SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Wararka: Aug 16, 2007

  • Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye

  • Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray

  • C/llaahi Yuusuf oo u ambabaxay Magaalada Nayroobi

  • Xulka qaranka oo 18-ka Bishan kulan yeelan xulka Rwanda


Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Iyadoo weli ay sii xoogeysanayan qaraxyada lala beegsanyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa shalay waxay qaraxyo ka kala dhaceen Muqdisho iyo Afgooye, haddii aan ku hor marno kii ka dhacay degmada AFgooye, waxa uu ka dhacay Suuqa Arriga ee degmadaasi, waxan qaraxaasi lala beegsady ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa, waxaan ku geeriyooday ilaa iyo labo qofood, hase yeeshee waxa uu qaraxaasi sababy dhaawac fara  badn oo intooda badan loo soo qaady Magaalada Muqdisho.

Qarax kale ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Warshadda Caanaha,a waxaan lala beegsaday gaari ay lahaayeen Ciidamada Dowladda, waxa uuna qaraasi keenay dhaawaca dhowr qofood, hase yeeshee raraas ay rideen ciidamada ayaa waxay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ka dhawaa halkii uu qaruxu ka dhacay, sidoo kale qarax aad looga maqlay Muqdisho qaybo ka tirsan ayaa isna waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Carafaat, waxaan lala beegsaday Gaari kuwa Ciidamada ah oo la sheegay in ay ku dhinteen labo qofood, dhowr qofoodna ay ku dhaawacmeen iyadoo Gaarigaasi uu gebi ahaanba burburay.

Suuqa Bakaaraha ayaa isna k mid ahaa meelaha qaraxyada laga maqlay iyo waliba Kiilomitir Foor, waxayna qaraxyadaani keeneen in ay joogsadaan isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka tirsan Muqdisho

Waxaa Xalay deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho laga maqlay qarxyo iyo rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, inkastoo aan la ogaan Karin goobaha rasmiga ah ee qaraxyadasi ka dhaceen, maadaama inta badan Magaalada Muqdisho saaran yaha bandow ay Dowladda Federaalka horey ugu soo rogtay.

Waxaa weeraro lagu hayey maalmahana saldhigyada ciidanka Booliiska ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay weeraradii ugu xooganaa ka dhaceen agagaarka Warshadda Baastada iyo SOS oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya iyo Federaalka.

Dadka ku dhaawacma Weerarada habeenkii ayaa intooda badan waxay u dhintan Dhiig bax, maadaama aan habeenkii dadkaasi la gaarsiin Karin goobaha caafimaadka, waxayna dadku dhaawacooda ku haystaan guryahooda.

Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa si weyn looga dooday hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ee ahaa in la sameyn doono Aag Cagaaran oo ay Dowladdu ku hawlgali doono iyo waliba safaaradaha shisheeye, waxayna Odoyaasha Beelaha Hawiye ku tilmaameen hadalkaasi in uu yahay mid Bulshada sii kala fogeynay.

“Intii Bulshada la isku soo dhaweyn lahaa ayay haatan Dowladdu bilowday in ay sii kala qaybiso” ayay yiraahdeen Odoyaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in fikrada ka soo yeertay Cali Max’ed Geedi ay tahay mid ka timid dala shisheeye.

“Shacabka Soomaaliyeed uma baahna kala qoqob iyo kala qaybin, ee waxay u baahan tahay dad isku  soo jiida oo ka shaqeeya nabadooda” ayay hadalkooda sii daba dhigeen Odoyaasha Beelaha Hawiye.

Marka laga fiiriyo Soonka Cagaaran ee dalka Ciraaq ma ahan mid laga gaaray hadafkii laga lahaa, waayo waxaa Habeen walba lagu weeraraa Hoobiyayal, xita waxaa dhacday in Qarax uu ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee uu soonkaasi ku yaalo.

C/llaahi Yuusuf oo u ambabaxay Magaalada Nayroobi

Maalintii shalay ahayd ayaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka  C/llaahi Yuusuf Axmed u ambabaxeen wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nayroobi.

Intii uusan Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka ambabixin Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka wadooyinkii uu marayey Madxweynuhu, waxaana la soo dhoobay ciidamo isugu jiray Ciidamada Itoobiya, kuwa Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa martiqaad ka helay safaaradda Mareykanku ku leeyahay Magaalada Nayroobi, inkastoo aan la faahfaahin safarka Madxweynaha, haddan warar ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha loogu yeeray arrimo la xiriira xaaladda nabadgelyo ee wadanka Soomaaliya oo maalmahan cirka isku shareertay.

C/llaahi Yuusuf ayaa inta uu joogo dalka Nayroobi waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Xulka qaranka oo 18-ka Bishan kulan yeelan xulka Rwanda

18-ka Bishan ayaa Xulka qaranka Soomaaliyeed ee 17-jirada waxay kulan adag la yeelan doonaan xulka wadanka Rwanda, waxayna cayaartaasi dhaceysaa Saacaddu markay tahay 2:00 duhurnimo ee waqtiga Muqdisho.

Xulka oo haatan ku sugan Magaalada Kampala ayaa waxa uu Weriyaheena Faarax Max’ed Cali (Blue) noo soo sheegay in habeenkii xalay ay ka ambabaxeen xulku Magaalada Kampala, isagoo sheegay in cayaarta labaad ay 20-ka bishan la yeelan doonaan xulka wadanka Burundi, cayaarta sadexaadna waxay 22-ka Bishan la yeelan doonaan xulka wadanka Tanzania, wixii natiijo ah ee ku soo kordha tartankaasi waan idinla socod siindoonaa hadii uu Alle idmo. 

Amiin Yuusuf Khasaaro

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com