Mucjisadii kubada miiska Mr Magan oo lagu sameeyay
qaliinkii ugu xumaa intii uu ciyaarah ku soo jiray.
Mucjisadii kubada Miiska waa Mr Magan Dahir Yusuf ayaa ka
nasan doona cayaaraha kubada miiska mudo 6 bilood ah ,
kadib markii lagu sameeyay qaliin xaga jilibka .
Sidaan ula wada soconaba akhristoow waxaa
baryahanba dhawaacna- Mr Magan oo uu dhaawacaasi ka soo
gaaray mar uu ka ciyaarayay wadanka Slovenia mudo hada laga
joogo 3 bilood.
Kadib markii dhakhtarkiisa iyo waliba
dhakhaatiirtii ka socotay kooxda qaranka ee dalka
Nederlaand ay go-aansadeen in uu Mr- Magan waa mucjisadii
kubada miiskee in lagu sameeyo qaliin dagdag ah , si uu si
dhakhsa ah uu ciyaaraha kubada miiska uu dib ugu soo
laabto.
Qaliinkan, Mr Magan lagu sameeyay waxa uu
runtii qaatay mudo laba maalmood ah , waxaanu uu ahaa qaliin
runtii aad iyo aad u -naxdin badan , lakiin waxaad ka
dhadhansanaysay Mr Magan in uu ilaahay iyo naftiisaba uu ku
kalsoon yahay , jecelyahayna in uu si dhekhso ah uu
ciyaaraha kubada miiska dib uu ugu soo noqon doono.
Akristoow waxaa hadaba dhamaan shacabwaynaha
Somaliyeed ee xiiseeya cayaaraha noocuu doonaba ha ahaadee
ay uga xumaadeen qaliinkaas lagu sameeyay Mr Magan. Waxayna
ilaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo qaliinkiisa ah xaga
jilibka ah .
Waxaa akhristoow iyagana sidaas oo kale u
soo duceeynaya dhamaan warbaahiyayaasha xiiseeya
cayaaryahankeena qaaliga ah , habeen iyo maalina u soo jeeda
in ay u soo bandhigaan horumarka uu Mr Magan ka gaaray
cayaaraha kubada miiska.
Waxaa hadaba mahadaas leh dhamaan umada
Somaliyeed ee xiiseeya ciyaaraha.
Mahadsanidiin.
By Mahad Turbashaash.
turbashaash@hotmail.com
magan_98@hotmail.com