SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
  • Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda DFKMG “kismaayo hada gacanta inoogu ma  jirto maamul ahaana waa u dhisnay oo qofna nagama joogo” (Jawaabaha Wasiirka Dekedaha)
  • Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq {Afaraale} “Gudoomiye ku xigeenku 1-aad wuxuu qariyey dhibaatadii aniga I gaartey iyo Xildhibaan Garabey”

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda DFKMG “kismaayo hada gacanta inoogu ma  jirto maamul ahaana waa u dhisnay oo qofna nagama joogo” (Jawaabaha Wasiirka Dekedaha)

Dekeda Muqdisho "Nin ku yimid  Nidaamka 4.5 lama ceyrin karo oo waa nagu adag tahay..."

 Akhristayaal annagoo dhawaanahan idiin soo gubinaynay doodahii ka dhanka ahaa Xukuumada uu hogaamiyo Prof. Cali Max’ed Geedi iyo su’aalihii  ayaan  waxaan idiin soo  bandhigaynaa jawaabihii  ay bixiyeen qaar ka tirsan Golaha wasiirada ee u dhego nuglaaday u yeerista Baarlamaanka waxaana idiin soo xulney jawaabihii ugu muhiimsanaa ee aan u dookhnay indhaha Akhristiyasheena  ee ku nool daafaha Caalamka, jawaabaha su’aalaha ayaa waxay u dhacayaan sidan tan:-  

Wasiirka Dekadaha iyo  Badda  Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa Su’aalahii ay soo hordhigeen Xildhibaanda ayaa ugu jawaabayay sidan:-   

“Anniga Sideed qof baa si toos ii su’aashay waxaana ugu horeeyay Xildhibaan  Avv.Subeyr iyo Avv.  Ceydiid Ilka xannaf maxaad u soo celisay wakaaladaha  oo waxaa sameeyay kacaankii hore, marka waxaan qabaa wax cusub oo aan soo celiyay ma jirto waxaa jira sharciyo soo kala  baxay  1967- 75-tii annaga midkaas ayaan ku dhaqanaa, laakiin sharcigii baan hada dajinaynaa.

Maaraakiibta waxaa lagu dajiyaa meel u jirta badda 5-meyl waxaana u taga doon ay saaran yihiin 6-xubnood oo ka kontoroolaya qeybaha kala duwan ee amaanka , iyo sharcinimada markabka, waxaan aragnay mid ka mid ah Ganacsatada oo diiday Canshuurtii ka dibna la soo heshiiyay wasarada maaliyada qoraal ayaan kula macaamilnay, markii la dajiyay markabkii waxaa soo haray kala baroo bar oo aan sharci waafansanayn annaga waxaan u xil saaran nahay siyaasada howl galinta xukuumada, waxaa jira afar wakaaladood, hadaad leedihiin wakaalad lama sameyn karo, annigu waxaan ahay xubin ka mid ah xukuumada & Baarlamaanka, hadii aad tiraahdiin lama samaeynayo waxaa noqon doonaa ninka ugu horeeya ee adeeca.

Xidhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye {Indha Buur} waxa uu i weydiiyay xagay ku sugan yihiin Maraakiibtii Puntland iyo wixii kale, anniga waxaan qabaa i waajibaadka wasaarada waa ka mid in la baadi gobo hantida Qaranka waana arin muhiim ah waxaana sameynay baaritaano waxaana ogtihiin 5-Markab uu hayay nin Xildhibaan ah oo dadkan ka mid ahaa,, waxayna ka shaqeeyaan Talyaaniga iyo Yeman inta u dhexeysa,  waxaa kaloo jira 5-Markab oo ah kuwa ciidamada waxayna yaaliin Yeman,  markab weyn oo puntland la yiraahdo wuxuu ka shaqeeyaa  khaliijka  oo  lagu sameeyay bedelaad, waxaa kaloo jira laba taag oo waaweyn mid waxa uu yaalaa Jabuuti midna Tanzaania labaduba way baaba’een, annagu  wax iskama soo qaadan karno, dadna intaan warqad siino soo kaxeeya ma dhihi karno waxaanu samaynay codsi aan u gudbinay Golaha xukuumada in  safaaradaha anagu leenahay ee ka jira dowladaha ay maraakiibtaas ay ku sugan yihiin ay ka soo warbixiyaan si aan ula macamilno, waxaan  qoraal  u qornay wasiirka arrimaha debada si safaaradaha dalalkaas ay warbixin sugan ugu keenaan,  markab kuwa kaluunka ayaa ku soo cariday  xeebta  Garacad cid watana ma naqaano, waxaana weynay taag lagu soo jiido.

Xidhibaan Ismaaciil  Xasan  Max’uud (Timir)  wuxuu weydiiyay qalabkii  howlaha maraakiibta lagu hagaayay xaguu ku dambeeyaa?   Annigu qof ahaan ma ogi qalabka laga qaaday Dekada xamar maba ogi,

Xidhibaan Cusmaan Dhuubow ayaa wax uu weydiiyay ma sameyseen sharuucdii gaadiidka badda  waxaa jira mid la sameeyay 1959 iyo mid la sameyay 1989 iyo kan sharciga baddaha caalamiga oo soo baxay 1982-dii, inta aan bada aan ku leenahay waa sedex qeybood ciida iyo xeebaha lama degi karo intaas anagaa mas’uul ka ah mid waa 12meyl iyo 200 oo meyl labaduba waxaa difaaca wasaarada Gaashaandhiga, midna waa difaac ahaan  midna waa dhaqaale ahaan.

Xidhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Wuxuu i weydiiyay dekadaha Boosaaso, Xamar  iyo Kismaayo ma mideysan yihiin, haday mideysan yihiina  dhaqaalaha sidee  loo qaadaa?  Siyaasad ahaan waa laga mideysan  yahay lakiin farsamo ahaan Maya, dekada Xamar iyo Kismayo daqliga ka soo gala  dowlada ayaa qaadata laakiin Boosaaso waa gacan ku soo qaad oo maamul bay leeyihiin,  Xamar 4-bilood baanu ka qaadanay kismaayana 2-bilood inkastoo kismayo hada gacanta inooga jirto, maamul ahaana waa u dhisnay oo qofna nagama joogo,  dekada Xamar wixii la rabo ha laga qaado lacag baa laga qaadaa wixii ka halysnaana waalaga heshiiyay oo 45% dowlada qaadato 55% maamulka qaato.

Xidhibaan  Cali  Cusmaan Jiddow wuxuu weydiiyay Documentiga lacagta lagu qaado kama diiwaan gashana dekada, shaqaalahana salaysna kuma nidaamka 4.5, shaqalaha waa 82- mana soo marin nidaamka shaqo qorista ee Gudiga shaqaalaha,  kastamka lacagta ka soo baxda yaa qaada? Runtii mudo sedex bilood ah waxaa lagu shaqeeyaa documenti uu soo saaray xisaabiyaha guud ee qaranka, waana soo dhaweynaynaa inla baaro, dakhliga  dekada ayaa isticmaasha waa run waxaa is weydiin leh annagu waxaan ku leenahay inaan u shaqeyno dadka alaabta soo degsada, kastamka waxaa qaata wasaarada maaliyada, qalabka adeega dekada kuwooda ugu muhiimsan ma haysano maadaama aanu haysanin qalabkii  sideen lacagta  ku qaadanaa, lacagta ugu badan ee na soo gashay waa $25000 oo dolar  annigu lacag ma saxiixo mana bixiyo ee dad baa  shaqo ku leh maamulka kaliya ayaan joogaa, dekada waxaa ka shaqeeya 135- ruux, horta soomaaliya beel beel bay u dirirtay sababtoo ah dekada Berbera beel baa maamusha Boosaaso sidoo kale, marka dekada Xamar waxa ka shaqeeya waa beel anigu ma qabo 135 ruux: 7-waa beesha 5-aad, 2- waa Dir, halna waa Daarood, inta kale waa  hal beel oo hawiye ah. Qodobka kale ma diiwaan gashana waa run shaqaalaha dekada waa inagu badan yihiin nin ku yimid  Nidaamka 4.5 lama ceyrin karo oo waa nagu adag tahay,  ciidanka canshuuraha shaqo kuma lihin, laakiin 80- ciidamadii hore ah ayaa Golaha wasiirada ka soo sharciyaynay waxayna maalintii qaataan 30,000 (Sodon kun sh.so). 

Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com


Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq {Afaraale} “Gudoomiye ku xigeenku 1-aad wuxuu qariyey dhibaatadii aniga i gaartey iyo Xildhibaan Garabey”

Baydhabo: Aug 16, 2007: Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq {Afaraale} oo ah Gudoomiyaha Gudiga nabadgelyada iyo difaaca Baarlamaanka FKMG oo la soo xiriiyey wariyaheena Somalitalk ee Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay Warbixin uu siinayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa safaradii u ku soo kala bixiyey wadamada caalamka oo qayb ka mid ah kaga hadlaayey dhibaatooyinkii soo gaarey xubnaha Baarlamaanka intii ay dalka dib ugu soo noqdeen. 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale wuxuu yiri "isagoo ay caro ka muuqato, waxaan aad ula yaabanahay inuu ka been sheego Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Prof. Maxamed Cumar Dhalxa dhacdooyinkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan kuwii soo gaaray mudanayaasha Baarlamaanka, taasoo uu ku sheegey in labo Xildhibaan oo kale ah ay wax gaareen, hase ahaatee waxaa jira 4-Xildhibaan oo mid ka mid ah ku dhintey, halka 3-da kale ay ku dhaawacmeen, lama yaabayo isagaa shaqada ka maqnaa ilaa iyo mudo dhan 7-bilood, markii uu yimidna wuxuu ka been sheegay dhacdooyinkii dalka ka dhacay, gaar ahaan kuwii gaaray Baarlamaanka, waxaana kula dardaarmayaa inuu miisaamo hadaladiisa ayuu yiri xildhibaan Afaraale oo hadalka sii wata ayaa intaa ku daray Xildhibaanada dhibaatada soo gaartey waxaa ka mid ah islamarkaana ahaa Wasiir Xildhibaan C/lla Deeroow Isaaq oo naftiisa ku waayey, Xildhibaan Ibraahim C/llaahi {Garabey} oo isna gudanayey waajibaadka Qaranka, Avv. Axmed Ibraahim Maxamed oo isagana ahaa Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Baarlamaanka iyo Aniga oo Afaraale ah”. 

 Mar uu ka hadlaayey Xildhibaan Afaraale xiliga uu dhaawacmey ayaa wuxuu yiri “waxaan dhaawacmey markii uu dagaalka dhexmaray Beel ka mid ah Beelaha Deegaanka iyo Ciidamada Madaxtooyada oo lagu dilay Ugaaska Beesha Geelile Ugaas Seemoow Cabdi Garuun, oo markii dambe loo saarey gudi heer Wasiir dhowr goor.

Mar uu ka hadlaayey Xildhibaan Afaraale ayaa wuxuu sheegey “sababta igu kaliftey inaan ka hadlo ayaa waxay tahay, hadalka Gudoomiye ku xigeenku wuxuu qariyey dhibaatadii aniga I gaartey iyo Xildhibaan Garabey, marka si ay u ogaadaan Hay’adaha ka shaqeeya Xuquuqul Insaanka in warbixinta uu bixiyey Gudoomiye ku xigeenka Prof. Dhalxa inaysan ahayn warbixinta mid dhameystiran si kaamil u noqoto ayaan uga hadlayaa, markii aan ka hadlay ee aan weydiiyeyna Gudoomiye ku xigeenku wuxuu iyir Aniga dhibka Xilhibaanada uun baan sheegey ee wax kale ma sheegin”.  

Akhr dhammaan Su'aalihii Xukuumada Geedi oo la Ciir Ciireysa Su’aalo Kulul oo Baarlamaanku uu Huwiyey Akhri (PDF)

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 17, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com