SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


HADDII AAD DULMI KA CABANAYSID DULMI ADIGU HA SAMAYN!!!!

Ilaahay waxuu inaga xaaraanitinimeeyay dulmiga oo ah shay aad u xun, waxaana hubaal ah qofka oo dulmi geystaa inay iman doonto maalin lagula xisaabtami doono. Muddadii ay dhisnayd dawladii milateriga ahayd ee soomaaliya waxaa wadanka ka dhacay tacadiyo badan oo lagula kacay qaybo bulshadda ka mid ah,inkasta oo ay ka dibna dhaceen waxyaabo ka daran.

Tacdiyadaasi ugu horayn waxay ku dhaceen dadkii aqoonyahanada ahaa ee soomaalida, waxayna taasi sababtay in dadkii aqoonta lahaa ay mar hore wadanka debedaha uga qaxaan, waxaa taas oo kale qabtay culimada iyo cid walba oo ka hortimaada sharcigii melateriga ahaa ee ahaa siduu yahay u qaado, waxaa in la xuso mudan dhibaatooyinkii melaterigu ka geystay gobolada dhexe, dhibtaas oo ku dhacaysay qabiil khaas ah aana loo kala harin waqooyi iyo koonfur waayo ciidamada ayaa ka koobnaa, waxaana lagu muquuniney cudud iyo siyaasad ilaa laga hor keenay dalkii ay gabaadka ka dhiganayeen waa Ethiopia,waqtigaas waxaa jiray taliyayaal qabiil walba lahaa oo gumaadkaas fuliyey, haddana dadkii dhibtaasi ku dhacday ma jiro cid ay si gaar ah ugu haystaan waxii gaaray oo aan ka ahayn dawladii dhacday,mana jiro qabiil ay gooni uga aarguteen.

Gobalada waqooyi waxaa ka dhacday dhib aad u baaxad weyn oo aanay jirin qabiil la leeyahay gooni buu ugu sameeyey, reer waqooyiga ha u qarsoonaato goosashadii ay rabeen haddana waxay xaq u lahaayeen inay dawlada laga doodaan xaquuqdooda waayo waqooyi iyo koonfuri uma sinayn,maamulka, tacliinta,caafimaadka iyo cadaalada iyadoo weliba reer waqooyigu dareensanaayeen inay ahaayeen laba wadan oo isku darsamay,waxaan qabaa haddii maskaxdu shaqayn lahayd labada dhinacba in laga badbaadi lahaa inuun wax yaabaha dhacay.

Ali Samatar
Siyaad Barre oo la hadlaya Cali Samatar | Oct 21, 1983

Haddii aan doodayda u daadego waxaa beryahan socday dacwad lagu wado CALI SAMATAR oo ahaa xubin ka mid ah dawladii dhacday, waxayna dadka dacwaynayaa ku doodayaan in cali samatar si gaar ah wax ugu geystay, taasi waa dulmi iyo tacadi ay wadaan dadka dacwadan wada sababtuna waxaa weeye iyagoo iska dhaadhiciyey in aan cali samatar ka dhalan qabiil xoog leh oo lagaga waabto iyo iyagoo aaminsan inaan samatar lahayn degaan uu dadka dhibta ku wada kaga aargoosan karin ,ogaada inay been yahiin waxa aad iska dhaadhiciseen ogaadana inaad baran doontaan dulmiga aad samatar ku wadaan midhahiisa.

Waad ogtahiin in talada wadanku ka go'i jirtay rag qabiil walba lahaa kuwaas oo aan dadka dacwada wadaa magacooda soo qaadi karin, meeyey? Gen. ISMAACIIL AXMED ISMAACIIL oo xukumi jiray ciidankaa asluubta oo ay hoos iman jireen xabsiyada soomaaliya oo ninka reer Atlanta ee Baashe uu ku doodaayo inuu xabsiyadaas ku jiray, ogaada qola kasta oo soomaalida ka mid ah inay u qoran tahay waxii ay qolo kale u geysteen, markaa waxaan idin leeyahay haddii aad dulmi ka cabanaysaan dulmi ka fogaada, waxaa markhaati leh markii ay dhacday dawladii soomaalidu inay reer waqooyigu sameeyeen aargoosi baahsan oo lagula kacay dadkii aan reer waqooyiga ahayn iyo kooxaha aan tamarta lahayn oo ay ugu marmarsiinyoodeen dawladii baad raacdeen, waxaana qiraal u ah xabaalo wadareedyada ay aduunka tusaan, waayo qofka reer waqooyiga ah waxaa loo soo gudbin jiray oo lagu xiri jiray koonfur sida Baashe ku doodaayo inuu ku xirnaa xabsigii LABAATANJIROW haddii ay jirtoba.

Waxaan raga dacwada samatar ku wada u arkaa inay tahay tunjilaycsi, hana ogaadaan inay fureen xisaabtan qolo walbi diyaar u tahay inay la xisaabtanto qabiilka wax kaga maqan yihiin hana ogaadaan samater ragiisu inay xoog ku leeyahiin waqooyi iyagoo ku aamusnaa waxii aad u geysateen markii dawladu dhacday inay tani kicin u tahay, ayna ka ficil qaadanayaa inta qof ka nool yahay haddii aanu Isaaqu joojin ul ceel ku dayga, ha la wada xisaabtamo qolo walbina diyaar ha la ahaato waxii ay geysatey, waxaan hubaa in dulmigan qaawani abuuri doono isgaanshaan buuraysi dadka reer waqooyiga ah ee aan isaaqa ahayn oo og waxa ay mudan doonaan isaaq oo dawlada loo aqoonsado iyagoo gabol soomaaliya ka mid ah ah ayey waxan wadaane.

wabilaahi towfiiq

Hussein Farah
minneapolis usa
email caloowe1@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD