Daabaco
Boggan | Print
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
MADAXWEYNE C/LAAHI IYO BOOQASHADIISII PUNTLAND "LAMOOD
NOQONSE WEYDAY"
Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu dhowaan booqasho degdeg ah ku tegey
Garoowe oo mar ahaan jirtay Caasumaddii Maamul Goboleedkii
hore loogu yeeri jiray (Puntland State of Somalia) haddase ay u
dhammaatay nadaam ahaan, isagoo ka jawaabayey qaylo-dhaan muddo
dheer uga imanaysay Isimada, waxgaradka, ganacsatada,
culimaa'udiinka, aqoonyahannada iyo dhammaan bulshoweynta
geyigaas miyi iyo magaaloba iyagoo si midaysan uga cabanayey
dhibaatooyin ay ka midaysan yihiin oo wada taabtay oo ay ka mid
yihiin maamul la'aan, nabad iyo nolol la'aan, deegaankii oo la
raray, shilinkii oo aan waxba u goyn iyo rajo la'aan aan cidiba ka
sheekayn karin.
Hase yeeshee, garawsiinyihii, gurmad heer qaran ah iyo waxqabadkii
laga filayey Madaxweynaha wuxuu noqday oo kale, reer abaari
rafaadisay oo isagoo aad u ildaran arkay oo maqlay daruur duljoogta
oo ay ka burqanayaan onkod iyo hillaac balse aanu Alle idmin in wax
biyo ah ka soo dhacaan, deedna ku cataabay "LAMOOD NOQONSE WEYDAY".
Ummaddii ku faraxsanayd booqashada Madaxweynahoodii hore, imminkana
ah Madaxweynaha Soomaaliya, yaab iyo amakaag ayey ku noqotay natiijo
la'aannta ay ku dhammaatay booqashada Madaxweynaha, waxayna
arrintaasi u siyaadisay dadweynaha welwelkii, walaacii iyo caradii
ay horey u qabeen.
Waxaa shacabka Gobolladaas intooda badani aaminsan yihiin in
Madaxweyne C/laahi mas'uul iyo horseed ka ahaa dhibaatooyinka maanta ee Pl
markuu talo ku gaaray in uu ka dalloco Pl, uuna isla markaas qorsheeyey in
uu (masalugalay) madaxa ka saaro Puntland, iminkana aad buu u sii ayiday
fadeexadaas ah oday ka sheekey.
Bulshada Puntland iska ma tuuriwaayin MASALUGALAY daciif ah
oo dhiiggii ka dhammaysatay dadka, balse waxaa cid waliba uga
faa'iidaysataa uguna gabbataa khiyaameynta shacabka nabad jeceylka Isimada
iyo waxgaradka oo aad u xeeriya xasiloonida kana fogaada wax u eg wixii
hore uga dhacay Muqdisho oo laga soo naaxay, waxaase hore loo yiri, nabad
la tuugay nabad ma ahaa.
Ugu yaraan waxyaabaha looga fadhiyey in uu ku tallaabsado
Madaxweynaha waxay ahayd in Dawladda Federaalka ahi si ku meelgaar ah ugu
magacadow Pl Wakiil Sare si horta bal loo dejiyo xaaladda adag iyo fowdada
ka aloosan inta ay goori goor tahay, cagtana loo dhigo xasilooni la'aanta
iyo shuftada ka hana qaadday halkaas inta guurtida iyo bulshoweynta
Gobolladu mar kale isaga imanayaan kulan guud oo la mid ah midkii 1998dii
ugana tashanayaan aayahooda dambe, haddiiba aan xaaladdu ka sii darin lana
soo bixin waji kale Eebbe ka magan shar dhammaantiise.
Inkasta oo Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey shirweyne aad
farta ugu fiiqay qaladaadka jira, su'aalna ka weydiiyey kooxda qafaalka ku
haysata Pl wuxuuna yiri sidatan oo aan ka akhristay internetka:
S. intee baa mudadii maamulku jiri lahaa idiinka harsan?
J. waxaa noo harsan 1 sano.
S. waatii mudadu 3da sano ahayde ma afti dadweyne ayaad
qaaddeen oo hal sano la idiinku daray, mase idinkaa 1 sano ku darsaday?
J. maya, afti ma qaadin, annaguna kuma darsan, balse 1 sano
ayaa noo harsan.
hadal waxaa ugu dambeeyey Madaxweynaha waqtigu 3 sano ayuu
ahaa wixii intaa dheeri ka ahna waa wixii anigaba la igula diriray,run buuna
ka sheegay Mudane C/laahi arintaas kolkaas.
Haddana nasiibdarro, ugu dambaystii qodobbadii laga soo
saaray socdaalkii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in uu jiro 1 sano oo dheeri
ah oo aan xataa lagu sababayn jinni ku saar, balse iska ah dulmi, xukun
jeceyl iyo kalsooni darro laga bartay kuwa ku naaxa xaaraanta, kana indho
la' xaqa iyo xalaasha, ilaa iyo haddana lama garanayo waxa ku kallifay
Mudane C/laahi in uu si cad u dabaasho qalad iyo in uu raxan yey ah uga
eexdo bulshaweyntii u horseedday in uu noqdo siyaasi la qaddariyo iyo
Maxweynaha Soomaaliya ee maanta.
Qodobka kale ee lagu wada fahmi karo in Madaxweynuhu uu si
weyn u ogsoonyahay musuq-maasuqa, naasnuujinta iyo xad-gudubka ka jira Pl
waxa uu yahay sida uu u ceymiyey ulana wareegay ciidammada
daraawiishta, badda iyo sirdoonka waana caymo intaasiba, hase
yeeshee muxuu ku halleeyey ciidanka Booliiska? Muxuu ku halleeyey
amniga Pl haddii aanu jirin booliis daryeel haysta? Mase waaba ka
maarmay Pl? Mase ka mid ma aha maamullada hoos yimaada dawladda
federaalka ah?
Markaan dib u jalleecno mudadii uu mudane C/laahi Yuusuf ka
ahaa Madaxweynaha Puntland weligiis wax dhaliil ahi ugama iman, lagumana
xaman lunsasho hanti ummadeed, meelka-dhac la xiriira midnimada, wadajirka,
iyo nabaadguurinta dhulka, wuxuuna ahaa mas'uul iyo oday Soomaaliyeed oo
jecel in ay Soomaaliya dib u heshiiso, iskana saxdo qaladaadkeedii ku dhacay
qaddarka Alle, wuxuuna marar badan ku soo dhoweeyey Garoowe iyo Boosaaso
kuna casuumay siyaasiyiin hore, qabqableyaal iyo waxgarad ka kala yimid
Koonfur Soomaaliya, aad ayuuna u caaqibeyn jirey.
Weligeed ma dhicin cid mushaar la'aan ka cabatay, Bangiyada
Garoowe iyo Boosaasona waxay ahaayeen Bangiyo lacagtu iska dhoobantahay,
kagana bixi jirtay kuna soo geli jirtay xisaab iyo nidaam maamul, waxaana
laga dawoobay waagaa faraqa-ku-shubashadii SSDF iyo sida hoogga hadda taagan
oo kale.
Waxa keli ah ee badiba lagu dhaliili jiray C/laahi wuxuu
ahaa horuumarin la'aan iyo mashaariic uu ka horyimid fulintooda, balse waxaa
lagu xasuustaa dhismaha Qasriga Madaxtooyada Boosaaso, kaasoo hadda hoy u ah
jiir iyo baranbaro, dadkuna indhaha ka laabteen hawadii ay ka lahaayeen
markii uu noqday bahalgaleenka lagaga soo duulo dad qabiil ahaan loo dhacayo
ama loo dilayo.
Waqtigaas, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii C/laahi ku eedeyn
jiray horumarin la'aanta ee aan u arkayn xasiloonida iyo midnimada horumar
la taaban karo. Nabee, waraa ii dhinnaa!
Si kastaba ha ahaatee, C/aahi waxaa aad loo tebey,
odaynimadiisiina la ogaaday markii nooleyaal kale ka dhexmuuqdeen xafiiskii
uu ka hagi jiray Pl kolkii laga reebo ku xigeenkiisii oo ahaa mas'uul iimaan
leh, xilkiisana garanayey, waqti yarna kaga dambeeyey xafiiska.
Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaa Mudane
Madaxweyne C/laahi iyo Xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay
tixgelin weyn siiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la soo gudboonaaday
Puntland, iyagoo haddii ay la ahaato tixraacaya talooyinkeyga soo socda ama
xataa wax uun ka qaataan:
1. si shacabka Pl uga soo kabto kalsooni xumada, qalbijabka
deriska la noqday kuna baahay, wadajirkiina loo dabaqabto.
2. si aanay dawladda Federaalka oo aad ugu sii jeedda
xalinta dhibaatooyinka badan ee ka jira Koonfur Soomaaliya uga murugoon
cabashada uga imanaysa Pl.
3. si ummadda oo aan muddo 17 sano ah arkin dawlad wax ku
ool ah loo baro in dawladda Federaalku ay tahay dawlad dadka u dhalatay una
adeegaysa, cabashadooda tixgelineysa, waxna u qaban karta.
4. si looga hortago kooxaha sibirta jaraya ama curyaaminaya
dawladda, midnimada ummadda, baabi'inaya nolosha dadka, ahna danaystayaal
dulmi ku heshiiyey, ayna ku adeegtaan cadoowyo diiddan jiritaanka
Soomaaliya.
5. si aanay isu-dhimin taageerada weyn ee uu shacabweynaha
geyiga Pl u hayo dawladda federaalka, loogana baxo wareerka iyo waallida
waayadan taagan.
6. si looga fogaado saansaan ama ifafaale dagaal sokeeye oo
ka qarxa Pl, imminkana cabsi weyn laga qabo.
7. si loo turxaan bixiyo Pl dibna loogu sameeyo maamul aad u
caafimaadqaba, lagu kalsoon-yahay waxna kala hagi kara.
- waa in Dawladda Federaalka ahi si kumeelgaar ah ugu
magacawdo Pl Wakiil Sare oo laga xulo xubnaha Golaha xukuumadda,Golaha
Baarlamaanka ama dadweynaha, wuxuuna guddoomiye u noqonayaa 6 xubnood oo
midkasta bulshadu ka soo kala xulanayaan Gobollada kala ah Ceeyn, Sool,
Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug.
- 7daas xubnood waxay si kumeelgaar ah u buuxinayaan
kaalintii indhowaaleba bannaanayd markii la gabay ee ahayd Maamul Goboleedka
Puntland, waxayna toosin iyo turxaan bixin ku samaynayaan guud ahaan sida
dhibaatooyinku uga jiraan halkaas hoos ilaa kor, waxay bulshada ku
waci-gelinayaan nidaamka dawlad wanaagga, waxaana qabaa in ay xilkaas hayaan
inta wax-garadka Gobolladu isaga imanayaan, dibna uga tashanayaan aayahooda
mar kale sidii ay yeeleen 1998ii, iyagoo insha Allaah markaan iska
ilaalinaya in ay kirkiraan meel aan xubin ahayn, ama ay ku qaldamaan meel
hungo ah.
AFEEF GAAR AH
Waxaan talada ku soo gunaanadayaa:
* haddii ay dawladdu talo ku gaarto in ay qof mas'uul ah u
magacado Pl waa in uu ka yimaadaa Beelihii hore wax uga dhisay maamulkii Pl
sida Leelkase, Awrtable, Jambeel, Dhulbahante iyo Warsangeli, laakiin maya
Majeerteen, aniga oo aan meel kaga dhici hayn culimada, isimada, waxgaradka,
aqoonyahanka, dhallinyarada, carruurta iyo haweenka Beeshaas iyo intooda
Ilaah taqaan, iimaanka leh, nadiifka ah, ammaanadana xejin kara ee aan
xujoobin, korna u dhaafaya 99.9%.
* Marka xiga, si gaar ah baa loo soo dhoweynayaa hadduu ka
yimaado Wakiilka Sare Hiiraan, Bay, Muqdisho iyo gobollo kale, taasoo wax ka
tari karta dib u soo nooleynta is-aaminkii iyo walaaltinimadii aan lahaan
jirray ee waayadan dhaawac gaaray, daweyn iyo baxnaanona isbitaal ugu jiray.
* Waa in Wakiilku yahay shaqsi leh aqoon diineed, mid maaddi
ah, waayo aragnimo iyo awood uu ku maali karo ama ku sarrifan karo
maskaxdiisa.
* In uu noqdo shaqsi leh adkeysi iyo dulqaad uu ku kala guro duruufaha adag
ee horimanaya.
* Shaqsi leh karti shaqo iyo dabeecad wanaagsan oo uu ku kasbado
mas'uuliyiinta la shaqeeya, ku hawlgeliyo xoogagga bulshada, kulana
xisaabtami karo.
* Waa in uu ahaado shaqsi aan weligiis ka daalin in uu la
tashado guurtida, culimaa'udiinka iyo aqoonyahannada, haddana waa in uu
yahay nin iska jira iskana hubiya fulinta talo loo soo gaaray ee aan isaga
maankiisa ka soo maaxan, latashi iyo lafagurid kaddibna waa in uu isagu
lahaado go'aanka kama dambaysta ah, isagoo weligiis tixgelin siinaya
aseebidda xaqa iyo caddaaladda.
* waa in uu ahaado shaqsi ka hufan godob sokeeye, laguna tuhmin ka
qaybqaadasho dhibaatooyinkii ka dhacay Soomaaliya mar hore iyo mar dambe.
* Dawladda Federaalka waa kala tashan karaa wixii uu doono,
kamase qaadan karo amar aanu u arkin in uu kheyr u yahay dalka, dadka iyo
waajib gudashadiisa.
Qoraalkeygu wax xiriir ah lama laha belaayo sheegid, cid
fogeyn iyo soo dhoweyn cid kale, balse waxaan ula jeedaa gudasho xilka qof
kasta oo muwaadin ah ka saaran dalka iyo dadka, dawladda runta ahina waa
dadka.
Shaqsi kasta oo xil ummadeed haya ma aha shaqsi dadka wax dheer ee waa
adeege ummadeed waxaana sharaf u ah in uu inta uu xilka hayo, ka hor iyo
kaddiibba kheyr ka shaqeeyo si uu u ahaado berri qof ku dhex-noolaan
kara bulshada isagoo aan cambaaraysnayn ee nadiif ah, taasna wuxuu ku gaari
karaa qofku in uu ilaaliyo caddaaladda, kana fogaado ammaanada oo lagula
xisaabtami doono adduun iyo aakhiroba.
W.Q. Muuse Xaaji (Abees)
Email:
abees11@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Aug 17, 2007


|