DIID DILALKA SIYAASADEED
(SHHRF 0091/2007, 13 August 2007)
(Nuqul Somali)
Ururka Xuquuqul Insaanka ee Suldaan Hurre
(SHHRF) wuxuu dhaleecaynayaa dilkii naxdinta lahaa ee loo
geystey Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi kuwaasoo
ahaa labo weriye ee qiimo leh ee Soomaaliyeed kuwaasoo gaarey
heerkii ugu sarreeyey ee khibradooda xirfadeed. Cali Iimaan
Sharmaarke wuxuu wax ka aasaasay warbaahinta HornAfrik, halka uu
Mahad Axmed Cilmi uu daadihin jirey barnaaminkii caan ah ee ka
bixi jirey raadiyaha FMka ee Capital Voice oo qayb ka ah
Shabakada HornAfrik.
Waxaannu tacsi u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo
asaxaabtii labadaas nin ee mintidiinta ahaa. Waxaannu kugu
adkaynaynaa in aadan isu dhiibin cabsigelin. Aamusinta
warbaahinta oo loo marayo cabsi-gelinta iyo dilka khaarajinta
ahi waa qaab kale ee ah waxa loo yaqaan “dhaqanka dilka
siyaasadeed”.
Walow aan wali la aqoon gacan-ku-dhiigleyaashii,
fal-dembiyeedkaasi wuxuu shaki la’aan leeyahay calaamadaha dilka
siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda labaataneeyadii sannadood ee
la soo dhaafay. Dadkii u dhintay waxa ay aamminsan yihiin waxaa
ka mid ahaa Elman, Faarax Dheere iyo Suldaan Axmed Hurre.
Sannad ka hor ayay ahayd markii Soomaaliya iyo bulshada
caalamku ka tiiraanyoodeen dilkii naxdinta lahaa ee Cabdulqaadir
Yaxye, ninkaasoo u taagnaa wanaagga dalkiisa. Yaxye marna uma
uusan malaynaynin in lagu hor dili doono xaaskiisa.
Dilkii Yaxye waxaa ka horreeyey dilkii siyaasadeed ee Suldaan
Axmed Hurre, kaasoo ku noqoshadiisii dalkiisii hooyo ay u
keentay in la khaarajiyo iyadoo aan cidna dembi loogu raacan
dilkiisii.
Dilalkaan dambe ee soo noqday waxay ku tusinayaan baaxadda
dilalka siyaasadeed iyo sida kuwa dadka laynayaa ay u abuurayaan
xaalad ah ‘maxaa kaa galay cadowgaaga siyaasadeed mar haddii aad
khaarajin karti (isla markaana aammusin kartid)’. Dhaqankani
wuxuu wuxuu ka hirgalay dhammaan gobollada Soomaaliya kuwa ku
guulaystayna waa inta gaarta meelaha ugu sarreeya. Maanta
Soomaaliya waa dal ay dadka ugu qiimaha badani ay halis ugu
jiraan in la dilo.
Warfaafin xilkas ah isla markaana xor waa shardi muhim u ah
nidaam kaalmo ka gaysan kara midaynta bulshada Soomaaliyeed isla
markaana xallin kara dhibaatooyinkeeda. Cabburinta ama
baabi’inta war-baahintuna waxay sii carqaladaynaysaa ama sii
murginaysaa wacyigelintii ay u baahnayd ee xagga isu
dulqaadashadeeda bulsho iyo siyaasadeed ee waxyaalaha la isku
khilaafsan yahay.
Mid ka mid ah dariiqyada ay Soomaalidu uga bixi karto
dhibaatooyinkaan is dabajoogga ah waxaa weeye in aynnu niraahno
“intaan ayaa dhibaato noogu filan” markaana aynnu u istaagno
diidmada/ka hortagga dadka shaqada ka dhigtay kharbudaadda
siyaasadeed.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
www.suldanhurre.org
Sannad Guuradii 5aad ee ka
soo wareegtay dilkii Suldaan Hurre,
(SHHRF 0092/2007, 13 August 2007)
(Somali version)
AGOOST 17, 2008 waa sannad guuradii
5aad ee ka soo wareegtay dilkii foosha xumaa ee Sultan
Hurre, oo ahaa aqoon yahan doonayey inuu gacan ka gaysto
wanaagga dalkiisa hooyo, gaar ahaan gobollada Puntland
uu ka soo jeeday. Sida uu Col. Cabdullahi Yusuf ka
qirtay maxkamada London ku taal waxaa Sultan Hurre
khaarijiyey mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee
Cabdullahi Yusuf. Waxaa ayana qaabkaas oo kale loo dilay
Farax-dheere 2002, iyo Cabdiraxmaan Caydiid 1984. Waxaa
raggaas oo dhan ka dhaxeeyey oo kaliya inay ka soo
horjeedeen siyaasadda gurracán ee Col. Cabdullahi Yusuf.
Sultan Axmed Hurre waxaa la aaminsanyahay inuu u
dhintay dil ama khaarajin siyaasadeed, ficil ayaantaan
dambe ku soo siyaadaya Somaliya. Maalmo ka hor
qoraalkaan marka la soo saaray ayay ahayd markii
adduunku ku naxay dilkii Cali Imaan Sharmarke iyo Mahad
Axmed Cilmi- labo suxufi oo caan ahaa, oo midna maamule
ka ahaa Idaacadda Capital Voice, midna ahaa la-mulkiile
Idaacadda Horn Afrique. Waxay ahayeen laba nin oo aad
loogu baroor-diiqay. Sanad in ku dhow baa ka soo
wareegtay dilkii foosha xumaa ee Cabdulkadir Yaxya,
aqoonyahan ku can baxay raadinta nabadda, nasiibdarrase
lagu hor toogtay xaaskiisa. Dilalkaas oo dhami waxay ka
turjamayaan caqli xumada manta Somaliya taal oo ku
dhisan ka takhalus ciddii aad is-qabtaan.
Agoost 17, waxay ku gashay taariikhda maalinta loo
baroor diiqo aqoonyahannada iyo dadka magaca leh ee
nabadda jecel loona dilay sababo siyaasadeed. Waa lagama
maarmaan inaan wada dhaleecayno dilalka siyaasadeed. Waa
muhiim in la yaraahdo MAYA in dad inta barqo la dilo
ciduna wax ka qaban ama aan xitaa la baarin. Waxaan si
culus u canbaareyneynaa gaboodfalyada ka socda Xamar iyo
meelo kale ee Somaliya.
Waxaa dad kooban ee ka socda gobollada Puntland ka
wadaan London xaflad la yiri waxaa lagu xusayaa 8
guuradii samaynta Puntland. Ku aaddinta maalintaas 17ka
Agoost waxaan u aragnaa meelka dhac. Waxaan leennahay
miisaan ha la saaro xumaanta iyo samaanta mamulka
Puntland iyo taariikhdiisa.
Somalida oo dhan waxaan ka codsanaynaa inay 17ka
Agoosto u xasuustaan maalintii aqoonyahan loo dilay
fikirkiisa iyo siyaasadda uu aamminsan yahay. Waxaan
idinka codsanaynaa inaad dareenkiinna u cabbirtaan
maalintaas siyaabo kala duwan, hal hayskeennuna waa
“Maya dhaqanka is-khaarajinta Siyaasadeed”..
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
www.suldanhurre.org