Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada
Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
- Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com
Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa
April 29, 2013 waxaa loo magacaabay ergey cusub oo u dhashay dalka Britain oo
lagu magacaabo N. Kay. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh
ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada
xafiiskaas.
Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 –
January 1, 1992)
Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka
Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray
wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda
dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa
hoggaaminayey
James
O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone.
Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga
dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la
tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay
Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.
Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 –
1 January 1997)
Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka
Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa
Gaarka ah ee Soomaaliya u
magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay
dalka
Algeria. Waa xilligii
UNOSOM I (April 1992 - March 1993). Laakiin October
26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida
la sheegay, markii
khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.
Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November
8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay
Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat
Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993
markaas oo ay bilaabatay
UNOSOM II (March 1993 - March 1995) iyo xilligii
hawlgalkii
UNITAF
ee "raja soo celinta Soomaaliya" (December 5, 1992 ilaa
May 4, 1993).
March 9, 1993 ayaa Admiral Jonathan T. Howe,
oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga
gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya.
Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu
is-casilay.
Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo
ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.
July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay,
Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u
magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer
Ghana).
March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka
baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay
xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga
gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.
Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis
qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay
United Nations Political
Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in
xafiiskaasi loogu talo galay "Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo
lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada
danaynaya."
Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid
siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay
Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department
of Political Affairs).
Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo
arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM
u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa
Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu
bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada
Midoobay iyo hay'adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini'aadamino iyo ururada
UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.
Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero
soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo
dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org)
xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada
Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.
Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo
maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay
Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.
November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga
Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay
Tanzania.
October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa
haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.
Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007)
Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana,
ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya u magacaabay
Winston A. Tubman oo u dhashay Liberia.
Waxana uu xilkaas hayey ilaa April 2005.
Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee
Soomaaliya uu
May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall,
oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey
ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii
ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006
ilaa Janauary 15, 2009).
Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007)
Ban
Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean,
ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu
September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla
(Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka
Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa
xafiiska UNPOS. Walad Cabdalla waxa uu qayb weyn ka
qaatay heshiiskii Is-afgadad ee dhexmaray Kenya iyo
Soomaaliya ee ku saabsanaa badda Soomaalia. (Sida ku cad
warbixinta hordhaca ah ee ka kooban
15-ka bog ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah ay
u gudbisatey April 14, 2009, taas oo qayb ka ah xogta
lagu lifaaqay heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda
ee April 7, 2009 magaalada Nairobi ku dhexmaray
xukuumadda FKMG iyo Kenya, waaxaa diyaarinta
(warbixintaas) ka qayb qaaday Ergeyga Gaarka ah ee
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan
Soomaaliya. (Eeg
Bogga UN) - Waxaase is-afgaradkaas waxba kaam jiraan
ka dhigay baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya. June 3, 2010 ayaa Walad Cabdalla waxa uu
sheegay in uu xilka iska casilayo bisha July 2010.
Xoghaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa
June 9, 2010 waxa uu xilka wakiilka UN ee Soomaaliya
u magacaabay Augustine P. Mahiga oo u dhashay
dalka Tanzania, waxana uu July 1, 2010 xilka kala
wareegay Walad Cabdalla.
Mahiga waxa uu qayb ka ahaa samayntii qorshahii
Roadmap-ka, kaas oo qodob kamid ah looga hadlay badda
Soomaaliya waxa loogu yeeray EEZ. Laakiin wareegto
11-kii October 2011 ay soo saareen Golahii Wasiirada ee
Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in
arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada
Roadmapka.
Kaddib Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon waxa uu
April 29, 2013 wakiilka Qarammada Midoobey u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya u magaacaabay Nicholas
Kay oo u dhashay dalka Britain, waxana uu bedelayaa
Mahiga oo xilkiisu ku egyahay June 3, 2013.
Mr. Kay waxa uu hadda wasaaradda Arimaha dibadda ee
Boqortooyada Britain iyo Barwaaqa sooranka u qaabilsan
yahay arrimaha Afrika (Africa Director at the United
Kingdom Foreign and
Commonwealth Office (FCO)), xilkaas oo uu hayey laga
so bilaabo 2012. Ka hor waxa uu Safiir boqortooyada
Ingriiska uga soo noqday Congo (2007-2010) iyo Sudan
(2010-2012). Ka hor waxa uu ka hawl galay Afghanistan
2006-2007.
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: May 1, 2013 |