Golaha dhaqanka Beesha Hawiye oo cambaareeyey
falkii foosha xumaa ee lagu weriayaasha [cali iimaan sharmarke iyo
wariye mahad axmed cilmi]
Ref G/DH&MBH0023 Date 12/08/2007
War saxaafadeed
shir ay isugu yimaadeen golaha dhaqanka iyo
midnimada hawiye maanta oo ay taariikhdu tahay
12/08/2007 shirkaasoo aykaga hadleen dhacdooyinkii
ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladan muqdisho waxayna ka soo saareen
baaqan:
1.goluhu waxa uu cambaaraynayaa falkii foosha
xumaa ee lagu dilay madaxii shirkada war baahinta horn afrik cali
iimaan sharmarke iyo wariye mahad axmed cilmi kaasoo goluhu u arko in uu
yahay fal lagula kacay rag aan waxaba galabsan
2.sidoo kale wuxuu golaha dhaqanka iyo midnimada
beelaha hawiye uga tacsiyeeynayaa ehelada iyo shacabka soomaaliyeed
geeridaa naxdinta leh isagoo allaah oga baryaya in uu naxariisto
3.goluhu waxa uu guud ahaan cambaaraynayaa xariga
iyo dilka joogtada ah ee lagu hayo saxaafada xorta ah taasoo uu goluhu
u arko in lagu aamusinayo warbaahinta xorta ah ee u taagan in ay tabiso
dhibaatoyinka dhabta ah ee loo geysanayo shacabkan tabaalaysan
4.ugu dambayn goluhu wuxuu usoo jeedinayaa
warbaahinta xorta ah in ay adkaysataan una dhabar adaygaan dhibaatada
adag ee ay ku shaqaynayaan ayna sii wadaan u adeegidda shacabka
Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri...
Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada hawiye
Maxamed
Xasan Xaad
warkaa saxaafada
waxaa u aqriyey salaad macalin ( salaad barwaaqo )
salaad macalin
sidoo kale waxaa iyane halkaa loogu qeybiyey
saxaafada qoraalkaan
ku Beesha Caalamka
KU contacte grub
Ku Amisoom
Aragtida G.Dh.& M.H. iyo xal u helidda arimaha
Soomaaliya & kan gobolka Banaadir
G.Dh.& M.H waa gole dhaqan ee ma aha gole
siyaasadeed
G.Dh.& M.H waa gole ka shaqeeya arimaha nabadda
iyo dib u heshiisiinta
G.Dh.& M.H waxay ka shaqeeyaan arimaha
dhaqanka,deris wanaagga iyo xallinta khilaafaadka
Golaha Dhaqanka & Midnimada Hawiye waa gole wadani
ah una taagan sidii shacabka somaaliyeed uga bixi lahayeen
dhibaatooyinka mudada dheer ragaadiyey
1.marxaladaha uu soo maray gobolka banadir
Gobolka banaadir waa gobolka ugu muhiimsan ,uguna
dad badan dhammaan gobolada dalka, wuxuuna ka kooban yahay 16 degmo,
islla markana waa caasimada dalka.
Gobolkaan wuxuu soo maray dagaalo badan, sida kii
dhex maray Maxamed Siyaad Bare iyo jabhadaha, kii jabhadaha dhexdooda
,kii qabiilloyinka gudohooda ,iyo kii 18/02/2006-9/07/2006 una dhexeeyey
ururkii la magac baxay "soo clinta nabadda iyo la dagaalanka
agixisada"iyo"Maxkamaha Islaaamiga ah"ugu dabeyntii waxaa gacanta ku
dhigay gobolada kofureed maxkamadihii kuwaasoo soo celiyey nabadii iyo
kala dabeyntii tasoo shacabka gobolka banaadir ku diirsadeen muddo lix
bilood ah ,Hase ahaatee; waxaa dagaal kusoo qaaday dalka- gar ahaan
gobolkaan banaadir- Ciidamada Dowlada Ethiopia oo meesha ka saaray
maxkamadihii ka talinayey gobolada kofureed intooda badan.
2.Xasuuqii ka dhacay muqdisho
waxaa magaalada muqdisho ka dhacay xasuuq aan
nocisa oo kale soomaliya soo marin kaso bilawday 29/03/2007 kadib marii
ay Etopia ku soo qaaday werer cir iyo dhul ah shacabka degan gobolka
banadir gar ahaan masaafo gaareysa 10km isku weer ah kaasoo ay ku
dhinteen kumanaan qof kumanaan kalana ku dhawacmeen isla markaana
sababay barakac in ka badan 1milyan oo u bara kacay daafaha magaalada
muqdisho iyo gobolada dalka iyo dalka dibadiisa sidoo kale xasuuqaasu
wuxuu sababay burbur hanti shacabku leyahay oo lagu qiyaasay $1.5bilyan
doolar oo isugu jirta goobo waxbarasho, wershedo,isbitaalo,shirkado
ganacsi,guryo,baabuur,iyo dukaamo sidoo kale xadgudubyada ay ciidamada
Etopia geysteen waxaa ka mida jirdil shacab aan waxba galabsan kufsi
sida gabar lagu magacabo suuban Maxamed Maalin oo ceel cirfiid ciidamada
Etopia ay ku kufsadeen.
3.Kacdoonkii shacabka muqdisho
Tacadiyada aan kor ku soo sheegnay waxaa ka
dhashay kacdoon iyo isdifaac ay hormuud ka ahaayeen beelaha hawiye ee
degan gobolkan kuna diidanaayeen tacadiyada ay ciidamada Etopia ka
geysanayeen gobolkaan oo weli sii socda iyo dhibaatooyinka sii kordhaya
ee ka imaanaya joogitaanka ciidamada Ethiopia. iyo maamul xumada dowlada
fadaraalka
4.dhibaatadii oo weli sii socota
ciidamada Etopia iyo kuwa TfG da ayaa waxay sii
wadaan xadgudubkii ay shacabka muqdisho ku hayeen
Ayadoo aaney beesha caalamku waxba ka qaban
xasuuqaas bini,aadanimada ka baxsanaa oo ay geysteen ciidamada Etopia
iyo kuwa TFGda ayaa weli waxa sii soconaya dhibaatoyinkaas oo malinba
malinta kadanbeyso sii kordheyso ayadoo xabsiyadii buux dhaafiyeen
shacab aan wax denbi ah galabsan sida si dad macnadaro ah looga soo
aruurinayo masajidyada lagu cibaadeysto iyo goobaha waxbarasha sida
macaliminta iyo ardada iyadoo godad cusub oo dhulka hoostiisa laga
sameeyey sida madaxtooyada TFG isla markana waxaa shacabka muqdisho lagu
hayaa dil qabqabasho boob hantiyeed oo malin kasta ah ayadoo habeen
kasta loo soo dhaco qofka gurigiisa jiifa.
Sidaa darted waxaan Beesha caalamka ka
codsaneynaa sida (UN/AU/EU/Jamacada carabta,Ururka islaamka iyo
hay,adaha u dooda xaquuqul isaanka iney usoo diraan gudi baaris xasuuqii
ka dhacay magaalada muqdisho ilaa haatana sii socda talaabana laga qaado
cidii geysatey xasuuqaas.
5.Aragtida Golaha ee ku aaddan xal u helista
somaaliya
goluhu wuxuu halkaan ku soo bandhigayaa
aragtidiisa ku aadan dhibaatooyinka dhacay iyo dhibka hada taagan iyo
xal u helidda arimaha Somaaliya .guud ahaan sida wax looga qaban karo
iyo gaar ahaan gobolka banaadir oo ah maskaxda soomaliya oo hadii daawo
loo helo dhamaan somaaliya daawo loo helayo madaama ay dhibaato
gaarahaneed haysato wana sida soo socota:
A.Xalka gobolka Banaadir
1.in lahelo xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha
muqdisho
2 –In laga saaro ciidamada Ethiopia iyo kuwa
maleshiyada dowladda goobaha shacabku degan yahay ee ay xarumaha ka
dhigteen taasoo aan u aragno iney tahay sababta keeneysa iska
horimaadayada soo noqnoqda ee ka dhaca gobolka banaadir lana geyo meel
magalada ka baxsan
3.In ciidamada amisom iyo kuwa booliska ay ka
shaqeyaan amaanka gobolka.
4.in la qabto shirweyne heer gobol ah oo looga
arinsanayo xal u helida gobolka banaadir si ay bulshada gobolkaan ugu
madaxbanaanadaan aya ka talintooda .
8.Argtida Golaha ee Xalka Somaaliya
Goluhu wuxuu u arkaa in dalka somaaliyeed uu soo
maray dagaalo sokeeye oo baabi,iyey dhamaan noloshii bulshada
somaaliyeed kuwaaso loo dagalamay ilaa heer jufo laakiin ugu dabeyntii
looga heshiiyey shirar ka dhacay gudaha iyo dibadaba heshiisyadaas oo
suura geliyey inuu dhamaado dagaal qabiileed isla markaana suura geliyey
in shacabka somaaliyeed meel uu joogaba uusan kala xirneyn oo uu wadaago
ganacsiga kala duwan ayadoon laheleynin qof loo dilayo qabiil dartiis
Goluhu wuxuu u arkaa dagaalada iyo ismaan dhaafka
maanta jira inuu yahay mid siyaasadeed oo laysku haysto awoodda
hogaaminta dalka .sidaa darted golaha dhaqanka & midnimada hawiye wuxuu
u arkaa in xalka somaaliya ku imaan karo sida soo socota :
1.in lahelo xabad joojin heer somaaliyeed lagana
gudbo gacan ka hadalka loona gudbo af ka hadal
2.in laqabto shirwyne dibu heshiisiin somaaliyeed
oo miro dhal ah si loo helo nidaam dowladeed oo loo dhan yahay wuxuuna
ku hirgeli karaa sida soo socota:
A.in ay shirkaan ka soo qayb galaan dhinacyada
siyaasada dalka is ku haya sida dowlada fadaraalka ,maxkamadaha
,barlamaanka xorta , siyaasiinta joogta gudaha iyo dibada,
aqoonyahanada gudaha iyo dibada, dhaqanka somaaliyeedna uu dhexdhaad ka
noqdo.
B.in shirka lagu qabto meel amaan ah oo dhexdhaad
ah oo suuragelineysa in ay shirka ka soo qayb galaan qaybaha aan kor ku
soo xusnay
C.in shirkaan looga hadlo awood qaybsi siyaasadeed
oo sax ah taaso suura gelineysa in la helo nadaam dowaladeed oo laga
raali yahay dalkana ku soo celiya amaankii iyo kala dabeyntii
3. in beesha caalamku dhexdhaad ka noqoto arimaha
soomaliya meelna uga soo wada jeestaan
4.golaha dhaqanku wuxuu beesha caalamaka u soo
jeedinayaa in ay qaataan talooyinkaan wanaagsan oo aan u aragno in lagu
soo af jari karo dhibaatooyinka ka taagan dalka somaaliyeed
*.Gabagabadii golaha dhaqanka & midnimada hawiye
wuxuu balan qadayaa asagoo kaashanaya dhaqanka kale ee somaaliyeed in uu
beesha caalamka kala shaqeeyo isu keenista qaybaha siyaasada ee dalka
isku haya iyo qabsoomidda shirkaan .
Wabilaahi towfiiq
Gudoomiyaha Golaga Dhaqanka &
midnimada hawiye
Maxamed Xasan Xaad