XALKA OGAADEENYA WAA XALKA GEESKA AFRIKA
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Dadka qaar bay la tahay arrinta Ogaadeenya arrin
fudud oo aan wax macno ah u lahayn. Qaarkoodna waxayba si fudud oo aan
ka fiirsasho lahayn u yiraahdaan;- Ogaadeenya badba malahanee maxaa
laysugu dhibayaa ama maannu iska dayno. Kuwaasi way malo habaabeen mana
ay garanyaan macnaha iyo muhiimadda ay Ogaadeenya ku fadhido. Waxay
muhiimadda u yaqaaniin oo qudha badaha iyo dekedaha. Waa run in aysan
Ogaadeenya bad lahayn. Laakiin waa dhul sida kale hodan u ah, oo waliba
muhiim ah.
Waxaa laga helay shidaal ceelka “Jeexdin” ee
degmada Shilaabo. Sannadkii 1994kii waxay idaacadda British Broadcasting
Corporation laanta af
Soomaaliga sheegtay in shidaalka laha helay ceelka Jeexdin uu yahay
Gaaska dabiiciga ah, isla markaasna uu ceelkaasu yahay 4 waddan ee ugu
badan Gaaska dabiiciga ah. Taasina waxay marag u tahay in Ogaadeenya uu
yahay dhul hodan ku ah shidaalka iyo saliidaha caydhiin. Waana mid ka
mida sababaha ay Itoobiya isugu dhajinayso.
Waxaa kaloo kaba sii muhiimsan meesha ay Afrika
kaga taallo Ogaadeenya. Ammaanka iyo degenaanshaha waa mid muhiim u ah
gobolka oo dhan. Dagaal kastoo ka dhaca gobolka geeska Afrika wuxuu lug
ku sheeshaa Ogaadeenya, dhinac kastaaba ha kaga yeeshee. Dagaal kasta oo
Ogaadeenya quseeyana wuxuu wada gaadhaa gobolka oo dhan. Mana dhacdo
inuu iyada ku ekaado sababo badan awgood. Mararka qaarna wuxuuba isu
rogaa dagaal caalami ah oo gobolka intuu dhaafo ayuu adduunka gaadhaa,
sida dagaalkii 1977-78kii. Iyo kan hadda ugu danbeeyay ee uu Mareykanku
ku taageeray inay Tigreegu qabsadaan jamhuuriyaddaa Soomaaliya.
Waxaa kaloo jirta in khilaafka biyaha ”Nile” iyo
khilaafka koonfurta Suudaan uu faraha la soo galaa arrinta Ogaadeenya.
Wuxuuna u yahay cabbir siyaasadeed iyo furaha nabadda. Sababtoo ah
markasta oo ay dawladda Masar cabsi ka dareento biyaha Nile waxay
qojaysaa ama ay ku gorgortantaa qaddiyadda Ogaadeenya. Taasuna maahan
wax lala yaabo oo waa siyaasad iyo caynkeeda. Xittaa dagaalkii Itoobiya
iyo Eretereeya wuxuu faraha si toos ah ula soo galay arrinta
Ogaadeenya.
Haddii aynu hoos u sii daganno xalka Ogaadeenya
waa xalka ummadda Soomalaiyeed oo dhan, gaar ahaan waa xalka
jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Haddii Ogaadeenya xal loo helo
jamhuuriyaddana xal waa loo helayaa. Taasna waxaa caddayn u ah dawlad
kasta oo ay jamhuuriyadda Soomaliya la heshiiso ama la colloowdo waxay
ku xidhantahay meesha ay ka taagantahay dawladdaas qaddiyada Ogaadeenya.
Waxa ay dawladda Carta ee ku meel gaarka aheyd
u hortaagnaayeen Tigreeguna waxay aheyd qaddiyadda Ogaadeenya oo laga
doonayay inay u saxiixaan. Tii horana ee uu Madaxweynaha ka ahaa Gen
Maxamed Siyaad Alle ha u naxariistee waxaa loo burburiyay waxay ahayd
isla qaddiyaddan. Xittaa xukuumaddii lixdankii dhalatay waxa iyadoon
curanba dagaalka ku kallifay waxay ahayd qaddiyaddan.
Hadda waxay Tigreegu ku wada qabsadeen
jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan waa isla qaddiyaddan. Haddii xal helo
Ogaadeenya colaadda iyo khilaafaadka geeska Afrika way yaraanayaan.
Haddii aan xal loo helinna geeska Afrika nabad iyo degenaansho ka dheer.
Sababtoo ah inta dad la dulminayo oo dadkale ay ku dul-noolyihiin nabadi
imaan mayso, cirka ayaana taas ka dhow.
Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of
The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge, Sweden
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan