Shaki kii ixtilaalka ka qabayaw shaahid baa tahay
Cabdi Jaamac
Somalia,
new-s.y.l.@hotmail.com
Moqdisho Talyaani 1884-1940, Ingiriis 1941-1950, Talyaani
1950-1960, Dawladdii rayadka 1960-1969, Dawladdii Milateriga
1969-1991, Dagaal oogayaashii USC 1991-2006, Maamulkii
Maxkamadaha June 2006-Decembar 2006, Gumaystaha Tigreega
2007.
Waxaa fajiciso iyo layaab ku noqday ummadda Soomaaliyeed
in shirkii Tigreegu soo abaabulay uu judhii horaba faraha la
galay diinta islaamka ee muqadaska ah iyadoo Cali Mahdi
shirka ka dhex yiri “ Maanta waxaad ka doodaysaan
xagjirnimada diimeed ee Soomaalida” hadii shirku yahay shir
qabaa’ilka lagu heshiisiinaya soo ma haboonaan lahayn in
laga wada hadlo malyuunkii qof ee Soomaaliyeed ee lagu
laayay xasuuqyadii baahsanaa ee ay sameeyeen hogaamiya
kooxeedyada shirka fadhiya iyo kuwa banaanka taagtaagan ee
leh ammaan baanu sugaynaa? Maxaase shirku sheega loogaga
hadli waayay Wayaanaha shacbiga har iyo habayn ku xasuuqaya
dhulkooda hooyo? Maxaase loogaga hadli waayay taangiyada
Xabashida ee dhex yaala mac-hadka SIMAD, Jaamacadda
Moqdisho, Isbitaalada Xayaat, Shifo, masaajida iyo
madaarista qur’aanka iyadoo si arxan daro ah loo laynayo
dhaqaatiirtii dadka dawayn lahayd, macalimiintii wax bari
lahaa, culimadii samaha fari lahaa xumaantana ka reebi lahaa
iyo ubadkii dalkaan mustaqbalka hanan lahaa!!
Sidoo kale haday yiraahdeen waa shir qabaa,il maxaa loogu
heshiisiin waayay qabaa’ilka deegaanada xurguftu ka
taagantahay ee kala qaybsan sida Galkacyo, Kismaayo,
Ceel-waaq, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelooyinka, Sool iyo
Sanaag iyo kuwo kale oo badan? Mase lahayaa ilaa hada labo
beelood oo shirka lagu dhexdhexaadiyay marka laga reebo
kutubtii afka ahaa ee aan qalbiga jirin ee ay odyaashu isu
xawileen?
Waydiimaha aynu kor ku soo sheegnay ma ahan kuwo jawaab u
baahan sababtoo ah shirba meesha kama jiro ee waa shirqool
lagu qarinayo dhibaatada baaxada wayn ee meesha ka socota,
kolkii horaba shirka Addis-Ababa ayaa laga soo yeershay,
dabadeedna qandaraaskiisi waxaa qaatay shaqsiyaad gaar ah,
cid kale oo meesha wax ka sheegi kartana malahan, waxaa la
arki jiray shir shirgudoonka laga dhex doorto balse waa
shirkii u horeeyay ee shirgudoonkiisa ciddii shiraysay
cidaan ahayni dibada ka soo magacawdo!! Arintaas foosha xun
markay dhacday ayaan gabaygan gaaban ee soo socda curiyay:
- Calaw shucaacaad badaha ku miistaa shiday dunidiiye
- Shacbigaad laysay kun iyo shii dhaafye,
- Shan xabo in lagugu dhiftaa bay ahayd amse sheelad
dabadheere,
- Shirgudoon inaad noqotaana waa shaaciro iyo
maadayse,
- Shawahaad baad akhrinaysaa iyo shar iyo duufaane,
- Shir baad sheegaysaa iyo sheeko aan jirine,
- Shayna inaanu ka soo yeerahayn yaan sheegayaa abide,
- Shan boqoloo xigmadlaaway yaa shawrkan loo furaye,
- Shuraakadii isbaarooyinkana gaalku shaqo siiye,
- Shaxdii tigreegu soo dhisaa loo sharaxayaaye,
- Marwooyinka lagu shabaaxtamahayee shaaga lagu
laayey,
- Gamabda iyo shareerka in laga furtaana waaba
shuqulkiine,
- Shaki kii ixtilaalka ka qabayaw shaahid baa tahaye,
- Shaqinimona waa waxaad iskuulada shalay u gayseene,
- Shilimaad baad doonaysaan iyo shihaabkii naareede,
- Shalawgaba waxa soomaali kuriday shiqi amar doona,
- Shaaruba waynaha kufraa sheegtay qarankaane,
- Isticmaar kii ugu liitaa shamilay dhulkaan sharf
kunoolayne,
- Saxiix bay ugu shabsiiyeen shaabadna u mariye,
- Shahaada diidaw diin la,aani waa waxaad tigree ugu
shiribtaaye,
- Afartaas shakeeyaye sidii shiishka ma u tuuray,
- Shabaab dagaalamhayiyo geesi sharaftiis dheh.
- Afar kalana shicir ruma iyo shaahid maragagiis dheh,
- Shirqoolkii gumaystaha wiilyohow adaa sheer dhan ka
idlaystay,
- Shareecda alliyo adaa diinta sheed maraye,
- Xornimodoon shaac baxaad shiiqi leedahaye,
- Shaaz rageedii baa tihiye shaaroon ehelkiise,
- Shamsadoo dharaar joogta yaad sheel is leedahaye,
- Shankaroorto waqay kula helaan wiilashii sheeganaan
jiraye,
- Shuhado nool baa jirtoo aan shakiyahayne,
- Shakaxshakax inaad xamar ku socotaa waa shalay iyo
habaynkeede,
- Shankatooriyaal hurdad shuufay baa jire,
- Madfac shakalnayaa iyo miino shalwinaaba,
- Gobonimo waxay dulshareerantahay shiishka qorigeena,
- Shakadaha xagsada guushii waa shanqaraysaaye,
- Shabeelle iyo Banaadir waa shirada maantaaye,
- Shiilaabo iyo Godayna waa shardi iyo dhaare,
- Shashabane iyo Maqallena waa shahri dabadeede,
- Taariikh aan la shaxaadi karinbaa jirtoo aan shib
oranayne,
- Oo aan shiin iyo nuunka shaqalna dhaafayne,
- Nin waliba wuxuu shaqaystaa loogu shaqafsiine,
- Xagjirnimo diimeed waxay u dhigantaa Mad mullah
Gumaystihii reer galbeedka ee qabsaday caalamka intiisa
badan gaar ahaana dunida muslimka ayaa eraygaan “xagjir
diimeed” curiyay isagoo u arkayay inuu ku ceebayn karo
halgamadii looga soo horjeeday danihiisa guracan, balse run
ahaantii kalmadu waa kalmad sharaf wayn u ah cidii loogu
yeero sababtoo ah diinteena ayaa ina faraysa inaan qur’aanka
iyo sunada gaws danbeedka ku qabsano oo aynu ku mintidno
kuna dhegenaano. Alle ayaa Nabiga (scw) iyo muslimiinta ku
sifeeyay inay yihiin kuwo ku adadag gaalada una naxariis
badan muslimiinta dhexdooda, hadaba yaa ka sharaf badan qof
lagu sifeeyay wixii Alle ku sifeeyay Nabigeeni scw iyo
Asaxaabadii barakaysnayd.
Gumaystihii Ingiriisku wuxuu Sayid Maxamed u bixiyay (Mad
mullah), oo macnaheedu yahay wadaadkii waalnaa. Yuhuuda iyo
reer galbeedkuna waxay ururada gobonimo doonka ah ee
Xisbulaah iyo Xamaas u bixiyeen argagixiso, waxaa iyana
xusid mudan in Yuhuuda iyo reer glabeedku ay ururkii PLO ee
Yaasir Carafaat hogaamiyaha ka ahaa u aqoonsanaayeen urur
argagixiso wixii ka horeeyay heshiiskii Oslo, waliba
ururkaasi wuxuu ahaa urur diinta ka aradan oo aan ahayn urur
diimeed .
Hadaba Sayid Maxamed iyo Daraawiishtii ma waalnaayeen
Ingriiskuse ma fiyoobaa?
Xisbulaah, Xamaas iyo PLO ma ku khaldanaayeen inay
Yuhuuda ka hortagaan oo ay ciidooda ka xoreeyaan. Hadii
jawaabtu sid saxda ah loo dhigo Sayidka iyo daraawiishtu
waxay ahaayeen iftiin gobonimo doona oo kasoo dhex baxay
qaarad madaw oo gumaysi ku habsaday, Ingriisna wuxuu ahaa
gumste xun iyo shar dhib badan oo dunida ku reebay dhamaan
dhibaatad maanta caalamka ka jirta. Waxaan sidoo kale muran
ka taagnayn in Xisbulaah iyo Xamaas ay qaybta ugu wayn ka
qaateen difaacitaanka dhulalka Lubnan iyo Falastiin iyadoo
ururka Xisbulah ka xoreeyay Israa,iil koonfurta Lubnan,
Xamaasna waxayba ku guulaystay inay noqoto dawlad
shacbigeedu ku soo doortay si xor ah.
Gumaysiga waxaa looga adkaan karaa adkaysi iyo karti
dheeraad ah
- Warankayga waxaan u sitaa waa wayaanahe,
- Warqaadiyo weheshadana waan ku wagacsiine,
- Wixii wadadiisamarana waan ka wabaxsiine,
- Waayeelkii iblays wadana waan ku warabsiine,
- Wabiyada jeeray waydaartaana waan ku wadayaaye,
- Waan wayraxoo warasadiisana waa liqahayaaye,
- Waxshiga wadankeena waan ka wadayaaye,
- walaabigana waan wanjalayaa wiilasha tikreeye,
Sida ay ina tusinayso taariikhda u maalmo tirinaysa
haysashada gumaystaha ciida Soomaaliyeed maanta waa
maalintii 229 aad ee gumaysigu gacanta ku hayo magaalada
Muqdisho iyo inta badan gobolda koonfureed ee dhulkeena
hooyo.
Gumayste Xamar yimaada Tigreegu uguma horayn, gumaysidiid
xamar ka hawlgalana Muqaawamadu uguma horayn, Bonagarees
cadawga u soo jaajuusana kooxda Empaghati uguma horayn
Xamar, maalmaha iyo habaynadu waa is gurayaan, waayuhu waa
harka labadiisa galin, xaqa iyo baadilkuna waa loolamayaan,
habka caynkaan ah ayaa dunidu u soo dhisnayd ilaa bilawgii
nolasha Aadanaha, maanta dulmigu ma bilaaban Nabigii alle
soo diray iyo intii rumaysay ayaa guryohoodi gardaro looga
bixiyay iyadoo lagu colaadinayo diinta Islaamka kolkaas ayaa
alle amray inaysan gacmaha laaban ee ay isdifaacaan, xikmada
ka danbaysaana waxay ahayd in la imtixaano oo la ogaado kuwa
jihaadaya ee u samraya jihaadka iyo in si guud ummadaas loo
imtixaano.
- Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye
(csw)
- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye
- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene
Erayadaan ka midka ah gabay uu C/laahi Dhoodaan tiriyay
Qarnigii tagay waxay ku qotamaan xikmad wayn iyo falsafad
qoto dheer oo kasoo burqatay cilmi diini ah iyo Siiro nabwi
ah oo taxan ilaa qiyaami saaca. Run ahaantii xaalada maanta
Soomaali ku jirto waa xaalada ugu xun ee aadanaha soo marta,
waa xaalad gumaysi haysto wadankeena, isagoo waliba laynaya
haweenka, caruurta, culimada, waayeelka, daqaatiirta iyo
inta birmagaydada ah oo dhan, taasoo ah istraatiijiyada
gumaystuhu u yaqaan “Total war” oo macneedu yahay in
shacabka la xasuuqo sida milateriga loolaynayo oo kale si
ummaddaasi aysan u halgamin ee ay isu dhiibto.
Sagaal qarni ayaa laga joogaa markii Salaaxudiin Ayuubi
oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu go,aansaday inuu Baytul Maqdis
ka xoreeyo cadawgii Nasaarada iyo Yuhuuda ee qabsaday
dhulkaas kana sameeyay wax la mid ah waxa maanta Wayaanuhu
ka samaynayaan ciida Soomaliyeed, riyadaas Salaaxudiin Alle
waa ku guuleeyay halgan adag ka dibna Alle subxaanahu
watacaalaa wuxuu gaarsiiyay ujeedkiisi iyo hammigiisi waynaa
kartidiisi iyo geesinimadiisi ayuun Alle muslimiinta sabab
uga dhigay inay dhulkoodi dib u xoraystaan.
Sidaas oo kale ayaa waxaa maanta loo baahanyahay rag iyo
gabdho alle agtiisa sharaf ka hela dunidana taariikh uga
taga oo gumaystaha casharada loo dhigayo qayb ka qaata,
walaalyaal maanta macno inoo samayn mayso badeeco aan ka
beecmushtarnaa, Jaamacado iyo iskuulana waaba meesha cadawgu
bartilmaameedsanayo, masaajidana shiishka cadawga ayaa
dulsaaran, sidaas awgeed ninkii aan maanta ka fekerin sidii
cadawga wadanka looga saari lahaa waa nimaan mufakar ahayn,
walaalayaal waxaa wax laga noxo ah Xamar oo labo malyan oo
gumaysidiid ah ku nooshahay in shan kun oo Wayaane ah iyo
shan dabadhilif ay soo hawsataan oo xasuuq baaxadaas le’eg
ka gaystaan, walaalayaal maanta waxaynu guul ku gaari karnaa
inagoo cadawga u midawna, hadii aynu midnimo samayno hal
maalin baynu cadawga Xamar uga xorayn karnaa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta guul wayn oo lamid ah
tii gobonimodoonkii daraawiishta, SYL iyo SNL soo hooyay
xoogaga mujaahidiinta xaq u dirirka ah ee Somaaliyeed ee ay
horseedka ka yihiin Maxaakiimta Islaamiga ah, ururka
dagaalyahanka ONLF iyo Golaha baarlmaanka xorta ah, waliba
waxaan si gaar ah loo sii hilmaami karin garabka milatriga
ee GMI ee Shabaab oo ah geesiyada naftooda u hibeeyay alle
dartii si ay cadawga ciideena uga saaraan soona bandhigay
xeelad dagaal oo qoto dheer iyo geesinimo taariikhdu xusi
doonto. Waxaa kale oo laga yaabaa in maalin maalmaha ka mid
ah aad artaan magaalda Moqdisho oo loo bixiyay magac ka mid
ah magacyada hogaamiyaasheena halganka gumaysidiidka ah,
sida ay reer Viatnam caasimadoodi Saigon ugu badaleen magaca
hogaamiyahoodi ay jeclaayeen Ho Chi Minh.
- Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e
- Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo
- Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow sheega
- Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
- Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye
- Inaan mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
- Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye
- Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye
- Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega
Cabdi Jaamac
Somalia,
new-s.y.l.@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa