WARDHEER, HAFZA, iyo XAAFUUN MAXAA ISU GALAY!!!!?
Abdikarim Ahmed"
karimafcad@hotmail.com
Marka hore waxaan salaan iyo taageero buuxda ugu dirayaa qoraalada
ogaysiiska iyo baraarujinta isugu jiray ee ay bahda Somalitalk, C/waaxid
iyo Mukhtaar noo soo gudbiyeen. Waana ku mahadsan yihiin hawshaas.
Runtii waa in ku filan in ay wax tusto inta rabta inay wax maqlaan
ama fahmaane.
Hadaan u soo daadago cinwaankayga, Shirkada (amaba taliyayaasha,
waa sida ay iyadu isku tilmaantaye) HAFZA
ayaa waxay website-keeda ku soo bandhigtay
map ay ku sheegayso inuu tusinayo waxa ay ugu yeertay FREE ZONES
(-ka lagu marmarsoonayo) iyo HAF SIINTA Xaafuun loogu maleegayo inay
Luudiyiinta hooy lagu ilaaliyo u noqoto. Su’aasha cinwaanka
waxaa igu dhaliyay WARDHEER (iyo Ogaden) oo ka
dhex muuqda Free zone-nadaa la sheegay!.
Waxaan la soconaa in Wardheer ay ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed ee
ay Amxaarada walaalahood Ingiriis ugu deeqeen ee ay ilaa iyo hadana
gumaysato.
Amxaaro (Ethiopia)
hadda waa dawlad aad u xoog wayn
Eritrea
–na muquunisayba hadii aysan ka soo gaari lahayn kuwa labada
dawladoodba ay u shaqeeyaan ee iyaguna inta laga tirada badan yahay
(masiixiyiinta) u sandul-leeyay inay inta badan ee muslimka ah
xukumaan oo say rabaan ka yeelaan,
Soomaaliyana inay takhdiid nidaamsan oo adag u dagsatayu waa wax la
wada dareensan yahay. Waxaabadse moodaa in arintu intaa ka sii wayn
tahay oo Soomaaliyadii xorta ahayd! ay qaar iyadu toos uga talinayso.
Maya iyana waa la dareensanaa waa hadii aan ula jeedo inay Dal, Diin,
iyo Dad burbirayaasha (dagaal ooge-yaasha) siday iyadu rabto ugu
shaqaysanayso, hadaysan fulin waxay rabtana ay xoogaaga loogu soo
dhiibay! ka goosanayso qaarna fadeexayn iyo faraha laga hayo
faafintooda bilaabayso, sidaasna ay ku gaarayso inaan waligeed
dawladi ka shaqayn Soomaaliya, taasoo miiska u saaraysa in ay
xalaalaysato wadankeena ay gumaysanaysayu. Maya, Maya iyana waa la
ogaa “ileen sagaaro ima barato!” intaa sheekadu ka sii
durugsan; meesha gacan Reer galbeed la dhahaa ku jirta oo Amxaradu
waa dhagax la tuurayo, doorashana ma leh ee wixii la soo faro un bay
fashaa. Haa, taasu waa run, laakiin “ilaa aakhiraa dabada la is
haystaa” ye amxaaraduna qaarkeenay dhagaxaysteen, dhagax kastaase
dan u gooniyuhuu leeyahay,
Balse arinta dhagaxyada iyo isdhagaxaysigooda aan u soo noqonee
marka hore aan sii cadayno arinta WARDHEER.
-
HAFZA (haf-siiso) ma Itoobiyaankaa leh oo saasay Wardheerna
meesha ku soo gashay?
-
Itoobiyaanka miyaa Xaafuun iyo Puntland ka taliya oo iyagu HAFZA
heshiiska la galay.
-
Ma madaxdeenaa rag noqday oo ku guulaystay inay dagaal
qaboow ku xoreeyaan WARDHEER?
-
Mise Dhagxaanta yaryar oo dhan baa hal meel oo iyadu HAFZA lihi
amarka soo wada siisay oo sadixdoodaba (Hafza, Amxaar iyo
Dhagax-Soomaali) hal buntuq baa laga soo wada tuuray.
Akhristaha qiimaha leh ayaan u dhaafayaa bal sii baarida iyo xaqiiqa
raadinta arinta, walowse aniguba aanan fahmin, hadana waxaa la
dhahaa “doqon usheedaa lala dhacaa” -yoo mar kasta nabarku ciduu ku
dhacayo “cidna aysan u maqnayn ceelna uusan u qodnayn”, kii ku
filnaan lahaana ka jeensatayu waa Soomaali, “Rabbise talo ku
filan”-ne inta aad ka sii fakarayso ila sii eeg xaalka dhagxaanta
anigu waan bixin waayaye.
Marka horase –akhristoow- soow ma haboona inaan xoogaa isla eegno
taariikhda dhaw ee labada shacab ee dariska ah ka dhaxaysay si loo
iftiimiyo sababaha la oran karo sal bay u yihiin khilaafka jira ee
aan dhamaadka lahayn, iyo hanqaltaaga fog ee Amxaarada.
Soomaalida
-
Waligeed intii Islaam jiray muslim bay ahayd
-
Isticmaarkii ka horna Imaarado ay caasimadooda ganacsigu
Harar tahay ayay ahayd.
-
Rabbi wuxuu ugu deeqay Bad aad u dheer oo aduunka meel aad
mihiim ugu ah marin (waddo) u ah, Khayraatna dhex jiifo iyo Dhul
qani ka ah xaga xoolaha, beeraha iyo cimilada, Alle kaliyihina
garanayo waxa hoostiisa ceegaaga. Ninkii intaa haystaana
hoostiisuu ka dhargaa.
-
Cidda hogaanka u qaban jirtay ee danahooda iyo difaacooda
maamuli jirtayna waxay wadan jirtay darajada Imaam, Sayid,
Suldaan, Sheekh ama Amiir
-
Dagaal aan si joogto ah u socon ayaa in ka badan 600 sano kala
dhexeeyay Amxaarada.
-
Laga bilaabo intii amxaaro jabisay ixtiraamkii muslimiintu u
hayeen oo ay iyagu dagaalka bilaabeen waa laga quwad roonaa (inta
badan).
-
Dhawr jeer ayay khatar ku sigteen in gabigoodaba la dabar jaro
hadaan bahdooda gaaleed sida Portugal, Ruushkii iyo kuubaankii
Angola laga soo daabulay iyo kuwa sida dadban u taageera
casrigaan sida Ingiriis, Yuhuud iyo Maraykan-ku badbaadin.
-
Madaxda ‘Soomaalida’ (intooda badan) tababar fiican uma haystaan
sida wadan loo matalo, iyo sida cadaw daris kula ah dalkaagiina
haysta loogu dan gaaro.
-
Muwaadinka Soomaali kama fakaro caaqibada ka dhalanaysa ficilka
uu samaynayo, ama heshiiska uu galayo.
-
Muwaadin-nimo ma yaqaanaan haday arkaan cid taqaanana kama
faa’iidaystaan oo kuma daydaan, sidaa darteedna hammi
horumarineed ma leh, ee kii xataa xoogaa hela ama bartaa dal
kaluu la fariistaa.
-
Shakhsi shakhsi ahaan si fardi ah mas’uuliyadooda uma dareemaan,
ka soo bixidna iskaba daa.
-
Qalbigoodu ma arko in “gacmo wada jir wax ku gooyaan” “far
kaliyuhuna aysan fool dhaqin” sidaa awgeedna kumaba baraarugaan
aduunkii oo dhami inuu u cararayo xagga wax wada qabsiga iyo isu
tagga, ee iyagu xaga kale (is nac, cadaw u kala hor marid iyo
kala tag) ayay u cararayaan oo cadawgooday ka farxinayaan
ogaansho ama ogaansho la’aan, waxaase ninkii tartankii dhanka
kale u orday laga wariyay “ninba dhan u badi”.
-
Sidoo kale umana muuqato kamana faa’iidaystaan waxa ka raacay
dadkii dhulkooda (Ogaadeenya iyo NFD) cadawga gacanta u galiyay
oo iyaguba ay ka mid yihiin. Falastiin-na tusaale ku filan.
Amxaarada
-
Boqortooyo soo jireena inay ahaan jirtay xattaa Kiristaanka ka
hor ayay isu haysataa oo iyadu geeska Afrika bad iyo barriba
xukumi jirtay (haba lagu qabsado boqortooyadaasu ciday ahayd iyo
inta xittaa saaxiibadood gaalo ay uga ogol yihiin inay marna
badda geeska Afrika gaareene).
-
Waa shacab aad u fara badan oo kor u dhaafaya 60 malyan, aan bad
lahayn, dalaga barrigooduna ku filnayn.
-
Menelik ayuu
ahaa ninkii ugu horeeyay ee qabsaday Harar 1890nadii, isaga
ayuuna ahaa ninkii sheegtay inuu Ogaadeenya leeyahay, haba laga
hayo qoraalo hore oo uu ku cadaynayay inuusan shaqo ku lahayne.
-
Haile
Selassie-na riyadii saaxiibki wuu ka rumeeyay oo wuxuuba
Soomaaliyoo dhan ku tilmaamay oo ula baxay “lost province" (gobolkii
lumay), kuna gaaray in Ingiriis ugu saxiixo Ogaadeenya iyo Hawd
inay isaga ka tirsanaadaan 1954-kii. “Waysha gawrac dibigu ha ku
quus qaatee”.
-
Mengistu-na
waa ninkii beeray oo dajiyay burburka Soomaali.
-
Qolada hadda
haysatana waa qoladii Soomaaliyi korisay oo malaha diraaso xeel
dheer iyo aqoon fiican Soomaalida ka sii diyaarsatay intii
Kuliyadii Jaalle Siyaad iyo Hotel Curuubah lagu nafaqaynayay,
kuwaasoo takhdiidshay siday ku hir galin lahaayeen hammigii
Menellik 100 sano ka hor.
Sheekada Soomaalida iyo Itoobiyaanka gaalada ahu waa geed
laamo badan leh oo aan la garan karin laanta fiiqda ku gaynaysa.
Kharashka iyo xisaabtana Soomaalidaa qabta oo iyagay ka go’an tahay,
laakiinse “Lankii dibigiisa la aamay aa daandaansi laga rabaa” ayaa
gabadhii caruusada ahayd laga sheegay, si kastase ha ahaatee arimaha
aan soo tilmaanay iyo kuwa kale oo badanuba waxay kaloo sabab u
yihiin hanqaltaaga Amxaaro.
Dhanka kale, dhagxaantu waa sadix sidaynu soo sheegnayba,
iyaga ayaanuna sameecada ku wareejinaynaa si lisaanul-xaalkoodu
nooga waramo mid waliba wuxuu yahay, wuxuu galo, iyo yoolka uu
dhagaxnimada uga dan leeyahay. Sheekada waxaa loogu kala hormarayaa
sida loo kala awood roon yahay, waxaana ku hormaraya Dhagaxa Qarsoon
oo hadalkiisa ku bilawday sida soo socota.
Dhagaxa
Qarsoon: Anaa aduunka maanta ugu sareeya, cidii aan aniga i hoos
imaana xaq uma leh nolol. Aduunka qaarba si baan uga shaqeeyaa,
meelo anaa toos u taga meelana rag dantayda dantoodu tahay baa iiga
filnaada, meelana rag kaloo daacad ahaan u dhiibtaa.
Geeska afrika mar
baa xoogaa tahluko nafeed iyo mid siyaasadeedba iga soo gaareen ka
dib markaan hooyo Ingiriis oo ka joog anaa nimankaan aqaanee i leh
ka talo diiday. Hadana ma rabo in tahluko siyaasadeed iiga timaado
meel wax ka jiraa inaysan jirin la wada ogyahay. Hadaanse anigu ka
ogahay meesha(Soomaaliya) wax dadkaygu aysan ka ogayn, waxaan
go’aansaday qodobada soo socda.
-
Ethiopia waa
asalkii kiristaanka, meeshayna ku taalaa (Bariga dhexe), badse
ma leh oo marinkoodu waa cirka oo kaliya. Waa rag oo in yar oo
kiristaanahaa ku guulaysatay inay inta badan (ee Muslimka ah)
iyagu maamulaan oo u taliyaan kana dhaadiciyaan in wadanku
Kiristaan yahay, waana ay wanaajiyeen, meel aad iigu muhiima oo
khatarana waa ka ag dhawyihiine waa in wiilasha la xoojiyaa.
-
Arin kalaa
igu khasbaysa xoogaynta
Ethiopia
oo waa tii laga helay Ogaadeenya Gaaska dabiiciga ah iyo Dahabka,
hadana Uranium–baaba laga sheegayaa. Marka meesha barwaaqaaba ka
dilaacday “ninkii ka qadaana dhaxalkii aabihi buu ka qaday”.
-
Hal ciladahaase jirtoo, meel wax la marsiiyo Badda kuma leh oo
waagii horaan (1950) barnaamijka kharibnaye waxay ahayd in
nimanka Badda irid looga ciriiriyo. Hadda lafteedana wax ka
qabashay leedahay oo iyagaaba shaqaystay Dalkii dhamaa oo ku
geedaamnaana kala tuuraye waa inaan si fiican gacan ugu siino in
hadaysan Horn afrika oo dhan la wareegin ay dhawr ka kala
dhigaan si aan kuwaa yaryar midba mar u isticmaalno, marbana mid
aan midda kale madaxa ugu galino. Saas waxaan u leeyahay
nimanka (Soomaali) aan nimanka (Amxaaro) u diraynaayu hadaysan
hurdin niman loo gali karo maaha – waloow kuwa hada joogaa aysan
gaari karin aabayaashood- oo portaqiisna hortayuu xittaa
caasimaddoodii dhulka la simay, annana 100 sano ka hor ayaan ka
khayr waynay oo ay nagu khasabtay inaan kala haataa wilfayno oo
qayb-ba meel u tuurno si ay nafteeda ugu mashquusho. Saasoo ay
ahayd ka khayr waynay oo inaan qaarkood ‘balo cirka uga soo
tuurno’ oo diyaarado ku weerarno (1921kii) maahee aan xal kaleba
waynay.
Aqoonta aan u leenahayu waxay na tusaysaa inay laab la kac leeyihiin
waajibna ay tahay in si ku meel gaara loo maaweeliyo lagana ilaaliyo
in aad loo ciilo. Marka waa inaan gaajana loo dilin hiyigoodana meel
kale loo sii jeediyaa ilaa waagu dushooda ka baryayo oo ay arkaan
saaxiibadeen (Amxaaro) oo ka tirtiray (Soomaaliya) map-ka aduunka.
Khidadaan oo hir gashaana waa tan kaliya ee noo saamaxaysa inaan wax
ku yeelano Gobolka nolosheenu ku xiran tahay ee Bariga dhexe
Carab-na waaban ka gumaysan karnaa. Inta taa laga gaarayana waa
inaan Carabta lafteedana nafteeda ku sii mashquulinaa illeen nimanku
(Carab iyo Somaali) wax bay wadaagaane, marka waa in aan marna
Ciraaq marna Syria marna Sucuudiga rabsho ka samaynaa oo aan waqti
ay ku fakari karaanba u diidnaa.
Dhagaxii qarsoone abaabul buu sameeyay, dhagaxii Amxaarna dhawr
siyood buu arintii ugu soo gudbiyay. Mar bad baad helaysaa, marna
dahab iyo Gas baanu Ogaadeenya kaaga helnay oo isna waa kuu
xalaaloobayaa. Khad uu marona waad u baahan tahay. Marna nimankii
meesha kugu qoqobay ee aduunka buuraha kaaga xirxiray ayaad san
dulaynaysaa oo ka aar goosanaysaa. Marna sayidkaagaad (R. Galbeed)
adeecaysaaye ama yeel waxaan ku farno ama diid. Hadaad diido dhawr
bari meesha sii saarnaan maysid oo mid kaloo (sida Calaawiga Ciraaq
oo kale) hawsha si firfircooni ku jirto u qabanayaan saaranaynaaye
ogoow oo xisaabta ku darso.
Qarsoone intuusan ula imaan barnaamijkaan Amxaar ciil buu isla
cunayay. Bal siduu u fakarayayna isagu ha inoo soo bandhigo.
Dhagaxa Amxaar:
Anigu meel baan aduunka uga qoqobnahay, dadkayguna farahay ka bateen.
Xal inaan helaana waa lagama maarmaane bal aan isla eego dhowr
arimood:
·
Horta bal fiiri, meesha cadaaladiba ma jirto, see Soomaali oo
yaraanteeda la wada ogyahay, Daciifnimadeedana aan anigu ogahay,
intoodii ugu caqliga roonaydna (madaxda u ahayd) aan anigu sidii
eeygii farta ugu yeeraa waxaasoo Bad ah u haysataa!? Hadii
aabayaashood ka raganimo badnaayeen aabayaashay (wixii Menellik ka
horeeyay) anna wiilashooda sow kama raganimo badni hadda. Maxay ii
tarayaan Gaska, Dahabka iyo macaadinta aan Ogaadeenya ka helayu
hadii aanan haysan meel aan aduunka u mariyaayu.
·
Carab (Masaari) baan ka baqayaa inay sidii ay wabiga Nile-ka iigula
xisaabtantay uu takhdiidka aan Soomaali u dagsadaayu iiga suurto
gali waayee see carab ka yeelaa? Allaylehe waa inaan kuwaan ku
gaarayo danahayga oo Soomaali madaxda u ah ka dhaadhiciyaa inay
Carabu cadawga Soomaali tahay. Jidkaanuna waa kan kaliya ee Masaari
Soomaaliya ka cayrin kara ileen nin ku nacay si kasta oo aad u
aragto inuu rogmanayo kaa rumaysan maayo waa haduuba ku dhagaystee.
·
Kuwa reer galbeedka ee aan Berlin-Germany qarnigii 19aad Africa kula
qaybsadayna waayahaan dambe waxba iima ogola oo in Kiristaan nimo
wax lagu helaa luuqluuq bay baryahaan gashay, laftooduna dano ayay
Soomaaliya iyo Bariga dhexe ka leeyihiin oo inaan ka amaan heli
waayaan ka baqayaa.
Dhagixii Amxaar oo awalba sidaa ku fakarayay ayaa waxaa la soo
xiriiray Dhagixii qarsoonaa oo ahaa cidda kaliya ee uu is tusayay
inay caqabo ku noqoto qorshihiisa, wuxuu kaloo ogyahay in isaga
dhagaxa qaarsooni uu Carab uga filan yahay oo aysan wuxuu rabo kor u
fiirin karin.
Dhagaxii amxaar talo ayaa ku cadaatay, marna waa qoslaa marna tolow
markaad arimahoodaan fuliso iyagu maku daynayaan iyo fakar-ro kale
oo badan ayaa maskaxdiisa ku soo noqnoqday. Aakhirkii go’aan buu
gaaray “Allaylehe waa inaan yeelaa, wax kale hadaanan ka helin sow
dhulkoodu (Soomaali) dhaafi maayo oo gaal ila midihi fariisan maayo”.
Dhagax amxaaar waa hawl bilaabay oo qarsoonana i fiirso saan wax u
galo ayuu ku yiri.
Inta aan kulanka qarsoone iyo amxaar dhex marin ayaa waxaa
Soomaaliya ka talinaya niman ma qosle, ma quustayaal aan naxariis
lahayn wada ah (Dhagax Soomaali), oo intooda badanu markii naftooda
la waydiiyo sharaxa soo socda iska bixinayaan.
DHagax Soomaali:
Anigu 70 jir reer baadiye nimo 35 ku soo gaaray baan ahay, aduunyo
iyo siyaasadna waxaa iigu horaysay 91-kii markii tolkay igu yiri
“War heedhe hebel, war nin yohow aad baad u hadal taqaan, nin
karmoodna waad tahay, ee maad siyaasigaya na matala noqotid oo
qaybtayada noo soo dhicisid” anna waan ka yeelay. Wax madaxwayne ka
sokeeyana annagu maba aqbalno oo meeshaan joogno waa ka muuqanaa (reer
hebel hadaan nahay), yaase ii diidi kara inaan madaxwaynaha
Soomaaliya noqdo, ma ninka noqonayaa iga raganimo badan mise anaa
laba bilood ku dhashay. Raganimadayda iyo kartidaydana shaki kuma
jiro hadaad rabtaana - sidii hebelba yeelay - anoo Zanaawi la
sawiran waan idin tusayaa mar dhaw.
Kulanka aan Zanaawi la yeelanayo waxaan uga gol leeyahay inaan tuso
inaan ahay ninka kaliya ee uu Soomaaliya ka taageeri karo. Aduunka
madaxdu waa siyaasatamaan, oo heshiisyay kala saxiixdaane waxaan ku
qancinayaa inuu i kaalmeeyo isagana wuxuu rabo aan u qabto, kolayba
hadda wuxuu Soomaaliyadaan burbursan ka rabaan jirine!!. “isma og
aqalkii bay aslaysaa ismana oga”
Mar hadaan Zanaawi gacanta ku dhigo kuwa kale garabkoodaa laga baxay.
Tolkayna awalba anaa u sareeyay, xoogaa wax cilmiya is bidayay oo ku
jirayna qaarna markaan Zanaawi la xaajoonayay ayaan tarjumaan ka
dhigtay, qaarna jagaan u balan qaadayaa oo xafiisyo samaysta,
Baabuur qori lehna afar wiil oo idin waardiyaysa saartaan leeyahay.
Wax yaroo wadaado ah oo soo harayna kii ragiisa wax la qaybsan waaya
Odayga tolkaa ku filan, ileen “Fiqqi tolki kama janno tagee” kii
intaasoo dhami celin waydana hadde si qarsoon buu u socon oo
saaxiibkay Zanaawi waa khidado badan yahay.
Sadixda dhagax sadixduba dano ayay leeyihiin, mid kastaana wuxuu isu
khuraafeeyay in uu danihiisaas Soomaaliya iyo Soomaali ku gaari karo.
Kan qarsoon cidda soo tuurtay (Shaydaan) ayaa qarsoon oo isaguna
saasuu u qarsoon yahay oo tabo badan buu yaqaanaa. Labada dhagax
Soomaali iyo Amxaarse qaylo badan baa ka dhex yeeraysa oo marna
Cigaal iyo Guurihii habeenka ayay isku noqonayaan, marna Dhurwaagii
Hasha iyo nirigta inta lagu aaminay, oo intuu midna naasihii ka
goostay midna bushimihii yiri “Maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa”.
Qarsoonase arintaas uma bogsana, meeshay ku dhamaanaysana waad ku
khasban tahay inaad goob joog ka ahaato.
Dhagxaantu mid mid u war la’, isuna war la’
Iyagu isu war la’ oo mid waliba dan guracan buu wataa “Falaar kugu
soo noqonaysana kor looma gamo”.
Mid-midna u war la’ oo Amxaar taariikhda iyo Muslim iyo dabeecadiisa
u war la’. Qabqable Soomaali-na Diintiisa iyo Dalka uu ku cayaarayo
u war la’. Dawlad doonid iyo raganimo iska doonidna ma kala saaro.
Qarsoonana mar uun in dulmane soo jeesan, oo uu isagu “godkiisa
gacmihiisa ku qodanayo” u war la’.
Waxayse dhamaantood u wada war la’yihiin inay laba qolo mid uun u
kala shaqaynayaan; ama Alle iyo sidii lagu gaari lahaa raali
noqoshadiisa inta kalena isaga loo dayn lahaa ama Shaydaan iyo sidii
Jahannamo loogu wehel yeeli lahaa.
Adiguse akhristoow ma i dhaantaa oo go’aan ma ka gaartay arintii
Wardheer iyo Xaafuun mise wali BBC-daad sugaysaa? “Xag uun labada
daarood ku daran ha is xakabin meele”.
Gunaanad
Waxaan u malaynayaa inay cadaatay in arintu tahay “ninka loo dan
leeyohoow ha is gaabine is garo”, Arintuna ay taagan tahay “haday
fooli timaado guda qarsi dhamaa”.
Soomaaliyi Diinta Islaamka (intay ka yaqaaneen) ayay ku soo cayshtay,
iyadaa sharci iyo kala hage u ahayd, Cidda taqaanna oo rabbiga wax
kastaa gacantiisa ku jiraan ugu cabsida badan ayaana hogaamin jirtay.
Iyadaa isku xiri jirtay isna fahansiin jirtay. Badda aad aragtaan
iyo dalka aad aragtaana soo hoysay. Waxaase la yaab ah in iska daa
in loo noqdee aan la ogaynba oo meelo kale xal laga raadinayo.
Arinta Xaafuun ka dib miyuusan taagnayn waqtigii dhabta lagu
baraarugi lahaa oo maahsanaanta laga bixi lahaa?. Tafaraaruqa iyo
himmi beenaadka ay gaaladu midba meel balanta aan jirin ugu qaadayso
laga hor tagi lahaa oo “Ul iyo diirkeed” la noqon lahaa.
Abdikarim Ahmed"
karimafcad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 27, 2005
Xal
loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun
| C/waxid