SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Si xun wax u sheegga saxaafadda qaarkeed

Nafiso Jaamac Nuur

nafisonalka@hotmail.com

Saxaafaddu waa quudiyaha maxkaxda ummadda iyadoo wararka darayga ah ee ay
ummadda u gudbiyaan laga haqab beello laakiin waa seef laba af leh, oo
haddii dhinaca xun loo adeegsado madaafiicda wax burburisa ka daran.

Idaacad loo haynweynaan jirey haatanse karamadeedii luntay baan maalin
dhoweyd ka maqlayey war ay sii deysey oo u dhignaa sidan: “Dagaal culus oo
la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay ka bilowday
magaalada Muqdisho”.

Warkaas waan ka naxay, waxan is iri maxay tahay belaayada xalay dadka reer
Muqdisho ku soo guuraysay? Waayo waa wax laga damqado waxyeellada ummadda
Soomaaliyeed soo gaareysa.

Haddii aan warkaas sii rogrogey oo aan ilo wareed oo kala duwan raadiyey
waxaan soo helay in wixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa kooxo
wax tuur tuuray kadibna markii dambe iska dhuuntay, inkasta oo khasaare
dhacay, ma ahayn dhacdadaasi mid sii socotey ee waxay ahayd mid qayb ka ah
rabshadaha caasimadda ka dhaca.

Waxaan soo xusuustay warkii idaacaddu siideysey ee ahaa “Dagaal culus oo la
isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay ka bilowday magaalada
Muqdisho”. Waxaan dib u soo gocday ereyga ah ‘ka bilowday’, waana midka aan
daba socdo, waayo waa wax la wada sugayey sida kooxo ama dhinacyo keeb la
yuurur ahaa oo mar uun xabbadooda la wada dhawrayey oo isu dhaarsanaa,
waxaan ogaadey in ereyga ‘ka bilowday’ uu ku koobnaa rabitaanka idaacaddaas,
waayo idaacaddu iyadaa danayneysey qas iyo qalaanqal daba dheeraada oo ka
holca magaalada Muqdisho, dhab ahaantiina siiqada hadalku wuxuu u dhacayey
in Idaacadda lafteedu ay dagaalka oogeysey oo ay dhibaatada qayb ka ahayd.

“Kooxaha dagaallamayaa waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan ciidamada
dawladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah, iyadoo isticmaalaya hubka noocyadiisa
kala duwan iyo miinooyinka meelaha fog-fog laga hago” , Sidaa waxaa soo
celceliya qalabka warbaahinta qaarkiis, taas oo ah xaalad abuur.

Sidoo kale waxaan marar badan maqlaa “maxkamadaha Islaamiga ah ee
Soomaaliya”, ereygaas oo ah waxaan jirin, waayo waa soo noolayn wax laga
gudbey, hadalka saxda ahna waa “maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Soomaaliya”.

Markaa waxaa ii soo baxday su'aasha ah saxaafadda Soomaaliya lug ma ku
leedahay dambiyada dagaal ee dalka ka dhacay sidii waddanka Rwanda ka
dhacday oo kale?

Nafiso Jaamac Nuur

nafisonalka@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com