Daabaco
Boggan | Print
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri
Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |
Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |
Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |
Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
Waa maxay bulshada rayadka ahi? mase ka jiraa soomaaliya?
mahad herse
htrmah@aol.com
Waxaad mooddaa in aad baryahan loo hadalhayo ayna soo baxday oo ad loo
isticmaalo eray dadku ay wax badan maqlaan oo dhagahooda ku badan oo ah waxa loo
yaqaan ama loola baxay bulshada rayadka ah ama afka qalaad lagu yiraahdo(civil
society).
Haddaba erayga bulshada rayadka ah ee ay soomaalidu aad u hadalhayso baryahan
danbe cid walbana aad mooddo in afka loogu riday oo lagu wardiyo erayga bulshada
rayadka ah,ayaa haddana dhinaca kale nasiibdarro aysan dadku wali isweydiin waa
maxay horta bulshada rayadka ahi?xaggeese eraygaasi asal ahaan ka soo
jeedaa?yaase noo keenay?xaggee nooga yimid?sideese u naasibayaa eraygaasi ama
uga jiraa waaqica bulsho-siyaasadeed ee soomaaliyeed ama ay uga jirtaa waaqicaas
wax la oran karo bulshada rayadka ahi?
Waxaaan halkan ku sharxi doonnaa macnaha iyo nuxurka bulshada rayadka ah, iyo
meesha uu ka soo jeedo eraygaasi, iyo cidda la oran karo bulshada rayadka ah.
Erayga bulshada rayadka ahi waa eray aan soomaali ahayn oo qalaad oo dibadda ka
yimid. Erayga bulshada rayadka ahi waxuu ka soo jeedaa asal ahaan eray afka
ingiriiska lagu yiraahdo(civil society). Waxay soomaalidu u tarjuntay ama ay u
qaadatay eraygaas markiiba bulshada oo ah(society)iyo rayadka oo ay ku
macneeyeen erayga (civil). Waxaase marka erayga (civil)la macneeyo maaha
macnihiisu rayad,balse waxaa asaas u ah erayga macnihiiisa magaalo,taas oo
erayga(civil) uu yahay eray ka soo jeeda magaalo iyo dawlad. Waxaan tusaale u
soo qaadan karaa erayo kale oo uu eraygaasi ku jiro ama la socdo waxaa ka mid
ah(civil service)oo macnihiisu yahay shaqaalaha dawladda,waxaa kale oo jira
erayga(civil code)oo ah xeerka madaniga ah ama dawladeed iyo magaalo,waxaa kale
oo jira(civil liberty)oo ah xorriyadda madaniga ah ama magaalo oo ah xorriyadda
ay dawladda iyo sharcigu ay ilaaliyaan,kuna jaango’an sharciga iyo qaanuunka oo
ku xadidan,waxaa kale oo jira(civil marriage) oo ah guurka madaniga ah ama
magaalo ee dawladeed ee sharciga ah. Waxay erayadaas oo dhami ka tarjumayaan in
erayga(civil)uu yahay macnihiisu eray magaalo iyo dawlad ka hadlaya ee usual
macnihiisu ahayn rayad kaliya balse ay ka mid tahay macnihiisa oo eraygu uu
leeyahay macnayaal dhowr ah oo macnaha rayadkuna soo gali karo,laakiin hadba ku
xiran weedha uu ku jiro iyo waxa la socda. Waxaase erayga macnihiisa guud ahaan
asal u ah magaalo(city) iyo dawlad(state),iyadoo eraygu macnihiisu ka soo jeeda
ama ka yimid asal ahaan erayga kale ee afka ingiriiska loo yaqaan(civic)oo
macnihiisu yahay magaalo iyo dawlad.
Marka aaqn intaas uga gudubno erayga macnihiisa fasiraad ahaan waxaan halkan
ku soo bandhigaynaa macnaha erayga bulshada rayadka ah loola baxay balse ah asal
ahaan(civil society). Waxaa erayga aan anigu ugu wanqalayo ama fasiraaddiisa
runta ahi ay tahay bulshada madaiga ah ama bulshada magaalo iyo dawladeed,ayaa
waxaa asal u ah ama macnihiisa eraygaasi ka soo jeedaa oo asal u ah bulsho
magaalo iyo dawladeed(society and state). Waxaa eraygaas la macne ah ama uu ku
sidkan yahay oo ku lammaan oo la mid ah macne ahaan waxa loo yaqaan bulshada
siyaasadeed ama afka qalaad lagu yiraahdo(political community). Waxaa eraygaasi
ka soo jeedaa eray laatiin ah oo loo yaqaan(civilis societas),waxaana asalka
eraygaas macnihiisu salka ku hayaa maaha shakhsiyaad rayad ah, balse waxaa
eraygaas macnihiisu yahay ama qeexayaa oo ka tarjumayaa duruufaha iyo xaalad
cabiraysa ama tilmaamaysa nolol bulsho siyaasadeed ilbax ah oo magaalo(civilised
political community),taas oo ay ku jirto oo cabiraya ama tilmaamaya nolol
magaalo oo leh sharciyad iyo xeer qaanuun madani ah oo magaalo oo ay ku dhaqanto
iskuna xukunto oo kala haga(urban legal code)iyo awood siyaasadeed oo
qaanuunkaas dabaqda oo fulisa dadkana ku qaadda oo ku qasabta(political
authority). Waxayna xaaladdaasi hoosta ka xariiqaysaa oo ay tilmaan u tahay
nolol iyo waaqic ilbaxnimo oo magaalo iyo dawladeed(civility and urbanity).
Waxaa xusid mudan in mujtamacyada iyo bulshooyinka aan reer magaalka ahayn ee
dhaqameed ama qabaliga ah aan la oran Karin ama aysan ahayn mujtamac madani ah
oo magaalo iyo dawladeed(pre-urban culture). Waxaana ay bulshooyinkaasi yihiin
kuwo ku nool noloshii dabiiciga ahayd ee ka horreeyay xaaladda duruufaha nolosha
magaalo iyo dawladeed ee madaniga ah ee ilbaxnimo iyo xaddaaradeed. Waxaana
macnaha iyo nuxurka eraygaasi ka soo jeedaa ama salka kub hayaa hawsha iyo
daraasad ay sameeyeen ama eraygaas markii u horraysay uu soo shaac baxay ayna
keeneen oo eraygaas ay sharraxaad ka bixiyeen ayna daahfureen markii u horraysay
fekerayaashii siyaaasadeed ee qarnigii 17aad(political thinkers)oo ay ugu
waaweynaayeen HOBBES IYO LOCKE iyoHegel oo isagu uga yara duwanaa isagoo kala
soocay waxoogaa dawladda iyo bulshada,waxayse fekwerayaasha oo dhami ay ku
macneeyeen erayga mujtamaca madaniga ah mujtamac iyo bulsho ay xukunto oo hoos
jooga nidaam iyo kaladanbayn iyo maamul dawladeed oo xukuma(civil society:that
is the organised society over which the state rules). Waxaana kala soocid kasta
oo lakasaaro dawladda iyo bulshada aysan gabi ahaanba taasi aysan meesha ku
jirin oo suurtagal ahayn. Waayo dawladda iyo maamulka iyo xukunka siyaasadeed
lafahaantiisu waxuu qeyb ka yahay bulshada iyo mujtamaca,waxaana si kasta oo ay
tahay la ogyahay oo iska cad ama aan cidina dafiri Karin oo aan dood iyo muran
aan lahayn lana wada ogyahay in mujtamaca madaniga ah markasta, in ay jiraan
hay’ado ku xiriirsan maamulka rasmiga ah iyo koontoroolka siyaasadeed oo hoos
jooga ayna xukunto awoodda siyaasadeed ee rasmiga ah(formal poltical
authoritry),waxaa iyana kale oo jira hay’ado kale oo isku xiran iyo hay’ado
xiriirsan oo bulsho oo sugan oo deggan kuwaas oo iyana saamayn iyo raad ku leh
noloshayada ama ilaa xad na xukuma oo raad weyn ku leh oo saameeya.
Waxaa kalasooca iyo kalasaarka iyo natiijada iyo muhiimadda fikrad ahaan
erayga bulshada rayadka ahi uu salka ku hayaa oo asal u ah eraygaas fikradihii
ay soo bandhigeen markii u horreysay fekerayaashii siyaasadeed ee ay ugu
waaweynaayeen Hobbes iyo Locke taas oo fikraddaasi ahayd fikraddii ay
abwaanadaas siyaasadeed ay keeneen ee ay daah fureen kuna salaysnayd oo
nuxurkeedu ahaa fikradda nolosha iyo duruufaha xaaladda dabiiciga ah(state of
nature) oo ahayd xaaladdii ka horraysay nolosha iyo duruufaha dhalashada
mujtamaca madaniga ah ee dawladeed. Waxay abwaanadaasi ay soo bandhigeen kana
dhigeen oo ay ku qeexeen in maamulka iyo awoodda siyaasadeed(political
authority)ay fikrad iyo aragti ahaan ay ku macneeyeen ama ay doodeen oo ku
qeexeen iyagoo yiri tusaale ahaan ka soo qaad fikrad iyo aragti ahaan iyadoo ay
suurtagal tahay oo aysan jirin maamul iyo nidaam iyo isxukun dawladeed iyo
maamul,waxay markaas u baahdeen fikrad ahaan(theoretically)in ay macne iyo
qeexid u sameeyaan hay’adaha soo haray ee bulsho ee jira marka aysan jirin ama
aan lahayn awood siyaasadeed iyo maamul. Waxay markaas bulshada rayadka ah ay ku
macneeyeen in ay tahay xayndaabka iyo meegaarka ay hay’adaha bulsho ee jira
marka laga tago awoodda siyaasadeed iyo maamul ay ku dhex jiraan haddii ay
noqoto hay’adaha xiriirka xirfadeed iyo dhaqaale iyo kuwa reereed iyo kuwa
toleed ee bulsho iyo kuwa iyna diimeed ee bulsho iyo dariiqeed IWM.
Waxay fikradaha iyo qeexidda noocaas ahi ay tahay fikrad iyo aragti maskaxeed
iyo malaawaal oo aragtiyeed(theoretical),waayo bulshada madaniga ahi ma jiri
karto mana aha mid ka madax bannaan oo dibadda ka ha gabi ahaanba awoodda iyo
maamulka siyaasadeed ama sidoo kale maaha iyana awoodda siyaasadeed iyo maamul
mid dibadda ka ah oo ka baxsan bulshada iyo mujtamaca,iyadoo aysan labadubana
usual mid walbaa kan kale la’aantiis noolaan Karin oo usual jiri Karin.
Haddaba bulshada madaniga ahi ama magaalo ama mujtmaca siyaasadeed waa
mujtamac nidaamsan oo kaladanbayn iyo nidaam leh(ordered society),kaas oo lid ku
ah mujtamaca dabiiciga ah eek u nool xaaladda dabiiciga ah(state of nature).
Mujtamaca dabiiciga ahi waa mujtamac ku nool xorriyad jeenigaa furan ah oo aan
xad lahayn qof kastaana xor u yahay waxii uu doono in uu sameeyo iyo xorriyad
jeenigaa furan ah(natural liberty). Waxaana mujtamaca madaniga ahi uu kaga duwan
yahay mujtamacaas dabiiciga ah,iyadoo mujtamaca madaniga ah xorriyaddiisu tahay
xorriyad ku xadidan kuna qabbiran sharciga iyo nidaamka(civil liberty)
sharciguna jiheeyo oo u hogaansan sarraynta iyo dhowridda sharciga iyi nidaamka.
Waxaa kale oo mujtamaca madaniga ahi yahay mujtamac leh awood iyo maamul
siyaasadeed(political authority)oo sharciga iyo nidaamka ilaalintiisa u
xilsaaran oo qaabilsan fulinta sharciga iyo nidaamka iyo ilaalintooda(law
enforcement agency).
Waxaa mutamaca dabiiciga ahi eek u nool xaaladda dabiiciga ah yahay mid
xaalkiisu yahay kuna nool duruufo iyo xaalad ku salaysan xeerka iyo dhaqan
caddaalad aarsiyeed oo bidaa’I ah(primitive retaliatory justice) taas oo qofku
aysan jirin nidaam iyo awood iyo sharci uu u hoggaansan yahay oo xukuma uuna u
dacwoodo oo hoos joogo,balse uu ku nool yahay xaalad iyo duruufo qofku yahay
jeenigaa furan oo wax xadida iyo wax xukuma oo amra oo u hoggaansan yahay aysan
jirin.
Haddaba mujtmaca madaniga ahi waxuu ka dhashay caqdi iyo heshiis ijtimaaci
ah(social contract) taas oo qofku uu kaga tanaasulayo xorriyaddiisii dabiiciga
ahayd ee uu haystay markii uu ku noolaa noloshii iyo duriifihii nolosha
dabiiciga ahayd(state of nature),iyadoo qofku taas ku badalanayo xorriyad madani
ah oo xadidan kuna qodban oo ku qabbiran sharciga iyo nidaamka,waxaana
tanaasulka noocaas ah ee qogku ka tanaaasulay xorriyaddiisii dabiiciga hayd ee
ka horraysay xorriyadda madaniga ah ee dawladeed iyo magaalo,ayaa waxaa ka
dhashay caqdigaas ijtimaaciga ah nidaam iyo awood siyaasadeed oo leh awood
sharci fulineed(political sovereign power)taas oo qofkii damca in uu caqdiga
ijtimaaciga ah ee la galay uu jabiyo, ama ku xadgudbo sharciga iyo nidaamka ay
awooddaas siyaasadeed ee la samaystay kana dhalatay caqigaas la galay ay
ciqaabaysaa, iyadoo ilaalinaysa oo difaacaysa caqdiga la galay ee ijtimaaciga ah
ee wadareed iyo danta caamka ah ee guud.
Haddaba marka aan fiirinno waaqica mujtamaca soomaaliyeed waxaan oran karnaa
marka aan ku dabaqno macnaha iyo nuxurka uu leeyahay mujtmaca madaniga ahi in
mujtamaca noocaas ahi usual ka jirin waaqica bulsho ee soomaaliyeed. Waxaana
mujtamaca soomaaliyeed uu ku sifoobay mujtamaca ku nool xaalad dabiici ah(state
of nature)iyo xorriyad jeenigaa furan ah kuna salaysan caddaalad aarsiyeed oo
usual qofku ku garnaqsan sharciga iyo nidaamka maxkamadeed iyo dacwo(adjuciatory
justice),balse uu yahay mid ku garnaqsada caddaalad aarsiyeed. Waxaana bulshadu
ama qofku uu sheegan karaa kuna sifoobi karaa mujtamac madani ah marka la helo
caqdi ijtimaaci ah oo bulsho oo qofku kaga tanaasulayo xorriyaddiisa jeenigaa
furan ah uuna qaato oo cahdi iyo ballan ku galo kuna baddasho oo wacad ku galo
xorriyad xadidan oo ku qabbiran kuna kooban sharciga iyo nidaamka. Taas oo
caqdiga noocan ahina uu dhalayo uuna keenayo in la helo awood iyo xukun
siyaasadeed oo wax xukuma(political sovereign authority)lehna awood iyo xukun uu
wax ku xukumo kuna qasbo qofka kuna qaado sharciga iyo nidaamka iyo in uu u
hoggaansamo,waxaana meelaha la oran karo in mujtamac madani ahi ka jiro iyo wax
u sansaan egba ay yihiin meelaha leh awoodaha iyo xukunka siyaasadeed iyo
maamul,ayna ka mid yihiin ama sifo noocaas ahi ay ka muuqdaan deegaanada
soomaaliland iyo puntland,iyadoo ay halkaas ka jiraan wax la oran karo ama u
muuqda maamul iyo awood siyaasadeed oo wax xukuma sharciga iyo nidaamkana dadka
ku qaadi kara oo ku qasbi kara,iyadoo meelahaas iyo deegaanadaas la oran karo in
ay ka jiraan ugu yaraan ilaa xad mujtamac madani ah oo sharciga iyo nidaamku ay
ka taliyaan ilaa xad(rule of law),qofkuna u hoggaansamay oo ka tanaasulay
xorriyaddii dabiiciga ahayd ee jeenigaa furan ahayd.
Waxaana taas awgeed iyana la oran karaa in deeganada soomaaliyeed oo kale
marka lagu dabaqo oo la fiiriyo macnaha mujtamaca madaniga ah, aysan ka jirin
mujtamac madani ah ama mujtamac siyaasadeed(political community) oo nidaam iyo
kaladanbayn leh, islamarkaana habaysan oo kaladanbeeya(ordered society),oo
markaa la oran karo ama ay ka muuqato sifaha iyo tilmaanta noocaas ah ee
astaanta iyo summadda u ah mujtamaca madaniga ah ee lagu yaqaan. Waxayse
nasiibdarro noqotay in ereyga bulshada rayadka ahi noqday eray laga soo
minguuriyay lagana soo dhanbalay waaqica iyo dabeecadda iyo bii’adii reer yurub
ee asalkiisu ahaa,iyadoo eraygaas lagu dabaqay laguna macneeyay bii’o iyo waaqic
aan kiisii ahayn oo qalaad oo ka duwan,iyadoo eraygaas inta laga soo dhanbalay
lagana soo dafay waaqicii iyo bii’adii loogu wanqalay ee uu ku dhashay ee yurub
lana keenay waaqic iyo bii’o usual shaqo ku lahayn lagana aqoon,balse la iska
qaatay loolana baxay oo loogu wanqalay wanqal silloon oo garac ah oo macnihii
iyo asalkii uu eraygu lahaa aan ka tarjumayn loose baxshay oo loogu wanqalay
bulshada rayadka ah oo aan la garanayn macnaha iyo nuxurka dhabta ah ee
eraygaasi lahaa asal ahaan ee lagu yaqiin looguna wanqalay ee uu ku dhashay,kuna
salaysnaa macnaha iyo nuxurka ah ama aan ugu wanqalay erey bixin ahaan marka
afsoomaali la yiraahdo oo ereygaas macnihiisa yeelan kara ay ugu dhow dahay
erayga aan ugu wanqali karno eraygaas macne ahaan ay tahay mujtamac magaalo ama
dawladeed iyo bulsho siyaasadeed(political community) oo madani ah oo habaysan
siyaasad ahaan islamarkaana nidaamsan oo kaladanbayn iyo nidaam ka jiro kana
muuqato sarraynta sharciga iyo nidaamka iyo amarku.
Qormada danbe waxaan ku soo bandhigaynaa sidee ku dhalan karaa mujtamac
madani ah. La soco
mahad herse
htrmah@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007
|