Gabre: Qorigaa ka Awood Badan Qowlka (Saxaafadda)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Marka hore waxaan uga tacsiyadeynayaa ehelladii, qaraabadii
iyo dadweynihii dhegeysanjirayba - dilalka loo geystay suxifi
Mahad Axmed Cilmi iyo agaasimaha shirkadda warbaahinta ee
Hornafrik, Cali Iimaan Sharmaake. Waxaan leeyahay Ilaahay
iyagana jannadii ha geliyo sidoo kalana ehelladoodii iyo
qaraabadoodii samir iyo iimmaan haka siiyo.
Tigreegu waxay la soo baxeen tab iyo xeelad sare iyagoo
dhiifoon oo meel dheer wax ka eegaya halka ummadda Soomaaliyeed
ay badankeedu noqotay xuunsho. Dib ugu noqo sheeko-xariirtii
tukaha iyo xuunshada! Imisa jeer baa qowsaarada Tigreega ay
albaabada u laabeen idaacadaha Muqdisho? Imisa jeer baa
suxufiyiin la xiray? Meeqa jeer baa suxufiyiin la dhaawacay ama
la jirdilay? Waxaa ugu dambeeyey in maalmo ka hor uu xafiiska
maxmiyadda Itoobiya ee Soomaaliya (safaaradda) soo saaray dacwo
ka dhan ah idaacadda Shabelle. Intaas oo dhan kaddib ayaad
waxaad mooddaa in Zenawi warqad u soo qoray Gabre isagoo xusaya
maahmaahyihii uu bartay markuu Ingiriiska joogay: “ he who pays
the piper calls the tune”. Maahmaahdaasi waxay sheegeysaa qofkii
lacagta mashruuc bixiya in isagu koontaroolo sida loo
qarashgareynayo. Haddii oraahdaas ay Tigreegu u isticmaalaan
warbaahinta waxay keeneysaa inaan wariyaasha keliya la
waxyeelayne ee sidoo kale xoogga la saaro cidda leh idaacadaha
ama maalgelisa.
Weli ma hubo cidda dishay nimankaas laakiin waxaan Itoobiya
iyo qowsaaradeeda ku eedeynayaa waa iyagoo waddankii oo dhan
qabsaday sidoo kalana dilay dad badan oo leh culumo, dumar iyo
carruur, odayaal, aqoonyahanno iyo dhallinyaro badan.
Maxaa weriye Mahad lagu galay? Waxaan aamminsanahay inuu
eersaday barnaamijyo qiimo badnaa oo uu ka daadihinjiray
idaacadda “Capital Voice” oo ka mid ahayd shirkadda warbaahinta
ee Hornafrik. Barnaamijyada uu weriyahaas sii deynjiray oo kale
ayaa yar inaad ka maqashid ama ka dhegeysatid warbaahinta
adduunka. Waxaan dhegeysan jiray barnaamijkaas waaqii ay jirtay
abaartii, daadadkii iyo dagaalkii Ashahaado-la-dirirka iyo
maxaakiimta ku dhexmaray Xamar. Weriyahaasi wuxuu ka
warramijiray daruufta adag ee heysatay danyarta iyo qaxootigii
degennaa Xamar. Taasi waxay keentay in dad badan oo qurbaha
jooga oo ku taxnaa barnaamijyadaas ay deeqo dhaqaale ah usoo
dirijireen dadka ku tabaaleysnaa Xamar. Waxaan aad ula dhacay
markii nin xoogaa madaxa looga jiray (sida dadku dhihi jireen)
oo qashinka ka aruurin jiray Tarabuunka, Isbitaalkii Xoogga iyo
meelaha u dhowdhow ay mar qolo shufto ahi ku dhaawaceen aaggaas
ayaa hal mar saxaafadda Xamar oo ugu horreeyo Mahad iyo
saaxiibadiis waxay aad u weyneeyeen arrintaas ilaa la helay
Soomaali badan oo qurbaha joogta oo ka damqatay arrintaas una
soo diray lacag ninkaas si loo daweeyo. Waxaa intaas dheer wuxuu
wariyahaas iyo saaxiibadiis ay kaalin wax-ku-ool ah ka qaateen
tebinta iyo caawinta dababkii badnaa ee qabsaday xeryo dad
qaxooti ahi ku jireen.
Ma kula tahay in qof Zenawi oo kale ah oo caqligiisii u
isticmaalay la dagaalanka diinta Ilaahay iyo waxyeelada
Soomaalida inuu moogyahay kaalinta saxaafaddu ku leedahay
bushada? Ma u maleyneysaa in Zenawi hilmaansanyahay maahmaahda
kale ee Ingiriis ah: “the pen is mightier than the sword”? Kaaga
darane, Zenawi wuxuu yaqaan dhiggeeda oo Soomaali ah. Zenawi
wuxuu aamminsanyahay in gebyaagii Soomaaliyeed soo dhoweeyey
oraahdaas, Soomaali ahaanna yiri:
- afku wuxuu la xoogyahay magliga xowda kaa jara e
Lama rabin in gebyaagu uu simo afka iyo seefta ee waxaa la
rabay inuu dhaho hadalka ka xoog badan seefta. Waxaa la rabaa in
la fahmo in qalinka dadyowga kale sheegaan uu bedelkiis
Soomaaliya u yahay qowlka. Inkastoo la qoray afsoomaaliga 35
sano ka hor, inkastoo la helay internet iyo adeegyo kale oo
qoraalka la isagu gudbiyo laakiin weli hadalkaa uga horreeya
ummadda Soomaaliya qoraalka. Sidee loo dhegeysaa British
Broadcasting Corporation? Sidee dadka ka soo horjeeda laanta
Afsoomaaligu uga xanaaqaan BBC-da?
Ma u maleyneysaan in Ashahaado-la-dirikii oo Xamar xukuma
moogyihiin kaalintii idaacadaha Xamar qaarkood ka qaateen
kicinta shacabka?Boqollaal qoraal oon internetka ku qoray oo dad
badan akhristeen waxaa ka xoog badnaaday dhowr jeer oon ka
hadlay idaacado. Maalin aan wareysi siiyey idaacadda Hornafrik
anoo ka hadlaya in macdanta iyo shidaalka laga baarayo Puntland
ay tahay sharcidarro kana baqsanaa in sun iyo belaayo lagu duugo
ayaa waxaa la ii sheegay in wasiir jooga Puntland uu la soo
xiriiray weriyihii oo yiri: war ninyahow ninkaas naga qabta oo
ha nagu soo deynina hadalkiisa! Wasiirkaas la sheegayo mar uu
cilda’ joogay raalli buu ka ahaa qoraalladeyda maaddaama ay ku
socdeen nin ay iska soo horjeedeen laakiin hadda wuu dhibsaday!
Weliba wasiirkaas kuma shaqo lahayn macdan iyo wax la xiriira.
Marka qofkii raba inuu shacabka Soomaaliyeed oo cadowgu isku
celceshay wacyegeliyo waa inuu xoogga ugu weyn saaraa hadalka
ileyn dadka intiisa badan wax ma akhriyaan oo waa hadal-ku-nool.
Waxaan kaloo markhaati ka ahay in idaacadaha xaafadaha
Soomaaliya ku yaal iyo tan ay leeyihiin waddamada kale aan la
simi karin. Wixii dalkaaga kuugu yaal si kasta ood u kala aragti
duwantihiin waxaa dhici karta iney xeeriyaan waxyaabo badan sida
qabiil, saaxiibtinimo, isku-xaafad degenaan hore iyo macruufo
kale iyo iney kaa xishoodaan laakiin midda laga leeyahay waddamo
kale waxaa jira carqalado badan oo haddii mid la dhaafo aan la
dhaafi karin kuwo kale. Dad badan bey la tahay in laanta
Afsoomaaliga ee BBC-du la jirtay maxaakiimta! Horay baa
qorayaasha qaarkood u sheegeen inaan arrintaas wax ka jirin.
Haddii shaqaalaha qaarkood lagu heysto qaab qabiil haddee
ciddaan adiga ku rabani, wixii dhib kuu keenaya, dhib ma u
aragtaa? Dadka ay aad u buunbuuniyaan oo ay laanta Afsoomaaligu
ka dambeyso ma yihiin kuwo wadaadnimo iyo diin shuqul ku leh?
Marka iyadoo la eegayo qof qabiilkiis in la iska indhosaabo
xaqiiqda jirta waa doqonnimo. Shisheeyuhu iyagaa kaa badsha
shaqaalahooda. Marka qofkaan Tigree taageerin micnaheedu maaha
waa wadaad ama wadaadduu la jiraa!
Maaddaama uu mar horaba Zenawi gacanta ku dhigay Somaliland
iyo Puntland ayaan waxaan sanado badan u ol’oleynayey inuusan
qabsan Xamar iyo Koonfurta Soomaaliyeed. Waxaan aad u rabay in
baarlammaanku kala jabnaado anoo ka cararayey haddey meel isagu
tagaan iney saxiixaan in Itoobiya waddanka soo gesho. Waxaan aad
u diidey in xildhibaannadu isagu tagaan Baydhabo iyadoo dad
badan i dhaheen waxaad ka soo horjeeddaa nabadda! Qaar kale
waxay dhaheen waxaad la jirtaa dagaaloogayaashii Xamar xaaraanta
ku heystay! Kala-qeybsanaanta aan u rabay xildhibaannada ayey
iskaga qaateen inaan la jiro kuwa aan lahaa arka Tigreega. Marka
dadkeenna Soomaaliyeed inteenna badan waxaan ka qeybqaadannay
burburka waddanka. Marka hadda ma joogto waqti calaacal ee
diyaar ma u nahay inaan gumeysiga hal meel uga soo wada
jeesanno? Mise weli qabiilkii baa wax noogu hareen?
Gabyaagu markuu lahaa: afku wuxuu la xoogyahay maqliga xowda kaa
jara ama dheh qowlkaa ka awood badan qoriga waa markii qofka
hadal-yaqaanka ahi leeyahay shacab u dhego waddan/nugul sida
raggii gebyi jiray ee Soomaaliyeed loo maqli jiray oo saameyn u
lahaayeen. Haddii shacabku xuunsho noqdo sida hadda Soomaalidu
ku sugantahay waxay arrinta u ekaaneysaa habar dugaag oo kii
xoog badan baa tiisu socotaa mana la maqlayo hadalka waxgaradka.
Markaasna waxaa guuleysana Zenawi oo leh: qorigaa ka xoog badan
qowlka. Marka qofkii u qaba inta qaddiyad weyn ka hadlo ama wax
ka qoro in Zenawi iyo cadowga kale ay faraha ka qaadayaan waa
qof aan garaneyn sunada Ilaahay. Marka dhibka lagu hayo
saxaafadda kuma ekaan doono Mahad iyo Cali ee wuu socon doonaa.
Markii suxufiyiintu ku aamusiwaayeen jirdilkii iyo idaacadihii
laga xirayey ayey Zenawi iyo cawaantiisu bilaabeen iney maalin
cad ku toogtaan idaacadaha hortooda. Inkastoo idaacadaha Xamar
baroordiiq sameeyeen haddana waxaa jira kuwo weli u xagliya
Xabashida iyo waxa taageera. Marka waa waqtigii ummadda
Soomaaliyeed meel uga soo jeesanlahayd Tigreega iyo waxa
taageera. Waxaan aamminsanahay haddaan run sheegno in hadal ka
soo go’ay kal xaaran uu saameyn weyn ku yeelan karo ka xoreynta
Soomaaliya gumeysiga ku habsaday. Inkastoo wariyayaasha ka hor,
Xabashidu ay aamusisay imaamyadii masaajidda, waxaa dhibaato
joogtaa oo belo kasii daran dhaceysaa markii dadka masaajidyada
ka addima la aamusiyo.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Mar Dr
Gabboose oo kalaa Xabsi la Geshaa.. Akhri..