Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - PUNTLAND
WARBIXIN DAGAALKII BUNTLAND

Warkaan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey ilo wargal ah oo weydiistey in aan la magcaabin

Axad August 4, 2002

Waxaa dagaalku Jimacadii (Agoosto 2) ka biloday aaga Qayaadsame, waxaa weerarka soo qaaday ciidamada kornayl C/laahi Yuusuf.

Waa lagu jabshay waxaana laga dhaacaway oo haatan dhaawac culus ah taliyihii watay dagaalka laba xidigle (Carays). Dhinaca Jaamac waxaa dagaalkaas uga dhintay tiro dhan 5 ruux, dhaawucu waa 14 ruux. Ciidamdii Jaamac markii ay jebsheen ciidankaas ayaa waxaa duulaan rogaal celin ah soo qaaday ciidamadii C/laahi abaarihii duhurkii waxaan halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo dad badani ku hoobtay.

Qiyaasta geerida iyo dhaawaca labada dhinacba la oga inta ay le'egtahay. Qolo walba waxay ku andacoonaysaa inay dhinaca kale ka qabsatay tigniko iyo maxaabiis.

War gal jooga Boosaaso ayaa cadeeyey ilaa hada in la kala qabsaday ilaa 4 tigniko ah,oo qolo walbana leedahay anagaa qabsanay iyo anagaa qabsanay. Wax maxaabiisa oo ilaa sabtidii la keenay Boosaaso ma jiraan aayuu noo xaqiijiyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa isna sheegaya in xalay (sabti) magaalada Boosaaso guryahoodii loogu dhacay rag xulumo ah oo la xirxiray,mase jirto ilaa hada cid madax banaan oo warkaan xaqiijinaysa.

Dagaalkii ayaa hadda istaagay.

Dadweynaha reer Pl ayaa aad uga xun dagaalkan, waxaana xalay masaajidada ilaa Jimcihii laga akhrinayey qudbooyin dadka lagu dhiiri galinayo inay ka qayb qaataan joojinta dagaalkaas dadka walaalaha ah ee maalaayacnigaa ku qubanaya.

REER BOOSAASO OO AAD UGA XUN DAGAALKA QAYAADSAME

Warar kale oo ilo wargal ah ay maanta oo Axad ah nagasoo gaarsiiyeen Boosaaso ayaa sheegan in dadweynaha reer Puntland gebi ahaanba ay ka xunyihiin dhacdadii dagaalka, gaar ahaan waxaa warku sheegay in reer Boosaaso ay siweyn uga xumaadeen dagaalkaas, taas oo ay ku tilmaameen dagaal aan xiiso loo hayn oo dhex maray ehel wada dhashay.

Waxaa warku intaas ku daray in dagaal kaasi uu ahaa mid dhexmaray dad wada dhashay oo la isku laynayo ayna tahay in sida ugu dhaqsaha badan looguhelo xal degdega oo waara oo kuyimaada wadahadal.

###

ISHA: Wargal Weydiistey in aan la magcaabin 

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Agoosto 4, 2002

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.