Sidaan la wada socono muddadii ay dhisnayd dawladii soomaaliya waxaa xilal ka soo
qabtay dad aad u tira badan,waxayna dhammaantood wada ahaayeen dad u dhaartay sidii
ay wadanka iyo dadka wax ugu qaban lahaayeen,runtiina qof kasta oo dadkaas ka mid
ahi waxii uu wadanka u qabtay taariikhda ayey ugu jirtaa,nasiib daraduse waxay tahay
bulshadeenu qofka kuma qiimeeyaan kartidiisa iyo waxqabadkiisa ee waxay ku
qiimeeyaan qabiilkiisa, qofka xumi waxuu bulshada dhexdeeda wax xun uga sameeyaa
isagoo aad ugu kalsoon qabiilkiisa ogna inay khalad iyo saxba ku garab is
taagayaan,iyagoo meel iska dhigay cadaaladii diinteenu ina faraysay,waxaa dad badani
isla qirsan yihiin Samatar ahaa dadkii ugu sumcada badnaa dadkii ay isku tareenka
wada saaraayeen, haddii qof lagu qiimeeyo kartidiisa iyo wax qabadkiisa oo aan lagu
qiimayn qabiilkiisa sida soomaalidu wax u qiimayso.
Samatar waxuu ahaa qof dhexdhexaad ah oo aan ka dhalan dadyawga qabiilku shaqada u
yahay ama caymiska ,lagumana eedayn karo inay saamayn ku yeelatay loolanka
qabiilooyinka waaweyni, waqtigan xaadirka ah waxaa soomaaliya jooga dad badan oo
dunuub ka galay dadka iyo dalka mana jiro qabiil farta ku fiiqayaa sidaas ayaa lagu
jecelyahay waayo dembiileyaashoodu waa halyeyo ay ugu yeeraan waa nin loo geli
karin,waxaa keliya oo lagu tijaabiyaa in cadaaladu shaqaynayso kooxaha yaryar oo aan
lahayn caymis qabiil oo aad u xoog badan, hadaba markii aan ka fekeray waxa cali
samatar loogu doortay in cadaalada sida ay u shaqayso lagu tijaabiyo waa iyadoo la
aaminsan yahay inaan Samatar ka dhalan qabiil xoog leh oo lagu tixgeliyo dad ay
laayeen, gobolo ay qabsadeen iyo isagoon ka dhalan qabiil leh jabhad hubaysan,waa la
soconaa in awood qaybsiga soomaalidu hadda ku xiran yahay sida qabiilkaas dhibtiisa
looga baqo, lamana aqoonsado qofku haddii aanu dhiig daadin.
Dadyawga samatar ka dhashay waxay qabeen dhib dawladii dhacday ka hor iyo ka diba,
dhibtoodana waxaad ka arki kartaa sida ay uga qatan yihiin waxyaabaha ay bulshada
ula siman yihiin dhan walba, waxaa barayahan la sheegay inay dadka gabooyaha ah ee
ku nool somaliland ay bilaabeen inay wadanka ka qaxaan waxaana taas sababtay
waxyaabaha ay maalin walba la kulmaan.
Sharci ahaan waxuu adduunku qaxooti u aqoonsanyahay qof wadankiisii ka cararay
iyadoo ay haystaan qodobadan soo socda mid ka mid ahi:
1-Qofka oo loo dhibo qabiilka uu yahay meesha uu ka soo jeedo.
2-Qofka oo loo dhibo diinta uu haysto darteed.
3-Qofka oo loo dhibo waxa uu aaminsanyahay,rayigiisa .
4-Qofka oo loo dhibo siyaasad ahaan ,xukun uu ka mid yahay darteed
5- Qofka oo loo dhibo koox uu ka tirsan yahay.
Hadaba waxaa is weydiin leh qolada
dadkan ku xigi doonta ee Somaliland ka qaxi doonta, runtii waxaa booskaas sugaaya
dadyawga laga tirada badan yahay ee ku nool Somaliland ee aan Isaaqa ahayn,waxaa
hubaal ah inay jiraan dad cadaawad ka dhex abuuraaya shacbiga soomaaliland ee nabada
ku deganaa rabana in qolo walbi ay usugu ururto degaan gaar ah maadaama is aaminkii
dhintay,Somalilandna ku guuldaraysatay inay daboosho xaquuqda muwaadiniintooda.
Hussein Farah Minneapolis
caloowe1@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan