SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlδnge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlδnge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Sheeko Aad U Xiiso Badan Oo Ka Turjumaysa Xaalada Dalka Soomaaliya Marayo

Waxaa hal geel ah wada lahaa ladqabo iyo lilaahi , hashii ayaa Oontay oo biyo u baahatay , ladqabo ayaa tidhi lilaahiyey hasha aan soo waraabsano ‘ lilaahi hayehe soo kaxee hasha aan soo waraabinee.

Ladqabo waxay soo kaxaysay hashii oo Ooman , lilaahi waxay ladqabo la kaxaysay hashii , waxaa la tagay Ceelkii hasha laga waraabin lahaa .

Waxaa la tagay Ceelkii oo biyo yarood ah ,Ladqabo ayaa tidhi lilaahi adigu Ceelka gal oo hasha biyaha u soo miir , lilaahi haye waan yeelayaa ee ii qabo xadhiga aan Ceelka u dagee.

Lilaahi waxay gashay Ceelkii , waxay soo dhurtay biyihii nadiifta ahaa si hashu ay biyo nadiif ah u hesho, hashii waa la waraabiyey , markii hashii ay cabtay ayaa ladqabo lilaahi xadhigii u goysay hashiina iska kaxaysatay .

Lilaahi talo ayaa ku cadaatay , sidee yeeshaa , xaal muxuu noqon doonaa ma sidaas ayaad ku abaadi doontaa mise gargaar ayaad heli doontaa .

Halkaas iyadoo xaal marayo ayaa waxaa yimid Ceelkii Jin xoolo badan wata oo doonaya in ay Ceelka xoolahooda ka waraabsadaan ‘ sida laga warqabona xoolaha Jinka biyaha waa iska cabaan oo looma miiro .

Marka Jinku wadaanta soo rido ayuu markiiba biyaha u daraa oo si deg deg ah kor ugu raaciyaa , Jinkii ayaa yaabay oo wuxuu Jimankii kale u Yidhi war Ceelku Caawa waa nacaawinayaa ‘ Jimankii kale ayaa Jinkii ku yidhi maxaad aragtay , Jinkii ayaa ku jawaabay marka aan wadaanta Ceelka daroba waa ii soo deg degaysaa.

Mid Jimankii ka mida ayaa ku jawaabay malaha dadbaa ku jirta , hadii la eegayba nin ayaa salka Ceelka fadhiya ‘ war maxaad ahayd , waxaan ahaa lilaahi ‘ lilaahida aan maqalaa maadigaa ; lilaahi haa waa aniga , Jimankii soo bax oo boqolkaas halaad qaado.

Lilaahi oo boqolkii halaad wadata ahaa soo aaday dalkii ay daganaayeen , lilaahi waxay aragtay ladqabo oo hashii ay isku rafaadsan yihiin oo meel ay u kaxayso la, ladqabo Allah! Lilaahi xagee waxan oo Geela ka heshay " lilaahi Ceelkii aad igaga tagtay .

Ladqabo hashana ku darso anigu Geel badan ayaan Ceelkii u doonanayaaye .

Ladqabo waxay gashay Ceelkii ‘ markii ay saacado ku jrtay , ayaa waxaa Ceelkii yimid dad xoolo doonaya in ay ka waraabsadaan , dadkii waxay Ceelkii ku soo rideen wadaan ‘ ladqabo ayaa wadaantii isku duubtay oo biyihii u diiday .

Dadkii waa yaabeen war Ceelka maxaa ku jira ayaa la is weydiiyey ‘ Ceelkii ayaa hoos loo soo eegay mise nin ayaa dhex fadhiya ‘ war maxaad ahayd , ladqabo ayaan ahaa oo maxaad doonaysay , waxaan rabaa in xoolo badan aan helo .

Soo bax aan xoolo badan ku siinee , ladqabo oo is leh maanta ayaad fakhrigii tuurtay ayaa Ceelkii ka soo baxday ‘ banaanka markii lagu hubsaday ayaa wixii qof waliba gacanta ku hayey kula dhaqaaqay oo korkeeda ayaa si deg deg nabarku ugu kulmay ‘ saacad ka bacdi ladqabo waxay ahayd mayd .

Halkaas ayaa ladqabo lagu waayey ,lilaahina reerihii oo dhan gacanta ugu dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee Sheekadan ayaa ka turjumaysa xaalada maanta dalku marayo oo ay wada joogaan Lilaahi iyo Laqdabo ............ 

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Mowjadaha Qaraxyada Xambaarsan Oo Noqday Sidii Daadkii Oo Kale Iyadoo Ay Sii Kordhayso Geerida Dadka Rayidka ah

Xili ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada lala beegsanayo fariisimada ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kuwa Ethiopia ayaa hadana waxaa maanta ku geeriyooday caasimada muqdisho ku dhowaad 3-qofood oo isugu jira ciidamada dowlada iyo dad rayid ah .

Qaraxyada maanta duhurkii ka dhacay casimada ayaa gil-giley guud ahaan caasimada islamrkaana ahaa kuwo aad u saamayn weynaa oo mar keliya ruxay daaraha ku yaala casimada iyadoo qaraxyadani gaarayeen ilaa iyo shan qarax .

Sidoo kale waxaa bar bar socda qaraxyadan waaweyn ee dhulka la geliyo Qaraxyo kale oo bam gacmeed oo lagu ugaarsanyo ciidamada huwanta ee dowlada iyo Ethiopia kuwaasoo maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa isgoyska Black Sea ee magaalada muqdisho islamrkaana gaystay khasaare nafeed oo isugu jira ciidanka dowlada KMG ah iyo weliba qof rayida iyadoo ciidamada dowladu ay fureen tacshiirad xoogan oo aan la ogayn khasaaraha ay gaysteen.

Dhinaca kale Labo qarax oo kale ayaa waxa ay ka dhaceen isgoyska Albaraka, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, lamana oga wali qasaaraha ka dhashay.

Qaraxyada oo ah kuwo tiro dhaafay islamrkaana isdaba joog ah ayaa sidoo kale waxaa qarax miino loo adeegsaday gaari uu saarnaa taliyaha ciidanka guutada 5-aad ee ciidamada dowladda oo marayay agagaarka warshadii hore ee Caanaha, iyadoo labo askarina ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Nuur Cali Xiireey oo ah Taliyaha ciidamadaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa faraha kasii baxaya amaanka caasimada oo noqday mid isu rogay qarax dil,iyo dhac ka dhashay amaan xumida oo sii kordhaysa awgeed islamrkaana cirka isku sii shareeraysa taasoo dadka rayidka ah ee caasimada deganaa ay qaarkood isakaga huleeleen iyagoo beegsanaya meel ay naftooda kula baxsadaan.

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com