Boobkii Dhulka
Soomaaliyeed oo Puntland
laga bilaabay (Xaafuun)
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed ha ahaato.
Xaafuun sida ay
u ekaan doonto
marka laga dhigo
waxa loogu yeray
"Free Zone" oo
sharci gooni
ahay yeelan
doonto, lagana
dhigayo meel loo
dalxiis tago....
SOURCE:
www.hafza.com |
Boobka dhulka
Soomaaliyeed biloow ma
ahan sidii qalin-maallo
hore sheegeen. Mar horaa
jufooyin is leh, dhowr
waddan lagu kala qoqobay.
Gumeystihii oo noo qabay
inaan dad qab leh nahay
baa shan waaxood noo
qeybiyey. Labadii kale
xaggee qabteen? Haddaad
arki jirteen waddamo
waxqeybsanaya bal hadda
aan aragno shirkado iyo
shufto dhulkii
Soomaaliya qeybsanaya.
Waxaa hadda la sheegaa
in Maraykanku danaynayo
inuu si toos ah ama
dadban u qabsado
Soomaaliya iyo waddamo
kale oo Afrikaan ah
maaddaama uu gumeysigii
hore ka qaday. Haddii
adoo fiirfiirinaya
dhibaatadii Sunaamidu u
geysatay Xaafuun iyo
gobollo badan oo
waddanka ka mid ah, aad
ku soo baxdo magac ah
HAFZA ha moodin magac
muslin ama Qiraa’ada
Qur’aanka ee aan naqaan
ee waa shirkad usoo
dhigatay sidii
dhurwaagii in innakoon
naftu naga dhicin,
dhulkeenna gadata. Waxay
ka wadaan “Horn of
Africa Free Zone
Authority” (HAFZA) oo ah
quwadda aagga xorta ah
ee Geeska Afrika. Maxaa
quwad laga wadaa hadday
tahay shirkad shisheeye
oo heshiis qarsoodi ah
lala galay? Marka
“authority” laga hadlyo,
waddankaaga dhexdiisa,
qeybaha dowladdaada ama
wakaaladahaaga/shirkadahaaga
keliya baa qaadan kara
arrintaas. Waxaan
filayaa inuu dhulkaas
noqdo dhul ay leedahay
oo inta “waqtigoodu” u
dhammaanayo ay iyaga
keliya ka taliyaan!
Maaddaama dadkii
Soomaaliyeed duurjoog
loo arkay waxaa soo
baxday sheekadii ahayd:
waryaa geela la joogooy,
mise anaa la joogay!
Hadda xaaraantii barqaa
la qalanayaa. Shirkaddu
waxay sheegtay in Maamul
Goboleedka Puntland ee
Jamhuuriyadda federaalka
Soomaaliyeed uu bishii
Oktoobar 2004 u
ogolaaday HAFZA LTD oo
ka diiwaan gashan
Alberta, Kanada inay
ahaato midda ka
howgalaysa inay samayso
dhowr meelood oo xor ah,
geyiga Puntalnd iyadoo
ku shaqogelaysa magaca
HAFZA. Falsafaddeeda,
shirkaddu waxay ku
sheegtay, inkastooy
tahay shirkad “private”
ah haddana waxaa
qorshaha ugu jira inay
ku biirto Sayladda
kala-bedelashada ee
Toronto, waana in loo
arkaa sidii iyadoo u
adeegeysa dowladda
Kanada haddiiba ay
dhaqaalaha gobolka kor u
qaadeyso. Si HAFZA
qorshahaas u gaarto
waxay soo jeedisay
horumarin cusub ama
dib-u-horamarin
dhulbadeedkii ama
garoomadadii diyaaradaha
ee ka jiray Puntland… si
ay ugu dhigaan meelo
canshuurta ka caaggan (canshuur-dhaaf).
Waxaa intaas ku dareen,
in Maamul Goboleedka
Puntland baxshay marinka
Xaafuun si looga dhigo
meel xarun u noqota
dalxiiska iyo ganacsiga
gobolkaas. Xaafuun waxay
ku fadhidaa dhul dhan
200 oo mayl oo labo
jibbaaran waxayna gudaha
ugu jirtaa Bad-weynta
Hindiya ilaa 30 mayl.
Janaayo 11 2005 ayaa
Shirkaddu sheegtay in
2-dii Janaayo 2005 uu
Maamul Gobolleedka
Puntland u saxiixay
nuqulkii asliga ahaa ee
kontaragtiga in la
sameeyo HAFZA iyadoo
laga duulayo heshiiskii
lawada gaaray 23
Oktoobar 2004.
Shirkaddu waxay tiri
Maamul Goboleedka
Puntland ayaa soo
daabici doonna warbixin
ka hadleysa kontaraktiga
lakala saxiixday ka
dibna shirkaddu waxay ku
dhejin doontaa boggeeda
ah
www.hafza.com.
Waqtiga hadda ah, HAFZA
waxay xafiisyo ka
sameysatay Dubai iyagoo
soo afjaraya
maalgelintii mashruucaas,
dhaqsana raba inay
Puntland uga bilaabaan.
Shirkaddu waxay
sheegatay in loo
saxiixay inay dhulkaas
heysato 99 sano waxaana
u raaci doona 99 sano oo
kale haddii ay
dhinacyada khuseyso ku
heshiiyaan. Febraayo 1,
2005, shirkaddu waxay
sheegatay inay heleen
maalaayiin doolar si ay
howsha u socodsiiyaan.
Shirkaddu waxay sheegtay
inay ka howgelayso:
Xaafuun, Eyl, Garacad (khad
tareen oo ku xira
Wardheer), Dekedda
Boosaaso, Laasqoray.
Garoomada diyaaradahana
waa Boosaaso, Garoowe,
Badhan, Gaalkacyo,
Laascaanood.
Meeday Dowladda
Soomaaliyeed ee
Heshiisyada Noocaas ah
Geli karta
Adduunkoo dhami waa ka
dheregsanyahay in 14-kii
sano ee u dambeeyey
aysan Soomaaliya lahayn
wax dowlad ah. Shirkadda
lafteedu arrintaas waa
qirtay markey dhaheen:
“Since there is not any
diplomatic presence in
Somalia, governments
cannot provide services
to their citizens in
Somalia”. Maaddaama
aysan wax dublaamisiyad
ahi ka jirin Soomaaliya,
dowladduhu waxay
awoodiwaayeen inay
dadkooda Soomaaliya
jooga ka daboolaan
adeegyada ay u
baahanyihiin. Haddii
shirkadu Soomaaliya saas
ku sheegtay, yaa la
gaaray heshiiska lagu
kala gatay dhulka intaas
le’eg, intaas oo
sanadood? Ma filayo in
la heli karo dowlad
Soomaaliyeed oo heshiis
caalami ah gaari karta
sanooyinka soo socda
iska daa in Puntland
heshiis noocaas ah
galaane.
Maamulka Cusub ee
Puntland Muxuu Arrintaas
ka Oran
Waxaad mooddaa in
heshiiskaas uu saxiixay
hogaamiyihii hore ee
Puntland ama cid
metelaysa. Laakiin
maamulka cusub ee Cadde
Muuse arrintan wax maka
ogyahay? Hadduusan ka
ogeyna ma u saareen
guddi iskugu jira
sharci-yaqaanno iyo
aqoon-yahanno kale oo
arrintaas darsa? Waxaan
sugnaaba waa maamulka
cusub oo arrintaas
iftiinsha.
“Mowqifka Dowladda
Federaalka ee Cusub”
Maxaa
dowladda cusub uga furan
heshiisyadii hore ee uu
gaaray hogaamiyihii hore
ee Puntland haddase
sheegta “madaxweynaha”
Soomaaliya? Mise waxa ka
dhacaya Puntland uma
yaalaan xukuumadda cusub?
Waxaa arrintan daneynaya
wasaarado badan sida
wasaaradda howlaha guud
iyo guriyeynta,
gaadiidka badda iyo
dekedaha, gaadiidka
cirka, ganacsiga iyo
kuwo kale. Haddii
wasiirradaas waraysi
loogu tago maxay oran?
“madaxweynuhu” arrintaas
ma u sheegay labada gole?
Maxaa wasiirrada kale
iyo xildhibaannadu oran
hadday arrintaasi
rumowdo?
Maxaa
Soomaaliweyn la gudboon
Marka
hore waa inaan hubino
macluumaadka ay
shabakaddaasi qortay
maxaa yeelay waa
sahlantahay oo waxay ka
tageen cinwaannadii,
teleefoonnadii iyo
meeshii lagala
xiriirilahaa shirkadda
iyo qareemadooda. Marka
laga bilaabo idaacadda
BBC-da laanta
Afsoomaaliga ilaa
idaacadaha Soomaaliya
iyo dibadaha ka shaqeeya
iyo weliba
taleefishinnadda iyo
boggagga Soomaalidu inay
baaritaan galaan.
Kadibna weriye kasta uu
su’aasha ugu horraysa ee
uu weydiinayo kornayl
C/hi, Geeddi iyo Cadde
Muuse ay noqoto
arrintaas. Haddii
korneylka iyo Cadde
inkiraan ama beeniyaan
waxaan filayaa ineysan
jiri doonin cabsi laga
qabo dhulkaas laakiin
hadday inkiraan
dabadeedna shirkaddaasi
caddeyso sida laga
fahmayo warbixinteeda ku
qoran boggeeda waa in
talaabo sharciya oo
arrintaas waafaqsan laga
qaadaa.
Arrintani ma ahan mid
ganacsi keliya salka ku
heysa ee waa mid ujeeddo
badan ah. Waxaa ka mid
ah in quwado shisheeye
qabsadaan marinka
Xaafuun oo istiraajiyad
ahaan qiimo badan leh.
Warqaddaan markay soo
gasho boggagga
Soomaalida, waxaa la
rabaa in arrinta ay ugu
horreeyaan
garyaqaannadda
Soomaaliyeed; iyagoo
cinwaannada shirkaddaas
ka duulaya waa inay la
xiriiraan dadka ay
shirkaddu ku sheegtay
inay ka wakiil yihiin.
Hadday arrintaasi
dhabowdo waa sahal in
maxkamadda adduunka lala
tiigsado shirkaddaas.
Waxaa farxad noo ah, in
kala-iibsiga dhulkaas uu
sharci-darro yahay
maaddaama aysan
Soomaaliya dowladi ka
jirin muddo 14 sano ah
iyo hogaamiyihii
Puntland oo markaas
sharci-darro ku heystay
markuu shirkadda
heshiishka la
sixiixanayey.
Cinwaanada iyo xiriirka
HAFZA
-
Hafza Ltd.
(Registration No.
209348309)
-
Registered Office
-
3217 Lake Fraser
Green SE
-
Calgary, Alberta,
T2J 7H9
-
Canada.
-
PH: + 1-403 540
1015
-
FX: + 1-
403.229.2655
-
Bank
-
TD Canada Trust
-
2 Calgary Place
-
340 5th Avenue SW
-
Calgary
-
Canada
-
Lawyers
-
Burstall Winger
-
Suite 3100 Home Oil
Tower
-
324 – 8th Avenue SW
-
Calgary, Alberta
-
Canada
-
-
HAFZA LTD. (DUBAI)
-
www.hafza.com
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com