Daabaco
Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
Dagaalada dhex maraya ciidamada Mujaahidiinta MJXSG iyo
ciidamadda Ethiopia oo sii xoogeysanaya.
Waxaa maalmahan sii xoogaysanaya dagaalada dhex maraya Mujaahiidnta MJXSG,iyo
ciidamadda gumaysiga Itoobita dagaalkii ugu dambeeyay waxa uu shalay ka dhacay
duleedka Tuuladda Galaalshe ee gobalka Nogbeed.
Waxaaa maalintii shalay 13/8/2007 kadhacay Aaga Galaalshe ee gobalka Nogbeed
3dagaal oo labana iskudhac ahaayeen midna uu dhabagal ahaa mujaahidiinta MJXSG,
ay wadada ugaleen gawaadhi ay lahaayeen ciidamadda Itoobiya.
Dagaalkii shalay dhacay waxaa dhanka ciidanka gumaysiga lagaga dilay 7 askari
oo dhisho ah iyo tiro dhaawaca, halka dhanka Mujaahidiinta uu kaga shahiiday
Allha unaxariistee Mujaahid : Jacfar Cabdi Mursal (Jacfar Dheere).
Dhanka kale waxay wararka kasoobaxaya natiijadii dagaalkii dhacay maalintii
Jimcaha ahayd ee 10-08-2007 ee kadhacay saldhiga Ceela Oba, ayaa waxay
xaqiijiyeen ilo lagukalsoonyahay oo goobjooga yaal ahaa in dhimashada cadawgu ay
gaadhay 24 Askari iyo dhaawac aad utira badan waxaana kamid ahaa Sargaal
Gaashaanle ah.
Ciidamadda Wayaanaha ayaa siday caadadooduba ahayd waxay guuldaradii kasoo
gaadhay dagaaladii ugu dambeeyay cadhadii kula dhaceen dad shacab ah oon waxba
galabsan kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay kakaxaysteen guuryahoodii.
Allahu Akbar Allahu Akbar
Xafiiska warfaafinta MJXSG
Weeraradii xalay iyo Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia kuna sugnaa xaafada Toowfiiq ee
degmada Yaaqshiid ayaa xalay israaseyn culus dhex martay, iyadoo warar kala
duwan ay kasoo baxayaan sababaha keenay inay iyaga dhexdooda isku soo jeestaan.
C/qaadir Cali Dige oo kamid ah Saxafiyiinta Muqdisho isla markaana degan
xaafada Toowfiiq ayaa saakay qadka telefoonka iigu xaqiijiyay in xalay ay
labadaan ciidan oo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ay si aan horey loo arag
isku rasaaseeyeen.
C/qaadir waxa uu xusay inay jiraan qasaaro soo gaaray ciidamada israaseeyay
naftooda iyo qaar kamid ahaa shacabkii ku dhaqnaa agagarka goobta ay isku fara
saareen ciidamada Dowlada.
“Inta aan ogahay hal askari ayaa la ii sheegay inuu ku dhintay iska
horimaadkii xalay labada ciidan dhex martay, dhaawacyo soo kala gaaray ciidamada
iyo shacabna wey jiraan balse xiligaan lama sheegi karo qasaaraha oo rasmi ah”
ayuu yiri C/qaadir Cali Dige.
Cabdiqaadir waxa uu sheegay in saakay goobta ay isku fara saareen ciidamada
ka wada tirsan DF uu tagay Cali Mahdi Maxamed oo Dowlada KMG ah u magacowday
Guddoomiyaha shirka dib u heshiisinta beelaha Somalia, isagoo ay wehliyaan
ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah iyo saraakiil sar sare oo ciidamada
Itoobiya ka tirsan.
Xaalada Towfiiq ayaa saakay degan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan
sababaha keenay inay israaseeyeen ciidamadaan halka dowlad ka wada tirsan,
iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay israsaaseyn dhex mari jirtay ciidamada oo
kala dhici jiray qoryaha ay wataan iyo telefoonadaha gacmaha lagu qaato
Dhinaca kale, weerar culus ayaa xalay lagu waaday xarunta Guulwadayaasha oo
ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.
Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in hal mar ay israsaaseyn xoogan bilaabatay
iyo madaafiic dhowr ah, iyadoo dadka qaarkood ay sheegayaan inay arkayeen
wadooyinka xaafadaha u dhow dhow xarunta guulwadayaasha oo ay aagag ugu jiraan
kooxaha weerarada ku haya ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada KMG ah ee
Somalia.
Wali lama sheegin qasaaro halkaasi kasoo gaaray ciidamada Itoobiyaanka iyo
kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo ciidamadana ay saakay bilaabeen sidii
caadada u aheyd inay baaraan goobaha u dhow dhow xarunta, isla markaana ay
xiraan dhalinyarada xaafadahaasi ku dhaqan qaarkood.
Si kastaba, weerarada lala eeganayo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo
kuwa Itoobiyaanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo arrimahaan ay kusoo beegmayaan
xili maamulka gobalka Banaadir uu ku faanayo in ammaanka gobalka wax weyn uu ka
qabtay xiligii uu xilka qabtay.
Muqdisho: waddooyinka qaarkood oo xiran.
Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa saakay baaritaano ka bilaabay qeybo
kamid ah caasimada Somalia ee Muqdisho, xili habeen iyo maalinba lala beegsado
qaraxyo iyo weeraro bareer ah.
Ciidamadaan ayaa xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo
wada KM4 ilaa hotel Jubba isku xirta ay xiran tahay maalintii labaad iyadoo
aysan jirin wax gaadiid ah oo halkaasi maraya.
Ciidamada Dowlada ayaa xiray wadadaasi, iyadoo aan ilaa iminka la ogeyn
sababaha rasmiga ah oo ay u xireen waddooyinka.
Dadweynaha soo mara wadadaasi ayaa lagu soo waramayaa inay si xun ula
dhaqmayaan ciidamada dowlada, iyadoo ciidamada inteey baaraan dadka kadibna si
xushmad daro ah dib ugu celinaya wadada.
Mid kamid ah haweenka xamaaliyaasha ka ah suuqa Bakaaraha ayaa Saxaafada u
sheegtay in labo cisho aysan arkin caruurteeda oo ay ku xayiran yihiin guriga
iyadana loo diiday inay u gudubto.
“Aad ayay u baahan yihiin cid usoo adeegeysa ama cunno siineysana ma jiraan
aniga ayaa u xamaala, waxii aan usoo xamaaleyna inaan u gudbiyaan ciidamada ii
diideyn” ayay tiri haweeneydaasi.
Ilaa hada maamulka gobalka Banaadir kama aysan hadlin sababaha keenay in la
xiro wadadaasi oo aad dadka u isticmaali jireen.
Puntland iyo Maaqir State oo is dhaafsanaya hadalo cul culus.
Maamul goboleedka Puntland ee uu madaxweynaha u yahay Cadde Muuse Xirsi iyo
maamul cusub oo la magac baxay Maaqir State oo laga dhisay gobalka Sanaag ayaa
maalmihii ugu dambeeyay is dhaafsanayay hadalo cul culus iyadoo labada dhinacba
midka kale uu sheegayo inuusan aqoonsaneen.
Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamtay maamulka cusub ee gobalka Sanaag laga
dhisay iyadoo sheegay in maamulkaan uusan kalsooni ka heysan dadka deegaanka.
Cabiraxmaan Bangax oo ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa Saxaafada u
sheegay in salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag ay horey uga qeyb qaateen
dhismaha maamulka Puntland isla markaana ay ku leeyihiin ahmiyad gaar ah ayna
mar walba diyaar u yihiin soo dhaweyntooda.
Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee Maaqir State Col. Jabril Cali Salaad
ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Puntland uu yahay mid la iska yiri oo aan
laga fiirsan waxa uu keeni karo iyo sababta loo yiri.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa wax qabad aan horey loo
arag gobalka Sanaag uu ka sameyn doono isla markaana dadweynaha gobalka ay 100%
taageersan yihiin.
Dowladda KMG ah ee Somalia oo aqoonsan maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin
jiri taanka maamulka cusub ee Maakhir State, inkastoo madaxweynaha maamulkaasi
uu sheegay in maamulkaan uu yahay mid sharci ah isla markaana dowladda KMG ah ay
aqoonsan tahay.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland ayaa sheegtay qaarkood in Puntand laga
yaabo inay dagaal ku qaado maamulkaasi cusub, balse waxay ka digeen qasaaro iyo
ceeb kasoo raacda Puntland hadii ay arintaasi ku dhaqaaqdo.
Isku soo duuboo, maamulkaan cusub ayaa kusoo beegmaya xili Puntland ay qaban
qaabineyso inay shidaal ka qado goobo u dhow gobalk Sanaag sida la xaqiijiyay.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007


|