Daabaco
Boggan | Print
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
Soo Dhooftaye Maxaa ka dhaba? (qoomiyadda Soomaalidda ee qurbaha
Joogta)
Tan markii ay bur burtey Dowladdii Dhexe ee Soomaaliye ee uu
madaxweynaha ka ahaa Maxamed siyaad barre , ayaa waxa uu wadanka Soomaaliya
Galay Marxalad Adag taas oo wadanka soomaaliya u kala qaybisey gobol gobol
isla markaasna ay Meelkasta oo soomaaliya ka mid ah ay ka dhacayeen Dagaalo
sokeeye kuwaas oo ay ku hoobteen kumayaal iyo Kumayaal soomaali ah ,
Dagaaladdaas ayaan ilaa Maanta Taagin wallow aysan siddiii ay
sagaashameeyaddii ahayd aysan ahayn oo Gobollo wadanka ka mid ah ay Nabadd
yihiin sida somaliland ,Puntland iyo kuwa kale ,waxaana walli dhibaato
baahsan oo ay ugu weyntahay Nabadd la'aani ka jirtaa Caasimadda Soomaaliya
taas oo kaba sii dartey Kolkii ay wadanka soo galleen Ciidamada Ethiopia
,iyadoo ay dadka reer Muqdisho nolol maalmeedkooda ka mid noqotay qaraxyo
iyo dhimasho maalin kasta ah ,Hadabba Marxaladaas Adag ayaa waxa ay keentay
in dad ku dhow 1million oo soomaali ah ay wadanka dibadda uga qaxaan,
kuwaas oo u kala qaxay wadamadda Kenya, Ethiopia ,Eroupe,N.America ,Carabaha
,Australia,iyo meelo kale oo baddan oo ka mid ah aduunka Hadabba dadkii
wadamada qurbaha soo galay Gaar ahaan dadkii usoo qaxay N.america iyo
Eroupe ayaa waxa ay ka kulmeen Dhibaato baaxad weyn dhibaatadaas ay ugu
horeeyeen dhaqaale xumo oo dadku iyaga oo fara madhan ayey soo galaan
wadamada oo haba yaraatee aan wax hanti ah wadan waadna dareemi kartaa qof
isaga oo faro madhan dad aynsan isku diin iyo isku dhaqan toona ahayn marti
galay waxa uu kala kulmi karo , waxaa kale oo ka mid ah Dhibaatooyinka
iyaguna haysta qurbaha joogta soomaalida dhibaato xagga Diinta iyo dhaqanka
ah taas oo aad moodo inay tahay dhibaato ugu weyn oo haysta qurba joogta,
waayo aduunka wax ugu muhiimsan ee bulsho kasta ku xisaabtanto waa
da’yar, da’yartii soomaaliyeed ee halkan iyaga oo yar yimi ama ku dhashay
waxa ay badankoodiii raaceen dadkii wadanka loogu yimi taas oo aad muddo
inay adhaxda ka jabisey bulshadii soomaalida waayo dadka waaweyni waa iska
tagayaan da’ayartiina faro laguma hayo oo waxay qaateen dhaqan iyo diin
aysan u dhalan, taas oo keeni karta in boqol sano kadib laba waayo dad
community soomaali ah oo la yaqaano sababtoo jiilba jiil ayuu bedalaa
jiilka soomaaliyeed ee soo socdana maaha kuwo leh dhaqan iyo toon midna waa
sida ay u badan yihiin dhalintu , runtii lama odhan karo dhalinyaradu wey
wada xumaatey laakiinse cilmi baadhis aan sameeyey waxan ku ogaadey reerkii
ay u joogto 10 canug ama ilmood inay 8 sideed ka mid ah ay xumaadeen taaso
oo la odhan karo waa aqlabiyad sarre ama dhalinyarada inta xun ayaa baddan .
muxuu ka qaban karaa waalidka jooga qurbuhu akhlaada iyo diinta
ilmihiisa?
Runtii waa arin isweydiin muddan maadaama dhalinyaraddiii ay sidaas u
xumaadeen xagee ayuu jiraa waalidka , hadabba mar aan u kuur galay arintaas
waxaan ogaadey in uusan waalidku khalad badan ku lahayn arintaas wallow ay
jiraan waalido aaan iyagu hagaagsan iyagu toosin u baahin iska daa ilmo ay
rabeeyaane ,soomaalidu waxay ku maahmaahdee biyo kaa badan dad kaa badani
labaduba waa ku Hafiyaan si kasta oo waalidku u dadaalo ma rabeyn karo
sababtoo ah ilmaha marka horeba waalidku xor uma ah oo waa lala dhalay
ciyaalku marka ay 5sano gaadhaan ayaa waxaa school lagu barayaaa , sidii
hadii waalidkiisi dillo ama ku qayliyo uu police usoo wici lahaa isla
markaasna waxaa laga dhaadhicinayaa ilmaha yar inuu xor yahay oo aan cidna
khasab iyo rabeyn toona ku lahayn taas oo meesha ka saareysey kalsoonidiii
waalidku u hayey inoo ilmihiisa rabeeyo oo lafihiisa ayuuba u baqayaa ,
dhankale waxaa iyana ka qayb weyn ka qaata marin habaabinta da’ayarta
bulshadda wadanka leh ee wadanku u badan waxayna tahay qaabka ay uga qeyb
qaataan marka ay banaanka ku arkaan ilmaha oo xumaan sameeynaya wey kusoo
dhiiri geliyaan lagamase yaabo inay dhahaan jooji taas oo aad moodo inay
dhaqankeenii wanagsansanaa kasoo horjeedo, waayo wadankii rabeynta ilmaha
waxaaka qayb qaadan jirey bulsho weynta oo marka ay arkaan ilmaha oo xumaan
sameynayaan ka celin jirey isla markaasna u tilmaami jirey waxa wanaagsan ee
haboon,
Maxaa la Gudboon waalidinta qurbaha Jooga ?
Hadaba soomaalidu waxay ku maahmaahdaa war helaaba talo la helaa,mar hadii
aynu aragney ama aynu garwaaqsaney Dhoofitaankii markii wadanka la joogey
dadka qaarkii uba waalin jireen dhibka laga dhexlay iyo cidhibtiisii sida ay
noqotay maxaa inoo talo ah ileen caano daatey dabadood ayaa la qabtaaye
,runtii waa arin u baahan falanqeyn iyo lafo gur badan sababtoo ah umadd
dhan bad baadinteed wax howl yar maaha waana arin u baahan inay wax ka
qabadkeeda u istaagaan Culimadda ,Aqoonyahanada, iyo waxgaradka Umadda ,
Hadaba aniga aragtideyda waxay ila tahay in dhibkan looga bixi karo in bal
marka ugu horeysa ilaahay iyo kitaabkiisa iyo sunaddiisa loo noqdo ,waayo
inkastoo dhibaatooyin ama durufo badani iska jireen hadana ma banaaneyn
markii horeba in loosoo haajiro wadamo gaalo, waayo waa Gaalladu Sikasta oo
ay weji wanaagsan kuu tusaan haddanna wajiga wanagsan ay ku tusayaan mid
kale oo xun ayaa uga dambeeya ,Hadaba waxaan soo jeedinayaaa in bulsho ahaan
intii laysu abaabulo isla markaasna laysu wacyi galiyo la qorsheeyo bal
sidii umaddan la doonayo in la dabar gooyo loo badbaadin lahaa , sida
kaliya ee looga bad baadayana waa in aynu wadankeenii hooyo ku noqono
isaga ayey barwaaqo iyo diin iyo dhaqan wanagsaniba yaaline Abwaan
soomaaliyeed oo ka Hadley arintan ayaa waxa tuducyadii gabaysgiisa ka mid
ahaa (qoom gaalo weeyaan waxaas ina qaldaayaaye qasdigoodu waa diinta oo ay
inaga qaadaane Qooraansi loo yeesho baa Qiima loo wacane ) Balse Hadii
aad Sii macaansato shilimaadka yar yar ee ay doonayaan inay kugu dabaan
galaddu waa shaki la’aan inaad ku dhacayso dabinkii laguu qoolay mar hore
Waxaan kusoo gababeynayaa Qormadan gaaban in qofkasta oo soomaali ah oo
damiir diineed iyo mid wadanimo ku jiro uu arinkan waajib ka saaranyahay
inay ka hadlaan isla markaasna wax ka qabtaan , weliba saxaafadda
soomaalida waxaan ka codsanayaa arintaas in ay ka hadasho oo ay barnaamijyo
iyo wacyi gelin ka ka sameeyeen , waxaan umadda soomaaliyeed leeyahay
Soomaaliyey dabinada shesheeyaha Goormaad dareemeysaa ,isku tasho
soomaaliyey cidna kuuma maqna ceelna kuuma qodneee ,bal qof walba oo jooga
Quruhu hays weydiiyo ama haku xisaabto soo dhooftaye Maxaa ka dhab ah ama
maxaa kuu yool ah mustaqbalkaag iyo ka caruurtaada ?
Qalinkii :C/lahi Axmed Barkhadle (C/lahi Bookh)
Atlanta, Georgia U.S.A
Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007


|