SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Maxkamad Maraykan ah oo Soo Cusboonaysiisay Dacwad Ka Dhan ah Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Samatar....

USA | Janaayo 10, 2009

ALEXANDRIA, Va. —  Maxkamadda Dhexe ee Rafcaanka ayaa soo cusboonaysiisay dacwad madani ah (Lawsuit) ku saabsan xuquuqul Insaanka oo ka dhan ah ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey dilal iyo xadgudubyo.

Ali Samatar
Siyaad Barre oo la hadlaya Cali Samatar | Oct 21, 1983

Maxkamadda Rafcaanka ee Richmond ee loo yaqaan (4th U.S. Circuit Court) ayaa Khamiistii (Jan 8, 2009) waxay xeerisey in mudacayaashu (dhibanaayaashu) ay dacwad  ku oogi karaan Maxamed Cali Samatar oo ku nool magaalaada Fairfax, Va., kaas oo ahaan jirey wasiirka Gaashaan dhigga iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sanadihii 1980-naadkii iyo horaantii 1990-naadkii xilligii Siyaad Barre, sida ay weriyeen warbaahinta Maraykanku.

Dacwadda madaniga ah waxay Maxamed Cali Samatar  ku eedayneysaa in uu masuul ka ahaa dilaal, kufsi iyo ciqaab, ay ku jiraan biyo-ku-hafin, uu u geystey dadkiisa xilligii uu awoodda haystey, gaar ahaan beelaha aan jaalka la ahayn, ayey qortay AP.

Sannadkii 2004 ayaa dacwaddan waxaa la geeyey maxkamadda dhexe ee magaalada Alexandria, Va., ayadoo la cuskanayo xeerka Maraykanka ee Difaacidda Dadka Dhibanayaasha ah ee La ciqaabay (Torture Victim Protection Act). Laakiin sannadkii 2007 ayaa dacwadaas waxaa tuuray ama diidey Qareenka Degmada ee magaciisa la yiraahdo Judge Leonie Brinkema isagoo xeeriyey in Maxamed Cali Samatar uu xaq u leeyahay difaacid (caaganaan) isagoo cuskaday Qaanuunka kale oo Maraykanka oo ah xeerka loo yaqaan Foreign Sovereign Immunities Act.

Laakiin Maxkamadda Rafcaanka (4th U.S. Circuit) ayaa Jan 8, 2009 xeerisey in Qaanuunkaasi uusan khusayn shakhsiyaadka, balse uu khuseeyo Dawladaha iyo hay'adahoose (wakiiladooda).

Xeerkaas waxaa ku kala qaysan Maxkamadaha Dhexe ee Rafcaanka ee Federaalka. Tusaale ahaan Maxkamadda Rafcaanka California ee loo yaqaan  (9th U.S. Circuit Court) waxay xeerisaa in shakhsiyaadku ay xaq u leeyihiin xeerkaas ama ay soo hoos gelayaan xeerkaasi in uu kaafi yeelo - waa xeerka Foreign Sovereign Immunities Act.

Qareenka Maxamed Cali Samatar, oo magaciisa la yiraahdo Fred B. Goldberg, waxa uu Jimcadii (Jan 9, 2009) sheegay in uu damacsan yahay in dacwaddaas Rafcaan ka dalbado - waxa uu weydiiyey Maxkamadda 4th Circuit in mar-labaad la dhegeysto ama uu rafcaanka u dirayo Maxkamadda Sare ee Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court. Maadaama ay jirto kala fikir duwanaan la xiriirta xeerkaas oo ay ku kala qaysan yihiin Maxkamadaha Dhexe ee Maraykanku ayaa waxay arrinta ka dhigeysaa in ay maxkamadda Sare ee Supreme Court  ay aqbasho in ay dhegeysto rafcaanka, ayuu yiri qareenku. Cali Samatar waraysi ma siin AP.

Pamela Merchant - oo ah madaxa sare xarunta Justice & Accountability oo fadhigeedu yahay San Francisco, oo ah tan dacwadda soo oogtey iyadoo kawakiil ah dhawr Soomaali ah oo mudaciin ah, ayaa sheegtay in ay macne samayneyso in Cali Samatar oo Maaraykanka ku noolaa muddo 10 sano ah in lagu oogo sharciga Maraykanka.

"Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in kuwa ku xad gudba xuquuqul Insaanka oo gabbaad u yimaada Maraykanka in maxkamadaha Maraykanku ay ku soo oggaan wixii ay masuulka ka ahaayeen," ayey tiri.

Xeerintii (Jan 8, 2009) ee maxkamadda Rafcaanku waxa uu ahaa mid ay qareemadii maxkamaddaasi (4th Circuit) isku raaceen. Qareen Judge William B. Traxler, (oo uu magacaabay Bill Clinton) waxaa fikirkiisa ku raacay Judge Robert B. King, (oo uu magacaabay Clinton). Judge Allyson Kay Duncan (oo uu magacaabay George W. Bush) waxa uu qoray fikir taas raacsan oo qodob yar uun kaga duwan, ayey tiri AP.

Maxkamadda Rafcaanku waxay Jan 8, 2009 daabacday Xeerin ka kooban 23 bog. Waxaana ku astaaysan dadka dacwadda oogaya oo kala ah BASHE ABDI YOUSUF, AZIZ DERIA, iyo 4-Qof oo kale iyo nin sarkaal ah oo magacyadooda la qariyey. Waxaana is-difaacaya oo lagu mudacayaa MOHAMED ALI SAMANTAR.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009 + warbaahinta...

Qoraaladii 2004 ee dacwadda hoos ka akhri...



::DOORKA SUXUFIGA SOMALIA::

Saxufiyiinta Somaliland & Puntland: Ma Xorbaa Mise Xabsi Bey Ku Jiraan?.. Guji...
:::SOOMAALIDA MINNESOTA :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
:WAFTIGA REER CALI SAMATAR:

Wafti ka socda Reer Cali Samatar oo booqasho ku maraya magaalooyin ka tirsan Maraykanka oo hadda soo gaarey Minnesota ... Guji...

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda Kunool Maraykanka oo Dacwad Lagu Soo oogey

  • Waxaa dacwad taas la mid ah lagu soo oogey Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh "Tuke")

USA | November 12, 2004

ALEXANDRIA, Va. Warar ay November 12, 2004 faafiyeen warbaahinta Maraykanku ayaa shaaca ka qaaday in dacwad lagu soo oogey ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda ku nool magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, dacwadaas oo sida warku sheegay ah mid la xiriirta 'fal-dembiyeed dagaal' [War Crime], kuwaas oo dhacay intii uu cali Samatar ahaa Wasiirka Difaaca iyo Ra'uusul wasaaraha Soomaaliya.

Mohamed Ali Samatar waxa uu madaxweyne kuxigeen iyo wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ahaa 1980 ilaa 1987, kaddibna ra'iisul wasaare 1987  ilaa 1990, xiligaas oo ay dalka ka talineysey xukuumada maxamed Siyaad barre.

Bashe Abdi Yousuf, oo hadda ku nool Atlanta, Georgia, oo kamid ah dadka dacwada oogaya waxa uu yiri" Sannadkii 1982 ayaa la igu soo eedeeyay in aan ku kacay khiyaamo qaran [high treason] waxaana la igu xukumay 20 sano". Markii la xirayna laba jeer ayaa koronto lagu dhegiyey "electric shock" iyo in laba jeer uu miyiri beelay kadib markii inta sanka la qabtay afka biyo laga qulaamiyey, waa sida dacwada ku qorane. Waxaana uu Bashe yiri 'Waxaan rajaynaya in dacwadani [Lawsuit] ay dhambaal u dirto dadka dembiga ka galay xuquuqda aadamiga iyo in ay mas'uul k anoqdaan cawaaqibkeeda iyo in Maraykanku uusan magan gelin dadka ku kacay falal dembiyeedka dhanka ka ah xuquuqda aadamiga". Waxana uu intaas ku daray "Anigu dhibaatadaas waa ka soo badbaadey laakiin waxaa jira dad badan oo aan kasoo sabata bixin". Bashe waxa uu hadda haystaa dhalasha Maraykanka. Bashe waxa uu dacwada ku oogayaa Cali Samatar, waxaa kale oo mudiciyiinta ka mid ah ugu yaraan shan qof oo kale oo magacyadooda la qariyey.

Waxaa kale oo dacwad lagu soo oogey Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh "Tuke") oo asaguna ku nool ALEXANDRIA, VA. waxana uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidankii soomaaliya oo lagu soo eedeeyay in ciidankii uu madaxda ka ahaa ay geysteel falal ay ka mid yihiin dilal, ciqaabo iyo jir-dil ama garaacid. Taas oo warku sheegay in dadka la garaacay ay ku jirtey qof dumar ah oo uur leh oo sidii loo garaacayey ilmihii soo tuurtay, qoftaas dumarka ah oo xabsi la geliyey muddo lix sano ah ayaa kamid ah dadka hadda dacwada kusoo oogey sarkaalka.

Yusuf Cabdi Cali waxa uu ahaa taliyaah qaybta 5aad ee ciidankii Qalabka sidey ee Soomaaliya 1984 ilaa 1989.

Yusuf Cabid waxaa laga saaray Dalka Canada October 1992. Waxana uu sannadkii 1993 dalbaday deganaanshaha Maraykanka. Waa loo diidey waxana uu Kenya ku laabtay 1994. Laakiin waxaa loo ogolaaday in uu kusoo laabto USA sannadkii 1996, halkaas oo ay degan tahay xaaskiisa oo haysata dhalasho maraykan ah. Waa sida ku cad qolaalka dacwada.

Wargeyska seattlepi waxa uu sheegay  in aan looga jawaabin telefoon uu wargeysku u diray guriga Cali Samatar. Cabdi Calina waxa uu diidey in uu wargeyska war u sheego ilaa uu la hadlayo qareen, waa sida wargeysku qoraye.

Waxaa dacwadan maxkamada ka diiwaan geliyay "Center for Justice and Accountability" oo u dooda xuquuda aadamiga. Waxaana dacwada la diiwaan geliyay: 10 Nov 2004.

  • Dacwada dhanka ka ah cali Samatar: oo ka kooban 36 bog Ka akhri Halkan.. Guji.. [PDF]
  • Dacwada dhanka ka ah Yusuf Cabdi 'Tokeh' oo ka kooban 27 bog ka eeg halkan... Guji [PDF]
  • XUSUUS: Si aad qoraalada PDF-ka ah u akhridid waxaad u baahan tahay acrobat reader.. [waa haddii uusan computerkaaga horay ugu jirin Adobe Acrobat]

ISHA SAWIRADA: seattlepi | CJA

Faafin: SomaliTalk.com | 12/11/2004

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS