Daabaco
Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri

Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |

Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |

Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |

Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |

Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
Qaar ka mid ah Xukuumadda Prof.Geedi oo Jawaabihii ugu horeeyey ka Bixiyey
su’aalihii Baarlamaanka
iyo Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee
Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadashay dilkii Wariye
Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan
{Baydhabo} Kulankii 14/08/007 ee maanta ay ku yeesheen Xubnaha Baarlamaanka
FKMG Hoolka shirarka oo ay soo xaadireen 139 mudane oo uu shirgudoominayey
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh.aadan Madobe} ayaa waxaa
Jawaabo ka bixiyey Wasiiradii maalmahaan su’aalaha la weydiinayay, kuwaasoo ay
ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda,
Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo Wasiirka Caafimaadka
oo sheley jawaabihii ugu horeeyey bixiyey
Akhristayaal annagoo dhawaanahan idiin soo gubinaynay doodahii ka dhanka ahaa
Xukuumada uu hogaamiyo Prof. Cali Max’ed Geedi iyo su’aalihii ayaan waxaan
idiin soo bandhigaynaa jawaabihii ay bixiyeen qaar ka tirsan Golaha wasiirada
ee u dhego nuglaaday u yeerista Baarlamaanka waxaana idiin soo xulney jawaabihii
ugu muhiimsanaa ee aan u dookhnay iindhaha Akhristiyasheena
ee ku nool daafaha Caalamka, jawaabaha su’aalaha ayaa waxay u dhacayaan sidan
tan:-

Wasiirada oo su'aalaha dhegeysanaya
Xildhibaan Max’ed Cali Shiriye ayaa Su’aalahan hordhigay wasiirada ayaa
waxay yihiin:-
1-Hay’ada Qaramada Midoobay waxay siiyaan wasaarad kasta $40,000 oo dollar oo
looga tala galay dhismaha iyo qorshaynta wasaaradaha, wasaarad kasta waxaa laga
bixiyaa Guriga, qalabka Xafiiska iyo Gaariga uu wato waxaa kaloo mushaaro la
siiyaa Agaasimayaasha Guud, 3-da Agasime waaxeedyada, Darawalada iyo
waardiyaasha marka wasiiradu waxay haka jawaabeen waxay ku qabteen, Dhamaan
wasiirada waxay yiraahdeen waxaan wax ka dhisi wayney awood la’aanta dhaqaale
weyna qariyeen lacagta ay UN-ka bixiyaan waxaan ka sugaynaa saaxiibadayda
wasiirada ah inay noo cadeeyaan lacagta gaareysa 300 oo malyan ilaa 400 boqol ee
malyan oo dalka soo galay?
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo ka jawaabayay Su’aalo
badan oo weydiiyeen Xildhibaanada ayaa yiri:-
“Wasaaradii Gaashaandiga ee Soomaaliaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa degan,
Ciidamada Xoogana waxay xarun ka dhigteen xarunta Villa Baydhabo, Gurigii hore
Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa degan Saraakiisha Ciidamada, wasaaradana
waxaa loo dayac tiray Guriga ku dhegan, qolo Ganacsato ah ayaan ka codsanay
inay noo dayactiraan wasaarada Gaashaandhiga,
Xildhibaan Ibraahim Garabay mudane wasiir Gaashaandhig lacagtii ugu
horeysay ee Puntland laga keeno waxaa la go’aamiyay in 70% in la siiyo
Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed lama siinin xagay lacagta ka baxday? Waxaa
jira sarkaal Beeleedyo oo darajo la siiyay hadaba maxaa u diyaariseen oo
aqoontooda kor looga qaadaayo, Mudane wasiir darajada in la qaato ma xuma
laakiin in aqoonteeda la leeyahay sow ma haboona?
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele:- waxaa jirta ilacag in
debada laga keenay ee uu soo daabacay nin Ganacsade reer Puntland ah oo laga
soo dajayay garoonka Magaalada Baydhabo lana geeyay Xarunta Madaxtooyada
magaalada baydhabo ayaa jirta, xilligaas waxaa laga hogaaminaayay xarunta
madaxtooyada Maadaama aysan xafiisyo jirin, lacagtaas hal bil ayay ahayd
joogto in la siiyo ciidamada inkastoo xilligaas ay xilli dagaal ahayd, waxaana
lagu bixiyay howl galkii Muqdisho ilaa kisaamyo lagu qabtay, markii ay soo
xareeyeen xildhibanada baarlamaanka Ciidamadooda goobjooge kasta wixii darajo
ah oo uu nasiib u helay ayaa la siiyay, ee darajo aan hadabixinay oo aan ugu
tala galnay ma jirto, miisaamiyada qaran ee loo baahan yahay iyo inta sarkaal ee
loo baahan yahay Golaha .
wasiirada ayay ka soo baxysaa, ciidamada waxaan u sameynaa tababaro ka dib
markii ay tababarka ka soo baxaan waxaan u dhibnaa Ragg mas’uuliyada qaadi kara,
sarkaal beeleedkana dadkaas ayuu ka mid yahay ee ma jirto wax gaar ah oo aan ugu
talagalnay,

fadhiga Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo
Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan:- Mudane wasiir waxaad sheegta in 10
Guuto oo ciidamada Xooga dalka aad dhisteen hadana waxaa kale oo aad tiri
Guutada 17-aad oo aadsheegayso maxay tahay?
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele:- Magac ahaan unbay u
jirtaa mooyane tiro ahaan uma jirto.
Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow Mudane wasiir Ma jitaa wax ciidamo ah oo
aad la socoto uruurintooda?
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele:- 10-ka Guuto oo aan
uruurinay ayaan tababareynaa oo dishibiliinkoodii dhisaynaa laakiin hada waa
joojinay oo ma jiro wax ciidamo oo la uruurinayo, arintaas inay jirto iyo in
kale waan daba kaceynaa waana war aad na siisay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye
Wasiirka Arrimaha Debada Xuseen Ceelaabe Faahiye oo isna halkaasi ka
hadlay ayaa ku jawaabay su’aalooyinkii ay weydiinayeen Baarlamaanka wuxuuna
Wasiirku yiri:- “ugu waxa uu ku amaanay in mudanayaasha su’aalaha ay weydiiyeen
Xukuumada wuxuuna ku tilmaamay kuwo wax dhisaya.
wuxuuna u gudbiyey jawaabaha
suaalaha, “Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo gudiga Arimaha debada ee
Baarlamaanka inay nagu koontoroolaan howsheena, sida Axdiga ku qoran safiirada
waxaa magacaaba Madaxweynaha waxayna soo maraan marxalado mid Odayaasha ay soo
xulaan oo kadibna loo gudbiyo Madaxweynaha iyo mid ay Wasiirada ay soo
jeediyaan labadaas ayay soo maraan sidaa ayuuna Madaxweynahu ku magacaabaa,
sidaas awgeed waxaa la soo magacaabay ilaa iyo hada 33- Safiir, safiiradaasi si
loogu helo sharci waxaa la keenay Golaha wasiirada, waxaana hada gacanta ku
haynaa wareegtadii ay ku howl-gali lahaayeen, sida ay u howl galayaan iyo
dalalka ay wakiilka ka noqon doonaan, ee magacaabista safiirada kama imaan
Wasaarada Arimaha dibadda oo keliya ee waxay ka timid 31-ka Wasiir, waxaadna
ogtihiin in dalka ay soo food saartay bur bur aad u weyn mudadii dowlad
la’aanta, xitaa waxa uu saameeyay adeegyadii guud oo aynu ku
la hayn dibadda sida safaaradaha, xitaa waxaa la gaaray in safaaradaha
dalalka Kenya iyo Beljimka ku yiilay la isku dayo in la iibayo, laakiin waxaa
la gatay tan Kenya oo hada weli ay socoto dacwadeedii lalana sugaayo go’aan
Maxkamadeed, Wasaaradu waxay heshiisyo la gasahy dalalka Kenya, Itoobiya,
Jabuuti iyo Yeman dhamaan heshiisyadaasna waa la idiin soo gudbin doonaa.
Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Md, Xuseen Ceelaabe Faahiye, markii uu
warbixinta siinayey Baarlamaanka waxaa uu yiri “Safiirada la magacaabey ma
waafaqsana Nidaamka 4.5-ka, laakiin waxaan ku dadaalidoonaa in nidaamka la
waafajiyo”

fadhiga Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo
Dhinaca kale waxaad moodaa jawaabaha ay bixinayeen Wasiiradda su’aalaha
qaarkood ma ahayn kuwo sidii la rabey ay ugu jawaabayeen, waxaan isku dayidoonaa
hadii Alaha awooda leh uu inoo saamaxo inaan idiin soo gudbino qaar ka mid ah
su’aalaha iyo jawaabaha ay bixiyeen.
Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo
Caruunta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadashay
dilkii Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo
Cali Iimaan.
Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo
Caruunta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa ka hadashay
dilkii Marxuum Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Mid ka mid ah Milkiilayaasha
Idaacada Hornafrik Marxuum Cali Iimaan Shar ma’arke, Waxayna u tacsiyeysay
Qoysaskii ay ka dhasheen labada marxuum iyo Bahda Saxaafada.
Iyadoo arimahaas ka hadleysa ayaa Waxay tiri “ Anigoo ku
hadlaya magaca Gudiga Xuquuqul insaanka Haweenka iyo caruurta, waxaan ka xumahay
Wariyaha sida xun loogu diley Magaalada Muqdisho, waxaana Qoysaskii iyo eheladii
ay ka Geeriyoodeeyn ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, waxaan
keloo tacsi u dirayaa dhamaan Bahda Saxaafada Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan, waxaana ka xumahay inagoo og inaysan qaadan Mushaar u qalma, dhibaato
weyna ay ku qabaan Wadanka gudihiisa in dhibaato loo geysto, ayey tiri
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo hadalkeeda sii wata ayaa intaa ku dartey
Waxaad moodaa in qiimaha Saxaafada aysan dadku wada fahansaneyn, Shacabkuna ma
kaalmeeyo sidey hawshooda u gudan lahaayeen, waayo waxay ifafaalo ka bixiyaan
dhibaatooyinka haysta Shacabka Soomaaliyeed, marka ay tilmaamaan boogahaas waxay
kala kulmaan dhibaato iyaga si gooni u taabata, kuwa xadgudubyada kula kaca
waxaan u sheegeynaa inay ka waantoobaan, waayo Saxaafadu wax bay nagu kordhisaa.
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi oo ka muuqata inay si aad ah
uga xuntahay dilka marxuum Mahad iyo Cali Iimaan ayaa Waxay tri "waxaan Ummada
Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in la ilaaliyo Warbaahinta, cadowga soo hajuumana
laga qabto, loona dhega nuglaalaadaa dadka ka shaqeeya Saxaafada si ay u gutaan
hawshooda, waxaana gef ku ah in la caburiyo Saxaafada, kuwa sida qaladka ah
Saxaafada u adeegsanaya waxaan ka codsanayaa inay ilaaliyaan Amaanka iyo
degenaanshaha Wadanka ayey hadalkeeda ku soo gebagabeysay Xildhibaanad Xaawo
C/llaahi Qayaad”.
Hase ahaatee tan iyo markii Xukuumadu lagu soo dhisay
Nayroobi oo ay u soo guurtey dalka gudihiisa waxaad moodaa in dhibaatooyin aan
la soo koobi Karin ay ku dhacaan Qaybaha kala duwan ee saxaafada, waxaase wax
lala yaabo ah in dilka Wariye Mahad Axmed Cilmi ay isku weydaarsadaan
Mas’uuliyiinta kala duwan ee iska soo horjeeda Soomaaliya oo isku ah Dowlad iyo
Mucaarad iyaga dhexdooda, iyagoon hubsan cida ka dambeysa falkaas foosha xun ee
lagula kacay dad aan waxba galabsan, ama lagana yaabo in ay wax ka og’yihiinba
mana ahan wax la qaadan karo, waayo Qofka wariyaha ah Mas’uuliyada saran waxaa
ugu muhiimsan in waxa ay kala qabaan kuwa iska soo horjeeda la ogeysiiyo
shacabka ama ay isku xirto saxaafada shacabka iyo mas’uuliyiintooda, halka
Caalamka kalena uga soo gudbiso wixii ka dhacay, isagoo hawshaas muhiimka ah
haya in loo geysto dhibaayo.
Arintaan hadii aad u kuurgasho waxaa kuu soo baxaya in
Dowladaha Afrika ee maamulada qaldan ka jira, Warbaahinta ka dhex shaqeysa
waxay kala kulmaan dhibaatooyin, waxayna isweydiintu
tahay Wariyaha Fikirka xun inta badan waa layska qaban karaa ee waxaa dhib ah
sida lagu saxo maamul qaldan!!?.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo
fatxumaalik@hotmail.com.
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
15, 2007


|