa ugu weyn ka sameyn soona deegaanka Bu’aale halka Maxaakiimtuna ka sameyn doonaan inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye, iyadoo inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ay degan yihiin ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin kuwa Macallin Xaashi, sidoo kale waxaa Magaalada Bu’aale ee gobalka J/dhexe booqday C/qaadir Xaaji Max’ed Dhaqane oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Xorta ah, isagoo mar uu kula hadlayey dadweyne halkaasi uu sheegayin wixii haatan ka dambeeya hawlahooda kuwooda ugu muhiimsan ka fulin doonaan dalka gudihiisa, sidoo kale mar uu shalay la hadlayey dad isugu soo baxay degmada Bu’aale waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay iskaashaadaan si looga hortago waxa uu ugu yeeray caddowga ku soo duulay wadankaan.

Iska hor imaad dhex maray Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta

Maalintii shalay ahayd ayaa agagaarka Xeebta Lido waxa ka dhacay iska hor imaad la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxa uuna iska hor imaadkaasi u dhexeeyey ilaalo joogtay guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Taliyaha ciidanka Asluubta C/llaahi Macallin, waxa uuna iska hor imaadkaani socday mudo dhowr daqiiqo ah, ilaa iyo haddana lama oga khasaarihii uu keenay iska hor imaadkaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in hal qof oo rayid ah ku dhaawacmay.

Iska hor imaadkaan ayaa sababihii uu ku bilowday la garaneyn, balse warar ayaa waxay sheegayaanin taliyaha ciidanka Asluubta uu damcay inay maraan wado ku aadan Guriga Guddoomiya, balse markii loo diiday ay halkaasi ku bilaabatay is rasaaseyn, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Qaybdiid.

Dowladda Mareykanka oo ku cadaadineysa Itoobiya in ay ciidamadeeda ku sii hayso Soomaaliya

Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya, bartamaha bisha soo socota, kadib markii arrintaasi la sheegay in uu go’aamiyey Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay guteen waajibaadkii ay u tageen dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu waramay in ay Itoobiya ku cadaadineyso in ay ciidamadeeda sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya ilaa iyo dhamaadka sanadkan, gaar ahaan inta laga keenayo ciidamo ka socda Qaramada Midoobey.

Waxaa la filayaa in dhawaan Magaalada Adis-Ababa soo gaaraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka si ay Dowladda Itoobiya uga dhaadhiciyaan in ciidamada Itoobiya ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miles Zenawi ayaa dhowr jeer ku celceliyey in ciidamada Itoobiya ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Dowladda Federaalka Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa mar uu ka hadlayey Baarlamaanka waxa uu sheegay in la gaaray waqtigii ay Ciidamada Itoobiya ka bixi lahaayeen Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka hanan karaan ammaanka guud ee dalka.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in dad deris la ah ciidamada Itoobiya goobaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya sheegeen in ay Soomaaliya ka baxayaan bisha soo socota, hase yeeshee wararkaasi ma ahan kuwo la xaqiijin karo.

Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku dhamaaday is afgaranwaa

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa kulan isugu yimid Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Hiraabka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif kuwaas oo ay la socdeen odoyaal iyo waxgarad, waxayna kulan layeesheen Odoyaasha Beelaha Hawiye oo iyagu ka biyo diidsanaa shirka dib u heshiisinta.

Kulankaan oo qaatay dhowr saacadood ayaa waxaa ka dhacday dood aad u adag, iyadoo Golaha Beelaha Hawiye ee ka biyo diidsanaa shirka ay sheegeen in uu shirku yahay mid aan lagu heshiisiineyn Beelaha Soomaaliyeed, balse uu yahay mid lagbu maaweelinayo Beelaha Soomaaliya, Isla markaana la doonayo in la isaga hor keeno Beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa u soo jeediyey Odoyaashaasi in waxa ay tabanayaan ka jeediyaan shirka, hase yeeshee arrintaasi waa ay ka biyo diideen, waxayna sheegeen in la doonayo in lagu shirqoolo shirkaasi.

Shirkaasi ayaa gebagabadii ku dhamaaday buuq iyo is afgaranwaa, iyadoo halkaasi markii lagu kala dareeray.

Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya……

Gaari ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo marayey agagaarka Suuqa Xoolaha ayaa shalay maqribnimadii waxaa lala beegsaday qarax, qaraxa ayaa lagu waramay in uusan gaysan wax khasaaro ah, balse warar ayaa waxay sheegayaan in rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ahaa.

Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska SOS ayaa maalmahan waxaa ka socday qaraxyo iyo israsaaseyn ay isku hayaan ciidamada Itoobiya  iyo dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana la sheegay in deegaankaasi intii badneed ee dadkii halkaasi deganaa ka barakaceen kadib markii ay u adkesyan waayeen waxa halkaasi ka dhacaya, inkastoo shalay qaraxyadu aad u yaraayeen, haddana waxaa dhacay dilal loo gaystay dad rayid ah, waxaana nin rayid ah oo toorey lagu dilay la soo dhigay agagaarka Kaasa Itaaliya ee degmada Xamarweyne, sidoo kale waxaa la weeraray guri uu deganaa nin ka mid ah ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka, waxaana halkaasi kud dhaawacmay labo qof oo guriga deganaa.

12-ka Bishan oo Dowladda Federaalka u buuxsameyso sanadguuradeydii 3aad

12-ka Bishan Agoosto, waxay ku beegan tahay xiligii la dhisay Baarlamaanka Dowladda Federaalka, waxayna u noqoneysaa sanadguuradii saddexaad, iyadoo Baarlamaanku yahay aasaaska Xukuumadda Dowladda Federaalka ayaa haddana muddaddii saddex sano ahayd haddii aan dib u qooraansano, waxaa Baarlamaanka ku yimid isbedelo fara badan, waxaa la bedelay guddoomiyihii hore ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana guddoomiye loo doortay Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), sidoo kale waxa uu Baarlamaanku ansixiyey in dalka la keeno ciidamo Shisheeye, iyadoo la og yahay in ciidamadaasi aysan wax qaban ilaa iyo hadda, waxaana sii socda dagaaladii iyo iska hor imaadyadii ka jiray dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa dhacay dhowr dagaal oo keenay khasaar naf iyo maalba leh, iyadoo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka isna xubnihiisa dhowr jeer uu soo kala dhex galay khilaaf, kaas oo ku aadan sidii loola xisaabtami lahaa Dowladda Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geedi.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa isaga tagay baarlamaankaasi oo iyagu fariisin ka dhigtay dalka Ereteriya, waxaana ka mid ah Xuseen Caydiid, Shariif Xasan, Cumar Xaashi Aadan, Jaajam Cali Jaamac iyo xubno kale oo fara badan kuwaas oo ka soo horjeestay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isku soo duuboo mudadii saddexda sano ahayd ee uu jiray Baarlamaanka ayaa dadku waxay aaminsan yihiin in Baarlamaanku noqday mid wax walba lagu socodsiiyo.

Geedi “85% Baarlamaanku wuu ansixin doonaan Sharciga qodisa shidaalka iyo Macdanta”……

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo u waramayey Wakaaladda Wararka Ee Reuters  ayaa waxa uu sheegay in 85% kalsooni weyn ku qabo in Baarlamaanku ansixiyo sharciga shidaalka iyo qodisa Macaadinta.

Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in xubnaha Baarlamaanka ay diyaar u yihiin in ay ansixiyaan sharcigaasi oo uu sheegay in maalinta sabtida ah ay Baarlamaanku ka yeelandoonaan fadhi guud oo la xiriira ansixinta sharcigaasi.

“Shirkado fara badan ayaan iyagu soo codsaday in ay shidaal iyo macaadin ka baaraan gudaha Soomaaliya, waxa uuna sheegay in shirkad kasta oo heshiis la saxiixata Dowlad jirtay in heshiiskaasi uu socon doono, ha noqoto xiligii Siyaad Barre, ma ha noqdo xiligii uu dalka ka jiray dagaalada Sokeeye.

            Baarlamaanka ayaa horey dood kulul uga yeesheen heshiisyada ay Dolwadda Cali Max’ed Geedi la galeyso shirkadaha shisheeye waxayna ku tilmaameen in ay yihiin kuwo aysan la socon Baarlamaanla, balse ay dowlad iska wadato, loona baahan yahay in Baarlamaanka la hor keeno.

AKHRI HALKAN: MURANKA BATROOLKA SOOMAALIYA....

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com