SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DALSAN

Xaggee Ku Dambaysay Hantidii ku  Maqnayd Xawaaladdii Dalsan

"Baaritaankii lacagaha ku maqan  Dalsan waxaa la soo gabagabaynayaa December 31, 2009"...

July 22, 2009: Axmed Diiriye Maxamed, oo ah madaxa shirkadda Kaamil Consulting oo ah shirkad  muddo ku dhex jirtay sidii loo heli lahaa lacagaha ku maqan xawaaladdii dalsan ee ay lahaayeen dad shacab ah oo saamiyo ku lahaa shirkaddaas ama lacagtooda u dhiibtay shirkaddaas ayaa sheegay in baaritaankii iyo hawsha lacagahaas lagu soo gabagabaynayo December 31, 2009. Sidaas waxa uu sheegay July 21, 2009 asagoo u waramayey Idaacadda Codka Maraykanka

Axmed Diiriye waxa uu ka hadlay halka ay marayso arrintii ay ku soo dhex jireen ee baaritaankii hantida ku maqan xawaaladdii Dalsan. Waraysiga hoos ka dhegeyso.

Qoraaladii hore ee la xiriirta xawaaladii Dalsan Hoos ka akhri...


DALSAN (Warbixin Hordhac ah)

  • Waa warbixin hordhac ah oo ku saabsan Hantidii Dalsan, waxaana soo saaray Kaamil Consulting... May 20, 2008

Dalsan waxay ahayd shirkad ka mid ah shirkadaha Xawaalada ee ay leeyhiin dadka Somaliyeed.   Shirkadda waxaa dhidibadda loo taagay June 2001, laakiin waxay shaqo bilowday October 2001, aas aaskii shirkadda mudo yar ka dib, waxaa Dalsan lacag ku darsaday dad Somaliyeed kuwaas oo ay tiradoodu markii ugu danbaysay kor u dhaaftay 800 oo xubnood. Xubnahaas shirkadda lacagta ku darsaday waxaa ay u kala baxayeen laba qaybood, kuwaas oo kala ahaa:  

  1. Hantiile ama Class A, waxaana ay ahaayeen xubnihii lahaa xaquuqda lahaansha ee shirkadda, tiradooda ugu badanina waxaa ay gaadhay 27 xubnood.
     
  2. Saamile ama  Class B, waxaa ay ahaayeen xubnihii lahaa hantida ay shirkadda ku darsadeen iyo faa'iidada ay soo saarto 80% oo keliya.
Dalsan iyada oo aan marraba lagu arag, laguna maqlin wax calaamad ah oo muujiya inay dhibaato haysato, ayaa markii la soo gaadhay May 2006 ay mar qudha joojisay shaqadii iyo adeegii ay dadka u haysay.  Hadaba annaga oo afartii bilood ee la soo dhaafay gacanta ku haynay hawlahii Dalsan, ayaa waxaan maanta daneeyayaashii(Stakeholders) shirkadda u soo gudbinaynaa warbixin yar oo hor dhac ah, taas oo keliya ku eg xoolahii shirkaddu meesha ay jiraan, waana tan warbixintii:

Ugu horayn, waxaan dad waynaha Soomaaliyeed u cadaynaynaa inaanay Dalsan kicin, balse uu jiray khasaare.  Xoolo badan oo Dalsan lahaydna ay noolayeen markii shirkadda la xidhay, in badan oo ka mid ahina ay weli nooshahay. Xisaab xidhkii ugu danbeeyey ee shirkaddu waxaa uu muujinayey in Dalsan hantideedu ahayd $10,331,064.80. Xoolahaas waxaa ay ku maqan yahiin ama u qaybsamaan sadex qaybood : 

  1. Qayb ku jirta guryo iyo dhulal, kuwaas ku kala yaal ama kala ah
    1. Guri ku yaal Minesota USA 
    2. Guri ku yaal Boosaaso
    3. Guri ku yaal Kismaanyo
    4. Guri ku yaal Wajeer
    5. Dhulku yaal Muqdisho
    6. Dhul ku yaal Qardho 
  1. Hanti ku maqan wakiiladdii ama dadkii shirkadda lacagta u soo xawili jiray, waxaana kuu sharaxaya shaxanka hoos ku qoran.
    Country (Dalka) Amount( $)
    North America 2 892 833,6
    UK 564 904,84
    Europe_ta kale 432 453,94
    Adduunka intiisa kale 571 536,59
        
       $ 4 461 728,97
  1. Hanti ku maqan Class A ama Hantiilayaashii shirkadda.

Anaga oo intaas ku soo koobayna warbixintii hordhaca ahayd ee aan idiinka diyaarinay Dalsan, ayaa waxaan dad waynaha Somaliyed ka codsanaynaa sidan: 

Hantida Dalsan ku shaqaynaysay waxaa lahaa dad Somaliyed, intooda badanina ayba ahayd dad danyar ah, sidaas daraadeed qofkasta oo xildhibo waxaan ka dalbaynaa inuu hawshan gacan nagu siiyo, si gaar ah waxaan uga codsanaynaa dadka haya xoolahii Dalsan inay sida ugu dhaqsaha badan isaga soo wareejiyaan, koley waa la waydiinayaa balse waxaa haboon inay hawsha fududeeyaan.

Ahmed Dirie Mohamed    20.05.2008
Managing Director     Luton
Kaamil Consulting     UK 
+44 788 2081 792
ahmeddirie20004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

Go'aankii hore ee ka soo baxay Asaasayaashii Dalsan hoos ka akhri....


Go'aan ka soo baxay Aas aase yaalkii Dalsan iyo macluumaad kale oo ku saabsan Dalsan International Inc.

Anagoo kala ah Shiikh Mohamed Shiikh Osman iyo Haaji Abdiqani Haaji Aadan, isla markaana ah aas aas sayaalkii shirkaddii xawilaadda ee Dalsan, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 11.12.2007 gaadhnay go'aan aan rabno in lagu soo afjaro  dhibkii ka dhacay Dalsan, go,aankaasna waxaa uu u qoran yahay sidan: 

  1. In shirkadda Kaamil Consulting lacagayso dhamaan waxii guryo, dhul ama qalab kale ah ee Dalsan lahayd.
  2. In Kaamil Consulting soo ururiso dhammaan daymaha iyo lacagaha kale ee Dalsan ka maqan.
  3. In Golaha shareecadda(Board of Sharia) ee Kaamil Consulting kala xukumo Aas aasayaalkii, Hantiilayaashii iyo Saamilaydii Dalsan.
  4. In Kaamil Consulting hawsha Dalsan ku soo geba gebayso ugu danabayn 30.06.2008.
Haddaba Waxaan si naxariis leh uga dalbaaynaa in qofkasta oo haya hanti Dalsan leedahay ha ahaato dayn ama ammaano loo dhiibtaye uu sida ugu dhaqsaha badan ugu wareejiyo Kaamil Consulting...

Qoraalkii oo asal ahna waa kan hoos ku lifaaqan.

Qoraalka oo farwaaweyn ku qoran Eeg halkan (pdf) ama halkan (jpg)

Kaamil Consulting waxay Amal Express ka furtay account ay ugu talagashay in lagu ururiyo hantidii Dalsan, marka cidkasta oo haysa hanti cadaan ah(cash) oo Dalsan leedahay waxaa laga dalbayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu shubto account_kaas, waana kan account_macluumaadkiisu. 

Name:  Dalsan Liquidation Account
Account Number:  0201-04-39980-01
Company:  Amal Dubai. 

Ugu danbayn ciddii hayse hanti kale oo Dalsan leedahay ha ahaato maguurto(fixed Assets) ama maguurto (current Assets) iyo qofkasta oo danaynaya Dalsan iyo hawlaheedii nagala soo xidhiidh: 

Ahmed Dirie Mohamed
Director
Kaamil Consulting
+ 44 1582 572 840
+ 44 7882081792
Email:  kaamilconsulting@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2008

dalsan bank Bosaso
Guriga Dalsan ee Boosaaso.....


XOGWARAN IYO TALO BIXIN KU SAABSAN XAWILAADII DALSAN

Wixii Warbixinnadan kusoo kordha kala soco: http://www.somalitalk.com/dalsan

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: