Daabaco
Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
- Wasiirka Dawladaha Hoose oo magacaabey Gudoomiyaha Deg. Rako.
- Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Diyaarad ku dhacday garoonka Diyaaradaha
ee Barbar iyo Shaqaalihii la socday .
- Shirka dib u heshiisiinta oo mar kale dib loo dhigay
ilaa iyo laba maalmood.
Wasiirka Dawladaha Hoose oo magacaabey Gudoomiyaha Deg. Rako.
Wasiirka Dawlada Hoose & Horumarinta Gobolkada ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed
ee Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa maanta wareegto uu soo saarey wuxuu ku
magacaabey Gudoomiyaha degmada Rako ee Gobolka Karkaar.
Wareegtada wasiirka oo lambarkeedu ahaa XW/WDHHR/219/2007 ayuu wuxuu u cuskaday
magacaabistiisa ka dib markii uu xeereiyey talo soo jeedinta Odayaasha iyo
siyaasiyiinta beesha degmada Rako, isla markaana uu eegay baahida loo qabo in
sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso golaha deegaanka Degmada Rako.
Wasiirku wuxuu u magacaabey Gudoomiyaha ee KMG ah ee degmada Rako C/laahi Axmed
Guure iyadoo loo eegayo kartida iyo aqoontiisa.
Wasiirka dawladaha Hoose wuxuu gudoomiyaha cusub farey in uu ku dadaalo sidii
loo hirgalin lahaa dhimasha golaha deegaanka degmada Rako ee Gobolka Karkaar.
Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixan wasiirka dawladaha hoose & horumarinta
Gobolada Cali Cabdi Awaare, waxaana nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey
somalitalk.com
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Diyaarad ku dhacday garoonka Diyaaradaha
ee Barbar iyo Shaqaalihii la socday .
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyarad ay lahayd Shirkad
lagu magacaabo Safari Express oo xarunteedu tahay Nairobi, diyaaraddaan ayaa la
sheegay inay ku dhacday garoonka Diyaaradahaa ee Barbara, kaddib markii ay ku
dagi waday garoonka boosaaso oo ay ku socotay.
Diyaaradda oo wadday dawooyin ayaa waxaa la sheegay inay ku
jeeday Magaalada Boosaaso, balse uu sheegay duuliyihii markii uu ka badbaaday
burburka diyaaraddaas dhacday in cilad soo wajahday diyaaradda ay u saami wayday
inuu ku dago garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo jawigiisu aad u cakirnaa.
Wadaha diyaaradda oo dhalashadiisu ahayd Ruush; ayaa sheegay in
diyaaradda uu damacsanaa inuu dajiyo, balse cilad soo wajahday darteed ay
diyaaraddu laabta dhulka ugu dhufatay, waxaana uu sheegay inay halis gashay
natooda, balse ay haatan ka badbaadeen.
Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inay ka baxday wadada, kaddib
markii ay qadar ku cararaysay laabta, waxaana diyaaradda oo ay la socdeen 6-qof
oo 5-ka mid ah ay ahaayeen Ruushan diyaaradda howlaheeda waday iyo ruux kale oo
u dhashay Kenya oo ka socday Hay’adda MSF oo dawadaan lahayd.
Madaxa Garoonka Diyaaradaha ee Barbar C/llaahi Qaasim, ayaa
sheegay inay gurmad u fidiyeen diyaaradda markii ay dhacday kaddib, wuxuuna
sheegay in shaqaalihii qofka kale ee la socdya oo ka socday MSF ay ku sugan
yihiin xilligaan Hargeysa, ayna iyagu gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in
diyaaradda uu dhaawac culus gaaray, ayna u baahan tahay in la dayactiro.
Diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inay dhanka waqooyi kaga baxday
waddada, iyadoo haatan fadhida dhul bannaan oo carro ah; iyadoo sidoo kalena ay
ku raran yihiin dawooyinkii ay u waday Degmada Boosaaso ee Maamul Goboleedka
Puntland, balse aan la garnanay xilliga laga dajin doono diyaaradda dawadaas
loona duulin doono dhanka Boosaaso.
bashiir cumar cali/Bosaaso
bashiir137@hotmail.com
Shirka dib u heshiisiinta oo mar kale dib loo dhigay
ilaa iyo laba maalmood.
Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee hakadka ku jirey mudada 4-ta
cisho ah ayaa maanta mar kale lagu dhawaaqey in dib loo dhigey ilaa iyo laba
maalmood oo kale.
Ergooyinka shirka oo ay balantu aheyd inay iska soo xaadiriyaan xarunta
Gaadiidka ee shirka uu ka socdo ayaa maanta markii ay yimaadeen madasha, isla
markaana ay sugayeen in shirka la bilaabo waxaa shirgudoonku uu shaaca ka qaadey
in shirka dib u furmidiisa mar kale dib loo dhigey, taasi oo ay ku sheegeen inay
tahay codsi ka yimid mid ka mid ah beelaha shirka ka qayb galaysa.
Afhayeenka shirka C/raxmaan Shifti oo saxaafada la hadley ayaa daboolka ka
qaadey in shirka dib loo dhigey ilaa iyo laba maalmood oo kale in uu furmo,
waxaana uu tibaaxay in beesha Hawiye ay dalbatey in la siiyo mudo gaaban oo ay
ku soo dhameystaan kulamo iyaga u socda.
Ergooyinka ka qayb galaya ayaa iska soo dareeray markii dambe ka dib markii loo
sheegay in shirka mudo 48 saac hakad kale la galiyey, waxaana lagu wadaa in la
isku soo laabto ilaa iyo maalinta Sabtida hadii EEBE idmo.
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
Talityaha guutada 115-aad oo ka badbaaday qarax miino.
Taliyaha Guutada 115-aad ee ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya
Nuur Cali Xiiray ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaari uu
saarnaa taliyaha.
Taliyaha ayaa sheegay in labo ka tirsan ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi
isagoo intaa raaciyay in gebi ahaanba muraayadihii gaarigii uu saarnaa uu
burburay, walow dhaawaca soo gaaray labadaasi askari ay aad u fudud yihiin.
Xiligii uu qaraxa dhacayey ayaa gaariga waxaa uu marayey agagaarka Warshada
Caanaha, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ahaa midka gacanta laga maamulo.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxan uusan garaneyn in isaga loola dan lahaa iyo in
ay aheyd mid la doonayey in lagu qarxiyo gaari walba oo ay saaran yihiin shicib,
wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah u arkeyn qaraxaasi.
Dhanka kale waxaa maanta qeybo ka tirsan Koonfurta magaalada Muqdisho ka dhacay
qaraxyo bam gacmeed oo si fuleynimo ah loogu tuurayey goobaha ay ku sugan
yihiiin rayidka, kuwaasi oo aan geysan wax khasaare naf ah marka laga reebo
dhaawacyo fudud.
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
15, 2007


|