Daabaco
Boggan | Print
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
- Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo
booqqatey “waxaana la yaabay markaan arkey qaar ka mid ah
maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay caafimaad darri ay ku hayso”
- Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka
Prof. Maxamed Cumar Dhalxa “hadiyadii lagu mataaneeyey
Baarlamaanka Soomaaliya iyo Indonisa waa tan, ii ogolaada inaan
gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo”
- Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta
iyo Hidaha Dhaqanka ee Baarlamaanka FKM Xildhibaan Cawad Axmed
Cashara "hadii ay Saxaafad yihiin waa inay ka hadlaan waxa jira,
Gefkuna meel buu leeyahay"
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqqatey “waxaana
la yaabay markaan arkey qaar ka mid ah maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay
caafimaad darri ay ku hayso”
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah Gudoomiyaha
Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka FKMG oo
booqatay Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay ayaa sheegtey in Xabsiga dhexe ee Gobolka
Baay Maxaabiista ku xiran ay ku hayso xaalada Bani’aadaninimo oo aad u daran
iyaga iyo kuwa ilaaliya, islamarkaana aysan war ka hayn Maamulka Gobolka,
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxay kaloo sheegtay in qoraal ay ka soo
qaaday ay u gudbisay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ahna siihayaha
xilka gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadleysa ayaa
waxay tiri “ Waxaan booqdey Xabsiga dhexe ee Gobolka Baay, si aan u soo
kormeero, waxa ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xirxiran, waxaana indhahayga ku
soo arkey dad fara badan oo si sharcidaro ah lagu soo xiray oo aan la xukumin,
qaarkoodna Sanad iyo wax ka badan ay ku jiraan xabsiga, halka qaar kale ay iska
soo xirateen ciidamada Nabad-sugida, waxaana la yaabay markaan arkey qaar ka mid
ah maxaabiista oo Naafoobey iyo kuwana ay caafimaad darri ay ku hayso oo aysan
jirin wax la taacaala, islamarkaana aan haysan waxyaabihii daruuriga u ahaa
nolosha bani’aadamka, ayna ku ag-rafaadeen kuwii ilaalinayay maxaabiista oo mudo
6-bilood aysan qaadan wax Mushaar ah, markaan wareystey qaar ka mid ah
Saraakiisha oo oo ii sheegey arinkaa” ayey tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi oo
hadalka sii wata ayaa intaa waxay sii raacisay “ kama warhayaan mas’uuliyiinta
Gobolka iyo Wasaaradda midna, waxaan Hay’adaha caalamiga, kuwa Xuquuqul Insaanka
iyo inta Naxariista ay ku dambeyso ka codsanayaa inay u soo gurmadaan oo ay la
soo gaaraan kaalmo wax tar leh, kuwa dembiyada lagu haysto oo aan awoodin inay
wax difaaca sameystaana loo sameeyo”.
Xildhibaanad Xaawo waxay kaloo sheegtey “in Magaalada
Muqdisho dadka layska soo xirxiro, islamarkaana laga qaado lacago sharcidaro ah
oo naftooda ay ku badbaadinayaan, halka kuwo kale oo lagu hilmaamay xabisiga ay
jiraan, waxayna mas’uuliyad xumidaas dusha ka saartey Wasaaradda Garsoorka iyo
Cadaaladda DFKMG, sababtoo ah Dastuurka wuxuu dhigayaa in mudo 48-Saac wax ka
badan aan ruux la xukumin lagu hayn Karin Xabsiga, waana tacadi ka jira Xasiyada
Soomaaliya, xubnaha ku xiran xabsiga qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan ogeyn
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, sababtoo ah waxay ii soo dhiibteen qoraal
ay ku codsanayaan labada mas’uul, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo maamulka Gobolka
in arintooda wax laga qabto”.
Qoraalkii aan ka soo qaadey Maxaabiista Xabsiga dhexe ee
Gobolka Baay ayaa waxay tiri Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha
Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka FKMG Xaawo C/llaahi “waxaan u gudbiyey
Gudmoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha
Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, islamarkaana ka sheegey kulankii
xubnaha Golaha Baarlamaanka maalintii khamiista ahayd 16/08/007, waxaana
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda baarlamaanka si degdeg ah ugu yeeray inuu ku
yimaado xarunta si wax looga weydiiyo arimahaas, waxaana Dowladda u soo
jeedinayaa inay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatooyinka haysta Maxaabiista ku
xirxiran Xasiyada dalka, gaar ahaan kuwa Gobolka Baay ayey hadalkeeda ku soo
uruurisay”.
Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed
Cumar Dhalxa “hadiyadii lagu mataaneeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo Indonisa
waa tan, ii ogolaada inaan gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo”
Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed
Cumar Dhalxa oo ka warbixiyey safardii uu ku soo kala bixiyey Caalamka ayaa
wuxuu yiri “wuxuu sheegey in maalinta Sabtida la soo bandhigidoono warbixin UNP
inta ay bixin jirtey wixii aad qaadatey xildhibaan kasta, waxay noo hayaan iyo
waxay bixiyeen, waxay sheegeen lacago badan markii xeero iyo fanaal ay kala
dheceen oo aan anaga qoraal qorney, waxaan ku niri makaan Baarlamaanka aan u
tagno wixii uu yiraahdo ayaan ku camal falayenaa, waxaan soo mataaneyney
Baarlamaanka INDONISIA iyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna diyaar u
yihiin inay wada shaqeeyaan, tababaro iyo simaaro ay is dhaafsadaan iyo safaro
waxaa kale oo inoo suura gashay mar aan tagney Gobolka oo nagu martigeliyey
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka INDONISIA, wuxuu yiri Gobolkaan
anigaa ku dhashay marakaar baa la yiraahdaa, sidaas darteed maadaama uu igu
casuumay gobolkiisa, isagoo ah Gudoomiye ku xigeenka 1-ee dalka INDONISIA
anigana ii ogolaada inaan gobolka aan ku dhashay ee Sh/hoose ku casuumo, wuxuuna
ii soo dhiibey laba hadiyadood mid Baarlamaanka ayaa leh, midna Gudoomiyaha
Gobolka S/hoose ayaa leh, hadiyadii lagu mataaneeyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo
Indonisa waa tan.

Natiijada ugu muhiimsanee ka soo baxday shirka waxaan
helnay in Baalamaankeenu uu helay xasaanad Caalami ah, kadib markii 158
dowladood oo anagu aan ku jirno ay ka hadleen dal kasta wixii la xiray ama la
dilay Baarlamaankooda anaguna waxaan gudiga Xuquuqul insaanka u gudbinay
Ashkato ahaan in la dilay Xildhibaan oo hore Gudoomiye Baarlamaan u ahaa isagoo
Masjid ka soo baxay Xildhibaan C/lla Deeroow Isaaq iyo Avv.Axmed Ibraahim oo
isagna lagu dhaawacay madaxna ka ahaa gudiga dastuurka arimaha Federaalka,
labadooduba way ka soo jawaabeen gudiga waxaa jawaabihii haya gudoomiyaha,
dhibaatada loo geystay Xildhibaankeena uusan sharcigeena keliya ku ekeyn uu
noqonayo sharci heer Caalami ah, waxaa halkaasi ka soo baxay inaan in laba
xubnood oo wadamada Islaamaka naloo ogolaadey, gudi 7-xubnood oo uu hogaaminayo
Gudoomiyaha Baarlmaanka uu la tago Qaahira, sidii looga qaybgeli lahaa
Baarlamaanka Islaamaka, dowladaha Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden iyo Ruushka
intaas waxay diyaar u yihiin hadii aan sida la rabo u shaqeyno inay tababar
siinayaan , laakiin sida aan ula xiriiri lahayn Xafiiska arimaha dibada iyo
Baalamaanka ayey u taalaa, dastuurkood soo dhiibay, dowladaha Venasuela,Noth
Amerika oo 12-xildhibaan Soomaali ah ku jirta, waxaana imaandoona laba xubnood
oo iyaga ka socda waqtiyo dhow iyo wadamo kale oo badan oo ay ka kala heleen
Casuumaad iyo taakleynayuu xusay, waxaana qoraalo codsi ah u gudbinay 157-dal oo
Baarlamaanada caalamka ah qaarkood waa ay ka soo jawaabeen qaarkoodna waxay noo
sheegeen inaan markale ku laabano.

Prof. dhalxa oo muujinaya haydiyad.

Wuxuu keloo gudoomiyihu xusay in gobolo badan oo
Maraykanka iyo wadamo kale uu tagay ay ka heleen balanqaadyo kala duwan, waxaan
idiin soo gudbinayaa wixii lagu dhaliiley iyo wixii nalagu amaaney, in nalagu
dacweeyey in Baarlamaanka uusan nidaamka Axdiga waafaqsanayn, uusana ma talin
shacabka, in dibuheshiisiinta la marin habaabiyey, waxa hakadka geliyey lacagta
Baarlamaanka, dhamaana arimahaas waanu ku gulaysanay oo meel fiican bay
marayaan ee waxa loo soo gudbiyey ay yihiin wax been ahna waan u sheegnay,
Baarlamaanka la burburiyo doonimayno.
Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta iyo Hidaha
Dhaqanka ee Baarlamaanka FKM Xildhibaan Cawad Axmed Cashara "hadii ay Saxaafad
yihiin waa inay ka hadlaan waxa jira, Gefkuna meel buu leeyahay"
Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Hanuuninta iyo Hidaha
Dhaqanka ee Baarlamaanka Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo dhowaan soo gaarey
Baydhabo ayaan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Caalami ee Maagalada Baydhabo
waxaa uuna ka hadlay Safaradii uu ku soo kala bixiyey wadamada Caalamka, dilkii
Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan oo ahaa milkiilayaasha Honrafrik iyo
Xeerka Saxaafadda ee Wasaaradda Warfaafinta u soo gudbisay Gudoomiyaha
Baarlmaanka.
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara isagoo arimahaasi ka
hadlaya waxaa uu yiri “ waaan ka qayb galney shir ka dhacay Baali oo looga
hadlaayey arimaha Xuquuqul Insaanka iyo nidaamka Argagixisada, waxaana si gaar u
kulanay 28 wadan mas’uuliyiinta Baarlamaanadooda, waxaana isku Af-garanay inaan
is dhaafsano siyaarooyin, Gudoomiyaha Baarlamaanka Ruushka waxaan ku heshiinay
in xiriirkii labada dal ay wada lahaayeen dib loo soo nooleeyo oo aan kula
kulanay halkaas, waxayna aad noogu amaaneen dowrkii aanu ka qaadanay siideyntii
Wariyaha Britsh Broadcasting Corporation ee lagu haystey Falastiin, Baarlamaanka
Soomaaliya waxaa loo arkey mid cusub oo hogaankii la rabay ku socda, waxaana u
abaal sheeganay qaar ka mid ah wadamada Afrika dowrkii aanu ka soo qaadanay
xoriyadooda iyo dhismaha dalalkooda, waxaan tagnay Suudaan oo lagu shirayey,
waxaana dib ugu soo noqoney Masar oo aan la kulanay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Wasiirka tacliinta Masar, waxaana kala hadalnay xaga wax-barashada in ardeyda
Soomaaliyeed in loo dhameystiro wax-barashadooda, waxaan la kulanay Caamir
Muusaa oo aan u gudbinay baahida Baarlamaanka, waxaan tagney shirarkii
Baarlamaanka Carabta iyo kan Afrikaanka oo ka dhacay Dimishaq, waxaana shirkaas
laga soo saarey in Soomaaliya laga caawino xag siyaasadeed iyo xag maaliyadeed.
Jaamacadda Carabta maalmo dhow waxay shirka dibu-heshiisiinta u soo dirtey
$1-milyan, waxaa kale oo jira dowlada kuwiyt oo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu
tegaayo Bisha soo socota ee Oktobar, waxaa kale oo jira shir Baarlamaanada
dalallka Islaamka ay ka qeybgelayaan oo ka dhacaya Magaalada Qaahira, waxaa jira
Madaxweyne ku xigeenka Indonisia oo doonaya inuu yimaado shirka ka socda
magaalada Muqdisho”.
Mar uu ka hadlaayey safaradaas kala duwan waxa lagu
tilmaamikaro ayaa wuxuu yiri “ waxaa lagu tilmaamikaraa xag siyaaso 100% in
dowladaha Carabtu Soomaaliya ay u soo jeesteen, Qolooyinkii hawsha dhabqin
jireyna ay runta u sheegtey in arinta Soomaaliya meel la saaro, Carabna kama
maarmikaro dhaqan iyo dhaqaale waa isku xiranahay, in Carab iyo Soomaali layska
horkeeno maanta Soomaaliya dan ugu ma jirto, hawshaa weyna waxay u taalaa
Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale mar uu ka hadlaayey caburinta Saxaafada lagu
hayo ayaa wuxuu yiri “Saxaafada barasho ayey u baahan tahay, lana ogaado waqtiga
lagu jiro, beenta ay sheegayaan dowladaha reer galbeedka wax ka jira ma laha oo
ah xoriyad baa jirta, ninkii ku xadgudba sharciga waa la qabanayaa, Saxaafada
markay hadleyso waa iney ahaataa mid ka hadleysa waxa jira sida wali ma arag nin
saxafi ah oo wax baaraya, kamana hadlaan Naagaha la kufsaday, dadka Guryaha
xaaraanta ku haysto iyo Biyaha dadka laga gado, hadii ay Saxaafad yihiin waa
inay ka hadlaan waxa jira, Gefkuna meel buu leeyahay hadii dembi laga galo waa
inay Abuukaate qabsadaan kadibna sidaas ku soo bandhigaan ee maha in layska soo
boodo, meeshaan qaanuun jirin waa meesheeda, ee Saxafiyiina Soomaaliyeed waa
inay qaanuunka bartaa, waana inay garataa Qaranimada, nimanka madaxda loo
doortey waa inay iyaguna gartaan mas’uuliyada saaran, ninka saxafiga ah xaqiisa
waana inuu si sharci ah ku doontaa, ninka saxafiga waa inuu dastruurka
Akh-riyaa.
Mar aan weydiiyey maadaama aad adigu tahay Gudoomiyihii
gudiga Warfaafinta ee Baarlamaanka aad matalaayo Saxaafadii dhinaca Golaha
shacabka hadii dembi laga galo iyo wixii ay ku tumato la doonayo inaad saxdo
waxna ka soo ogaatid ee marka sharci Saxaafadeedka hada Xukuuamadu ay soo
gudbisay sida uu isagu ula muuqdo ayaa wuxuu yiri “ anigu waxaan raacayaa
dastuurka, walina ma akh-riyin xeerka la soo gudbiyey, Wasiirka waxaan u sheegey
inuu ii soo gudbiyo Cajalada laga duubey iyadoo maqal iyo muuqaal ah, kadib
markaan arko waxaan u gudbinayaa, kuwa Cadaalada, kuwa xuquuqul Insaanka iyo
Geneva, iyagaana tarjumanaya, waxaan leeyahay ka soo talo bixiya, dabadeedna
waxaan isugu wacayaa inta danaynaysa Saxaafada intaan Baarlamaanka la geyn.
Mar uu ka hadlaayey xiritaanka xafiiska Al-jasiira iyo
kuwo kale wuxuu yiri “wuxuuna Wasaarada Warfaafinta DFKMG, Xiriiriyaha guud ee
Caalamka iyo Nabad-sugida ka codsadey in warbixin ay ka soo siiyaan sharciga loo
cuskadey in la xiro qaar ka mid ah Jaraa’idka Caalamka ee ka hawlgalayey
Soomaaliya sida Al-jasiira iyo kuwo kale, waxaana ka xunahay nimankii la dilay,
dowladuna waxaan ka codsanayaa inay soo qabto ragii dillay nimankaas oo
sharcigana la mariyo, sida uu sheegayo Axdiga KMG qodobkiisa 20-aad.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007


|