- Qarax ka dhacay Isgoosyka Black Sea oo askari ku dhaawacmay.
- Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo bayaan kasoo saaray dilalkii ka
dhanka ahaa masuuliyiinta shirkada Warbaahinta Horn Afrik.
- Sheekh Shariif iyo Geedi oo labada dhinacba isku eedeeyay dilka
howl-wadeenadii HornAfrik kooxo Argagaxiso.
- Maamulka G/Banaadir oo sheegay in labo qof loo soo qabtay dilkii
Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi.
- Agaasimahii HornAfrik Marxuum Cali Iimaan Sharmaarke oo Axaddii
la aasay
Qarax ka dhacay Isgoosyka Black Sea oo askari ku dhaawacmay.
Qarax xoogan ayaa Axadii ka dhacay isgoyska Black Sea ee magaalada
Muqdisho halkaaso ay ku dhaawacmeen dad ay uu ku jiray askari ka tirsan
ciidamada booliska Dowlada KMG ah ee Somalia.
Qaraxaan ayaa dhacay duhurnimadii Axadda xili halkaasi ciidamad
booliska Dowlada Federaalka Somalai ay ka sameynayeen howlo baaritaano
ah.
Maxamed Deeq Cali Gaab oo kamid ah ganacsatada isgoyska Black Sea
ayaa qadka telefoonka iigu sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen
qaraxaasi oo uu kamid ahaa askari ka tirsan booliska Dowlada KMG ah ee
Somalia.
Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay in qaraxaan uu ahaa bam gacmeed
lagu tuuray goob ay baarayeen ciidamada booliska Dowlada KMG ah ee
Somalia, waxuuna sheegay in qasaaro uu soo gaaray goobihii ganacsiga ee
u dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Max’ed Deeq waxa uu sidoo kale xusay inaysan manta dhicin in
ciidamada booliska Dowlada KMG ah ee rasaas furaan taasoo maalmihii ugu
dambeeyay Muqdisho ay caado u noqotay isla markaana ay qasaaro kasoo
gaari jireen dadweynaha shacabka ah ee u dhow goobaha qaraxyada ka
dhacaan.
Kadib markii uu qaraxaasi dhacay ayaa ciidamada booliska Dowlada KMG
ah ee Somalia bilaabeen baaritaano ay ku sameynayaan goobaha u dhow dhow
halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo wararkana ay sheegayaan inay qabteen
dad u badan haween iyo dhalinyaro oo u dhawaa halkaasi.
Taliyaha ciidamada booliska saldhiga Howl-wadaag Cali Gaab oo qadka
telefoonka aan kula xiriiray kadib markii qaraxaasi uu dhacay kadib ayaa
ii xaqiijiyay in hal askari uu dhaawacmay isla markaana ay jiraan
qasaaro soo gaaray dadweynihii u dhawaa goobta.
Isku soo duuboo, maalmihii ugu dambeeyay ayaa Muqdisho waxaa caado ka
noqday qaraxyada lala eeganayo ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka
ee caasimada ku sugan, iyadoo inta badan qaraxyadaasi ay qasaaro lixaad
leh kasoo gaaraan shacabka aan waxba galan ee ku dhaqan caasimada.
Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo bayaan kasoo saaray dilalkii ka dhanka
ahaa masuuliyiinta shirkada Warbaahinta Horn Afrik.
Bayaan ay soo saareen dhaq dhaqaaha Al-shabaab ee ka tirsanaa
Maxkamadihii Islaamiga ayay ku eedeeyeen dilkii Marxuumada Cali Iimaan
Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi inay ka dambeeyeen Dowlada Federaalka
Somalia.
Dhaq-dhaqaaqa ayaa sidoo kale sheegay in ragaan loo dilay markii la
arki waayay runta ay ka sheegayaan xaqiiqda Muqdisho taala, taasina ay
ciidamada Dowlada sida ay sheegeen u qaarjiyeen.
Bayaanka kooxdu ay soo dhigtay Barta Internet-ka ayay ku sheegtay in
aysan qaadeyn masuuliyadda falalkii lagu dilay Marxuum Mahad Axmed Cilmi
oo ahaa agaasimihii Idaacadda Capital Voice iyo agaasimihii Idaacadda
Horn Afrik Cali Imaan Sharmaarke.
“Al-shabaab marnaba kama dambeyso dilka mas’uuliyiintaa, al-shabaab
lagama yaabo inay disho cid dalka iyo diinta u adeegeysa labadaasi qofna
waxey ahaayeen mujaahidiin naftooda u waayay difaaca dalkooda” ayay ku
dhaheen bayaankooda.
Al-Shabaab waxaa ay ku sheegtay bayaanka in laba ula jeedo ay ka
danbeyso falalkaasi oo midkood ah in shacbiga Somaliyeed laga afduubo
goobta warbaahinta ah ee ay ka helaan dhibaatooyinka gumeysiga iyo daba
dhilifkiisa ay ka geystaan dalka si dadku ay u noqdaan kuwo ka indha la'
dhacdooyinka.
Waxaa midka labaad ay ku sheegtay kooxdu in uu yahay sumcad xumeynta
Muqaawamada hubeysan ee kasoo horjeeda Tigreeda iyo Kooxda C/laahi
Yuusuf ee la shaqeysa sida hadalka ay u dhigeen,si shacabka looga dhigo
in xoogaga wax iska caabinta ay dadka iska laayaan.
Si kastaba, dilka loo geystay labadaan mas’uul ee warbaahinta
Muqdisho ka howlgali jireen ayaa waxa ay kusoo beegmeysa xili Saxaafada
Muqdisho ay ku shaqeyneyso oo ay dhaxda ka heysato xarig labada dhinac
ka gubanaya, iyadoo manta magaalooyinka dalka iyo dibadaha u kala
firiraya wariyaashii ugu caansanaa ee Muqdisho ka howl-gali jireen
kuwaasoo naftooda la cabsaday.
Sheekh Shariif iyo Geedi oo labada dhinacba isku eedeeyay dilka
howl-wadeenadii HornAfrik kooxo Argagaxiso.
Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Prof. Cali Maxamed
Geedi ayaa ka hadlay dilkii naxariis darada ahaa ee shalay loo geystay
Agaasimaha Idaacada HornAfrik Cali Iimaan Sharmaarke iyo Wariye Mahad
Axmed Cilmi.
Geedi ayaa yiri “Guulo Hordhac ah ayaa laga gaaray baaritaanada ku
soconaya kuwii bahda warbaahinta laayay ,waxaana muuqanaya ku lug
lahaasho argagixisanimo”.
Ra’iisul-wasaaraha waxa uu sheegay in ragaasi ay dileen kooxo uu ugu
yeeray Argagaxiso caalami ah, isagoo sheegay beeniyay inay dowladiisa ka
dambeyso dilka labadaasi mas’uul.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay dilka labadaasi mas’uul
dowlada Federaalka iyo saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho
jooga.
Sheekha waxa uu sheegay inuu aad ugu naxay marka uu maqlay dilka
labadaasi mas’uul oo dalka iyo diinta wax tar u lahaa.
“Marnaba lagama yaabo Maxkamadaha Islaamiga inay ka dambeeyaan dilka
labadaan mas’uul, Maxkamadaha ma dilaan dadka dalka iyo diinta u
shaqeeya ee cadowga ayay bartilmaameedsadaan” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Agaasimaha nool ee Hornafrik Axmed Cabdi Salan waxaa uu Muqdisho
isaga cararay laba todobaad ka hor, kadib markii ay hanjabaado badan
kula kaceen Xoogaga Shabaabka, waxaana loogu hanjabay inuu la shaqeeyo
waxa ay ugu yeeraan Cadawga dalka.
Si kastaba, Saxaafada Muqdisho ayaa manta bilaabay inay
boorsooyinkooda kasoo xirxirtaan magaalada Muqdisho iyadoo magaalada
Hargeysa ay soo gaareen dhowr saxafi oo caan ka ah gudaha Muqdisho
kuwaaso sheegay inay naftooda lasoo baxsadeen.
Maamulka G/Banaadir oo sheegay in labo qof loo soo qabtay dilkii
Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi.
Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali ayaa ii
xaqiijiyay in ciidamada booliska gobalka Banaadir ay gacanta kusoo
dhigeen labo qof oo lagu tuhumsan yahay inay ka dambeeyaan dilkii foosha
xumaa ee shalay loo geystay howl-wadeenadii Idaacada HornAfrik Allaha u
naxariiste Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi.
Cali Muxyadiin waxa uu sheegay in labadaan qof ay ciidamada sirdoonka
gobalka Banaadir ay ogaadeen inay ka dambeeyaaan falkaasi kadibna lasoo
qabtay iyagoo ku dhuumanaya guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee
G/banaadir.
Afhayeenka waxa uu sheegay in ragaani lagu hayo xabsi isla markaana
su’aalo ay warsanayaan sirdoonka Dowlada KMG ah ee Somalia, isla
markaana marka lagu cadeeyo dambigooda lasoo hortaagi doono sharciga si
loo waafajiyo waxii ay galabsadeen.
“Maamulka Gobalka Banaadir mar kasta waxa uu u taagan yahay inuu wax
ka qabto xaalada ammaan xumo ee magaalada, tanina waa guul aan gaarney
dhawaan Saxaafada ayaa loo soo bandhigi doonaa ragaan la hayo marka uu
dambiga ku cadaado” ayuu yiri Max’ed Muxyadiin Cali Afhayeenka gobalka
Banaadir.
Shalay ayay aheyd markii dilkii loo geystay Wariye Mahad Axmed Cilmi
oo ahaa agaasimahada Idaacada Capital Voice oo hoos tagta HornAfrik isla
markaana qarax miino lala beegsaday Milkiilihii Idaacada HornAfrik Cali
Iimaan Sharmaarke.
Agaasimahii HornAfrik Marxuum Cali Iimaan Sharmaarke oo Axaddii la
aasay iyo Idaacada Muqdisho oo dib usoo howl-galay.
Meydka Agaasihimii HornAfrik Marxuum Cali Iimaan Sharmaarke ayaa
manta lagu aasay qabuuraha Taree Disho ee duleedka magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qeyb galay
Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia, Madaxda
iyo Wariyaasha Warbaahinada Muqdisho, Culumaa’udiin,Aqoonyahano,
Ganacsato, Haween, Caruur iyo dhaman qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay aaska ay ka mid ahaayeen Wasiirka
cadaaladda DF Xasan Dhimbil, Wasiirka gaadiidka Max'ed Ibraahim
Xaasabde, Taliyaha ciidamada booliska Somalia Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan
Xaaf iyo mas’uuliyiin oo aad u fara badan.
Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay aaska Marxuumka ayaa wajigooda waxaa
ka muuqday murugo lixaad leh, iyagoo Alle ugu wada baryay inuu Janatul
Fardows galiyo.
Shalay ayay aheyd markii Marxuum Cali Iimaan Shar ma'arke, uu ku
geeriyooday, kadib markii qarax ka dhashay Miino, lala beegsaday Gaari
uu la socday.
Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jirto
idaacadda Shabelle ayaa dib u bilaabay howlahooda shaqo waxyar ka dib
markii uu dhacay aaska alaha u naxariistee Agaasimihii idaacadda
HornAfrik Marxuum Cali Iimaan Sharmaarke.
Dib u howl-galidda idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay ka
dib markii saakay duleedka magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cali
Iimaan, iyadoo idaacadaha ay aamusnaayeen muddo ku dhow 22 saacadood,
iyagoo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilalka loo geystay
Mas’uuliyiinta idaacadaha HonAfrik iyo Capital
Warbaahinada Muqdisho ayaa
intooda badan saakay aamusnaayeen iyadoo hawada saakay lagu arkay
idaacadaha Simba, Banaadir iyo Qur’aanka Kariimka ayaa manta howlahoodii
warbaahineed dib u bilaabay, halka Idaacadaha Shabelle, Horn Afrik,
Capital Voice, Somaliweyn iyo kuwo kale ay iyaguna weli aamusan yihiin.
Abdifitahaam Ahmed
Hargeysa – Somaliland
Email:
abdifitahaam@gmail.com