SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Gumaadka indheer-garadka saxaafada iyo oohinta Yaxaaska.

Qore: Jimcaale Rooble
jimcaalerooble@hotmail.com

Inkasta oo si shakhsi ah aan  isu aqoonin  Marxuum Cali Iimaan Sharma’arke agaasimihii Shirkada warbaahinta Hornafrik  hadana waxaan nasiib u yeeshay in aan kala qayb galo siminaaro bulshada rayidka ah qaban qaabisay iyo shirar bulshada qaybaheeda kala duwan isugu yimaadeen sanadihii 2003 iyo 2005 ta, waxa uu marxuumku kasoo jeediyay shirarkaas aan ka qayb galay muxaadarooyin iyo fikrado uu ugu tala galay fagaarayaashaas runtii waxaad dareemaysaa indheer-garadnimada  degenaanta iyo isku kalsoonida ninkaasi ka dhaxlay khibradda iyo aqoonta uu lahaa.Runtii ma ahayn nin ka shaqeeya xumaanta ee waxa uu ahaa nin ka shaqeeya in la wacyi galiyo bulshada soomaaliyeed sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada ay ku jirto, waa nin cadowgiisa kaliya uu noqon karo kuwa doonaya hagardaamaynta bulshada Soomaaliyeed. Halka qof walba oo dhagaystay barnaamijkii “Muqdisho iyo maanta” ee uu soo gudbin jiray marxuum Mahad Axmad Cilmi uu dareemi karo mowhibada uu xambaarsanaa wariyahaas dhalinta yaraa ee hadalkiisu uu xaadaada kicinayo marka uu ka hadlayo dhibaatada foosha xun ee  cadowga shacabka Soomaaliyeed ee is bahaystay ay u gaysanayaan dadka rayidka ah. 

Hadaba su’aahsa la is waydiinayo marka ay jariimadan oo kale dhacdo waxaa weeye “yaa ka faa’iidaysanaya dilka raggaan ahaa hormuudka warbaahinta Soomaaliyeed” jawaabta  qof kastaa fahmi karaa waxaa weeye inuu ka faa’iidaysanayo khaarijinta ragaan cadowga Itoobiya ee dalka soomaaliya qabsaday iyo kuwa heeryada usida oo aan doonayn marna in la ogaado hawlaha waxashnimada ah ee ay kula kacayaan bulshada soomaaliyeed , taasoo ku kaliftay inay siyaabo kala duwan isugu dayaaan inay aamusiyaan shakhsiyaadka ka dhex muuqda Saxaafadda si ay ugu quusiyaan ragga kale ee warbaahinta ku jira taaasoo isugu jirtay caga juglayn iyo tahdiid joogta ah , xabsi, iyo ugu danbayntii khaarijin qaawan.Daliilka labaad waxaa weeye meelaha lagu dilay raggaas waxaa si joogto ah u jooga maleeshiyada kooxda Mbagati waana meelihii dagaalka ba’ani ku dhex maray xoogagga muqaawamadda xaq u dirirka ah iyo ciidamadda gumaysiga Itoobiya iyadoo jariimada dilkuna dhacay dharaar cad oo aan marmarsiyo lahayn. Daliilka  sadexaad: waxaa laga mamnuucay shirkadaha iyo shakhsiyaadka muhiimka ah intaba inay haystaan hub fudud oo xadidan si ay isu waardiyeeyaan, taasoo cadowga dalka qabsaday iyo heeryo qaadyada lasocda  u cuntami wayday in qof soomaaliya uu amnigiisu suganaado. 

Marka intaas oo daliil ah aad ogaato waxaad farta ku fiiqi kartaa cida ka danbaysa Jariimadii lagu laayay madaxdii Shirkada warbaahinta Hornafrik 11-kii bishan Augost, hadaba oohin iska keenka madaxda kooxda Mbagathi oo waliba sheeganaya in ragaasi ay isku dhowaayeen iyo Jeneral Gabre-ha Itoobiya oo ka qayb galay aaska marxuum Cali Iimaan waxa kaliya oo lagu macnayn karaa  waxa ay tahay sida Yaxaaska oo oohin iska keena marka uu rabo inuu ugaarsado daxiyadiisa, waana wax qofka dhow iyo kan fogba iska ogyahay ujeedada laga leeyahay ficiladda noocaas ah iyadoo loola jeedo in indhaha shacabka laga leexiyo danbiilayaasha dhabta ah taasoo aan waligeed dhici doonin waayo Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho oo dhibaatooyin iyo xaalado qalafsani ay soo martay way ka dheregsanyihiin khayaanooyinka loo maleegayo. Hadaba markaan ogaanay shirqoolada gumaysiga iyo heeryo qaadkiisa waxaa la is waydiinayaa ma in la aamusiyo warbaahinta xorta ah oo kaliya ayaa loo laynayaa saxafiyiinta iyo madaxda warbaahinta waa maya, waxaa jira ujeedooyin kale oo kasii fog taas oo gumaysigu doonayo waxaana weeye in layska hor keeno bulshada soomaaliyeed iyadoo loo qaybinayo beel-beel iyadoo la isticmaalayo qaanuunka gumaysigu waligiisba ku shaqeeyo (Qaybi oo xukun), kadib markii cadowgu ku fashilmay iska horkeenka shacabka asagoo adeegsanaya shaqo siinta iyo masuuliyad magacaabid beenaadka taasoo uu dad-na soo dhowaysto dad-na fogeeyo si beeluhu u kala masayraan oo ugu tartamaan u adeega gumaysiga , hadana wuxuu bilaabay cadowgu inuu beel walba dadka ugu muhiimsan ka laayo sida aan arkayno maalmahaan danbe kadibna beel walba farta ugu fiiqo beesha kale si ay isu laayaan kadibna ay ugu sahlanaato gumaysiga xukunka iyo sii haysashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Waxaa loo baahan yahay in indheergarad-ka Soomaaliyeed,wadaniyiinta, warbaahinta dhamaan ay isu taagaan isuna bahaystaan in la fashiliyo khiyaanooyinka gumaysiga waana in ay ogaadaan in aad nolol gumaysi ku noolaato waxaa kaaga fiican inaad dhimato iskaba daa hadaad Shahiidnimo hesho waa liibaan dadka nasiibkalihi helaane, waakii gabayaagii soomaaliyeed lahaa “ ma ogtahay geeriduba marbay nolosha dhaantaaye” waxaana nalooka baahanyahay dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed qof walbaahi inuu inta karaankiisa ka qayb qaato xoraynta dadkeena iyo dalkeena maskax muruq iyo maalba oo aan lagu halayn xoogagga muqaawamadda Soomaaliyeed oo kaliya ,cadowgu  kama samaysna bir waana xanuunsanayaa waliba waxaa u dheer argagax joogta ah oo ay ku noolyihiin waana laga guulaysanayaa ilaahay idanki, marka waa in aan ku faraxnaa shuhadadeena oo aanaan u barooran. Alaah (SW) ayaa waxa uu kuleeyahay quraankiisa mar uu kahadlayay dagaalka gaalada lagula jiro (hadii aad xanuunsanaysaan gaaladuba way xanuunsanayaan waxaadna alaah ka rajaynaysaan wax ayan rajaynayn-oo ah guusha oo aad heshaan, jannada iyo raali noqoshadiisa. Mahad oo idil Alaah ayaa iska leh ,salaam sare-na muqaawamada Soomaaliyeed ha gaarto.Wasalaamu calaykum. 

Qore: Jimcaale Rooble
jimcaalerooble@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com