SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Maakhir ma Dhalan maalin Gelinkeed.

C/risaq Shirwac, razshirwa@gmail.com

Qoraalka halakan hoose ayuu ka bilaabnayaa

 
Faaladan waxaa igu kalifey iyadoo aad moodid in dad u dhashey ay iska fogeynayaan Dowlada u dhalatey oo aad moodid iney noqdeen kuwo iyagu dhaliilo iyo aflagaadoba usoo jeediya, kuna tilmaamey farxada beesha u timi kuwo shakhsiyaad ay wataan oo u diidan beeshooda guusha usoo hoyatey kuna andocoonaya waxyaabo aan sal iyo raad toona lahayn.

Farxadii tolkooda kuwo ka naxay baa jira oo aad moodid in la yiri Malakul Mootkii baa idin hortaagan, diidan in caasimad u noqoto Magaalo ay ka yimaadeen, ogolna iney caasimad u noqot magaalo aan laga rabin.

Maakhir ma Dhalan maalin gelinkeed, riyona maaha sababtoo ah waxaa jirey shirar ay beeshu yeesheen oo ay ku yeesheen Badhan, Buraan iyo Dhahar oo lagu falan qeeyey maamul in loo dhiso deegaanka Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari.

Shirkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Beeshani waxa uu ahaa kii Badhan oo arimaha ugu waaweynaa lagaga Hadley uu aa ahaa sidii  deegaanka loo ilaalin lahaa, amnigiiisa loo sugi lahaa, loo kobcin lahaa, maamul heer degmo, heer gobol loo sameyn lahaa.

Shirkii CAAQIBO ee Buraan waxa uu ahaa shirkii laga soo saarey xeer beeleedka cusub oo ay ku saxeexan yihiin Caaqilo, Suldaano, Garaado iyo Suldaanka Guud ee Beesha.

Xeerka Deegaanka ee shirkii CAAQIBO waa kan ka dhaxeeya Dadka Reer Maakhir waana kii lagu xusey qodobkiisa 7.4 oo qorayey sidatan (Si loo sugo nabadgelyada waa in layska ilaaliyo waxkasta oo keeni kara iska hor imaad sida  siyaasada damaca ay horseedka u yihiin danaystayaal iyo shakhsiyaad u adeegaya gacan ka baxsan degaanka. )

Markaa su'aashu miyeysan ahayn Gacanta siyaasadeed ee ka baxsan Deegaanka kuwa u adeegaya Puntland iyo Somaliland?

Maakhir miyeysan oran ANAGU LABADAAS MAAMUL MIDNA KUMA JIRNO EE WAXAANU NAHAY MID KA MADAX BANAAN?

Odayaasha la leeyahay waa la dabo marey miyeysan ahayn kuwii shaleyto lahaa HA NAGA BAXEEN PUNTLAND IYO SOMALILAND?

MIYEYSAN AHAYN KUWII LAHAA ANAGU SOO JIREEN BAANU NAHAY EE MAAMULADAASI NOOMA TALIYAAN?

Miyeysan idaacadaha aduunka ka sheegin hadaladaas oo wareysiyo iyo warsaxaafadeedyo bixin?

Qofka marka uu diidan yahay arin mar marsiinyo ma waayo, kuwan  sheeganaya iney Puntland Warsangeli wax ka aas aaseyn (waana runtood) hase yeeshee hadii dantii beesha laga heli waayey maxaa raacatada kaa dhigey?
Miyeysan ahayn Puntlandtu tii horseedey in awrka la isku kacsado oo Hartinimadii noqotey markaan kuu baahanahey?

Miyeysan Puntland ahayn tii Dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka Warsangeli horseedey?

Miyeysan Puntland ahayn tii Wiilasha Warsangeli buurahooda ugu tagtey oo duulaan kusoo qaadey iyadoo dooneysa dhac iyo bililiqo?
 
Ma garanayo ujeedada ninka diidan Badhan ama Ceerigaabo ama Laasqoray ama Dhahar iney caasimado u noqdaan ogolna iney Garowe ama Hargeisa u noqoto caasimad?

Canaantaa kadib,

Maakhir waa xalka loo baahnaa oo mudneyn in 16 Sano ka hor la qabto oo soo raagtey inta hadba Galbeed la aadayey marna Nugaal la aadayey, maantana waa guul usoo hoyatey beesha Warsangeli iyo dhamaan deegaanka.

Cidii ciil ka qabta maamulkan iyada uun baa ciilkeeda la bakhtiyi waayo waa go'aan shacbi, waa kacaan shacbi, waa masuuliyad ay isa saareen waxgaradka beesha, caaqil iyo siyaasiba.

Maakhir waxa uu markhaanti ka yahay rabitaanka Shacabka Sanaag iyo Galbeedka Bari ee maaha mid si fudud loo riixi karo,.

C/risaq Shirwac, razshirwa@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Dowlad Goboleedka Maakhir ayaa kordhisey tirada xubnaha Wakiilada iyadoo Beelaha Jubada Hoose xubno laga siiyey

Badhan:- Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia ayaa waxay kordhineysaa tirada Goleheeda Wakiilo iyadoo beelaha Jubada Hoose ee Cawramale laga siinayo xubno dheeraad ah si ay uga qeyb qaataan Maamulka Maakhir State iyadoo tirada la siiyey ay gaarayaan 5 xubnood.

Tirada loo qoondeeyey Golaha Wakiilada markii hore ayaa waxay ahaayeen 33 wakiil oo ka socda beelaha Warsangeli iyadoo hadana ay tirada Wakiiladu ay gaareyso ilaa iyo 38 xubnood.

Masuuliyiinta sar sare ee maamul Goboleedka Maakhir ayaa waxay noo cadeeyeen goor aanu wax ka weydiiney sababta keentey in tirada xubnaha Golaha wakiilada la kordhiyo noo sheegey iney u arkeen iney daruuri tahay in beesha Cismaan Ibraahim ee Kismaayo ay helaan wax u metala Golaha Wakiilada ee Maakhir State of Somalia.

Dowlada Goboleedka oo dhidibada loo istaajiyey kadib markii la arkey dayaca ka muuqda Gobolka Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari oo tan iyo intii dagaaladii sokeeye ay bilowdeen aan wax horumarin ah la gaarin, dowlad goboleedkii Puntland ee ka talin jirteyna ay ka gaabsatey wax tarka deegaanadaas.

Sidoo kale waxaa weli socda qaab dhismeedka Dowlada iyadoo maalmahan fooda inagu soo  haya la dhameystiro doono Golaha Xooghayaasha oo intooda badan hada la magcaabey.

Waxaanu dhowaan isku deyeynaa inaan wareysi cod ah la yeelano Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Guure oo hawlo shaqo hada ku jira kuna mashquulsan Deegaanka Dhahar iyo Baraagta Qol.

Raz Shirwa, Badhan, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com