XAALADA DADKA KA SOO BARAKACAY MUQDISHO EE KU SUGAN DEEGAANKA
DEGMADA CADAADO GOBOLKA GALGADUUD BARTAMAHA SOOMAALIYA
Degmada Cadaado waxay ka tirsan tahay Gobolka Galgaduud ee
bartamaha Soomaaliya, waxay ka mid tahay degmooyinka ugu
balaaran dhul ahaan iyo dad ahaamba Soomaaliya. Dadkeedu waxay u
badan yihiin xoola dhaqato, ma lahan inta badan adeegyada aas
aasiga ah ee kaaba nolosha aadanaha, 20-kii sano ee la soo
dhaafay kama howl gelin maamul dowli ah, sidaasoo ay tahay hadda
waxaa ku soo siyaaday dad ka soo barakacay Muqdisho caasimada
Soomaaliya.

Waxaa la dhihi karaa tiro ahaan waxaa laban laabmay tirade
dadka marka laga hadlayo xadiga dadka yimid ama tirade dadka
yimid sideedii bilood ee ugu dambeysay waxaa maalin walba
imaanayey degmada Cadaado soo barakacayaal cusub, kuwaasoo isugu
jira qoysas soo wada guuray iyo qoysas kala qeybsamay.
Dadkani ma wataan wax sahay ah meeshaana ugama soo horayn dad
ka nolol roon, inta badan dadkii horay ugu noolaa degmada
cadaado iyo xitaa Gobolka Galgaduud oo dhan waxay ku tiirsanayd
noloshoodu dadka Muqdisho hadda ka soo barakacay, sidaa
daraadeed nolosha dadka degmada Cadaado kuwii horay u joogay iyo
kuwii soo barakacayba waxay isugu timid laboo qaawan isma
qaado.

Hay’adda hormarinta iyo gargaarka ee Soojeed waxay in muddo
ah ku howlaneed u kuurgelida xaalada nololeed ee ay ku sugan
yihiin dadka soo barakacay, sidaa daraadeed ayaan la kulanay dad
badan oo ka soo barakacay Muqdisho.
Dadkaa waxaa ka mid ah Khadijo Maxamed Faray oo ah hooyo 8
caruur ah wadata kuna sugan degmada Cadaado, waxay sheegtay
khadiijo in ay ka maqan yihiin labo ka mid ah caruurteedii,
odaygii reerkuna uu jiro Muqdisho, noloshuna ay aad ugu adag
tahay.
dadka degmada Cadaado ku soo barakacay waxay qabaan baahi deg
deg ah iyo baahi mustaqbalka ah, marka ugu horaysa waxay si deg
deg ah ugu baahan yihiin in ay helaan hooy ama guri, ka dibna
waxay u baahan yihiin biyo nadiif ah, cunto, daawo iyo isbitaal
Arrimaha ku xiga ee ay doonayaan waxaa ugu horeeya shaqo,
waxaa ku xiga waxbarasho, waxay kaloo doonayaa soo celinta
adeegyadii guud ee nolosha kaabayey.
Caqabadaha ay la kulmeen dadkani waxaa ka mid ah cimiladii oo
ay la qabsan waayeen, wel wel ku aadan waxa ay ku dambeyn
doonaan iyo kala maqnaanta qoysaska dhexdooda ah.

Sida aad ku arki doonto sawirada baabuurta keenta dadkan
waxay jidka ku soo maraan cabsi iyo in la soo dhaco, waxaa
weliba ka sii daran gabdhaha oo la kufsado, sida dhacday
7/5/2007 oo gaari xamuul ah lagu baartay deegaano ka tirsan
Gobolka Galgaduud sidoo kalana gabdhihii saarnaana la fara
xumeeyey.
Cabdi Daahir oo ka mid ah soo barakacayaasha ayaa cod dheer
magaalada Cadaado dhexdeeda ku yiri “daaqadeen adduunka ka
galnaa si aan tabaruc u waydiisano, markaas wuxuu waday xoogaa
yar oo raashin ah oo aan ku filneyn reerkiisa, wuxuuna ka
fakarayaa waxa ku xigi doona oo uu carruurta siindo ka dib
dhamaadka raashinka yarka ah.

“Hadaanan shaqo helayn waxaa ii dhaanta sedan Muqdisho” ayuu
yiri Jaamac Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada dadka ka soo
barakacay Xamar, marka uu sidaas lahaa maalin cad shantii
barqanimo ayuu sariir jiifay isagoo muujinaya in aan meherad
la’aan la joogi Karin ayuu ku celceliyey sidani nolol maahan,
Jaamac waa 20 jir aabihiis maxamed wuxuu ku dhintay dagaaladii
kululaa ee April iyo May ka dhacay Muqdisho.
Maadaama uusan Gobolkani soo jiidan Karin warbaahinta gudaha
iyo dibada waxaa iska gaabis ah gurmadyada dadkani helaan oo
inta badan hay’aduhu warba u ma hayaan baahiyaha jira, hay’adda
ICRC ayaa ah mida ugu dhaq dhaqaaqa badan Gobolkan waxay bixidaa
cunto,daawo,maacuun,bustayaaliyo iyo weliba bacaha roobka
laga okorto.
Ugu dambayntii hay’ada Soojeed waxay xarunteeda Cadaado ka
furtay diiwaan ay ka muuqdaan dadka soo barakacay, arintaan oo
ujeedadeedu tahay in sifiican loogu ogaado tirda iyo nolosha
dadka soo barakacay.

Hay’adda Soojeed, waa wadani madax banaan isla markasna,
waxay ka howl gashaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya, waana hay’ad
ka qeyb qaadata horumarinta iyo u gargaarida dadka tabaaleysan
ee ku sugan meelaha ay ka howl gasho.
Waxaa soo aruurisay warbixintan amaba isku soo duwday
hay’adda gargaarka iyo horumarinta ee Soojeed Relief and
development organization.
Guddoomiyaha hay’adda Soojeed
Cilmi Nuure Weheliye
Email:
soojeed_org@yahoo.com /
cilmi_nuure@hotmail.com
Tel:00252-1-5515815/5564676