Taageeraha
boobka Xaafuun Kayse iyo difaace C/waaxid
Assalaamu
Calaykum!
Marka hore
waxaa mahad leh Ilaah, kadibna walaalada fikradooda soo bandhigay
ama akhbaar aysan dad badan la socon soo faafiyay. Intaa kadib
waxaan doonayaa inaan xoogaa ka iraahdo maqaalada ku saabsan Xaafuun
ee C/waaxid iyo Kayse, khaas ahaan qoraalka Kayse.
Kayse wuxuu
hadalka ku furfurtay in shay inta aan la qorin la hubsado, maadama
hubsiimo hal la siisto. Laakin waxaad moodaa jumladiisa 2aad inay
middiisa hore burinayso, waayo jumlada 1aad waxaa loo fahmi karaa in
C/waaxid waxa uu qoray aysan sal iyo baar midna lahayn, isla
markaasna Kayse wuxuu taageerayaa boobka Xaafuun loo qorsheeyay!
Waayaabe haddii aysan sal iyo baar lahayn maxaad u taageeraysaa
Kaysow? Teeda kale C/waaxid qoraalkiisu wuxuu tixraacayay shirkadda
HAFZA (www.hafza.com). Hadaba ma wax hubsiimo ubaahan baa, in laga
hadlo shirkad ajnabi ah oo si cad u sheeganaysa inay dhulkaaga la
wareegayso? Mise waa waxna ha maqlin, waxna ha qorin, indha la’aana
igu taageer?
Kayse wuxuu
sheegay hadii uu jiro boobka Xaafuun inuu taageerayo, sababtuna ay
tahay ilo dhaqaale! Waxaanse oran lahaa Kaysow taariikhda aduunka
iyo siyaasadda reer Galbeedka iyo turubka aduunka laga ciyaarayo
waayahaan, hadaadan ku baraarugsanayn, waxay sababaysaa in
dhaldhalaal iyo aragti gaaban aan wax ku qiimayno. Anagoo nacnac iyo
shukulaato nalagu sasabayo. Taasoo cirib danbeedkeeda laga shalaayi
doono, oo anaga iyo jiilalka soo socdaba dhibaato iska daba wareegta
sida ratiga saliida shiida oo aan laga bixi karin na galisa.
Miyaadan akhrin taarikhda Falastiin iyo Yuhuuda siday dhulkaas ku
yimaadeen? Waa taariikh dheer oo dhuuxid u baahan.
Qaar ka mida
odayaasha Falastiin ayaa lagu xantaa inay dhulka markiisi hore
Yuhuudda ka iibsadeen. Natiijada ay dhalisayna maanta markhaati
ayaan ka wada nahay oo halkan inaan ku sheego uma baahna. Ciraaq
boobka iyo dhaca kasocda waad aragtaa. Ka waran qofkii maanta
yiraahda Maraykanku Ciraaqiyiinta ilo dhaqaale, xornimo iyo
shaqooyin ayuu ukeenay? Waxaan umalayn qof kastoo waaqici ah caqlina
leh, inuu ku qosli lahaa. Balse iyagii sidaas ku andooocanayay
ayaaba la yaabay balanqaadkoodi beenta badnaa. Hadaba Kayse 99 sano
kadib ama kahor waxa dhici doona maka fakaray? Mise saro dhaadheer,
buundooyin iyo dhalanteed dhaw ayaa u muuqda? Mase ku cibro qaatay
Falastiin, Ciraaq & inta la midka ah?
Kayse wuxuu
isbarbar dhigay Somalida guryaha ka dhisatay Kenya iyo HAFZA. Wax la
isku soo qaban karana maaha. Soomalida guryaha ka iibsanaysa Kenya,
waa shakhsi fardi ah oo maalintii la rabo dalka laga tarxiili karo,
awoodna aan lahayn, cid xaqooda ilaalinaysana aysan jirin, balse
maadaaama uu Soomaali yahay in la boobo wax lala yaabo maaha, marka
la eego aragtida Kenyaatiga. Meesha shirkad reer Galbeed oo ay ka
danbeeyaan boqolaal qareen, awood milatari, iyo kuwa xuquuqda
bini-aadamka udooda, oo ilaaliya danaha reer Galbeedka. Balse waxay
website-kooda ku qoreen in ciidamo shisheeye oo ka madax banaan
dowladda, ay ilaalin doonaan soonaha Xaafuun! Kayse bal cidda aad is
barbardhigayso si fiican u fiiri. Waxaan u malayn inaad wax badan ka
noqon lahayd qoraalkaaga hadaad si fiican u akhrin lahayd!
Tan kale sida
caadada u ah reer Galbeedka in dhaldhalaal laguu balan qaado, si
dadka caamada ah lagaaga horkeeno, Hafza waxay Xaafuun
barbardhigaysaa ganacsiga xorta ah ee ka jira Dubai. Taas oo la
doonayo in lagu dago dadka ishoodu meesha dhaw qabato. Laakin Dubai
dowladda ayaa ka mas’uula, sida aan ka wada warqabnana dhulka
Khaliijka nin caraba ayaa kaa kafiila ama dowladda ayaa kaa kafiila.
Taas oo xadidaysa xuquuqdaada, laakin Xaafuun sidaas maku haynaa,
mase nahay dad ilaa heerkaas garaadkoodu gaaray ama awood leh?
Kayse wuxuu
yiri ”Cid kastoo dhulka Soomaalida maal gashanaysa hala garab
istaago”! Tan koowad walaalkey waxaa iskaga khaldan maal gashi iyo
boob dhuleed, bal qaamuusyada dib u jaleec. Maalgashi waa inuu qofku
hanti meel gashado, faa’iidada kasoo baxdana qaato, ee khasab maaha
inuu dhulka uu hantida gashanayo isagu lahaado ama iibsado. Tusaale
ahaan haddii shirkad ajnabi ah, timaado Puntland oo ay tiraahdo
waxaan idin dhisayaa gagi dayuuradeed oo caalami ah, laakin qarashka
kasoo baxa 10-sano shirkadaa leh, waa wax la fahmi karo, oo taasoo
kale ayaa maal gashi la oran karaa. Shirkadaas lacagta meesha gashay
iyo faa’iidadeeda ayay leedahay ee dhulka malaha. Taasoo kale ayaana
la oran karaa horumar, ilo shaqo iyo dhaqaale ayay dadka u
keenaysaa. Adiga ayaana qoraalkaaga ku cadeeyay sidaa oo kale meesha
aad Bosnia & Croatia ka tilmaamtay. Dekedahooda ayay kiraysteen ee
maysan iibsan. Laakin dhulkaagaan ayaan kiro-iibsan 99 sano,
militarina waan la iman, maal gashi lama yiraahdee waa boob cad.
Wuxuu kaloo walaalkey qoray ”hishiis kastoo la galo waa waxa
aduunku ku degan yahay”! Kayse miyuusan garowsan wuxuu aduunku la
xasili la’yahay waayahan danbe, isboobku inuu sabab u yahay iyo
fikradayda khasab ku qaado, hadalna ha igu soo celin, khayraadka
dhulkaagana aan gurto? Ma filayo Kayse inuu ilaa xadkaas ka dhacsan
yahay, dhacdooyinka aduunka. Laakiin Soomaali hadaan nahay inteena
badan khiyaali ayan iskugu sheekaynaa, aragtideenana dhagaxa cunug
yar tuuro ayaa ka fog.
Kayse wuxuu
yiri dhulkeeni aduunka waa ka haray, dadkeenina diif iyo rafaad ayaa
ka muuqda. Waa hadal sax ah, laakin walaal qofkan isagu doonayn
horumar cidna ma horumarin karto. Ma waxay kula tahay canshuurta
laga qaado ganacsatada Puntland iyo dhaqaalaha dekeda inaan lagu
dhisi karin madaar, iyo wadooyin? Balse walaahi xittaa hadii laga
masruufi lahaa reer Puntland oo dhan, way kaafin lahayd, xittaa
waxaan qaabilaad qaxooti looga fidin kari lahaa, dadka kasoo bara
kacay Soomaliya inteeda kale. Laakin afar jeeble aan lala
xisaabtamayn, ayaa u tashaday xoolihii dadka. Soomaliyana waligeed
harumar gaari mayso, intay damiir laawe danaysta ah &
taageerayaashooda hoggaanka u hayaan. Xittaa hadii dhaqaalaha
aduunka oo dhan la iskugu keeno waxba isbadali maayaan. Illaa laga
helo xukun cadaalad iyo wax wada qaybsi ku salaysan.
Marka inaan cid
kale wax ka sugno, afar jeeblahana taageerno waa khiyaaliga dib u
dhaca nahaysta sababta u ah. Iska daa shirkad danaheeda gaarka ah
wadata boobna u socota, inay wax kuu dhistee, hay’adihii gargaarka
sheeganayay, ee Puntland jooga muddo ka badan 10 sano maxay qabteen?
Dabcan gal-caaryo (condoms) ayay qeebiyaan, diinta kiristaankana
hoos ayay ka faafiyaan, hooyada Soomaliyeedna ninkeeda ayay ku
diraan, iyagoo ku andacoonaya xuquuq haween inay udoodayaan. UN-tana
miizaaniyad dadka reer Puntland ka badan ayay ka qaataan, baabuur
noocii ugu danbeeyayna waa ku sodcaan, dhulkeenana iyagaa ku
raaxaysta. Laakiin hal waddoo ay dhiseen ma magacaabi kartaa? Marka
dhabta aan ka hadalno dal aad gacantaada ku burburisay nin cad intuu
yimaado inuu kuu dhiso ha filin. Taasna waa khiyaali kale oo
Soomalida badankeedu iskugu sheekayso, ee aan isku tashano, oo cid
kale yaynaan ku tashan.
Kayse wuxuu
kusoo gabagabeeyay inaanan faquuqin dadka boobka Soomaliya usoo
qalab qaatay, aduunkana yaa nalaga nicin!!! Hadalkaas wuxuu u
egyahay, nin tuugo hubaysan usoo socotoo, dariskiisa intii la
laaluushay lagu yiri saaxiibkaa usheeg, martida caawa kusoo socota
hasoo dhaweeyo! Tolow Kayse iyo HAFZA ma aqoon hoosaad ayaa ka
dhaxaysa? Tan labaad aduunka marhore ayaaba nalaga nacay oo dal
Soomali laga jecel yahay bal kaalay sheeg. Meel kastoo aan tagno,
waxaa nalagu tilmaamaa, dad liita, wax ma qabsadayaalna ah. Marka
aduun mar hore nalaga nacay, miyaa nagu jeclaanaya inaan dhulkayaga
kaalaya booba niraahdo? Taasna waa wax xaqiiqda ka fog caqliga
saliimka ahna diidayo.
Gabogabo iyo
talo
Waxaan kusoo
gabagabeyn inuu qof walba xor u yahay inuu ka hadlo garaadkiisa
intuu le’eg yahay iyo aragtidiisa. Laakin Kayse iyo inta ku ra’yiga
ah waxaan kula talin lahaa inay marka hore akhristaan siyaasadda
reer Galbeedka lana socdaan marxalada aduunku marayo iyo boobka ka
socda. Aduunku waa is badalay wixii ka danbeeyay 11/9. Waagii hore
xoog ayaa la isku gumaysan jiray, laakin hadda maskaxda iyo caqliga
ayaa lagaa gumaysan, kadib qamadi ceeriin ah iyo buunshihiisa ayaa
diyaarad lagaaga soo daadin, inta kula dhalatay oo caqli gaabta ahna
waa lagugu kicin, balanqaadyo beenana waa laguu samayn. Haddii intaa
ku anfici waydo oo caqli fara badan lagaa arko, diyaarad ayaa lagugu
rusheyn & madaafiic. Waxaanse u arkaa Kayse inuu niyad fiican yahay,
oo hadii uu dhulka reer Galbeedka ku noolaan lahaa, xaqiiqda soo
taaban lahaa. Yaanse naloo adeegsan siyaasadooda ku salaysan kala
qaybi oo xukun (divide and rule). Taasoo sababaysa inan noqono
aalad, gumeysi shisheeye u sticmaalo dadkooda iyo dalkooda.
Tan kale waxaa
la arki jiray free zone ganacsi ah, ee halkee lagu arkay free zone
dalxiisa. Taas macnaheeda waxaa weeye boobka Xaafuun haduu hirgalo,
waxaa laga damacsan yahay, in faaxishooyinka aduunka ugu xun-xun
lagu sameyn doono, oo xittaa qowmu luud usoo dalxiis tagi doonaan.
Kadibna natiijada la sugo, waa ciqaab Rabbaani ah iyo Tsunami cusub
oo sabab u noqota falalkaas, Ilaah naguma keeno mar 2aade. Sidaa
awgeed dadka Soomaliyeed waxaan usoo jeedin lahaa in hurdada laga
kaco, danta guudna laga hormariyo midda gaar. Ururo iyo hay’ado
kasoo horjeeda Xaafuun la asaaso. Walaalkeen C/waaxidna waa ku
mahadsan yahay difaaca uu dhulkiisa ku difaacayo qalinkiisa, iyo
wargalinta wanaagsan uu nasiiyay. Walaalaha Somalitalk waxan kula
talin lahaa siday arintii Zamzam, dowr wayn uga ciyaareen, inay
wacyi galinta Xaafuuna uga ciyaaraan.
Wasalamu
Calaykum
Mukhtaar Qooransay
London, UK
qoransay@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Qoraalkii C/Waaxid |
Qoraalkii Keyse
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 19, 2005