Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
Dhacdadii Puntland oo Isu Badashay Wadahadal

Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
 faaraxbotan@hotmail.com 

August 4, 2002

Assalamu Calaykum W W , Bacda Salaan

Waxaa Afartan iyo Siddeedii Saac ee lasoo dhafay (48) horumar Laga gaaray in lahakiyo Xaaladdii Milatary ee kajirtay Deganka PUNTLAND.

Hakintan ayaa ka danbaysay markii waxgarad iyo Aqoonyahano farabadan oo u nasab sheegta dhamman deganka Puntland ay dadaal badan iyo juhdi badan gasheen in lahakiyo dhaqdhaqaqa Milatary wadada dheer ee isku xirta puntland oodhan.

Shirar badan oo ka dhacay Magaloyinka BOSASO, QARDHO, GAROWE, LASCANOD iyo GALKACYO, kadib ayaa waxa kasoo baxay in lala xariiro Hoganka sare ee Dowlad Goboledka Puntland , Dadaalkan waxa qayb wayn ka qaadanayay GEN Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo haatan ku sugan Deganka puntland , si kastaba ha'ahatee Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ayaa waxa amar lagu siiyay inay joojiyan Dhaqdhaqaaqooda Muddo kusiman 3 Malmod.
Hakintan ayaa waxa ka danbeeyay , shir ka dhacay Magalada Qardho ,Habaynkii Jimcaha Taarikhdu markii ay ahayd 02.08.2002.

Shirkan oo uu soo agaasimay Illaahay haka abaalmarshee Boqor Maxamuud Boqor Muuse , oo ah Boqorka Daarood , isla markana ka mid ah waxagaradkii Hore ee Deganka Puntland , ayaa waxa ka qayb galay dhaman wax garadka Deganka Degmada Qardho, Shirkan ayaa waxa uu daba socday Xaaladda Dagaal ee ka jirta Waddada Dheer ee ka timadda Bosaso illaa Deganada kale ee Puntland.

Arrintu si kastaba ha'ahaatee , Boqorka oo laxariray Markii Hore Mamulka Dowlad Goboledka Puntland , ayaa waxa la'isku af gartay in lahakiyo dhaqdhaqaaqa Ciidan , illaa inta Boqorka uu ku howlan yahay wax ka qabadka Arrintan Dhacaday, .

Shirkan oo ay kasoo qayb galen Wax garad farabadan, odayaal dhaqamedyo, Aqoon yahano , Iyo saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Mudane , Col Abshir Muuse , Shirku waxa uusocday mudoo la'eg 6saacadood oo an loo kala kicin, Arrinta ugu wayn oo lagu gorfeeynayay shirkan ayaa waxay ahayd in Beesha Qardhood ay kala doorato laba Arrimod.

1) Inay Dagalka lasii wado , oo xata Qardho Gudaheda lagu dagaalamo , haddii ay dani qasabto.
2)In dagalka Intaas uuku ekaado, oo arrintan wadahadal laga galo.

Labadan qodob , waxa keenay sida laleeyahay , ka dib markii ay Cidamada Darawishtu kusoo dhawaden Magaalada Qardho , oo ay usoo jirsaden in kayar 10Km,iyaga oo eryanaya Laba gaari oo nooca gaashaman ah, ookala ah sida Lashegay (PM iyo ZUU) ay galeen qardho.

Ciidamada oo aan u gudbin QARDHO, ayaa waxa Xiriiri dhexmaray sarakisha Ciidanka Iyo Wax garadka Deganka la'isku af gartay in lasoo wareejiyo Labadas Gaari, marnabana aysan suura gal ahayn in Maleeshiyo hubaysani ay haysto Hubkaas.

si kastaba arrintu ha'ahatee , waxa shirkii kasoo baxay Arrimo miro dhal ah, waxana lagu guulaystay in Labadii Gaari iyo Maleeshiyadii wadatay lagu soowareejiyay Ciidamada Daraawiishta.

wali waxaa socda , dadaalkii nabad raadinta, oo aan loo kala harin, dad badan oo ka mid ah wax garadka Puntland oo dalka dibaddiisa jira ayaa ka qayb qaadanaya howshan.
WARBIXIN DAGAALKII PL
MOGADISHU, Aug 2, 2002 (Xinhua via COMTEX) -- Heavy fighting has flared up Friday in the semi-autonomous region of Puntland between the forces of the rival leaders, Colonel Abdullahi Yussuf Ahmed and ousted president Jama Ali Jama.
MOGADISHU, Somalia (AP): Fighting between rival factions in northeastern Somalia during the last two days has killed 110 gunmen, an official from one of the factions said Saturday.

Xog ogaal jooga Bosaso waxa uu iishegay in rag badan oo aad looga yaqaan Puntland una badan wax garad isagu jira Ugaasyo, Beeldaajyo, Suldaano, Ganacsadeyaal iyo aqoon yahano , ay intaba u amba baxen magalada Qardho si ay oga qayb qataan Xalinta Khilafkan, dhinaca kale Magalada garowe ayaa iyana sidaas iyo si lamid ahiba dadaalku oga socdaa, waxana loosii qul qulayaa Wadada Qardhood, GEN Morgan iyo Odayaal Wehliya aya xalay Goordanbe waxay soo gareen Magalada Garowe , iyagoo kasoo tagay Dhinaca Magalada Galkacyo.

Ciidamada Daraawishta ayaa waxay ku howlan yihiin Aruurinta Maleeshiyada habqanka ah , iyagoo Saaka xilliga Barriga somaliya markii ay saacadu ahayd 11:45 Daqiiqo isagu soo aruuriyay Tuulada Sheerbi iyo Inta u dhaxaysa Buuraha Qayaadsame Maleeshiyo dhan 14 dhalin yaro ah oo diifaysan.

Qasaraha dagaalka ayaan ahayn sida loogu buunbuuniyay jaraa'id yada iyo Saxaafadda Shabakadda Inter-Net, Ciddii Garanaysa Dhaqanka Deganka puntland , markiiba way garankaran dabeecadda Degankan, hasayeshee waxa nasiib darro ah , in dad badan oo aan aqon u lahayn Deganka Puntland iyo xeerkiisa ay buun buuniyen xaaladda Mesha kajirta.

waxa nasiib wanag ah in dagalku uusan ahayn dagal u dhexeeyaa Laba Beelod, labada Dhinac ee isku haya Siyaasadda Puntland , dhaman Ciidamada ay isticmalayan waa isku wada mid , mid beel gaar ah wata majiro.

Ugu danbayntii waxii kasoo kordha dadalkan Nabad raadinta si isku xigta ayan idinku soogudbin doonaa haddii rabbi idmo.


SUMMARY - GUUD MAR:


1- Waxaa lahakiyay Ciidamadii Darawshta Howlgalkodii .
2-Boqor Maxamud Boqor Muuse Iyo Gen Morgan ayaa dadal nabad raadin ah Wada.
3- Dhowrgaari oo Gashaman aya Lagu Wareejiyay Darawishta.
4-Daraawishta ayaa ku howlan Aruurinta Habqanka Maleshiyada.
5-Wax garad badan ayaa ka baxay BOSASO IYo Garowe Iyo Galkacyo.
6-Dagalku maahan mid Beeled ee waa mid Siyaasadeed.


Mahadsanidin.

Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
 faaraxbotan@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo araagtida SomaliTalk

FAAFIN: August 4, 2002 | SomaliTalk

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.