Afar bil ka hor ayaan
arkay warqadan uu ku saxiixan yahay C/llaahi yuusuf
ee loo diray shirkadda Hafza.
"Xildhibaanad
Caasha Axmad Cabdalla oo ka hadlaysa heshiiska Hafza
iyo mas'uuliyiin soomaaliyeed dhex maray"
Xildhibaanad Caasha
|
Si aan wax
badan uga ogaano sheegashada shirkada Hafza ee ku
saabsan lahaanshaha dhulka xaafuun muddo hal qarni ah
sida ku cad qoraal ay shirkadaasi faafisay, waxaana ay
shirkadaasi sheegtay in ay ku wareejiyeen dhulkaas dad
mas'uuliyiin ah sida Madaxweynaha DFKMG ah ee soomaaliya
C/llaahi Yuusuf Axmad.
Arrintan
waxaan wareysi kala yeelanay Xildhibaanad Asha Axmad
Abadalla oo ka mid ah baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya
isla markaana ka mid ah ururada u dooda xuquuqul
insaanka, waxaan wax ka waydiiyay ugu horeyn waxa ay
kala socoto sheekada HAFZA ee lagu wareejiyay dhulka
xaafuun mudada halka qarni ah.
Somalitalk:Wax Aqoon ah ma u leedahay shirkadan
Hafza ee sheegatay dhulka xaafuun in lagu wareejiyay
muddo hal qarni ah?
Asha: Haa waa jirtaa shirkadan waana shirkad
dambiile ah oo ay raadinayaan Booliiska caalamiga ah ee
Interpol-ka waxaana lagu hayaa in ay dhibaatooyin u
gaysatay in ka badan 67 dal oo aduunka ah, ninkii
madaxda ka ah hadda waxaa lagu sheegay in uu ku sugan
yahay dalka imaaraadka carabta waxaana loo balan qaaday
lacag qofkii keena ninkaas, shirkadan waa mid maafiyo ah
oo qorsho qarsoon ka leh soomaaliya shirkadana maahan
mid hadda ugu horeysa ee waxaa jira shirkaddo kale oo
magacyo ganacsi la soo huwiyey suna ku shubay dalka
soomaaliya meelo ka mid ah dantoodi markii ay ka
gaareena ka tagay lakiin hadda midan waa mid cad oo soo
dhaaftay qarsoodi.
Somalitalk: Goorma ayuu dhacay heshiiskan inta
aad kala socoto dhex maray C/llaahi Yuusuf Maamulkii
hore ee Puntland iyo shirkada Hafza?
Asha:
Heshiiskan waxa uu dhacay sanadkii hore bishii
ogtobar waxaana arkay warqad qoraal ah oo C/llaahi
yuusuf uu shirkan u diray kuna saxiixnaa, sadex maalin
ka dib markii loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee
Dalka soomaaliya, waxaana warqadaas ka horeysay mid uu
soo qoray Axmad Maxamd igal bishii ogtobar 4teedi una
dirayay C/llaahi Yuusuf oo xiligaas aan ahayn madaxweyne
isla xiligaas waxaa isoo martay warqad ay booliiska
caalamiga ah ku raadinayaan gudoomiyaha shirkada waxaa
iyadana jirta warqado kale oo ay is dhaafsadeen shirkada,
Madaxweynihii puntland ee hore Maxamad Abdi haashi iyo
C/llaahi yuusuf oo shirkadan loogu wareejinayo Xaafuun
mudadaas ku dhaw halka qarni.
Somalitalk: Arrintan waa mid qatarteeda leh
hadii aad ka haysay xogtan maxaaad baarlamaanka ugu dhex
sheegi waysay?
Asha: Baarlamaanka wali looma keenin mowshin
ahaan laakiin way ogyihiin waana ka dhex sheegay waxaana
lala sugayaa waqtigeeda, waraaqo kale ayaana maqan,
kuwaas markii aan helno ayaa laga doodi doonaa, horey
waxaan uga sheegay saxaafadda soomaaliyeed muddo hadda
laga joogo sadex bilood, waxaana u sheegaynaa in xaafuun
ay tahay dhul soomaaliyeed oo aysan shaqsiyaas iibsan
karin, waa la soo dhaafay xiligii dad gaar ahi magac
shirkado ganacsi dhulka soomaaliya qashinka loogu soo
daadin jiray hadda dadka wax badan waa baraarugeen
aduunyaduna waa ogaatay in soomaaliya sunta haraadiga
nuclearka lagu shubo badaha soomaaliya haddana waan ka
sii digaynaa in arrintani xooga la saaro sidii looga
hortagi lahaa.
Somalitalk: Dad badan ayaa qaba in arrintan
been abuurasho u muuqato waayo dowladdu wali wax war ah
kama soo baxin sideed ku xaqiijin kartaa?
Asha: Anagu waxaan aragnay documen iyo saxiix
kaas ayaanan ugu jawaabnay Hafza, shirkaduna waxay soo
bandhigtay qoraalo saxiix leh anaguna kaas ayaan aragnay
oo aan bulshadeena usoo bandhigaynaa hadda horeyna uga
sii dignay warqadana waxaan arkay muddo laga joogo afar
bilood isagoo uu ku saxiixan yahay C/llaahi yuusuf Axmad
iyo Maaulkii hore ee Puntland taladeeda hayay waana
waajib na saaran inaan daaha uga qaadno shacabka
soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxii lala
damacsan yahay dhulkooda ama lagu boobayoba.
Somalitalk: Wax Go'aan ah oo aad ka
qaadateen illaa hadda ma jiraan Shirkadaas dhulka
xaafuun ee ay sheegatay?
Asha: Waxaan wadnaa
qorshe aan ku baraarujinayno dadka soomaaliyeed sidii
arrintan looga hortagi lahaa baarlamaankana loo horgayn
lahaa si ay uga doodaan kadibna meel loo saaro arrintan
waxii ka soo baxana waa mid la ogaan doono, laakiin
waxaan u sheegayaa shacabka soomaaliyeed qarni iskaba
daa ee laba sano xitaa dhulka soomaaliyeed looma gacan
galin karo shirkado ajaanib ah waxaana mar dhaw arrintan
kala xaajoon doonaa wasiirka ganacsiga dowladda FKMG ah
waxa uu ka ogyahay wasaarad ahaan waayo shirkadan waa
mid ganacsi laakiin arrimo badan hoos duugan yihiin oo
aan la fahmi karin waxaana og kaliya shirkada hafza iyo
kuwa ka kireeyay.
Waxaa waraysigan qaaday:
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Kenya |
Mar 6, 2005