SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Xaq la Daboolo Mar Buu Dibnaha ka dillaacaa  

 Abdi Barakaale
abdibarakaale@yahoo.com

Tan iyo Markii Maamulka Kilil ku sheega Dhidibada Loo Aasay Horraanti Sagaashameeyadi, Waxaa soo maray Madax tiro badan, Ninbana Nidaam ay Itobiyaanku Rabaan Raalina ka yihiin kula shaqaynayay.Itoobiyana Madaxku sheegaas Ay Qaarkood Xabsiyada Dhigeen Badhna in ay Iyagu Dileen la xaqiijinayo Badhkoodna ay wadanka ka haajireen.  

 Waxaan Rabaa in aan Arin yar ka idhaah ninka hada La sheegay in uu madax ka yahay Kililka Waa Abdullahi Lugbuur. Markaan Si qoto dheer ugu kuurgalay Taariikhda Kililka oo aan Badankeed Usoo joogay, Markaan Darsay xaaladaha Hogaamineed ee Maamul ku sheegaas oo aan Habayaraato ee Wax awood ah oo ay wax ku diidaan ama ku yeelaan lahayan. Waxaan Garwaaqsaday in Abdullahi Xasan Noqday midka ugu Inkiraada iyo waxqarinta badnaa Abid ee soo maraa Maamulka Kilil ku sheega, Wax yaabaha ugu badan ee ay Bulshadu iska waydiinna ay tahay Ma kadhabba waxan oo waa ka garasho in uu sidan wax u qariyo mise waa mid Laga danbeeyo oo ay Saraakiisha Itoobiyaanku sidan Isaga ku amraanbaa in uu hadalada u dhigo!!!.

Dhawr jeer Ayaa waxaa uu ka qaybqaatay Doodo Ay sameeyeen Idaacadaha BBC laanta Soomaaliga iyo Idaacada Codka Maraykanka ee VOAda Qaybteeda Soomaaliga ah, Dhagayste walba oo Maqlayay waan Hubaa in uu la yaabay Amakaagna ay ku noqon hadaladiisi iyo Sida uu u bahdilayay dadkii uu lahaa madax ayaan u ahay Abdulahi, Dhab ahaantiina waxaa soo baxday in uu yahay nin Haba yaraato ee aan  ka danqanayan Dhibka shacabka lagu hayo, Qofwalba oo dhagaystayna waa ka dharagsanyahay hadaladiisi oo idinku sii Celin mahayo Hadaladi kasoo yeedhayay Ninkaas Aan Shacabka marraba matalayan.

 balse aan inyar dib idiinku celsho, Waxaa uu kusoo celceliyay in ay ONLF dishay Dad shacab ah Mararka qaara aan ku arko Webabka wax ka qora Somalida Ogaadeeniya in ay iyagana arimo caynkaas ah soo Qoraan, Dhibka iyo Tacadiyada ugu badan ee ka jira Ogaadeeniya Waxaa Fuliya Ciidamada Itoobiya Mararka qaara iyaga oo kaashan Maamul ku sheega kililka ayay Sameeyaan gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Shacabka Aan Waxba galabsan.

hadi ay colaadi Goob ka aloosantahay Ama ay Xasarado Ragaadshaan Waa Hubaal in ay dhiman Shacab iyo Dad badan oo la jecelyahay Yaase Gundhig u ah Dhibkaas, Cida Aaminsan in ay Itobiya Hadh Dhigayso Shacaka, ONLFna ay Iyadu Dilayso Shacabka Waa nin Dharaar cad riyoonaya Xaqiiqadana ka dheer, Hadi aynaan is idha tirayan Sida dhalaankana wax u cabirayno Ninwalbaba waad hadli kartaa waxaad doonina waad soo qori waase mid Eebe SW kugula Xisaabtami Shacabkana Baal Cad oo an Qarsoomayn ugu xardhan.

ONLF waa Halgan Shacabi ah, Shacabka ayaana Wada iyaga ayaana is kaleh Nina Aabihii iyo Hooyadi Ma dhibaateeyo hadii uusan Waalayan, Waxaase Xumaanta iyo Xilkasnimo darro idilkeed ku Dhantahay kuwa Dhalanteedka iyo Malawaalka aan jirin kujira, waana kuwan Kililka ah Waa kuwa aan ka danqanayan Tuulooyinka la baaba'shay Dadkan Baahida loo dilahayo iyo kuwan bilaa sababta Sanooyinka badan uu xidhan Hadana raba in ay waxaas oodhan Daah iyo Dabool Adag Saaraan.

Waxaan ku jirra Qarni Ka casrisan Midkii Ka horeeyay Waxaan kujiraa Wakhti Information Age ah Caalamkuna yahay Goob tuulo yar u dhiganta La iskana warhayo marwalba, Iyada oo ay saas tahay dhibkii ka jiray Ogaadeeniyana ay ka wada hadlayaan Dhamaan Hay'adaha Xuquuqada Bashariga u dooda Kana warramayaan Warbaahinta Caanka ah ee adduunka ma Garbaa mase astaahilaan Shacabku in ay kuwan yidhi Maamul ayaan ka nahay Jigjiga Qariyaanbaa dhibka iyo Xadgudubyada ay wadaan Cidanka Itoobiya Waa arin Yaab iyo Amakaag igu dhalisay!!!

Aan Dib u milicsano Rafaadka soo jiray Hadana sii socda ee Shacabka lagu hayo, Wadanku Dhanwalba waa ka Baaba'sanyahay Malaha Wax Nolol Aas aasi ah Kama jiraan Wax habayaraato ee Shacabkaas Wax u taraya.

Iyada oo ay Marwalba soo noqnoqdaan Abaaro iyo Aafooyin Ay Itoobiya Sabab u tahay Ayaa hadana had iyo jeeraale sii kordhiyaan Dhibka iyo Cabudhinta Shacabka Marka ay Itoobiya u maaro waydo Kacdoonka Cidanka JWXO, Dharbaaxooyinka ay kala soo kulmaana dib uga Aargoosta kuwa iyada Daba dhilifka u ah Xitaa waxaan wada qiraynaa in aynan Cayminhayan Maamulka Kililka Dhibka ugu badana iyaga ayay ku samaysaa Itoobiya, Mudo hada ka yar Isbuuc waxaa ku sugan Magaalada Jigjiga Adisu Lagasa oo ka soo Kicitimay Addis Ababa, jigjigana u yimid Sii loo Gamgamayn lahaa Maamul ku sheega Kililka, oo dhexdooduna Khilaaf iyo Ismaandhaaf Aafeeyay, Waxaa ay kujireen Maalmahan Buuq iyo u diyaargarow Shirar uu qabanhayo Ninkaas aan Sare ku sheegay, Ninwalbana wadnaha ayuu farta ku hayaa, Xaalkuna Waa Fallaadhi Cirka loo Ganaay Ninwalbowba Filo!!! Rag badan oo Aan raali ka ahayan Dhibka iyo Tacadiga shacabka ayaa loogu tukubayaa Ulo Booc ah Waxaana hubaal ah in Madashaas rag badan Dabka la saari Waanse Wada Sugaynaa waxa kasoo baxaa.

dhanka shacabka, Akhristow Sidaan Sare ku sheegay Waxaa Dad badan oo aan Wax badan sii qiimayan Hubaala ay tahay in ay aad uga Durugsanyihiin Xaqiiqada Sheegaan in Shacab Aan waxba galabsan Ay Cidamada ONLF laayaan, Ama ay Burburiyaan Hantida shacabka, Waxaan Hubaa Qofwalbana ila Qiri ( Waa inta Daacada ka ah Dhibka jira Ee aan La sirkhaansanayan Dulliga lala rabo) In shacabka Aafooyinka ugu badani kaga yimaadaan Itoobiya, Waxaa maalmo ka hor Ogaadeeniya laga Eryay Hay'adi Kaliya ahayd ee sida Wanaagsan uga Hawlgalaysay Ogaadeeniya Waa ICRC, Waxaa sido kale Dabka la qabadsiiyay Gaadhigi ay Wateen Madax kamid ahayd Hay'adi OWDA oo uu kamid ahaa Aas aasihii Hay'adaas. Wakhtigaasna Kaalmo Bani'aadminimo ka waday Magaalada Sagag oo Markaas ay Ka jireen Daacuun Caloolaad fara ba'an ku hayay Dadka Deegaankaas Daganaa Soo laabashadoodiina Dhexda ay Itoobiya u dhigtay Miino Dabadeed ku wada Haligmeen Isaga iyo Ragi kale ee la socday. waxaa Xusuus Xanuun badan inagu wada Reebtay Sidi loo Baaba'shay Hay'adi OWS oo si wanaagsan ugu hawlgashay Abaarihii Sida wayan Wax u halaagay ee ka dhacay Ogaadeeniya 1999/2000, waxaana Hay'adaasi Eeday Markii ay Soo bandhigtay Sawiradii iyo Muuqaaladi Dadkii ku macaluulay Abaartaas Waxaana Albaabada ay Cidanka Itoobiya u laabeen Dhamaan Xafiisyadi ay ku lahayd Wadanka oo dhan, Madaxdeediiina waxay Noqdeen Wax wadanka kasoo Carara iyo wax Xabsiyo u galay itoobiya, Maxaa hadaba Itoobiya ku diray Hay'adihii Samafalka ahaa ee dadka wax u qabanayay hadi ay Tahay mid shacabka dawlad u ah waa Arin Aan hubo in qofwalba oo Wadani ah Jecela Gobanimo Maankiisa ku xardhan sababta kaliya ee ay Itoobiya Inoogu diidayso Horumarka. Waxaan wada Maqlaynay sida loola dhaqmay Wariyayaashii dhawaan lagu xidhay Magaalada Dhagaxbuur, kuwaas oo shaqaale uu ahaa Wargayska NewYork Times, Muddana ku xidhnaa Magaladaas walibana Laga baabi'iyay Dhamaan wixi Ay soo duubeen,si aysan ugu soo bandhigin Beesha caalamka dhibka iyo darxumada haysta shacabka Ogaadeeniya!!!

Dhibkaas iyo wax kasii xanuun iyo tiiraanyo badan ayaa ka jira Wadanka, Killilkuna wuxu noqday Mid lugooyo iyo Majaro habaabin Had iyo jeer ku jiraa oo Qalin ka ah Dhibka shacabka lagu hayo, kaliya Qoraal loosoo qoray iyo Fikir aysan lahayan ayay Akhriyaan Ama ay Qoraan, waana mid Qofwalba oo Dunida Dacaladeeda Jooga waxna kala socda Xaaladaha ka jiraa Guud ahaanba Itoobiya Dareemi karo waxaa ay yihiin iyo sida ay u yihiin dad Kaliya ku eg Mushaharada ay ka qaataan Itoobiya Marrabana aan ka danqanayan Shacabka iyo Duliga lagu hayo.

Ugu Danbayntii, Waxaan ku celcelin in uusan Nina Hooyadii iyo Aabihii Waxba u dhimayan JWXOna ay tahay Jabhad shacabi ah oo Shacabku wado Kaalmo walbana shacabka uga yimaado sidaas ay tahayna see Dareenkeenu ku aqbalaa Iyaga ayaa shacabka dhibayaa Ninwalbowba in aad Raadiso Xidiidka dhibkan sababayaa  Waajib ayaa kaa saaran Rabaani ah, Waa hadi aynaan La Sirkhaansanayan Qabyaalad iyo Qudhun kale, Dadka Wadanka Gudihiisa Jooga waxay Yidhaahdaan Ninka Itoobiya Dabadhilifka u ah Waa nin Ay Duruuf Baahi u gaysay oo ka raadsada Nolol Maalmeedkiisa sida ay doonaanba u hirgaliyaan ee, Balse Ninka Ka maqan Ogaadeeniya Kuna sugan Goob kale oo wadnka ka baxsan, Maxaa ugu wacan Dabadhilif nimo  Itoobiya oo ay Ogyihiin Dhilka ay ku hayso shacabka u buunbuuniyaan Waxyaabaha ka yimaada dhankeeda ee Beenta iyo Mala awaalka ah Sida Kuwa Ku Sirkhaamay Wax ku qorida Webabka Sida tooska Ama sida dadban Wax ugu qora Borobogaandada iyo Beenta Itoobiya, Walaalayaalow Aan Waxaas ka waantawno Bulshada Qurbahana Yaan la marajo habaabin Ilaaha ina Abuurtayna aan ka yaabno Walaahi mar aan hada ahayan ayaan ka qoomamaynhaynaa Buuqa iyo qudhunka aynu Webabka kusoo qorayno ee aan ugu Talo galayno in aynu wax ku carqaladayno.

 Waad Mahadsantihiin.

Abdi Barakaale
abdibarakaale@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com