DOWRKA JAMCIYADDA QURUUMAHA MIDOOBAY WAA SIDEE?!
Si loo ogaado guusha ama guuldarrada urur la soo
gudboonaata, waxaa lagama maarmaan ah in dib loo jalleeco
ujeeddooyinkii markii horeba loo yagleelay ururkaas…
Jamciyadda Quruumaha Midoobay waxaa la asaasay
sannadkii 1945tii, ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii ay reer
galbeedku dagaallameen balse markii danbe qolyaha magac bixinta
ku xeel dheeri ay caalammiyeeyeen! Sababaha ama ujeeddooyinkii
loo aasaasay waxaa lagu soo uruuriyaa in laga hortago dhibaato
iyo gacan ka hadal danbe oo ka dhex dhaca dadyawga caalamka ka
dib markii la soo dhadhamiyay khasaarooyin fara badan oo
dagaalladu sababeen.
Qodobbada aasaaska u ah ururka QM waxaa lagu
qeexay:
-
Dhowrista nabadda iyo xasilloonida caalamka.
-
Ilaalinta shuruucda iyo qawaaniinta
caalamiga ah.
-
Hirgalinta heshiisyada iyo axdiyada dhexmara
waddamada xubnaha ka ah.
-
Iskaashiga iyo wada shaqeynta xubnaha QM
dhinacyada xallinta khilaafaadyada, dhibaatooyinka
bulshadeed iyo kobcinta dhaqaalaha.
-
Difaaca xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah
iyo dhowrista xornimada dadyawga dunida ku dhaqan.
Inkastoo ay sidaas u qurxoon yihiin qodobbada
Charterka QM isla markaana laga filayay in ururkani uu noqdo mid
u dhexeeya waddammada iyo dadyawga caalamka ku dhaqan
danahoodana si siman ugu adeega; hadana QM waxay ku
guuldarraysatay in ay xitaa dhaqan galiso qodobka ugu horreeya
dastuurkeeda iyo ujeeddadii 1aad ee loo aasaasay, taasoo ah:
Dhowrista Nabadda iyo Xasilloonida Caalamka.
Sababtuna waxay tahay go’aan gaarayaasha rasmiga
ah ee QM oo iyagu mar kasta qasa si xunna u isticmaala dastuurka
ururka mar kasta oo dantoodu sidaas ku jirto! Tusaale ahaan:
qodobbada 41aad iyo 42aad ee Cutubka 7aad ee dastuurka QM wuxuu
si cad u qeexayaa: In ciqaab xanuun badan la mariyo xubin kasta
oo ku xadgudubta nabadda iyo xasilloonida xubnaha kale ama ku
duusha waddan xor ah!
Sida sharcigu qabo dhammaan xubnaha QM waxaa ku
waajib ah inay ixtiraamaan oo dhowraan dastuurka QM. Si kastaba
shuruucda QM waxaa ka saa’id caleeyay sidii loogu dabbakhi lahaa
danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee waddammada ugu tunka roon
caalamka maanta, kuwaasoo la baxay laqabka ah (Superpowers).
-
Markii ay Ciraaq ku duushay Kuweyt
sanadkii 1991kii, qodobbadii canbaaraynayay falkaas ee
dastuurka QM si fiican baa loo hirgaliyay waana laga
hortagay isla markaana Kuweyt laga xoreeyay Saddaam.
Balse markii uu Maraykanku ku duulay Afqaanistaan iyo
Ciraaq isla qodobkii dasturka u ahaa QM lama soo
hadalqaadin!.
-
Sidaas si la mid ah markii dowladda
Itoobiya ay horraantii sannadkan ku duushay isla
markaana qabsatay dalka Soomaaliya kuna xadgudubtay
xuduudihii xorta ahaa ee Soomaaliya waxba lagama soo
qaadin arrintaas waana la iska illoobay in Charterka QM
uu ku jiray qodob diidaya in dil, qas iyo qalalaase laga
rido dal xor ah isla markaana meel looga dhaco
xuduudaha, sharafta iyo xornimada waddammada xubnaha ka
ah QM.
Laga soo bilaabo aasaaskii QM, xaalku waligiiba
wuxuu iska ahaa (LA JIIFIYAANA BANNAAN!), waxaana iska jirtay
aragti shilinka labadiisa waji oo kale leh (Double Standard) oo
ay gadaal ka riixayaan dowladaha majaraha u haya maamulka QM.
Hhase yeeshee laba daraadle laga soo bilaabo qabsashadii
Falastiin, dagaalkii Korea ilaa burburintii Afqaanistaan, Ciraaq
iyo Soomaliya sidii arrinta loo maamulay waxay aheyd mid wax
lagu masaalo aanay jirin!!!
Dhinaca kale, marka aad u fiirsato
qaabdhismeedka golayaasha QM, habka codeynta, lahaanshaha
awoodda gaarka ah ee waddammada qaar leeyihiin (Codka Diidmada
Qayaxan) iyo ku tasarrufidda sida howluhu u socdaan waxaad
arkaysaa in arrintuba aysan aheyn mid lagu daryeelayo xuquuq
bini’aadam ama xaq-soor ka dhex dhaca dadyowga caalamka si
caddaaladda waafaqsan ee xaalku yahay kii ay habar-dugaag ku
qaybsatay hilibkii hasha!
Si kale haddii aan hadalka u dhigo ururka QM
maanka, mabda’a iyo maalka lagu aasaasay waxaa iska leh cidda
hoggaanka u haysa waxaana nacasnimo ah in lagaba fisho inuu u
daneeyo cid uu mabda’ ahaanba col la yahay!
Arrinta kale ee dhibka sii siyaadisay ayaa ah in
saamiga ugu badan ee kharashka ku baxa ururka QM ay dawladda
Maraykanku bixiso, taasina waa sababta keentay in go’aan kasta
oo QM soo saarto uu Maraykanku dardaro isla markaana la waayo
ahmiyad QM ay u leedahay dadyowga caalamka, lana kala garan
waayo UN iyo US, waana halkii uu ka yiri abwaankii Soomaaliyeed
oo arrintaas aad ula yaabay: (QARAMADII MIDOOBAYOOW QALIN
MARAYKAN MAAD TIHIIN??!!). Balse abwaanku waxaad mooddaa inuuba
isagu jawaabta cid walba ka garanayay markii uu isugu jawaabay
isagoo ku hadlaya lisaanu xaalka caalamka miskiinka ah:
(MAHAANBA LOOGA MAARMINOO, MASRUUFKA MAAMULKUU BAXSHAA!!!).
Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa waxay wayday
ahmiyaddii ay u lahayd dadyowga caalamka mana haysato xornimo ay
howlaheeda ku gudan karto ama ay ku xallin karto dhibaatooyin
badan oo caalamka maanta ka taagan. Tusaalayaasha arrintaas ku
tusayana waxaa ka mid ah:
Qaraarkii tirsigiisu ahaa 1559 ee golaha
ammaanka ee QM ku gaareen sanadkii 2004kii in Siiriya ay
ciidammadeeda kala baxdo xuduudaha Lubnaan isla markaana ay
ixtiraamto madax-bannaanida dalka Lubnaan. Haddaba su’aasha is
weydiinta leh ayaa ah sababta tallaabo taas la mid ah looga
qaadi waayay arinka dalka Soomaaliya?!!! Sow tani ma aha daliil
cad oo daaha ka rogaya ishaafalataysiga cidda iska leh go’aan
qaadashada rasmiga ah ee ururka QM?
Xilligii ay ciidammada Itoobiya oo si xad dhaaf
ah ugu hubaysan kaarayaal (taangiyo) iyo dabbaabaadka
noocyadiisa kala duwan ay saldhigyo ka samaysteen qaybo badan oo
dhulka Soomaalida ah, ayna hubeeyeen dagaal oogayaashii, isla
markaana gummaadeen, argagax iyo dhibaatana u gaysteen shacabka
Soomaaliyeed, QM waxay dooratay inay ka aamusto arrinta
Soomaaliya.
Kaba sii darane QM uma sixin ciidammadii soo
duulay ficilkoodii oo qura balse wuxuu ku sii kaalmeeyay inuu u
galiyo shaati uu ku cammaynayo caalamka miskiinka ah markii uu
ku magacaabay inay yihiin ciidammo nabad ilaalin ah! (dabcan
magacaasu waa sax marka dib loo eego nabaddii mucjisada aheyd ee
ka jirtay koonfurta Soomaaliya xilligii ay itoobiyaanku galeen
taasoo ciidamadaas loo geeyay halkaas inay nabaddaas Soomaalida
ka ilaaliyaan!) isagoo isla markaana eed iyo canbaareyn dusha
uga tuuray waddammadii mucaaraday qabsashada Soomaaliya kuna
eedeeyay in ay hub iyo kaalmo siiyaan kooxaha wax iska caabbinta
ka wada gudaha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii; sababta ugu weyn ee keentay
qalalaasaha ka jira guud ahaan caalamka, gaar ahaanna geeska
Afrika waa caddaalad darrada iyo jirjirroolanimada ay ku
dhaqmayaan quwadaha hogaanka u haya ururka QM, waayo haddii uu
ururkani dhab ahaan ugu adeegi lahaa si siman danaha dadyowga
caalamka ku dhaqan, ma uusan canbaareeyeen waddammada ku doodaya
in la fuliyo wixii heshiiska lagu ahaa laguna dhaqmo axdiyadii
iyo shuruucdii la dhigtay balse wuxuu cod dheer ugu dhawaaqi
lahaa in: (dowladda Itoobiya ee ku duushay Soomaaliya ay
ciidammadeeda si degdeg ah ugala baxdo xuduudaha Soomaaliya),
runtiina tani waxay dhici kartaa oo qura haddii QM iyo
Maraykanku aanay isku hal shey aheyn!!!
By: Firdowsa C/qaadir Cabdi
E-mail:
firdowsabdi@yahoo.com