Daabaco
Boggan | Print
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA..
Akhri
Banaanbixii
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland....
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota..
Akhri
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK...
Akhri...
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay... Akhri.. |
::FAALLADA TODDOBAADKA:: |
Faallo:
Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa
sidii in Tigree marti looyahay...
Akhri |
::HADALKII MINGISTE 1978:: |
"dagaalka
ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa
gudaha Soomaaliya” Mingiste
1978... Guji... |
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL::: |
Cali
Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar
sabankoodi joogtaye,.. Akhri... |
::MAQAALKII XASAN CARAB:: |
Ma
Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga:
Guri uu Deganaan Jiray
Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri |
:::TACSI::: |
Waxaa tacsi loo dirayaa,
qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon
Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso.
Tacsi |
::TACSI: |
Tacsi: Marxuum
Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye
oo 20kii
May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka
Sweden... Akhri |
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR: |
Jawaab
Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo
Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr.
C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri.. |
:::QORMADII: SACIID FURAA::: |
Ardaydii
Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey
oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri |
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA:: |
Ciise
Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay
Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji |
:::MAGAALADA BORLANGE::: |
Borlänge
& Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda
Soomaalida Borlänge Akhri... |
:::DUBAI - BOOSAASO::: |
Ganacsato
Qoraal ka soo saaray
Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri... |
:::SHIDAALKA PUNTLAND::: |
Puntland iyo Batroolka:
Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
Akhri... |
:::LAASCAANOOD::: |
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee
Laascaanood....
Akhri... |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?...
Akhri |
:::QORMADII FAYSAL CALI::: |
Cadde
Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho,
Hadii la dooran waayo-se maxuu
samayn?... Akhri... |
:::QORMADII WARDHEERE::: |
Xog muhiim u ah Soomaalida
ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka
ee dalbanaya.. Akhri |
:::RAADKA GUMEYSIGA::: |
Gabdhaha
Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen. |
:::MAQAALKII HEEBAAN::: |
Qalin-ku-dirirka
Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin
damac waalan oo... Akhri |
:::DOODII ALJAZEERA::: |
Doodii Dhexmartay:-
Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya
Akhri |
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL:: |
Xaal iyo Raali
galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland
- Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro
Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri... |
::GABAYGII INJ. NABADDOON:: |
NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE
Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri... |
::GABAYGII XASAN GARAAD:: |
Gabay
Cusub: Guuley Allahayow:
Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
Akhri |
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI::: |
Jawaab
celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya...
Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri.. |
:::CALI MAHDI::: |
Cali Mahdi ma
Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!..
Akhri |
:::MAQAALKII C. GUULEED::: |
Somalinimadu
maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa
sannadkii 1990 Akhri |
:::INNAGA iyo XABASHI::: |
Innaga
iyo Xabashi - Qaybta 3aad: Imaam Axmed Guray
(1506– 1542)... Qore: Faisal |
:::ABSHIR BACADLE::: |
Abshir
Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga
weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey
rabaan.. Akhri |
:::MAQAALKII XASAN MIRE::: |
Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: -
Akhri... |
:::BATROOLKA (OIL)::: |
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka:
Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta:
1aad
|
2aad |
3aad |
|
Xukuumada Prof.Geedi oo la Ciir Ciireysa Su’aalooyin Kulul oo Baarlamaanka
uu Huwiyey(qaar ka mid ah Wasiirada oo la weydiiyey su’aalo)
Baarlamaanka DFKMG oo 11-Wasiir u qabtay in ay 48-saacadood ku hor yimaadaan
Baydhabo
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Maxamed Nuur {Sh.Aadan Madowbe} oo
shirgudoominayey kulankii Isniintii [Aug 13] ayaa wuxuu mudo 48 saac u qabtey
11-Wasiir oo kale inay ku yimaadaan Hoolka shirarka Baarlamaanka si wax looga
weydiiyo mudadii ay hawsha hayeen waxa ay qabteen.
Wasiirada loo yeerey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyada, kan Warfaafinta,
Ganacsiga, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Hawlaha Guud iyo kuwo kale ayaa
gudoomiyaha u qabtey mudo 48 saacadood.
Wasiiradii hore su’aalaha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Dastuurka,
Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Dekadaha, Amniga Qaranka, Gaashaandhiga oo u
hadley Kuxigeenka, Arimaha Gudaha oo u hadlay Wasiiru Dowle, Garsoorka oo u
hadley kuxigeenka
Akhristayaal annagoo dhawaanahan idiin soo gubinaynay doodahii la xisaabtanka
Xukuumada Prof. Cali Max’ed Geedi ayaan waxaan idiin soo bandhigaynaa
su’aalooyinkii qaar ka tirsan Golaha Wasiirada la weydiiyey ee u dhego nuglaaday
u yeerista Baarlamaanka, hadii aan idiin soo gudbino Su’aalaha ugu muhiimsan ee
aan u dookhnay iindhaha Akhristiyasha ee ka soo borqaday mudanayaasha
Baarlamaanka ee aadka u careysan ayaa waxay u dhacayaan sidan:-
Xildhibaan Avv. Cumar Subeyr ayaa Su’aalahan hordhigay wasiirada ayaa
waxay yuhiin:-
1- Qodobada Dastuurka inooga qoran ma sheegayaan dowlad hoose laakiin waxay
sheegayaan dowlad goboleedyo iyo maamul goboleedyo marka wax uusan sharciga
qabin Axdigana ku qornayn maxaa loo sameeyay?
2-Gobolada Bay iyo Bakool sida loo dhisay dowlada way ogtahay Axdigana waxaa
ku qoran Gobolada iyo Degmooyinka waxaa dhisanaya dadka deegaanka u dhashay
meesha laga keenay in maamulada Gobolada iyo degmooyinka ay dhisto xagee laga
keenay?
3-Wasaarada Arrimaha Gudaha waxay sheegtay in Ciidamada Booliiska la qaadanayo
ay ku waajibisay in ay hubkooda la yimaadaan marka arintaas sow ma aha mid suuq
madow lagu dhiiro gelinayo?
4-Dastuurka waxaa nooga qoran in Gobolada iyo degmooyinka ay jiraan waxna aan
lagu dari Karin habada siday ku dhacday in degmooyin cusub iyo Gobolo cusub la
magacaabo?
5-Maxaa keenay in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka loo magacaabo dad aan u
dhalan, iyadoo sharciga ay inooga qoran tahay in maamulka iyo degmooyinka
aan mas’uul ka noqon Karin nimaan u dhalan deegaanka, isla markaana la baal
maro sharciga?
5-Wasiir Arrimaha debada waxaan weydiinayaa waxaa jira safaarado iyo qunsuliyado
aan sharci ahayn oo la magacaabay, hadaba sharcigooda yaa sameeyay?
6- Wasiirka ku xigeenka Garsoorka waxaan weydiinaya side nin garsoore ah
sharciga ku sugi karaa isagoon wax mushaar ah qaadan? Ileyn waxaad sheegtay in
shaqaalaha wasaarada aysan wax mushaar qaadan, isla markaana waxay ku jiraan
difaacu nafsi, garsooruhu hadii aan xuquuqdiisa aan la siin waxaa lumaaya nidaam
dowladeedkii jiray hadaba ma dadkay dhacayaan?
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali ayaa isna qaba Su’aalahan:-
1-Qaabka loo magacaabay Safaaradaha iyo Qunsulyadaha ma waafaqsana nidaamka 4.5
waxaana jira beelo loo badiyay siday ku dhacday?
2-Heshiisyada ay la soo gshay wasaarada Arimaha debada caalamka maadaamaay
heshiisyada caalamka ay iyadu u fasaxan tahay maxaan nalooga soo gudbin
waayay?
3-Soomaaliya ma u bisishahay in shidaal soo saarato maadaama ay qaar ka mid ah
wadamada Afrika aritaas oo kale sameeyeen isla markaana ay u keentay dhibaato?
Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi ayaa isna su’aashiisa ku bilaabaya:-
1-waxaan hayaa qorsho howleedka Xukuumada inta hadsahay wasiirada mid aan
shaqaalo ku soo darin ma laha Su’aasha ii taagan waxay tahay dhaqaale waa inoo
yimide halkuu ka baxay?
2-Wasiirka Maaliyadada waa xanuunsan yahay, laakiin midkii ka horeeyey kama
hareyno, wixii na soo galay, waxa naloo balan qaaday iyo lacagta nasoo gashay
qofka ku saxiixan ayaa la rabaa mudane Gudoomiye?.
3-Mudane wasiir Arimo debadeed sideen uga xorownaa Hay’adaha ku hawlan
mucaawinooyinka iyo kuwa International-ka oo maamulanaayo dhaqaalaha Soomaaliya,
iyadoo aan wax koon tarool kulahayn Dowladda, waad aragteen Isbitaalka Baydhabo
qeyb ka mid ah waxaa dhistay WHO lacagtana waxaa dhibtay Jaamacada Carabta
iyaduna waxay usoo gudbisay UNDPOS ka dib ayaa dhismahii la fasaxay, lacagta la
bilaabay iyo waxa galay dhismahaas ayaa laga doonayaa wasiirka Caafimaadka iyo
kan Arimaha Debada inay inoo sheegaan?
4-Wasiirka Arrimaha Gudaha kan Gaashaandhiga waxay inoo sheegeen in Ciidamada
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliiska in Mushaar qaataan wax ka jiro ma
leh ee ha inoo sheegaan waqtiga mushaarka siiyeen?
Xidhibaan Ibraahim Isaaq Max’ed yarow ayaa qaba Weydiimahan:-
1-Wasaarada Arrimaha Gudaha in 73-degmo ay maamul u dhiseen inta dalka uu
leeyahayna wax yar baa ka haray ay xagey kala yimaadeen sharciga ay ku dhiseen?
2-Wasaarada Amniga Qaranka waxaan weydiinayaa Baasaboorka Cusub ee ay samaysay
wasaarada Aminga nidaankii sharciga ma loo mariyay, cida sameysay ee heshiiska
lala galayna sharciga maloo maray?
3-Wasaarada Datuurka & Arrimaha Federalka ma dastuur qoraalkiis miyaa la
idiinka sugayaa misemid Federal oo dowlad goboleedyada lagu dhaqo, mudada 2-sano
iyo barka ilayn waxyaabo badan oo aan la isla fahmin ayaa meesha ku jiree?
Xidhibaan C/raxaan Yuusuf Diiriiye (Indho Buur) ayaa qaba Su’aalahan :-
1-Wasiirka Caafimaadka iyo kan macdanta Biyaha Biyaha wasaqeysan ee xilliyada
Jiilaalka ka dhasha Cudurada shuban Biyoodka maxay ugu tala galeen nadiifinta
biyaha maxay ugu talo galeen nadiifinta biyaha?
2-Wasiirka Arrimaha Debada waxaa su’aalayaa safiiradala magacaabay tiradooda waa
intee, intii hore u joogi jirtay safaaradaha soomaaliya ma loo haya dhaqaale ay
ku soo guraan?
3- Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan su’aalayaa marka degmo la magacaabayo
waxaan la mari jirey hab juquraafi deegaameed, iyadoo la eegayo dadka iyo
dhaqaalaha kuwa hada la magacaabay maxay ku salaysan yihiin?
4-Muqdisho sidee Amaankeeda loo sugi karaa xeerkii gaarka aahaana ma loo
sameeyay?
5-Wasiirka wasaarada waxbarashada in waxbarashada maanta ka jirta uu ruux kasta
manhaj gaar ah la yimid mudadii dowlada la’aanta ma jiraa manhaj mideeya dugsi
hoose ilaa heer jaamacadeed?
6-Wasiirka Dekadaha & Gadiidka Badda waxaan Su’aalayaa waxaan ognahay gaadiid
badan oo ay soomaaliya lahayd oo maqan mala socotaa habkii ay u danbeeyeen?
Dekadahii dalka qaarkood halkii ay ku soo xiran jireen Maraakiibta waxaa ku
degay oo yaala markiib waaweyn oo dagaal isla markaana ay saran yihiin
gantaalahii dagaalka sida looga saari lahaa ma u howl gashay?
Xildhibaan Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir) ayaa isna soo hordhigay masrax
Su’aalahan:-
1-Wasiirada Dekedaha waxaan su’aalayaa dekada muqdisho qalabkii yaalay waxaa
horey ugu qaaday UNISOM waxaana la geeyay Mambasa waxa uuna ahaa qalab lagu
maraakiibta howlahooda ma daba gashay in wax nool yihiin iyo in kale?
2- Wasiirka Aminga iyo Gaashaandhiga waxay leeyiin xiriir wada shaqeyn ah waana
arimo xaasaasi ah, markaan Baarlamaanka dhex joogno wax sir ihi ma jiraan
mudane wasiir debadeed Wasaarada Amaanka iyo tan Difaaca waxaa heshiiska u
saxiixa kan Arrimaha Debada waxaa jiray heshiis Isgaarsiineed oo ay wada
saxiixdeen Kenya iyo Soomaaliya welina Baarlamaanka lama keenin ee kaasi inooga
war bixi, waxaa kaloo jiray heshiis lala galay dowladaha dariska ah ee hada
inala jooga, dhinaca Dekadaha kaasina ma hayno oo
ma inoola keenin ee halkee ayay ku dambeeyaan heshiisyadaas?
3-Heshiiska aan la galno dowladaha dariska waa loo baahan yahan dowlada aan
dariska nahay ee ciidamadeeda jooga waxaad na siisaa mudada go’an ee ay joogaan
iyo gacanta ay idiin siinayaan waa la idiinka rabaa?
4-Wasaarada Gaashaandhiga waxaa su’aalayaa qaabka ay ciidamada aad ku xulataan
ma beel baa, mise kuwii hore ayaad qaadateen, darajada qaabka aad ku bixisaan,
Ciidamada hada inoo joogase ma ku filan yihiin amaan ka dalka?
5-Wasiirka Amniga waxaan su’aalayaa mudane wasiir hay’ada nabada dalka
inaysan ku hoos imaan iyo in kale, ma ka war haysaa maxaabiista la qabtay
xiligii dagaalada iyo sidii lola dhaqamay mudadii dagaalada socdeen, waa inaad
kala cadeysaa in Maxaabiis dagaal yihiin iyo in kale ma dalkaa lagu mise
Debada?
Xubnihii ka hadlay hoolka shirarka Baarlamaanka seddaxdii maalmood aynu ka soo
gudubney oo ay ka mid ahaayeen
Avv.Zubayr, Xildhibaan Mustafa, Xildhibaan C/Raxmaan Indhobuur, Xildhibaan
Maxamed Xasan Fiqi, Xildhibaan Ismaaciil Xasan Maxamuud, Gen.C/raxmaan Maxamed
Cali PBayr}, Avv. Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni boqor), Xildhibaan Cismaan aadan
Dhuubow, Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow
(Dhegdheer), Xildhibaan Cali Cismaan Jidow, Xildhibaan maxamed Cismaan Maye,
Xildhibaan Goonle, Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad, Xildhibaan Cabdi Naasir
Siciid Seef{Cabdi Dheeg}, Xildhibaan Sh, Jaamaca Xaaji Xuseen, Xildhibaan
Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Maxamed Cabdi Cawad iyo Xildhibaan Maxamed
Xuseen Isaaq {Afaraale},Xildhibaan Axmed cabdi (Boorile), Xildhibaan Maxamed
Calli Shire,Xildhibaan Ibraahim Isaaq Caymooy, Xildhibaan Indhogeele,
Xildhibaanad Nasro C/salaan Cali, Xildhibaan Sh.Nuur Cali Aadan, Xildhibaan Dr.
Yuusuf Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Wayrax, Xildhibaan Axmed C/llaahi
Jaamac{Daakir}, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Khayr {Guuraaw}, Xildhibaan Col/
Ibraahim Garabey, Xildhibaan Amiin, Xildhibaan Cali Nuur ayaa waxay intooda
badan weydiiyeen Wasiiradii warbixinta siiyey Baarlamaanka su’aalooyin aad u
culus, halka qaarkood hadaladooda laga dhadhansan karay kuwo u xaglinaya
Xukuumada, halka kuwa kale ay ahaayeen kuwo jeclaa inay hawlo kale ay ka
hadlaan.
Wasiirka Caafimaadka DFKMG Drs. Qamar Aadan Cali “Muqdisho oo keli ah waxaa
ka furan 280 xarumood oo midka ugu yar…”
Wasiirka Caafimaadka DFKMG Drs. Qamar Aadan Cali oo ka warbixisay mudadii ay
xilka qabatey waxyaabihii u qabsoomey, caqabadaha hortaagan iyo qorshe
sanadeedkooda ayaa waxay hadalkeeda kau biwlowdey “ Mudane Gudoomiye iyo
Xildhibaanada sharafta leh, waxaan u istaagey in ka warbixiyo, Wasaaradda
Caafimaadku waa halbowlaha Ummada Soomaaliyeed, iyadu waxay leedahay siyaasada,
laakiin wax qabadka Ummada Soomaaliyeed ayaa laga sugayaa, maadaama caafimaadku
nolosha ay ku jirto, la’aantiisuna waxay saameyn ku yeelataa dhaqaalaha, awooda
dadka xirfadlayaasha iyo dadka wax-barashada u baahan,
marka si loo kobciyo waa in qof kasta dowr weyn ka qaato, Soomaaliya waxay
mareysaa meel ka hooseysa halkii waayadii hore, iyadoo markii hore aysan cago
badneyn, 17-sano kadib waxaa burburey adeegyadii Caafimaad iyo Wax-barshadii
sanad walba la soo saari jirey ee dhinaca caafimaadka oo marka laysku celceliyo
70 dhakhtar la soo saari jirey, markaad ku dhufato 17-sano oo dhakh’tar la’aan
ah waad qiyaasi kartaa in hoos loo socdo, markii ay waayeen kuwii wax yaqaaney
ee dhakhaatiirta ahaa qaab ay wax u qabtaan iyo qalaba oo qaarkoodna dhintey
waa la garankaraa halka Bulshadaas Caafimaadkeed uu marayo,
nalooma dhiibin wasaard dhameystiran ee waxaa naloo dhiibey wax la bilaabayo
waayo Wasaarad aan dhakh’tarkeeda toosnayn, Isbitaalkeeda uu burbursan yahay,
dhaqaaalana aan jirin, waxay arintu taagan tahay sideen wax u bilownaa, waxaana
ka bilownay arimaha Siyaasada, taabogelinta adegyadii guud ee Caafimaadka
degdega , waana xaalad bani’aadaninimo oo taala Bulshada Soomaaliyeed iyo
Caalamka, aduunyadu way ka guurtey qaabkii hore iyo sida looga hortago cudurada,
anagu markii hore Isbitaalada ayaan awooda saari jirnay, intii dowlad la’aanta
dalka ka jirtey adeegii caafimaad waxaa gacnta ku hayey hay’ado caalami ah,
iyagoo ku mahadsan si awooda Wasaaradda iyo hay’adahaas loo hormariyo, waxaan
awooda saarney shuruucda wada shaqeynta iyo qaab dhismeedka Wasaaradda, inagoo
adeegsanayna dadd Xirfad iyo aqoon gaar u leh, Hay’adaha ajnabiga ayaan ka
codsanay intaan is xisaabinayno inay na kaalmeeyeen oo aan awoodeena wax ku
qabsaneyno.
Mar ay ka hadleysay wasiirada waxa u diyaarsan ayaa waxay tiri “inta haykal ee
ee xiriir kala dhexeyn karo wasaaradda sida Isbitaalada, kuwa Daawooyinka keena
iyo NGO,s-yada ayaa inoo diyaarsan qaabkii aan ula xiriiri lahayn, waxaana inoo
qorsheysan qorsho sanadeedka dhaqaale, inagoo u kala qaybinay baahida dhow, tan
dhexe iyo tan kale, waxaa keloo hay’ada WHO nagu soo wareejisay Shaqaalihii hore
ee caafimaadka oo iyada gacanta ku haysay iyo kuwo cusub oo iyada ay tababartey,
marka laga reebo kwa madaxda ah, waxayna bixinaysaa mushaarka shaqaalaha
caafimaadka ee hada u jooga, waxay keloo inoo suurta geliyeen inta Isbitaal ee
dalka ka jita, MCH-yada iyo
T.B Center-yada Gobolada ay ku yaaliin tiradooda, waxyaabaha ay u baahan yihiin
iyo Mobail Team-yada, waxayna warbixintooda ku xuseen goobaha ay ku badan yihiin
iyo goobaha aan lagu aragba oo aan ku oolin wax Isbitaal ah, wasaaradu waxay
wajahdey iyadoo dhaqaalo la’aan ah, ayna ku jirto xaalad adag anigoo ka indho
xirana la ii dhiibay, in dalka uu ka dilaacay shuban biyood oo dadd badan ay ku
le’deen, hadii dalka uu ka jiri lahaa wax qabad la taaban karo waa laga hortagi
lahaa, dal lagu qiyaaso 7-milyan iyo dheeraad oo sanadkiiba marka la qiyaaso 3%
ay ku kordheyso, Caruurta 5-ta sano ka yar, Hooyada umul raacayso iyo kuwa dhiig
la’aanta hayso oo heerkii ugu hooseysay maraya lama qiyaasi karo, kuwa daawo
nadiif ah hela waa 0.5%, marka la fiiriyo Isbitaaladii oo xun, waxtarka daawadii
oo yar, dhakhaatiirtii iyo biyihii oo aan nadiif ahayn waa la garan karaa waxa
ka imaan kara, waxaa intaa dheer dadka jiisaska ah, kuw indhoolayaasha, kuwa
xabad cabsideed soo maray oo maskaxda ka jiran oo dhibaato wey qaba ayaa jira,
siyaasada guud ee Wasaaradu waa mid guud ee waxaa loo baahan yahay inaan ka
fikirno sida kan tuulada jooga caafimaadkiisa loo daryeeli lahaa, islamarkaana
loo tababaro ruux daweeya oo aan maamul ahaan Wasaardda ku xirnayn oo uu ahaado
maamul dad iyo deegaan ku xiran, Gudiga dhakhaatiirta ee aqoon yahanada ah ee ku
harey dalka markaan la shirney, waxaa inoo soo baxay marka laga reebo Somaliland
iyo Puntlad inta joogta waa 120 dhakh’tar ee 11-ka Gobol ee Soomaaliya, Muqdisho
oo keli ah waxaa ka furan 280 xarumood oo midka ugu yar ay joogaan 2- dhakh’tar,
halka kwo kale ay ka badan mraka intaas laysku celceliyo qiyaas ahaan waa 500 oo
dhakh’tar, kuwaasoo aan ahayn dhakh’tar, intaas oo dhakh’tar markii ay dad
qalaan ama duraan iyaduna waxaa ka imaan kara dhibaatadeeda ayey leedahay,
markaan ogaaney Ummada aan mas’uuliyadeeda qaadnay oo intaa dhimanaysa oo
dhaawacmeysa ama uu cudurku haleelayo dhibkeeda ayey leedahay”.
Mar ay ka hadlaysay Qamar Aadan caqabadaha hortaagan wasaarada ayaa waxay tiri
”waxaan ogaaney inuu na maamul qof Nayroobi jooga, waana mid meel ka dhac weyn
ku ah Dowlada iyo baarlamaanka, waana mid fool xumo ku ah, Soomaaliya waxay u
soo diraan qof ama 3 oo aqoonta ay leeyihiin aan la garaneyn, waxay qabanayaan
dowladii inay gacan ku siiyaan ma ogola, dowladihii deeqda bixinaya iyaga ayey
soo marsiinayaan, arintooda ruux Soomaali ah ama wasaarada ah waxba kama oga
waxay hayaan iyo waxay qabanayaan, waxay wax u soo dirsadaan caruur yar yar oo
mid kasta gooni u socdo, si loola xisaabtamo aadan garaneyn ayay hadalkeeda
kusoo gebagebaysay, Wasiiradda Caafimaadka Qamar Aadan iyadoo waliba sii
raacisay in wax badan ay ka tagtey siina doonta gudiga u xilsaaran baarlamaanka.
Wasiirka Waxbarshada iyo Barbaarinta DFKMG Prof. Ismaaciil Max’uud Hurre
(Buubaa) “ tirada caruurta Soomaaliyeed ee waxbarsho la’aanta waa 98%”
Wasiirka Waxbarshada iyo Barbaarinta Prof. Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo
ka mid ahaa wasiiradii ka hadlay Baarlamaanka mooshinkii la xisaabtanka
Xukuumada ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey qaab dhismeedka Wasaarada
Wax-barshada iyo Barbaarinta, shaqaalaha ka hawlgala xiligan, waxyaabihii u
qabsoomey intii uu xilka qabtey, qorshaha mudada dhow iyo dhibaatooyinka ugu
waaweyn ee hortaagan ayaa isagoo ka hadlaya wuxuu warbixitiisa ku bilaabay
sidan:-
=Qaab-dhismeedka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta
Hadda ay ku howlgasho waa sida hoos ku xusan:-
1-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
2-Agaasimaha Guud
3-Agaasimaha horumarinta manaahijta iyo tababarka
4-Agaasimaha waaxda dhismaha iyo adeegga guud
5-Kormeerka guud
6-Agaasimaha waxbarashada Haweenka.
= Shaqaalaha Wasaaradda ka howlgala wakhti-xaadirka ah waa:
1) Agaasimayaal =5
2) Kormeerayaal=3
3) Xoghayn =2
4) Shaqaalaha hoose =4
Wadarta guud = 14
= Waxyaabaha u qabsoomay W/WB waxaa ka mid ah:
a) Magacaabida Agaasimayaasha waaxyaha
b) Magacaabida Gudoomiyaasha waxbarashada Gobolada, Degmooyinka, iyo
kormeerayaasha Gobolada kala ah: Bay, Bakool, Gedo, J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose,
Sh/dhexe,Hiiran, iyo G/galduud
c) Kormeer iyo xog ururin laba jeer (2) lagu soo kala bixiyay Gobolada kala
ah:- Bay, Bakool, Gedo, J/dhexe, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiran.
d) WBW waxay si firfircoon ula fulisay Hay’adda UNICEF Xog ururinta
Waxbarashada Aasaasiga ah ee sanad dugsiyeed kii 2006-2007(primary school
survey) taas oo laga kasbaday tiro koob run ah
e) W/W/B waxay la kulantay Dalladaha waxbarashada ee dalka, waxaana la isku
waafaqay in ay ku dhaqmaan siyaasada wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta,
iyadoo laba jeer loogu tegay goobahooda.
f) W/W/B waxay diyaarisay Xeer-ka waxbarashada (Education Act) oo dhawaan
Baarlamaanka la hor geyn doono.
g) W/W/B waxay ku gudo jirtaa diyaarinta siyaasadda waxbarashada iyo
Barbaarinta (Education policy).
= Qorshaha WBW ee mudada dhow waa:
a) W/W/B waxay ku tala jirtaa in ay dhowaan Muqdisho u guurto.
b) Xaqiijinta goobaha dugsiyada ay ku yaaliin (school mapping) iyadoo la
daryeelayo dadka saboolka ah ee aan awoodin in ay ubadkooda waxbarasho u helaan.
c) Xulashada iyo tababarka macalimiinta
d) Dhameystirka Agaasimayaasha waaxyaha dhiman
e) 6 Hay’adaha wada shaqeynta la leh WWB waxaa ka mid ah:
· UNICEF waxaa ay la shaqeysaa WBW hay’ada UNICEF oo kaliya. Iyadoo ay jiraan
in ka badan 50 hay’adood oo sheegta inay ku howlan yihiin waxbarashada
soomaaliya oo aan ka diiwaan gashaneyn dowlada Soomaaliyeed.
7) Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee W/B/W hortaagan:
a) Shaqaalaha W/W/B (Maamulka, Macalimiin, iyo shaqaalaha hoose) oo aan
mushahaar qaadan.
b)
Dugsiyada iyo xafiisyada dowladda oo burbursan taas oo sababtay in ubadkii
qoysaska saboolka ah ay waxbarsho waayaan, kuwaasoo ah 98% tirada caruurta
Soomaaliyeed.
c) Xafiisyada W/W/B ee Gobalada iyo Degmooyinka oo aan lahayn qalabka
adeega sida: kuraas, miisas, iyo kumbuutaro.
d) Gaadiid la’aan.
e) Qalabka adeega isgaarsiinta ee Wasaaradda.
Wasiirka wax-barashada Prof. Ismaaciil Maxamuud Hure {Buubaa} wuxuu ka codsaday
Golaha xukuumada iyo Golaha wakiilada in aysan ka yaraan miisaaniyada loo
qorsheynayo Wasaarada Wax-barashada iyo Barbaarinta 25% madaama loo
aqoonsanyahay in ay tahay Hooyada horumarka iyo daganaanshaha dalka
akh-ristaha sharafta leh la soco qaybaha kale ee muhiim ah....
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
13, 2007
|